1 Taariikhdii 1:1
¶ Aadan, Seed, Enoos,
¶ Aadan, Seed, Enoos,
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
2Qiinaan, Mahalaleel, Yaared,
3Enoog, Metushelax, Lameg,
4Nuux, Sheem, Xaam, iyo.
25¶ Aadanna naagtiisii mar kale ayuu u tegey; waxayna dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Seed, iyadoo leh, Ilaah abuur kaluu ii soo dhigay Haabiil meeshiisii; waayo, Qaabiil baa dilay isagii.
26Seedna waxaa u dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Enoos; markaasaa dadkii waxay bilaabeen inay Rabbiga ku baryaan magiciisa.
22iyo Ceebaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa,
23iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab. Kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.
24¶ Sheem, Arfaksad, Sheelaah,
25Ceeber, Feleg, Recu,
26Seruug, Naaxoor, Terax,
35kan ahaa ina Seruukh, kan ahaa ina Ragaw, kan ahaa ina Faleg, kan ahaa ina Xeber, kan ahaa ina Salah,
36kan ahaa ina Qaynaan, kan ahaa ina Arfaksad, kan ahaa ina Sheem, kan ahaa ina Nuux, kan ahaa ina Lameg,
37kan ahaa ina Metushelax, kan ahaa ina Enoog, kan ahaa ina Yaared, kan ahaa ina Mahalaleel, kan ahaa ina Qaynaan,
38kan ahaa ina Enoos, kan ahaa ina Seed, kan ahaa ina Aadan, kan ahaa ina Ilaah.
1¶ Kanu waa buuggii farcankii Aadan. Maalintii Ilaah ninkii abuuray, ekaanta Ilaah buu ka sameeyey isagii;
2wuxuu abuuray iyagoo lab iyo dhaddig ah; wuuna barakeeyey iyagii, magacoodiina wuxuu u bixiyey Aadan maalintii iyagii la abuuray.
3Aadanna wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay wiil isagii u eg oo araggiisii leh; magiciisiina wuxuu u bixiyey Seed.
4Aadanna markuu Seed dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood; wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
5Wakhtigii Aadan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo soddon sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
6¶ Seedna wuxuu jiray boqol iyo shan sannadood, wuxuuna dhalay Enoos.
7Seedna markuu Enoos dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
8Wakhtigii Seed noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo toban sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
9¶ Enoosna wuxuu jiray sagaashan sannadood, wuxuuna dhalay Qaynaan.
10Enoosna markuu Qaynaan dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo shan iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
11Wakhtigii Enoos noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo shan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
17¶ Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam, iyo Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mesheg.
18Oo Arfaksad wuxuu dhalay Sheelaah, Sheelaahna wuxuu dhalay Ceeber.
19Oo Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil, mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg, waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay, magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan.
20Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah,
18Enoogna waxaa u dhashay Ciiraad, Ciiraadna wuxuu dhalay Mexuuya'el, Mexuuya'elna wuxuu dhalay Metuusha'el, Metuusha'elna wuxuu dhalay Lameg.
1¶ Kanu waa kitaabkii abtirsiinyada Ciise Masiix, ina Daa'uud, ina Ibraahim.
2¶ Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub, Yacquubna wuxuu dhalay Yahuudah iyo walaalihiis,
13Kancaanna wuxuu dhalay Siidoon oo curadkiisii ahaa, iyo Xeed,
14iyo reer Yebuus, iyo reer Amor, iyo reer Girgaash,
1¶ Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.
1¶ Haddaba waa kuwan magacyadii wiilashii Israa'iil, oo Masar yimid; nin walba iyo reerkiisiiba waxay la yimaadeen Yacquub.
10¶ Oo Nuux wuxuu dhalay saddex wiil oo ahaa Sheem, iyo Xaam iyo Yaafed.
1¶ Waxayna noqotay, markii ay bilaabatay in dadku ku bataan dhulka oo ay gabdho u dhashaan,
1¶ Haddaba kuwanu waa farcankii wiilashii Nuux, kuwaas oo ahaa Sheem, Xaam iyo Yaafed: oo wiilal baa u dhashay iyaga daadkii dabadiis.
18¶ Yaaredna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Enoog.
1¶ Ninkiina naagtiisii Xaawa ahayd buu u tegey; wayna uuraysatay, oo Qaabiil bay dhashay, oo waxay tidhi, Wiil baan ku helay Rabbiga caawimaaddiisa.
21¶ Enoogna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Metushelax.
22Enoogna wuxuu la socday Ilaah saddex boqol oo sannadood markuu Metushelax dhalay ka dib, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
26Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah;
24Arfaksadna wuxuu dhalay Salah; Salahna wuxuu dhalay Ceeber.