43¶ Haddaba kuwanu waa boqorradii u talin jiray dalka reer Edom, intaan boqorna u talin reer binu Israa'iil, Belac ina Becoor, oo magaaladiisana magaceeda waxaa la odhan jiray Dinhaabah.
44Markaasaa Belac dhintay oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa.
45Markaasaa Yoobaab dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Xushaam oo ka yimid dalka reer Teemaan.
46Markaasaa Xushaam dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Hadad ina Bedad, kaasoo Midyaan ku dilay beertii Moo'aab dhexdeeda, oo magaaladiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Cawiid.
47Markaasaa Hadad dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Samlah oo ahaa reer Masreqah.
48Markaasaa Samlah dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Shaa'uul oo ka yimid Rexobod oo Webiga ku ag tiil.
49Markaasaa Shaa'uul dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Bacal Xaanaan ina Caqboor.