1 Taariikhdii 1:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wiilashii Yaawaanna waxay ahaayeen Eliishaah, iyo Tarshiish, iyo Kitiim, iyo Rodaaniim.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 24:24 : 24 Laakiinse doonniyo waxay ka iman doonaan xeebta Kitiim, Oo waxay dhibi doonaan Ashuur, oo waxay dhibi doonaan Ceeber, Oo isna wuu halligmi doonaa.
  • Sab 72:10 : 10 Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro, Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.
  • Ish 23:1 : 1 ¶ Kanu waa warka culus ee Turos ku saabsan. Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, way baabba'day, guri iyo irid la galo midna ma leh, waxaana iyaga looga muujiyey dalka Kitiim.
  • Ish 23:12 : 12 Oo isagu wuxuu yidhi, Dadka Siidoon oo ah sida bikrad la nijaaseeyeyow, mar dambe ma farxi doontid. Kac, oo xagga Kitiim u gudub, oo xataa halkaasna nasasho kama heli doontid.
  • Ish 66:19 : 19 Oo waxaan dhexdooda ka taagi doonaa calaamad, oo kuwooda baxsan doonana waxaan u diri doonaa quruumaha, kuwaasoo ah Tarshiish, iyo Fuul iyo Luudka qaansada xooda, iyo Tubal iyo Yaawaan, iyo gasiiradaha fog, oo aan weligood warkayga maqal oo aan ammaantaydana arag, oo iyana ammaantayday quruumaha ka dhex sheegi doonaan.
  • Yer 2:10 : 10 Waayo, bal u gudba xagga gasiiradda Kitiim, oo bal wax eega, oo xagga Qedaarna cid u dira, oo aad u fiirsada, oo bal eega hadday waxaas oo kale halkaas jiraan.
  • Daan 11:30 : 30 waayo, doonniyaha Kitiim ayaa soo weerari doona; oo sidaas daraaddeed ayuu u quusan doonaa, oo u noqon doonaa, oo wuxuu u cadhoon doonaa axdiga quduuska ah oo siduu doonayo ayuu yeeli doonaa, oo xataa wuu noqon doonaa, wuuna u fiirsan doonaa kuwa ka taga axdiga quduuska ah.
  • Yex 27:6 : 6 Waxay seebab kaaga sameeyeen geedihii alloonka ee Baashaan, oo kursiyadaadiina waxay ka sameeyeen alwaax gasiiradaha Kitiim laga keenay oo foolmaroodi lagu sharxay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 10:1-7
    7 aayado
    95%

    1¶ Haddaba kuwanu waa farcankii wiilashii Nuux, kuwaas oo ahaa Sheem, Xaam iyo Yaafed: oo wiilal baa u dhashay iyaga daadkii dabadiis.

    2¶ Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas.

    3Wiilashii Gomerna waxay ahaayeen Ashkenas, iyo Riifad, iyo Togarmaah.

    4Wiilashii Yaawaanna waxay ahaayeen Eliishah, iyo Tarshiish, iyo Kitiim iyo Dodaaniim.

    5Kuwaasay jasiiradihii quruumuhu ugu kala qaybsameen waddammadoodii, dad kasta sidii afkoodii, iyo qabiilooyinkoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.

    6¶ Wiilashii Xaamna waxay ahaayeen Kuush, iyo Misrayim, iyo Fuud, iyo Kancaan.

    7Wiilashii Kuushna waxay ahaayeen Sebaa, iyo Xawiilaah, iyo Sabtaah, iyo Racmaah, iyo Sabteka: wiilashii Racmaahna waxay ahaayeen Shebaa, iyo Dedaan.

  • 1 Taar 1:4-6
    3 aayado
    83%

    4Nuux, Sheem, Xaam, iyo.

    5¶ Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas.

    6Wiilashii Gomerna waxay ahaayeen Ashkenas, iyo Diifad, iyo Togarmaah.

  • 1 Taar 1:8-9
    2 aayado
    77%

    8¶ Wiilashii Xaamna waxay ahaayeen Kuush, iyo Misrayim, iyo Fuud iyo Kancaan.

    9Wiilashii Kuushna waxay ahaayeen Sebaa, iyo Xawiilaah, iyo Sabtaa, iyo Racmaah, iyo Sabteka. Wiilashii Racmaahna waxay ahaayeen Shebaa iyo Dedaan.

  • 76%

    16iyo reer Arwaad, iyo reer Semaar, iyo reer Xamaad.

    17¶ Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam, iyo Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mesheg.

  • 74%

    20Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah,

    21iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah,

    22iyo Ceebaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa,

    23iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab. Kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.

    24¶ Sheem, Arfaksad, Sheelaah,

  • Bil 10:26-27
    2 aayado
    72%

    26Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah;

    27iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah;

  • 22Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam.

  • 35¶ Wiilashii Ceesawna waxay ahaayeen Eliifas, iyo Recuu'eel, iyo Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax.

  • 4Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer.

  • 29iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab: kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.

  • 10¶ Oo Nuux wuxuu dhalay saddex wiil oo ahaa Sheem, iyo Xaam iyo Yaafed.

  • 10Farcankii Yediica'eelna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo wiilashii Bilhaan oo ahaa Yecuush iyo Benyaamiin, iyo Eehuud, iyo Kenacanaah, iyo Seetaan, iyo Tarshiish, iyo Axiishaxar.

  • 42Wiilashii Eeserna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Yacaqaan. Wiilashii Diishaanna waxay ahaayeen Cuus iyo Araan.

  • 18iyo reer Arwaad, iyo reer Semaar, iyo reer Xamaad: dabadeedna qabiilooyinkii Kancaan way kala firdheen.

  • 1 Taar 2:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Kuwanu waa Israa'iil wiilashiisii, oo waxay ahaayeen Ruubeen, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun,

    2iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.

  • 31Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Sheem; sidii qabiilooyinkoodii, iyo afafkoodii, iyo waddammadoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.

  • 2Ruubeen, Simecoon, Laawi iyo Yahuudah,

  • 10Waayo, bal u gudba xagga gasiiradda Kitiim, oo bal wax eega, oo xagga Qedaarna cid u dira, oo aad u fiirsada, oo bal eega hadday waxaas oo kale halkaas jiraan.