1 Taariikhdii 11:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxyaalahan waxaa sameeyey Benaayaah oo ahaa ina Yehooyaadaac, oo isna saddexdii nin ee xoogga badnaa magac buu ku lahaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 94%

    17Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ha iga fogaato inaan saas yeelo; ma waxaan cabbaa dhiiggii raggii naftooda biimeeyey? Sidaas daraaddeed wuu diiday inuu cabbo. Oo saddexdii nin oo xoogga badnaana saasay yeeleen.

    18Oo saddexdoodana waxaa madax u ahaa Abiishay oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo ay Seruuyaah dhashay. Oo kaasu wuxuu waran u qaatay saddex boqol oo nin, wuuna wada laayay, saddexdiina magac buu ku lahaa.

    19Isagu miyaanu saddexdooda ugu ciso badnayn? Sidaas daraaddeed waxaa looga dhigay sirkaal, habase yeeshee saddexdii hore ma uu gaadhin.

    20Oo Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo uu dhalay nin xoog weyn oo reer Qabse'eel ahu, kaasoo sameeyey falimo waaweyn, wuxuu dilay labadii wiil oo Arii'eel kii reer Moo'aab, oo haddana wuu tegey oo libaax buu god ku dhex dilay wakhtiga barafka,

    21oo wuxuu kaloo dilay nin Masri ah oo dheer, oo Masriguna wuxuu gacanta ku haystay waran, laakiinse isagu wuxuu ula tegey ul, oo warankii ka dhufsaday gacantii Masriga, oo isagii ku dilay warankiisii.

    22Oo waxyaalahan waxaa sameeyey Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna saddexdii nin ee xoogga badnaa magac buu ku lahaa.

    23Oo weliba isagu wuu ka ciso badnaa soddonka, laakiinse ma uu gaadhin saddexdii hore. Oo Daa'uudna wuxuu isaga madax uga dhigay lataliyayaashiisii.

  • 80%

    19Oo wuxuu yidhi, Anigu inaan saas yeelo Ilaahaygu ha ii diido, ma waxaan cabbaa dhiiggii nimankan naftooda biimeeyey? Waayo, iyagu biyahan waxay ku keeneen naftoodii oo halis ku jirta. Sidaas daraaddeed wuu diiday inuu cabbo. Oo saddexdii nin oo xoogga badnaana saasay yeeleen.

    20Oo saddexdoodana waxaa madax u ahaa Abiishay oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, waayo, isagu wuxuu warankiisa u qaaday saddex boqol oo nin, wuuna laayay, saddexdiina magac buu ku lahaa.

    21Oo isagu labada kaleba wuu ka ciso badnaa, oo waxaa looga dhigay sirkaal, habase yeeshee saddexdii hore ma uu gaadhin.

    22Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo uu dhalay nin xoog weyn oo reer Qabse'eel ahu, kaasoo sameeyey falimo waaweyn wuxuu dilay labadii wiil oo Arii'eel kii reer Moo'aab, oo haddana wuu tegay oo libaax buu god ku dhex dilay wakhtiga barafka,

    23oo wuxuu kaloo dilay nin Masri ah oo ahaa nin aad u dheer, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun, oo Masriguna wuxuu gacanta ku haystay waran le'eg dharsameeyaha looxiisa, oo isna wuxuu ula tegey ul, oo warankii ka dhufsaday gacantii Masriga, oo isagii ku dilay warankiisii.

  • 80%

    25Oo bal eeg, isagu wuu ka ciso badnaa soddonka, laakiinse ma uu gaadhin saddexdii hore, oo Daa'uudna wuxuu isaga madax uga dhigay lataliyayaashiisii.

    26¶ Oo weliba raggii ciidammada ku jiray oo xoogga badnaa waxay ahaayeen Casaaheel oo Yoo'aab walaalkiis ahaa, iyo Elxaanaan oo ahaa ina Doodoo oo reer Beytlaxam ahaa,

  • 77%

    5Oo sirkaalkii saddexaad ee ciidanka oo bishii saddexaad bixi jirayna wuxuu ahaa Benaayaah oo madax ahaa oo ahaa ina wadaadkii ahaa Yehooyaadaac, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

    6Oo kaasu waa Benaayaah oo ahaa kii ugu xoog badnaa soddonkii, oo weliba soddonka madax u ahaa, oo kooxdiisana waxaa ku jiray wiilkiisii Cammiisaabaad.

  • 35iyo Benaayaah, iyo Beedyaah, iyo Keluux,

  • 74%

    10¶ Haddaba kuwanu waa kuwii u horreeyey ee nimankii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay, kuwaasoo ismuujiyey inay isaga iyo boqortooyadiisa aad iyo aad ula jiraan si ay boqor uga dhigtaan iyadoo reer binu Israa'iil oo dhammu ay la wada jiraan, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo reer binu Israa'iil ku saabsanaa.

    11Oo tanuna waa tiradii raggii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay: Yaashaabcaam oo ahaa reer Xakmoonii oo ahaa ka ugu horreeya soddonka, isagu wuxuu warankiisa u qaaday saddex boqol oo nin, oo isku mar buuna laayay.

    12Oo isaga dabadiisna waxaa jiray Elecaasaar ina Doodoo, oo ahaa reer Axoo'ax, oo isna wuxuu ahaa saddexdii nin oo xoogga badnaa midkood.

  • 23¶ Haddaba Yoo'aab wuxuu u sarreeyey ciidanka reer binu Israa'iil oo dhan; Benaayaah oo ahaa ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii.

  • 14Oo sirkaalkii kow iyo tobnaad ee bishii kow iyo tobnaad bixi jirayna wuxuu ahaa Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon, oo ka ahaa reer Efrayim, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

  • 17Oo Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u taliyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii, oo Daa'uud wiilashiisuna waxay ahaayeen madaxda boqorka u dhow.

  • 73%

    29iyo Xeeleb ina Bacanaah oo ahaa reer Netofaah, iyo Itay ina Riibay oo ahaa reer Gibecaah oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin;

    30iyo Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon, iyo Xidday oo ka yimid durdurradii Gacash;

  • 72%

    34Markaasaa Benaayaah ina Yehooyaadaac tegey, oo intuu ku kor dhacay ayuu dilay, oo waxaa lagu aasay gurigiisii cidlada ku yiil.

    35Markaasaa boqorkii wuxuu meeshiisii ku beddelay oo ciidankii madax uga dhigay Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo meeshii Aabyaataarna wuxuu ku beddelay wadaadkii Saadooq ahaa.

  • 25Markaasaa Boqor Sulaymaan u diray Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna wuu dilay, Adoniiyaahna waa dhintay.

  • 31iyo Iitay ina Riibay oo ahaa reer Gibecaah oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin, iyo Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon,

  • 18Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u taliyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii, oo Daa'uud wiilashiisuna waxay ahaayeen wasiiro.

  • 30Markaasaa Benaayaah Teendhadii Rabbiga soo galay oo ku yidhi, Boqorkii wuxuu leeyahay, Soo bax. Isna wuxuu yidhi, Maya, laakiinse halkanaan ku dhimanayaa. Oo Benaayaah haddana boqorkii buu u war keenay oo ku yidhi, Yoo'aab saasuu yidhi, oo saasuu iigu jawaabay.

  • 2 Sam 23:8-9
    2 aayado
    69%

    8¶ Kuwanu waa magacyadii nimankii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay: Yoshebbashebed oo ahaa reer Taxkemon, oo saraakiisha madax u ahaa, kaasoo ahaa Cadiinoo kii reer Cesen, oo warankiisa u qaaday siddeedda boqol oo isku mar qudha dilay.

    9Oo kaas dabadiisna waxaa jiray Elecaasaar ina Dooday, oo ahaa reer Axoo'ax, oo kaasu wuxuu ahaa saddexdii nin oo Daa'uud la jirtay midkood, markay caayeen reer Falastiin oo halkaas isugu urursaday inay la diriraan, oo ay dadkii reer binu Israa'iilna mar hore sii tageen.

  • 4Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey ciidanka; oo Saadooq iyo Aabyaataarna waxay ahaayeen wadaaddo;

  • 68%

    3Oo waxaa madax ahaa Axiiceser, dabadeedna Yoo'aash, oo ahaa ina Shemaacaah oo ahaa reer Gibecaad, iyo Yesii'eel iyo Feled oo ahaa wiilashii Casmaawed, iyo Beraakaah, iyo Yeehuu oo ahaa reer Canaatood,

    4iyo Yishmacyaah oo ahaa reer Gibecoon oo ahaa nin xoog badan oo soddonka ka mid ahaa, oo weliba soddonka ka wada sarreeyey, iyo Yeremyaah, iyo Yaxasii'eel, iyo Yooxaanaan, iyo Yoosaabaad oo ahaa reer Gedeeraad,

  • 34Oo Axiitofelna waxaa ku xigay Yehooyaadaac ina Benaayaah, iyo Aabyaataar, oo boqorka ciidankiisana waxaa sirkaal u ahaa Yoo'aab.

  • 39iyo Seleq oo ahaa reer Cammoon, iyo Naxaray oo ahaa reer Beerod, oo ahaa kii gaashaanka u qaadi jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay,

  • 29Oo reer Benyaamiin oo ahaa Saa'uul walaalihiisna waxaa ka joogay saddex kun oo nin, waayo, ilaa waagaas iyaga intoodii badnayd waxay daacad u sii ahaayeen reerkii Saa'uul.

  • 36iyo Eliyooceenay, iyo Yacaqobaah, iyo Yeshooxaayaah, iyo Casaayaah, iyo Cadii'eel, iyo Yesiimi'eel, iyo Benaayaah,

  • 22Afartaasu waxay Rafaa ugu dhasheen Gad; oo waxay ku dhinteen Daa'uud gacantiisii, iyo gacantii addoommadiisa.

  • 8Kuwanu waxay Rafaa ugu dhasheen Gad, oo waxay ku dhinteen Daa'uud gacantiisii iyo gacantii addoommadiisa.

  • 17Oo reer Benyaamiinna waxaa ka joogay Elyaadaac oo ahaa nin xoog badan, oo isna waxaa la jiray laba boqol oo kun oo nin oo sita qaanso iyo gaashaan,

  • 9Oo iyaga waxaa madax ahaa Ceser, Cobadyaahna wuxuu ahaa kii labaad, Elii'aabna kii saddexaad,

  • 46Sidaas daraaddeed ayaa boqorkii amray Benaayaah ina Yehooyaadaac; kolkaasuu isna tegey oo dilay Shimcii, wuuna dhintay. Oo boqortooyadiina waxay ku sii dhisnaatay gacantii Sulaymaan.

  • 36Markaasaa Benaayaah ina Yehooyaadaac boqorkii ugu jawaabay, Aamiin, oo saas ha yidhaahdo Ilaahaagu, Boqorow, sayidkaygiiyow.

  • 1¶ Haddaba intanu waa kuwii Daa'uud ugu yimid Siiqlag, intuu weli ka dhumanayay Saa'uul ina Qiish, oo iyagu waxay ku jireen ragga xoogga badan oo la dagaal galay.

  • 24Oo kuwii reerahooda madaxda u ahaana waxay ahaayeen Ceefer, iyo Yishcii, iyo Elii'eel, iyo Casrii'eel, iyo Yeremyaah, iyo Hoodawyaah, iyo Yaxdii'eel, oo intaasu waxay wada ahaayeen rag xoog badan oo magac leh oo reerahooda madax u ah.

  • 32Oo Boqor Daa'uudna wuxuu yidhi, Iigu yeedha wadaadka Saadooq ah, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo iyana boqorkay hor yimaadeen.

  • 31Laakiinse addoommadii Daa'uud wax bay reer Benyaamiin iyo raggii Abneer ka laayeen, oo waxaa ka dhintay saddex boqol iyo lixdan nin.