1 Taariikhdii 14:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey oo yidhi, Miyaan reer Falastiin ku kacaa? Miyaad ii soo gacangelinaysaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Haah, ku kac, waayo, iyaga waan kuu soo gacangelinayaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 3:6 : 6 Jidadkaaga oo dhan isaga ku qiro, Oo isna waddooyinkaaguu toosin doonaa.
  • Xaak 4:6-7 : 6 Oo iyana cid bay u dirtay, oo Baaraaq ina Abiinocam ayay uga yeedhay Qedesh Naftaali, oo waxay ku tidhi, Miyaan Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu kugu amrin, oo kugu odhan, Tag oo u dhowow Buur Taaboor, oo waxaad kaxaysataa toban kun oo nin oo ah reer Naftaali iyo reer Sebulun? 7 Oo anna waxaan Webi Qiishoon kuugu soo dhowayn doonaa Siiseraa oo ah sirkaalka ciidanka Yaabiin, isaga iyo gaadhifardoodkiisa iyo dadkiisa badanba oo gacantaadaan gelin doonaa.
  • 1 Sam 23:2-4 : 2 Sidaas daraaddeed Daa'uud Rabbiguu wax weyddiistay oo yidhi, Miyaan tagaa oo kuwan reer Falastiin soo laayaa? Oo Rabbiguna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, oo reer Falastiin soo laa, oo reer Qeciilaah soo badbaadi. 3 Markaasaa Daa'uud raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagu halkan oo ah dalka Yahuudah ayaan ku cabsanaynaa, haddaba intee in le'eg bay nooga sii daran tahay haddaannu Qeciilaah tagno oo ciidanka reer Falastiin ku duulno? 4 Oo haddana mar kale ayaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiistay. Markaasaa Rabbigu ugu jawaabay, Kac, oo ku dhaadhac Qeciilaah, waayo, reer Falastiin gacantaadaan soo gelin doonaa.
  • 1 Sam 23:9-9 : 9 Oo Daa'uudna wuu ogaa in Saa'uul belaayo la damacsan yahay; markaasuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Halkan eefodka keen. 10 Markaasaa Daa'uud yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, hubaal anoo addoonkaaga ah waxaan maqlay in Saa'uul doonayo inuu Qeciilaah yimaado, oo uu magaaladana daraadday u baabbi'iyo. 11 Haddaba dadka reer Qeciilaah miyey isaga ii gacangelin doonaan? Oo Saa'uul miyuu soo dhaadhacayaa sidii anoo addoonkaaga ah aan u maqlay? Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye, anigoo addoonkaaga ah taas ii sheeg. Markaasaa Rabbigu ku yidhi, Haah, wuu soo dhaadhici doonaa. 12 Kolkaasuu Daa'uud yidhi, Haddaba miyey dadka reer Qeciilaah aniga iyo raggaygaba Saa'uul gacanta noo gelin doonaan? Rabbigu wuxuu yidhi, Haah, way kuu gacangelin doonaan.
  • 1 Sam 30:8 : 8 Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo wuxuu yidhi, Miyaan eryadaa colkan, oo miyaan gaadhayaa? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Haah, eryo, waayo, hubaal waad gaadhaysaa, oo intii lala tegey oo dhan waad soo celinaysaa.
  • 2 Sam 2:1 : 1 ¶ Markaas dabadeed Daa'uud baa Rabbiga wax weyddiiyey, oo yidhi, Magaalooyinka dalka Yahuudah middood ma u kacaa? Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Haah, u kac. Markaasaa Daa'uud yidhi, Xaggee baan u kacaa? Isna wuxuu yidhi, Xebroon tag.
  • 2 Sam 5:19 : 19 Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo yidhi, Miyaan reer Falastiin ku kacaa? Miyaad ii soo gacangelinaysaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu Daa'uud ku yidhi, Haah, ku kac, waayo, hubaal reer Falastiin waan kuu soo gacangelinayaa.
  • 2 Sam 5:23 : 23 Oo Daa'uudna markuu Rabbiga wax weyddiiyey ayaa Rabbigu ku yidhi, Waa inaadan ku kicin, laakiinse xagga dambe ka mar oo waxaad ku weerartaa meel ka soo hor jeedda geedaha bukaa la yidhaahdo.
  • 1 Boq 22:6 : 6 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil soo wada ururiyey nebiyadii oo ahaa in ku dhow afar boqol oo nin, oo wuxuu ku yidhi, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagaa mise waan iska daayaa? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Tag, waayo, Sayidku wuxuu iyada soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.
  • 1 Boq 22:15-17 : 15 Oo markuu boqorkii u yimid ayaa boqorkii ku yidhi, Miikayhuuyow, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagnaa mase waannu iska daynaa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Tag, oo ku soo guulayso; oo Rabbiguna iyaduu soo gelin doonaa gacantaada, boqorow. 16 Markaasaa boqorkii isagii ku yidhi, Runta mooyaane wax kale inaadan magaca Rabbiga iigu sheegayn intee jeer baan ku dhaariyaa? 17 Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan arkay dadka Israa'iil oo dhan oo buuraha ku kala firdhay sidii ido aan adhijir lahayn, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Kuwanu sayid ma leh ee nin waluba gurigiisii ha ku nabad noqdo.
  • 1 Taar 13:3 : 3 Oo weliba aynu sanduuqii Ilaaheenna mar kale soo ceshanno, waayo, isagii waynu iska daynay wakhtigii Saa'uul noolaa.
  • 1 Taar 14:14 : 14 Oo Daa'uudna mar kaluu Rabbiga wax weyddiiyey, oo Ilaahna wuxuu ku yidhi, Waa inaanad ka daba kicin, laakiinse iyaga ka leexo, oo waxaad ku weerartaa meel ka soo hor jeedda geedaha bukaa la yidhaahdo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 94%

    17¶ Oo reer Falastiinna markay maqleen in Daa'uud loo subkay inuu boqor u ahaado reer binu Israa'iil ayay reer Falastiin oo dhammu u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan; oo Daa'uudna taas wuu maqlay, markaasuu dhufayskii hoos ugu dhaadhacay.

    18Haddaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim.

    19Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo yidhi, Miyaan reer Falastiin ku kacaa? Miyaad ii soo gacangelinaysaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu Daa'uud ku yidhi, Haah, ku kac, waayo, hubaal reer Falastiin waan kuu soo gacangelinayaa.

    20Markaasaa Daa'uud yimid Bacal Feraasiim, oo halkaasaa Daa'uud iyagii ku laayay, oo yidhi, Rabbigu cadaawayaashaydii ayuu hortayda degdeg ugu qabtay, sida biyaha butaacayaa u degdegaan oo kale. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Bacal Feraasiim.

  • 1 Sam 23:1-4
    4 aayado
    86%

    1¶ Markaasaa Daa'uud loo sheegay oo lagu yidhi, Reer Falastiin waxay la dirirayaan reer Qeciilaah iyagoo ka dhacaya meelihii hadhuudhka lagu tumi jiray.

    2Sidaas daraaddeed Daa'uud Rabbiguu wax weyddiistay oo yidhi, Miyaan tagaa oo kuwan reer Falastiin soo laayaa? Oo Rabbiguna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, oo reer Falastiin soo laa, oo reer Qeciilaah soo badbaadi.

    3Markaasaa Daa'uud raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagu halkan oo ah dalka Yahuudah ayaan ku cabsanaynaa, haddaba intee in le'eg bay nooga sii daran tahay haddaannu Qeciilaah tagno oo ciidanka reer Falastiin ku duulno?

    4Oo haddana mar kale ayaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiistay. Markaasaa Rabbigu ugu jawaabay, Kac, oo ku dhaadhac Qeciilaah, waayo, reer Falastiin gacantaadaan soo gelin doonaa.

  • 81%

    13Haddana reer Falastiin mar kalay dooxadii ku soo firdheen.

    14Oo Daa'uudna mar kaluu Rabbiga wax weyddiiyey, oo Ilaahna wuxuu ku yidhi, Waa inaanad ka daba kicin, laakiinse iyaga ka leexo, oo waxaad ku weerartaa meel ka soo hor jeedda geedaha bukaa la yidhaahdo.

    15Oo markaad sanqadha askarta socodkeeda ka maqashid geedaha bukaa dushooda, markaas dagaalka hore ugu bax, waayo, Ilaah waa kaaga hor baxay inuu ciidanka reer Falastiin laayo.

    16Oo Daa'uudna wuxuu yeelay sidii Ilaah ku amray, oo waxay ciidankii reer Falastiin ku laynayeen ilaa Gibecoon iyo tan iyo Geser.

  • 81%

    8¶ Oo reer Falastiinna markay maqleen in Daa'uud loo subkay inuu boqor u ahaado reer binu Israa'iil oo dhan ayay reer Falastiin oo dhammu u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan, oo Daa'uudna taas wuu maqlay, oo isna iyagii ayuu ku baxay.

    9Haddaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim.

  • 80%

    36Anoo addoonkaaga ah libaaxii iyo orsadiiba waan dilay; oo midkan reer Falastiin oo buuryoqabka ahuna iyagoo kaluu noqon doonaa, waayo, wuxuu careeyey ciidammadii Ilaaha nool.

    37Oo Daa'uud wuxuu haddana yidhi, Rabbiga iga samatabbixiyey ciddiyihii libaaxa iyo ciddiyihii orsada ayaa haddana iga samatabbixin doona gacanta midkan reer Falastiin. Markaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, Rabbigu ha kula jiree.

  • 79%

    43Markaasaa kii reer Falastiin wuxuu Daa'uud ku yidhi, War anigu ma eey baan ahay waadiga ulo ii soo qaataye? Oo kii reer Falastiin Daa'uud buu ku habaaray magacyadii ilaahyadiisii.

    44Kii reer Falastiinna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ii kaalay oo hilibkaagaan siin doonaa haadka hawada iyo dugaagga duurka.

    45Markaasuu Daa'uud kii reer Falastiin ku yidhi, Adigu waxaad ii soo qaadatay seef iyo waran iyo hoto; aniguse waxaan kuula imid magaca Rabbiga ciidammada, kaasoo ah Ilaaha ciidammada reer binu Israa'iil ee aad caraysiisay.

    46Maanta Rabbigu gacantayduu ii soo kaa gelin doonaa; waanan ku dili doonaa, oo madaxaanan kaa gooyn doonaa; oo maanta meydka reer Falastiin ciidankooda waxaan siin doonaa haadka hawada, iyo dugaagga dhulka, si dunida oo dhammu ay u ogaato in Ilaah ku dhex jiro reer binu Israa'iil;

    47iyo si uu shirkan oo dhammu u ogaado inaan Rabbigu wax ku badbaadin seef iyo waran; waayo, dagaalka Rabbigaa leh, oo gacantayaduu idinku soo ridi doonaa.

    48Oo markii kii reer Falastiin soo kacay oo uu u soo dhowaaday inuu Daa'uud ka hor tago, ayaa Daa'uud soo dhaqsaday oo ku soo orday xaggii ciidanka inuu ka hor tago kii reer Falastiin.

    49Markaasaa Daa'uud gacanta geliyey kolaygiisii, oo dhagax kala soo baxay, oo intuu wadhfiyey ayuu kii reer Falastiin wejiga kaga dhuftay, oo dhagaxiina wejigiisuu dalaq yidhi, markaasuu dhulka afgembi ugu dhacay.

    50Sidaasuu Daa'uud kii reer Falastiin kaga adkaaday wadhaf iyo dhagax, oo wuu ku dhuftay, wuuna dilay; laakiinse Daa'uud gacanta seefu uguma jirin.

  • 11Hadda waxay yimaadeen Bacal Feraasiim, oo halkaasaa Daa'uud iyagii ku laayay, oo Daa'uud wuxuu yidhi, Rabbigu cadaawayaashaydii ayuu gacantayda degdeg ugu qabtay, sida biyaha butaacayaa u degdegaan oo kale. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Bacal Feraasiim.

  • 1¶ Oo wakhtigaas reer Falastiin ciidammadoodii oo dhan dagaal bay u soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan. Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ogow inaad adiga iyo raggaaguba dagaalka ii raacaysaan.

  • 77%

    23Oo Daa'uudna markuu Rabbiga wax weyddiiyey ayaa Rabbigu ku yidhi, Waa inaadan ku kicin, laakiinse xagga dambe ka mar oo waxaad ku weerartaa meel ka soo hor jeedda geedaha bukaa la yidhaahdo.

    24Oo markaad sanqadha askarta socodkeeda ka maqashid geedaha bukaa dushooda, kolkaas waa inaad dhaqsataa, waayo, Rabbigu waa kaaga hor baxay inuu ciidanka reer Falastiin laayo.

    25Oo Daa'uudna sidii buu yeelay sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu reer Falastiin ku laynayay ilaa Gebac iyo tan iyo Geser.

  • 77%

    10Markaasaa Daa'uud yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, hubaal anoo addoonkaaga ah waxaan maqlay in Saa'uul doonayo inuu Qeciilaah yimaado, oo uu magaaladana daraadday u baabbi'iyo.

    11Haddaba dadka reer Qeciilaah miyey isaga ii gacangelin doonaan? Oo Saa'uul miyuu soo dhaadhacayaa sidii anoo addoonkaaga ah aan u maqlay? Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye, anigoo addoonkaaga ah taas ii sheeg. Markaasaa Rabbigu ku yidhi, Haah, wuu soo dhaadhici doonaa.

    12Kolkaasuu Daa'uud yidhi, Haddaba miyey dadka reer Qeciilaah aniga iyo raggaygaba Saa'uul gacanta noo gelin doonaan? Rabbigu wuxuu yidhi, Haah, way kuu gacangelin doonaan.

  • 8Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo wuxuu yidhi, Miyaan eryadaa colkan, oo miyaan gaadhayaa? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Haah, eryo, waayo, hubaal waad gaadhaysaa, oo intii lala tegey oo dhan waad soo celinaysaa.

  • 37Markaasaa Saa'uul Ilaah talo weyddiistay, oo wuxuu yidhi, Miyaan reer Falastiin raacdaystaa? Oo ma doonaysaa inaad iyaga soo geliso gacanta reer binu Israa'iil? Laakiinse maalintaas Ilaah uma uu jawaabin.

  • 32Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Ninna yuusan u cabsan isaga aawadiis; anoo addoonkaaga ah ayaan u tegi doonaa oo la diriri doonaa midkan reer Falastiin.

  • 18Haddaba haatan sidii yeela, waayo, Rabbigu Daa'uud buu ka hadlay, oo yidhi, Addoonkayga Daa'uud gacantiisa ayaan dadkayga reer binu Israa'iil kaga badbaadin doonaa gacanta reer Falastiin iyo gacanta cadaawayaashooda oo dhanba.

  • 26Markaasaa Daa'uud raggii dhinaciisa taagnaa la hadlay, oo ku yidhi, Ninkii dila midkan reer Falastiin, oo ceebta ka qaada reer binu Israa'iil, maxaa lagu samayn doonaa? Oo bal yuu yahay buuryoqabkan reer Falastiin ee Ilaaha nool ciidammadiisa caraysan karaa?

  • 10Oo kii reer Falastiin wuxuu yidhi, Ciidammada reer binu Israa'iilow, car, maanta ii soo dira nin ila dirira.

  • 10Oo isna Rabbiguu wax u weyddiiyey, oo saadna wuu siiyey, oo seeftii Goli'adkii reer Falastiinna wuu siiyey.

  • 41Oo ninkii reer Falastiinna Daa'uud buu u soo dhowaaday; ninkii gaashaanka u sidayna wuu hor socday.

  • 1¶ Markaas dabadeed Daa'uud baa Rabbiga wax weyddiiyey, oo yidhi, Magaalooyinka dalka Yahuudah middood ma u kacaa? Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Haah, u kac. Markaasaa Daa'uud yidhi, Xaggee baan u kacaa? Isna wuxuu yidhi, Xebroon tag.

  • 8Oo intuu soo istaagay ayuu ku qayliyey ciidammadii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, War maxaad ugu soo baxdeen oo aad dagaal isugu soo diyaariseen? Sow anigu ma ihi reer Falastiin, idinna ma ihidin addoommadii Saa'uul? Haddaba nin iska soo doorta, oo isna ha ii soo dhaadhaco.

  • 10Laakiinse haddii ay inagu yidhaahdaan, Kaalaya oo soo fuula, markaasaynu fuulaynaa, waayo, Rabbigu iyaga gacanteennuu soo geliyey, oo taasaa calaamadii inoo ahaan doonta.

  • 9Markaasaa Aakiish Daa'uud ugu jawaabay, Anigu waan ogahay inaad hortayda ku wanaagsan tahay, oo waxaad iila mid tahay malaa'ig Ilaah, habase yeeshee amiirradii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Isagu dagaalka noo raaci maayo.

  • 15Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Colkaas ma ii geeynaysaa? Isna wuxuu yidhi, Ilaah iigu dhaaro inaadan i dilayn, sayidkaygiina ii gacangelinayn, oo anna colkaas waan kuu geeynayaa.

  • 8¶ Oo haddana mar kale waxaa dhacay dagaal. Markaasaa Daa'uud baxay oo la diriray reer Falastiin, oo intuu aad u laayay ayay ka hor carareen.

  • 20Markaasaa Daa'uud aroor hore kacay, oo wuxuu idihii kaga tegey mid dhawra; dabadeedna intuu tegey ayuu qaaday wixii Yesay ku amray. Markaasuu yimid meeshii gaadhifardoodku tubnaa, intii ciidankii goobta dagaalka u baxayay ay dirirta u qaylinayeen.

  • 10Wuu kacay, oo laayay reer Falastiin ilaa ay gacantii daashay, oo gacantii seeftii ku dhegtay; oo Rabbiguna maalintaas aad buu u guuleeyey, markaasaa dadkiina u soo noqdeen inay wax dhacaan oo keliya.

  • 10Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, waxaa isaga dili doona Rabbiga, ama maalintiisii baa iska iman doonta, amase dagaal buu geli doonaa markaasaa la dili doonaa.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu isyidhi, Maalin uun baan gacanta Saa'uul ku dhiman doonaa; haddaba wax iiga wanaagsan ma jiro inaan dalka reer Falastiin u baxsado mooyaane; oo Saa'uulna wuu iga quusan doonaa, oo mar dambe xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan igama doondooni doono; oo saas ayaan gacantiisa kaga baxsan doonaa.