1 Taariikhdii 15:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Daa'uud u yeedhay Saadooq iyo Aabyaataar oo wadaaddada ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa Uurii'eel, iyo Casaayaah, iyo Yoo'eel, iyo Shemacyaah, iyo Elii'eel, iyo Cammiinaadaab,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 12:28 : 28 Saadooqna wuxuu ahaa nin dhallinyar oo xoog badan, oo waxaa la jiray laba iyo labaatan sirkaal oo reerkiisii wada ah.
  • 1 Boq 2:35 : 35 Markaasaa boqorkii wuxuu meeshiisii ku beddelay oo ciidankii madax uga dhigay Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo meeshii Aabyaataarna wuxuu ku beddelay wadaadkii Saadooq ahaa.
  • 1 Sam 22:20-23 : 20 Oo waxaa ka baxsaday oo Daa'uud ka daba cararay mid ka mid ah wiilashii Axiimeleg ina Axiituub, magiciisana la odhan jiray Aabyaataar. 21 Markaasaa Aabyaataar wuxuu Daa'uud u sheegay in Saa'uul laayay wadaaddadii Rabbiga. 22 Kolkaasaa Daa'uud Aabyaataar ku yidhi, Maalintii Do'eeggii reer Edom halkaas joogay, waan garanayay inuu Saa'uul u sheegi doono. Dadkii reerka aabbahaa oo dhan anigaa dhimashada u soo jiiday. 23 Haddaba aniga ila joog oo ha cabsan, maxaa yeelay, kii naftayda doona ayaa naftaadana doonaya, waayo, ammaan waad igula joogi doontaa.
  • 2 Sam 8:17 : 17 oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, oo Seraayaahna wuxuu ahaa karraani;
  • 2 Sam 15:24-29 : 24 Oo bal eeg, Saadooqna waa yimid, isagoo ay la socdaan reer Laawi oo dhan, oo sida sanduuqii axdiga Ilaah, markaasay sanduuqii Ilaah dhigeen, oo Aabyaataarna kor buu tegey, ilaa dadkii oo dhammu ay magaaladii ka soo gudbeen. 25 Markaasaa boqorkii wuxuu Saadooq ku yidhi, Sanduuqa Ilaah qaad oo magaaladii ku celi. Hadduu Rabbigu raalli iga yahay, mar kaluu i soo celin doonaa, oo wuu i tusi doonaa isaga iyo rugta Ilaahba. 26 Laakiinse hadduu igu yidhaahdo, Kuguma faraxsani; bal eeg, haddaba waa i kane, ha igu sameeyo sidii isaga la wanaagsan. 27 Oo haddana boqorkii wuxuu wadaadkii Saadooq ahaa ku yidhi, Sow adigu wax arke ma tihid? Haddaba magaaladii ku nabad noqda, idinka iyo labadiinna wiil ee idinla jirta, kuwaas oo ah wiilkaaga Axiimacas iyo Yoonaataan oo ah ina Aabyaataar. 28 Oo anna waxaan sii joogayaa meesha mareenka ah ee cidlada loogu sii gudbo, jeeruu war iiga kiin yimaado. 29 Sidaas daraaddeed Saadooq iyo Aabyaataar sanduuqii Ilaah bay qaadeen, waxayna mar kale ku celiyeen Yeruusaalem, oo iyana halkaasay iska sii joogeen.
  • 2 Sam 15:35 : 35 Oo halkaasna sow kulama joogaan wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar? Sidaas daraaddeed wax alla wixii aad guriga boqorka ka maqashoba, waxaad u soo sheegtaa wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar.
  • 2 Sam 20:25 : 25 oo Shewaana karraani buu ahaa, Saadooq iyo Aabyaataarna wadaaddo bay ahaayeen,
  • 1 Boq 2:26 : 26 Oo boqorkiina wuxuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Waxaad tagtaa Canaatood iyo ilaa beerahaagii, waayo, waxaad istaahishaa in lagu dilo, laakiinse haatan ku dili maayo, waayo, aabbahay Daa'uud waad ku hor sidi jirtay sanduuqii Sayidka Rabbiga ah, oo waxaa lagugu dhibi jiray wax kasta oo aabbahay lagu dhibi jiray.
  • 1 Taar 18:16 : 16 oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Abiimeleg ina Aabyaataar, Shawshaana wuxuu ahaa karraani.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 10kuwii reer Cusii'eelna, Cammiinaadaab oo madax ahaa, iyo boqol iyo laba iyo toban nin oo walaalihiis ahaa.

  • 81%

    2Markaasaa Daa'uud yidhi, Waa inaan ninna qaadin sanduuqa Ilaah reer Laawi mooyaane, waayo, Rabbigu iyaguu u doortay inay qaadaan sanduuqa Ilaah, iyo inay isaga u adeegaan weligood.

    3Oo Daa'uud reer binu Israa'iil oo dhan wuxuu ku soo wada ururiyey Yeruusaalem in sanduuqii Rabbiga la keeno meeshiisii uu u hagaajiyey.

    4Oo haddana Daa'uud wuxuu soo wada ururiyey reer Haaruun iyo reer Laawi.

    5Kuwii reer Qohaad waxay ahaayeen Uurii'eel oo madax ahaa, iyo walaalihiis oo ahaa boqol iyo labaatan nin,

  • 12oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin madaxdii qolooyinka reer Laawi, haddaba idinka iyo walaalihiinba isdaahiriya si aad sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ugu soo qaaddaan meeshii aan u hagaajiyey.

  • 17oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, oo Seraayaahna wuxuu ahaa karraani;

  • 16oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Abiimeleg ina Aabyaataar, Shawshaana wuxuu ahaa karraani.

  • 12¶ Markaasaa kuwii reer Laawi waxaa ka dhex kacay Maxad ina Camaasay, iyo Yoo'eel ina Casaryaah oo ahaa reer Qohaad, oo reer Meraariina waxaa ka kacay Qiish ina Cabdii, iyo Casaryaah ina Yehaleleel, oo reer Gershoonna waxaa ka kacay Yoo'aax ina Simmaah, iyo Ceeden ina Yoo'aax.

  • 11Kolkaasaa boqorku u cid diray in loo yeedho wadaadkii Axiimeleg ee ahaa ina Axiituub, isagii iyo reerkii aabbihiis oo dhanba, kuwaas oo ahaa wadaaddadii Nob joogay; oo iyana kulligood boqorkii bay u yimaadeen.

  • 3Oo Daa'uud oo ay la jiraan Saadooq oo ahaa reer Elecaasaar iyo Axiimeleg oo ahaa reer Iitaamaar ayaa iyagii u kala qaybiyey sidii hawshoodu kala ahayd.

  • 25oo Shewaana karraani buu ahaa, Saadooq iyo Aabyaataarna wadaaddo bay ahaayeen,

  • 32Oo Boqor Daa'uudna wuxuu yidhi, Iigu yeedha wadaadka Saadooq ah, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo iyana boqorkay hor yimaadeen.

  • 7¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ahaa Aabyaataar ina Axiimeleg ku yidhi, Waan ku baryayaaye eefodka halkan iigu keen. Aabyaataarna eefodkii buu Daa'uud u keenay.

  • 74%

    24Oo wadaaddadii ahaa Shebanyaah, iyo Yehooshaafaad, iyo Netaneel, iyo Camaasay, iyo Sekaryaah, iyo Benaayaah, iyo Eliiceserna turumbooyin ayay ku hor afuufayeen sanduuqii Ilaah, oo Cobeed Edoom iyo Yexiyaahna iridjoogayaal ayay sanduuqii u ahaayeen.

    25Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo odayaashii reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyeyba waxay u tageen inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan gurigii Cobeed Edoom iyagoo faraxsan.

  • 8oo wuxuu la diray kuwii reer Laawi oo ahaa Shemacyaah, iyo Netanyaah, iyo Sebadyaah, iyo Casaaheel, iyo Shemiiraamood, iyo Yehoonaataan, iyo Adoniiyaah, iyo Toobiyaah, iyo Toob Adooniyaah, oo waxaa kaloo iyaga la jiray wadaaddadii ahaa Eliishaamaac iyo Yehooraam.

  • 2Oo wuxuu soo wada ururiyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba.

  • 4Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey ciidanka; oo Saadooq iyo Aabyaataarna waxay ahaayeen wadaaddo;

  • 74%

    16Markaasaa Daa'uud madaxdii reer Laawi ku yidhi, Walaalihiin rag ka dhex doorta inay ahaadaan niman gabayaa ah oo sita alaabtii muusikada, oo ah shareerado, iyo kataarado, iyo suxuun laysku garaaco, oo aad ha uga dhawaajiyeen oo farxad aawadeed codka kor ha u qaadeen.

    17Sidaas daraaddeed reer Laawi waxay doorteen Heemaan oo ahaa ina Yoo'eel iyo walaalihiis oo ahaa Aasaaf ina Berekyaah, oo walaalahood reer Meraariina waxay ka doorteen Eetaan ina Quushaayaah,

    18oo iyaga waxaa la jiray walaalahood oo ahaa darajadii labaad, waxayna ahaayeen Sekaryaah, iyo Been, iyo Yacasii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Macaseeyaah, iyo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo dhammaantood wada ahaa iridjoogayaal.

  • 29Sidaas daraaddeed Saadooq iyo Aabyaataar sanduuqii Ilaah bay qaadeen, waxayna mar kale ku celiyeen Yeruusaalem, oo iyana halkaasay iska sii joogeen.

  • 6Oo Shemacyaah ina Netaneel oo karraanigii ahaa, oo ahaa reer Laawi ayaa iyagii ku hor qoray boqorkii, iyo amiirradii, iyo wadaadkii Saadooq, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, iyo madaxdii qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi ahaa, in reer loo qaado reer Elecaasaar, reerna loo qaado reer Iitaamaar.

  • 73%

    4¶ Oo kuwii reer Laawi qaarkoodna wuxuu u doortay inay ka adeegaan sanduuqa Rabbiga hortiisa, iyo inay xusuustaan oo ku mahadnaqaan oo ammaanaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,

    5kuwaasoo ahaa Aasaaf oo kii kowaad ahaa, iyo Sekaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yecii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Matityaah, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo haysan jiray shareerado iyo kataarado, oo Aasaafna wuxuu aad uga dhawaajin jiray suxuun laysku garaaco.

  • 20iyo Eliiceenay, iyo Silletay, iyo Elii'eel,

  • 17reer Laawina waxaa u talinayay Hashabyaah ina Qemuu'eel, reer Haaruunna waxaa u talinayay Saadooq,

  • 2Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Hadday idinla wanaagsan tahay iyo hadday tahay tan Rabbiga Ilaaheenna ah aynu meel kasta ugu cid dirno walaalaheenna ku hadhay dalka Israa'iil oo dhan, kuwaasoo ah kuwa wadaaddada iyo reer Laawi ay la dhex joogaan magaalooyinkooda agagaarka leh, si ay iyaguna inoogu soo ururaan.

  • 11¶ Markaasaa boqorkii u cid diray wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar, oo wuxuu ku yidhi, Odayaasha dalka Yahuudah la hadla oo ku dhaha, Waxaa boqorka u yimid hadalkii reer binu Israa'iil oo dhan oo leh, Boqorka gurigiisa ha lagu soo celiyo, laakiinse maxaad idinku dadka uga hadheen si aad boqorka gurigiisii ugu soo celisaan?

  • 41iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed, iyo Soobaad oo ahaa ina Axlay,

  • 14Haddaba sidaas daraaddeed ayaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen inay soo qaadaan sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 39Oo wadaadkii Saadooq iyo wadaaddadii walaalihiis ahaana wuxuu kaga hor tegey taambuuggii Rabbiga oo ku yiil meeshii sare oo Gibecoon,

  • 13Oo Yexii'eel, iyo Casasyaah, iyo Nahad, iyo Casaaheel, iyo Yeriimood, iyo Yoosaabaad, iyo Elii'eel, iyo Yismakyaah, iyo Maxad, iyo Benaayaahna waxay ahaayeen kuwii wax u talin jiray oo ka hooseeyey Kaananyaah iyo walaalkiis Shimcii, oo waxaa doortay Boqor Xisqiyaah iyo Casaryaah oo ahaa taliyihii guriga Ilaah.

  • 16iyo Eliishaamaac, iyo Elyaadaac, iyo Eliifeled.

  • 31Oo kuwanu iyana waxay riteen saami sidii walaalahood reer Haaruun ay yeeleen oo kale, oo waxay ku hor riteen Boqor Daa'uud, iyo Saadooq, iyo Axiimeleg, iyo kuwii madaxda u ahaa qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi. Kan qolooyinkii madaxda u ahaa waxaa lagala mid dhigay sida kuwa walaalkiisa yar.

  • 35Oo halkaasna sow kulama joogaan wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar? Sidaas daraaddeed wax alla wixii aad guriga boqorka ka maqashoba, waxaad u soo sheegtaa wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar.

  • 2Oo kuwanuna amiirradiisii bay ahaayeen, Casaryaah oo uu dhalay wadaadkii Saadooq ahaa,

  • 39iyo Seleq oo ahaa reer Cammoon, iyo Naxaray oo ahaa reer Beerod, oo ahaa kii gaashaanka u qaadi jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay,

  • 36iyo Eliyooceenay, iyo Yacaqobaah, iyo Yeshooxaayaah, iyo Casaayaah, iyo Cadii'eel, iyo Yesiimi'eel, iyo Benaayaah,

  • 1 Boq 1:7-8
    2 aayado
    72%

    7Oo isna wuxuu la hadlay Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, iyo wadaadkii Aabyaataar; oo iyana intay Adoniiyaah raaceen ayay caawiyeen.

    8Laakiinse Saadooq oo ahaa wadaad, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo Nebi Naataan, iyo Shimcii iyo Reecii, iyo raggii xoogga badnaa oo Daa'uud lahaa midkoodna Adoniiyaah lama jirin.

  • 24Oo kuwii reer Laawi madaxda u ahaa waxay ahaayeen Xashabyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Qadmii'eel, iyo walaalahoodii iyaga ka soo hor jeeday inay Ilaah ammaanaan oo ay u mahadnaqaan, siduu amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah, iyagoo iska soo hor jeeda.

  • 72%

    20Oo waxaa ka baxsaday oo Daa'uud ka daba cararay mid ka mid ah wiilashii Axiimeleg ina Axiituub, magiciisana la odhan jiray Aabyaataar.

    21Markaasaa Aabyaataar wuxuu Daa'uud u sheegay in Saa'uul laayay wadaaddadii Rabbiga.

  • 24Oo bal eeg, Saadooqna waa yimid, isagoo ay la socdaan reer Laawi oo dhan, oo sida sanduuqii axdiga Ilaah, markaasay sanduuqii Ilaah dhigeen, oo Aabyaataarna kor buu tegey, ilaa dadkii oo dhammu ay magaaladii ka soo gudbeen.

  • 23Oo waxaana jiray reer Camraam, iyo reer Isehaar, iyo reer Xebroon, iyo reer Cusii'eel.

  • 1¶ Oo weliba Daa'uud iyo saraakiishii ciidanku waxay adeegiddii u sooceen kuwa ah reer Aasaaf, iyo reer Heemaan, iyo reer Yeduutuun, kuwaasoo wax ku sii sheega kataarado iyo shareerado iyo suxuun laysku garaaco, oo kuwa shuqulka qabta sidii adeegiddoodu kala ahayd tiradoodii waxay ahayd:

  • 27Oo Daa'uudna wuxuu xidhnaa dhar aad u wanaagsan, isaga iyo kuwii reer Laawi oo sanduuqa qaaday oo dhan, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo Kenanyaah oo ahaa madaxdii gabayga oo la jiray nimankii gabayaaga ahaa, oo Daa'uudna wuxuu qabay eefod maro wanaagsan ah.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu Yeruusaalem ku soo wada shiriyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo amiirradii qabiilooyinka, iyo saraakiishii kooxihii boqorka mile milaha ugu adeegi jiray, iyo kuwii kun kun u talin jiray iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo taliyayaashii xukumi jiray maalka iyo hantidii boqorka iyo tii wiilashiisaba, iyo saraakiishii iyo raggii xoogga badnaa, xataa kulli raggii xoogga badnaa oo dhanba.