1 Taariikhdii 18:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo magaalooyinkii Hadarceser oo ahaa Tibxad iyo Kuun Daa'uud wuxuu ka soo qaaday naxaas aad u badan, taasoo uu Sulaymaan ka sameeyey berkeddii naxaasta ahayd iyo tiirarkii iyo weelashii naxaasta ahaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 8:8 : 8 Oo magaalooyinkii Hadadceser oo ahaa Betax, iyo Beerootay Boqor Daa'uud wuxuu ka soo qaaday naxaas aad iyo aad u badan.
  • 2 Taar 4:12-18 : 12 kaasoo ahaa labadii tiir, iyo fijaannadii, iyo labadii taaj oo tiirarkii kor saarnayd, iyo labadii shabag oo ku dednaa labada fijaan oo taajajkii tiirarka kor saarnaa; 13 iyo afartii boqol oo rummaan ee labadii shabag lahaayeen, oo shabag kastaa wuxuu lahaa laba saf oo rummaan ah si ay u dedaan labadii fijaan ee taajajkii tiirarka kor saarnaa. 14 Oo isagu wuxuu kaloo sameeyey saldhigyadii, iyo berkedihii saldhigyadii dul saarnaa, 15 oo wuxuu kaloo sameeyey berkeddii weynayd iyo laba iyo tobankii dibi ee iyada ka hooseeyey. 16 Oo weliba dheryihii, iyo majarafadihii, iyo mudacyadii, iyo weelashooda oo dhanba ayaa Xuuraamaabbii Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Rabbiga aawadiis oo wuxuu ka wada sameeyey naxaas dhalaasha. 17 Oo boqorku wuxuu alaabtaas ku shubay Bannaankii Webi Urdun oo dhoobada lahaa ee u dhexeeyey Sukod iyo Sereedaataah. 18 Oo Sulaymaanna weelashaas oo dhan wuxuu u sameeyey si faro badan, waayo, naxaasta miisaankeedii lama hubin.
  • Yer 52:17-23 : 17 Markaasaa reer Kaldayiin waxay jejebiyeen tiirarkii naxaasta ahaa oo guriga Rabbiga ku jiray, iyo saldhigyadii iyo berkeddii naxaasta ahayd oo guriga Rabbiga ku jiray, oo naxaastoodiina waxay u qaadeen Baabuloon. 18 Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabtii laambadihii lagu safayn jiray, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan. 19 Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey suxuuntii, iyo dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii, iyo dheryihii, iyo laambadihii, iyo malgacadihii, iyo koobabkiiba, intii dahabka ahayd dahab ahaan buu u qaaday, oo intii lacagta ahaydna lacag ahaan. 20 Labadii tiir, iyo berkeddii, iyo laba iyo tobankii dibi oo naxaasta ahaa oo saldhigyada ka hooseeyey, oo Boqor Sulaymaan uu u sameeyey gurigii Rabbiga, dhammaan weelashaas naxaastoodu miisaan ma lahayn. 21 Oo tiirarka midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa siddeed iyo toban dhudhun, meeriskiisuna wuxuu ahaa laba iyo toban dhudhun markii xadhig lagu qiyaaso, oo dhumucdiisuna waxay ahayd afar farood, oo dhexdana wuu ka dalooshanaa. 22 Oo korkiisana waxaa saarnaa taaj naxaas ah, oo taajka sarajooggiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun, wuxuuna lahaa shabag iyo rummaanno taajka ku wareegsan, oo kulligoodna waxay ahaayeen naxaas, tiirkii labaadna waxan oo kaluu lahaa iyo rummaanno. 23 Oo dhinacyada waxaa ku yiil lix iyo sagaashan rummaan, oo rummaannadii shabagga ku wareegsanaa oo dhammuna waxay ahaayeen boqol.
  • 1 Boq 7:15-47 : 15 Wuxuu sameeyey labada tiir oo naxaasta ah, oo midkiiba sarajooggiisu yahay siddeed iyo toban dhudhun; meeriskiisuna yahay laba iyo toban dhudhun markii xadhig lagu qiyaaso. 16 Wuxuuna sameeyey laba taaj oo naxaas la shubay ah in la saaro tiirarkii dhaladooda. Oo taaj sarajooggiisu wuxuu ahaa shan dhudhun, oo taajka kale sarajooggiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun. 17 Oo taajajka tiirarka dhaladooda saarnaa waxay lahaayeen shabagyo isa sudhsudhan, iyo silsilado tidcan, oo taaj wuxuu lahaa toddoba, taajka kalena wuxuu lahaa toddoba. 18 Oo saasuu u sameeyey tiirarkii; oo shabaggiiba waxaa kor saarnaa laba saf oo ku wareegsan inay dedaan taajajka tiirarka kor saaran; oo taajkii kalena saasoo kaluu u galay. 19 Oo balbalada tiirarkeedii taajajkoodii saarnaa waxay u ekaayeen ubax, afar dhudhun bayna ahaayeen. 20 Oo taajajkii labadii tiir saarnaa dushooda oo shabagga u dhowaana waxay lahaayeen rummaanno. Oo rummaannadu waxay ahaayeen laba boqol oo taajkiiba safaf ugu wareegsan. 21 Oo tiirarkiina wuxuu qotomiyey balbaladii macbudka; oo tiirkii midigta ahaa intuu qotomiyey ayuu magiciisii u bixiyey Yaakiin, tiirkii bidixda ahaana intuu qotomiyey ayuu u bixiyey Bocas. 22 Oo tiirarka korkoodana waxaa saarnaa wax ubax u eg, oo tiirarka hawshoodiina saasay ku dhammaatay. 23 Oo wuxuu sameeyey berkedda naxaasta ah, oo labadeeda qar isu jiraan toban dhudhun, oo ku wada wareegsan, oo sarajooggeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun, oo meeriskeeduna wuxuu ahaa soddon dhudhun. 24 Oo berkedda qarkeedii wareegsanaa waxaa ku hoos yiil ubbooyin ku wareegsan berkedda, dhudhunba toban; oo ubbooyinku waxay ahaayeen laba saf, oo markii berkeddii la shubay ayaa iyana la shubay. 25 Oo berkeddu waxay dul saarnayd laba iyo toban dibi, oo saddex waxay u jeedday xagga woqooyi, saddexna waxay u jeedday xagga galbeed, saddexna waxay u jeedday xagga koonfureed, saddexna waxay u jeedday xagga bari; berkeddiina way dul saarnayd, oo dibidii kulligoodna qarkooda dambe wuxuu ku jiray gudaha. 26 Oo berkeddii dhumucdeedu waxay ahayd taako; qarkeedana waxaa loo sameeyey sidii koob qarkiis oo kale oo ubax u ekaa; oo waxay qaadday laba kun oo qiyaasood oo bad la yidhaahdo. 27 Oo wuxuu sameeyey toban saldhig oo naxaas ah, oo saldhig kasta dhererkiisu wuxuu ahaa afar dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa saddex dhudhun. 28 Oo saldhigyadana sidan baa loo sameeyey; darfaha dhexdooda waxay ku lahaayeen meelo dhexe. 29 Oo darfaha meelaha u dhexeeyeyna waxaa ku yiil libaaxyo, iyo dibiyo, iyo keruubiim, oo darfaha korkoodana waxaa ku yiil meel la saaro; oo libaaxyada iyo dibiyada hoostoodana waxaa ku yiil ubaxyo ka soo laalaada. 30 Oo saldhig kastaaba wuxuu lahaa afar giraangirood oo naxaas ah, iyo ulo naxaas ah oo giraangiraha wareejiya; oo afarta rukunna waxay ku lahaayeen meelo haya; oo berkeddii hoosteeda ayaa meelihii hayay oo shubanu ku yiilleen iyagoo dhinac kasta ku leh ubaxyo ka laalaada. 31 Oo afkeeda oo qarka ku dhex jira wuxuu ahaa dhudhun; oo afkeeduna wuu wareegsanaa, oo wuxuu u ekaa sida meesha haysa, wuxuuna ahaa dhudhun iyo badh; oo weliba afkeedu waa xardhanaa oo darfahooduna afargees bay ahaayeen oo ma wareegsanayn. 32 Oo afarta giraangiroodna waxay ku yiilleen darfaha hoostooda, oo ulaha giraangiraha wareejiyaana waxay ku yiilleen salka hoose; oo giraangir kastana sarajooggeedu wuxuu ahaa dhudhun iyo badh. 33 Oo giraangiruhuna waxay u ekaayeen sidii gaadhifaras giraangirihiis; oo ulahooda wareejiya, iyo qararkooda, iyo birahooda gudban, iyo dhexbadhtanadoodaba kulligood shub bay ahaayeen. 34 Oo afarta geesna waxay ku lahaayeen afar meelood oo haya, oo afarta meelood oo hayaana waxay ka mid ahaayeen saldhigga qudhiisii. 35 Oo saldhigga dushiisana waxaa tiil meel wareegsan oo sarajooggeedu yahay dhudhun badhkiis; oo saldhigga korkiisa siddooyinkiisa iyo darfihiisuba isagay ku yiilleen. 36 Oo siddooyinkiisa iyo darfihiisa dushooda wuxuu ku xardhay keruubiim, iyo libaaxyo, iyo geedo timireed sidii mid kasta meeshiisii bannaanayd ahayd, iyagoo mid kasta ubaxyo laalaada ku wareegsan yihiin. 37 Oo tobankii saldhigna saasuu u sameeyey; oo kulligoodna isku si baa loo shubay, oo isku qiyaas bay ahaayeen iyo isku qaab. 38 Oo wuxuu sameeyey toban berkedood oo naxaas ah; oo berkedba waxay qaadday afartan bad; oo berked kastaaba waxay ahayd afar dhudhun; oo tobankii saldhigna mid kasta berked baa saarnayd. 39 Oo saldhigyadii shanna wuxuu dhigay guriga dhankiisa midig, shantii kalena wuxuu dhigay guriga dhankiisa bidix; oo berkeddii weynaydna wuxuu dhigay guriga dhankiisa midig ee xagga bari ee dhinaca koonfureed. 40 Oo Xiiraam wuxuu wada sameeyey berkedihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii. Oo sidaasuu Xiiraam u dhammeeyey shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Rabbiga, 41 kaasoo ahaa labadii tiir, iyo labadii fijaan oo taajajkii tiirarka kor saarnaa, iyo labadii shabag oo ku dednaa labada fijaan oo taajajkii tiirarka kor saarnaa, 42 iyo afartii boqol oo rummaan ee labadii shabag lahaayeen, oo shabag kastaa wuxuu lahaa laba saf oo rummaan ah si ay u dedaan labadii fijaan ee taajajkii tiirarka kor saarnaa; 43 iyo tobankii saldhig, iyo tobankii berkedood ee saldhigyada dul saarnaa, 44 iyo berkeddii weynayd, iyo laba iyo tobankii dibi ee berkedda weyn ka hooseeyey, 45 iyo dheryihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii; oo dhammaan weelashan gurigii Rabbiga yiil ee uu Xiiraam Boqor Sulaymaan u sameeyey waxay ahaayeen naxaas dhalaasha. 46 Oo boqorku wuxuu alaabtaas ku shubay Bannaankii Webi Urdun oo dhoobada lahaa ee u dhexeeyey Sukod iyo Saaretaan. 47 Oo Sulaymaanna weelashii oo dhan ma uu miisaamin, maxaa yeelay, aad iyo aad bay u badnaayeen; oo naxaasta miisaankeeda lama hubin.
  • 1 Taar 22:14 : 14 Haddaba bal eeg, anoo dhibaataysan waxaan guriga Rabbiga u diyaarshay boqol kun oo talanti oo dahab ah, iyo kun kun oo talanti oo lacag ah, iyo naxaas iyo bir aan miisaan lahayn, waayo, aad bay u badan yihiin, oo weliba waxaan kaloo diyaariyey alwaax iyo dhagxan, oo adiguna intaas wax baad ku sii dari karaysaa.
  • 2 Taar 4:2-6 : 2 Oo wuxuu kaloo sameeyey berkeddii naxaasta ahayd, oo qarkeedu gees ilaa ka gees wuxuu isu jiray toban dhudhun, wayna wareegsanayd, oo sarajooggeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun, wareeggeeduna wuxuu ahaa soddon dhudhun. 3 Oo hoosteedana waxaa ku yiil wax dibiyo u eg oo ku wareegsanaa, dhudhunba toban, oo berkedda oo dhan hareeraheeda ku wareegsanaa. Oo dibiyadu waxay ahaayeen laba saf, oo markii berkeddii la shubay ayaa iyana la shubay. 4 Oo berkeddu waxay dul saarnayd laba iyo toban dibi, oo saddex waxay u jeedday xagga woqooyi, saddexna waxay u jeedday xagga galbeed, saddexna waxay u jeedday xagga koonfureed, saddexna waxay u jeedday xagga bari; berkeddiina way dul saarnayd, oo dibidii kulligood qaarkooda dambe wuxuu ku jiray gudaha. 5 Oo berkeddii dhumucdeedu waxay ahayd taako; qarkeedana waxaa loo sameeyey sidii koob qarkiis oo kale oo ubax u ekaa; oo waxay qaadday saddex kun oo qiyaasood oo bad la yidhaahdo. 6 Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey toban berkedood oo yaryar oo wax lagu maydho, oo shan wuxuu dhigay dhanka midigta, shantii kalena wuxuu dhigay dhanka bidixda, oo wixii allabari la gubo daraaddiis loo bixinayoba iyagaa lagu dhex maydhi jiray; laakiinse berkeddii weysada ahayd waxaa ku maydhan jiray wadaaddada oo qudha.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Sam 8:7-12
    6 aayado
    88%

    7Markaasaa Daa'uud soo qaaday gaashaammadii dahabka ahaa oo ay wateen addoommadii Hadadceser, wuxuuna keenay Yeruusaalem.

    8Oo magaalooyinkii Hadadceser oo ahaa Betax, iyo Beerootay Boqor Daa'uud wuxuu ka soo qaaday naxaas aad iyo aad u badan.

    9Oo Tocii oo ahaa boqorkii Xamaad markuu maqlay in Daa'uud laayay ciidankii Hadadceser oo dhan,

    10ayaa Tocii wiilkiisii Yooraam u soo diray inuu soo salaamo Boqor Daa'uud oo uu u soo duceeyo, maxaa yeelay, wuxuu la diriray oo dilay Hadadceser; waayo, Hadadceser wuxuu la diriri jiray Tocii. Oo Yooraamna wuxuu keenay weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah iyo weelal naxaas ah,

    11oo kuwaasna Boqor Daa'uud wuxuu quduus uga dhigay Rabbiga, oo wuxuu ku daray lacagtii iyo dahabkii uu quduuska ka dhigay oo uu ka soo dhacay quruumihii uu jebiyey oo dhan;

    12kuwaas oo ahaa reer Suuriya, iyo reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin, iyo reer Camaaleq, iyo dhicii uu boqorkii Soobaah oo ahaa Hadadceser ina Rexob ka helay.

  • 7Markaasaa Daa'uud soo qaaday gaashaammadii dahabka ahaa oo ay wateen addoommadii Hadarceser, wuxuuna keenay Yeruusaalem.

  • 79%

    13Markaasaa reer Kaldayiin jejebiyeen tiirarkii naxaasta ahaa oo guriga Rabbiga ku jiray, iyo saldhigyadii iyo berkeddii naxaasta ahayd oo guriga Rabbiga ku jiray, oo naxaastoodiina waxay u qaadeen Baabuloon.

    14Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabta laambadaha lagu safayn jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.

    15Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii; intii dahabka ahayd, dahab ahaan buu u qaaday, intii lacagta ahaydna lacag ahaan.

    16Labadii tiir, iyo berkeddii, iyo saldhigyadii uu Sulaymaan u sameeyey gurigii Rabbiga, dhammaan weelashaas naxaastoodu miisaan ma lahayn.

    17Oo tiirarka midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa siddeed iyo toban dhudhun, oo korkiisana waxaa sarnaa taaj naxaas ah; oo taajka sarajooggiisuna wuxuu ahaa saddex dhudhun, wuxuuna lahaa shabag iyo rummaanno taajka ku wareegsan, oo kulligoodna waxay ahaayeen naxaas; tiirkii labaadna waxan oo kaluu lahaa iyo shabag.

  • 20Labadii tiir, iyo berkeddii, iyo laba iyo tobankii dibi oo naxaasta ahaa oo saldhigyada ka hooseeyey, oo Boqor Sulaymaan uu u sameeyey gurigii Rabbiga, dhammaan weelashaas naxaastoodu miisaan ma lahayn.

  • 77%

    16Oo weliba dheryihii, iyo majarafadihii, iyo mudacyadii, iyo weelashooda oo dhanba ayaa Xuuraamaabbii Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Rabbiga aawadiis oo wuxuu ka wada sameeyey naxaas dhalaasha.

    17Oo boqorku wuxuu alaabtaas ku shubay Bannaankii Webi Urdun oo dhoobada lahaa ee u dhexeeyey Sukod iyo Sereedaataah.

    18Oo Sulaymaanna weelashaas oo dhan wuxuu u sameeyey si faro badan, waayo, naxaasta miisaankeedii lama hubin.

  • 76%

    15Wuxuu sameeyey labada tiir oo naxaasta ah, oo midkiiba sarajooggiisu yahay siddeed iyo toban dhudhun; meeriskiisuna yahay laba iyo toban dhudhun markii xadhig lagu qiyaaso.

    16Wuxuuna sameeyey laba taaj oo naxaas la shubay ah in la saaro tiirarkii dhaladooda. Oo taaj sarajooggiisu wuxuu ahaa shan dhudhun, oo taajka kale sarajooggiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun.

  • 76%

    9Oo Tocuu oo ahaa boqorkii Xamaad markuu maqlay in Daa'uud laayay Hadarceser oo ahaa boqorkii Soobaah ciidankiisii oo dhan

    10ayuu Daa'uud wiilkiisii Hadooraam u soo diray inuu soo salaamo oo uu u soo duceeyo, maxaa yeelay, wuxuu la diriray oo dilay Hadarceser, waayo, Hadarceser wuxuu la diriri jiray Tocuu, oo wuxuu keenay weelal cayn kasta ah oo ah dahab iyo lacag iyo naxaasba.

    11Oo kuwaasna Boqor Daa'uud wuxuu quduus uga dhigay Rabbiga, oo wuxuu ku daray lacagtii iyo dahabkii uu ka soo dhacay quruumihii oo dhan, kuwaasoo ahaa reer Edom, iyo reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin, iyo reer Camaaleq.

  • Yer 52:17-18
    2 aayado
    75%

    17Markaasaa reer Kaldayiin waxay jejebiyeen tiirarkii naxaasta ahaa oo guriga Rabbiga ku jiray, iyo saldhigyadii iyo berkeddii naxaasta ahayd oo guriga Rabbiga ku jiray, oo naxaastoodiina waxay u qaadeen Baabuloon.

    18Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabtii laambadihii lagu safayn jiray, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.

  • 75%

    45iyo dheryihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii; oo dhammaan weelashan gurigii Rabbiga yiil ee uu Xiiraam Boqor Sulaymaan u sameeyey waxay ahaayeen naxaas dhalaasha.

    46Oo boqorku wuxuu alaabtaas ku shubay Bannaankii Webi Urdun oo dhoobada lahaa ee u dhexeeyey Sukod iyo Saaretaan.

    47Oo Sulaymaanna weelashii oo dhan ma uu miisaamin, maxaa yeelay, aad iyo aad bay u badnaayeen; oo naxaasta miisaankeeda lama hubin.

  • 3Oo Daa'uud wuxuu diyaariyey bir faro badan in musmaarro looga dhigo albaabbada irdaha iyo qabsatooyinka, oo wuxuu kaloo diyaariyey naxaas tiro badan oo aan miisaan lahayn,

  • Bax 38:28-30
    3 aayado
    73%

    28Kun iyo toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatanka sheqel ayuu tiirarka qabsatooyinkoodii ka sameeyey, oo wuxuuna ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii, wuxuuna ka sameeyey waxyaalihii tiirarka laysugu wada xidhay.

    29Naxaastii la bixiyey waxay ahayd toddobaatan talanti, iyo laba kun iyo afar boqol oo sheqel.

    30Oo wuxuu naxaastii ka sameeyey iriddii teendhada shirka saldhigyadeedii, iyo meeshii naxaasta ahayd oo allabariga, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo alaabtii meesha allabariga oo dhan,

  • 17Oo tiirarka saldhigyadoodu waxay ahaayeen naxaas; qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxay ahaayeen lacag; tiirarka madaxyadooda waxaa lagu dahaadhay lacag, oo tiirarka barxadda oo dhanna waxaa laysugu wada xidhay lacag.

  • 3Oo wuxuu kaloo sameeyey alaabtii meesha allabariga oo dhan, kuwaasoo ah dheryihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii, iyo mudacyadii, iyo dabqaadayaashii; oo alaabteeda oo dhan wuxuu ka sameeyey naxaas.

  • 27iyo labaatan maddiibadood oo dahab ah oo iyana kun dirham ah, iyo laba weel oo ah naxaas dhalaalaysa oo sida dahab qaali u ah.

  • 10Oo Boqor Rexabcaam ayaa meeshoodii ka sameeyey gaashaammo naxaas ah, oo wuxuu u dhiibay saraakiishii waardiyayaashii albaabka guriga boqorka dhawri jiray.

  • Bax 38:19-20
    2 aayado
    71%

    19Tiirarkooduna waxay ahaayeen afar, saldhigyadoodii naxaasta ahaana afar; qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen lacag, oo tiirarka madaxyadoodii waxaa ku dahaadhnaa lacag, waxyaalihii laysugu xidhayna waxay wada ahaayeen lacag.

    20Oo musmaarrada taambuugga iyo barxadda ku wareegsanba kulligood waxay ahaayeen naxaas.

  • 10Oo tiirarkoodu waxay ahaayeen labaatan, saldhigyadooduna labaatan, naxaas laga sameeyey; tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxaa laga sameeyey lacag.

  • 16oo ah tan dahabka, iyo tan lacagta, iyo tan naxaasta, iyo tan birta, iyagu tiro ma leh, haddaba kac oo shaqee, oo Rabbiguna ha kula jiro.

  • 3Oo ilaa Xamaad Daa'uud wuxuu dilayay boqorkii Soobaah oo ahaa Hadarceser, intuu ku socday inuu dowladnimadiisa ku ag dhiso Webi Yufraad.

  • 38Oo wuxuu sameeyey toban berkedood oo naxaas ah; oo berkedba waxay qaadday afartan bad; oo berked kastaaba waxay ahayd afar dhudhun; oo tobankii saldhigna mid kasta berked baa saarnayd.

  • 3Daa'uudna wuxuu kaloo dilay boqorkii Soobaah, oo ahaa Hadadceser ina Rexob, intuu ku socday inuu dowladnimadiisii ku soo ceshado Webiga agtiisa.

  • 9Oo weliba wuxuu kaloo sii sameeyey barxaddii wadaaddada, iyo barxaddii weynayd, iyo albaabbadii barxadda, oo albaabbadoodiina wuxuu ku dahaadhay naxaas.

  • 38Wuxuuna sameeyey shantiisii tiir iyo qabsatooyinkoodiiba, oo dahab buu ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii iyo waxyaalihii laysugu wada xidhayba; oo shantoodii saldhigna waxay ahaayeen naxaas.

  • 17Oo Boqor Aaxaasna wuxuu jaray saldhigyadii darfahoodii, oo berkeddii weysadana wuu ka kor qaaday, oo berkeddii naxaasta ahaydna wuu ka dejiyey dibidii hoosteeda ku jirtay, oo wuxuu saaray meel sallax ah.

  • 6Oo lugahana waxaa ugu xidhnaa naxaas, garbaha dhexdoodana naxaas kale.

  • 16Oo waagaasaa Xisqiyaah dahabkii ka jaray albaabbadii gurigii Rabbiga iyo tiirarkiiba, kuwaasoo uu Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku dahaadhay, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur.

  • 27Oo wuxuu sameeyey toban saldhig oo naxaas ah, oo saldhig kasta dhererkiisu wuxuu ahaa afar dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa saddex dhudhun.

  • 2Oo wuxuu kaloo sameeyey berkeddii naxaasta ahayd, oo qarkeedu gees ilaa ka gees wuxuu isu jiray toban dhudhun, wayna wareegsanayd, oo sarajooggeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun, wareeggeeduna wuxuu ahaa soddon dhudhun.

  • 6Oo ulihiina wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, naxaas buuna ku dahaadhay.

  • 7Oo adeegidda guriga Ilaah daraaddeed waxay u bixiyeen shan kun oo talanti iyo toban kun oo dirham oo dahab ah, iyo toban kun oo talanti oo lacag ah, iyo siddeed iyo toban kun oo talanti oo naxaas ah, iyo boqol kun oo talanti oo bir ah.