1 Taariikhdii 21:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Daa'uud wuxuu Ilaah ku yidhi, Kii amray in dadka la soo tiriyo sow aniga ma aha? Kii dembaabay oo waxa aad u xun sameeyey waa aniga, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba Rabbiyow Ilaahayow, waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay, laakiinse dadkaaga yaanay ka gees noqon oo aanay belaayo ku dhicin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 44:33 : 33 Haddaba sidaas daraaddeed, waan ku baryayaaye, aniga oo ah addoonkaagii, aan wiilka meeshiisii kuu joogo oo aan addoon kuu noqdo, sayidkaygiiyow; wiilkuna walaalihiis ha iska raaco.
  • Bax 20:5 : 5 Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb,
  • Bax 32:32-33 : 32 Laakiin hadda haddaad dembigooda cafidid; haddii kalese waan ku baryayaaye, kitaabkaaga aad qortay iga tir. 33 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Ku alla kii igu dembaabay weeye kan aan kitaabkayga ka tirayaa.
  • Yash 22:18 : 18 inaad maanta ka leexataan inaad Rabbiga la socotaan? Oo caasinimadii aad maanta Rabbiga ku caasiyowdeen aawadeed ayuu berrito ugu cadhoon doonaa shirka reer binu Israa'iil oo dhan.
  • 2 Sam 7:8 : 8 Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kexeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,
  • 2 Sam 12:10 : 10 Sidaas daraaddeed seeftu reerkaaga ka tegi mayso; maxaa yeelay, waad i quudhsatay, oo waxaad kaxaysatay naagtii Uuriyaah kii reer Xeed inay naag kuu noqoto.
  • 2 Sam 24:1 : 1 ¶ Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo Daa'uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa'iil iyo reer Yahuudah.
  • 2 Sam 24:17 : 17 Markaasaa Daa'uud wuxuu la hadlay Rabbiga kolkuu arkay malaggii dadka laayay, oo yidhi, Bal eeg, waan dembaabay, oo wax qalloocan baan sameeyey, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay.
  • 1 Boq 22:17 : 17 Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan arkay dadka Israa'iil oo dhan oo buuraha ku kala firdhay sidii ido aan adhijir lahayn, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Kuwanu sayid ma leh ee nin waluba gurigiisii ha ku nabad noqdo.
  • 1 Taar 21:8 : 8 Markaasaa Daa'uud Ilaah ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay, haddaba waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey.
  • Sab 44:11 : 11 Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo, Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.
  • Sab 51:4 : 4 Adiga keliya ayaan kugu dembaabay, Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun, Inaad xaq ahaatid markaad hadashid, Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.
  • Sab 51:14 : 14 Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samatabbixi, Markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.
  • Sab 74:1 : 1 Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay? Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?
  • Ish 39:7-8 : 7 Wiilashaada kaa soo bixi doona, oo aad dhali doontana waa la kaxaysan doonaa, oo iyana waxay ahaan doonaan bohommo jooga daarta boqorka Baabuloon. 8 Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Erayga Rabbiga oo aad ku hadashay waa wanaagsan yahay. Oo weliba wuxuu kaloo yidhi, Waayo, waxaa jiri doona nabad iyo run intaan noolahay.
  • Yex 16:63 : 63 si aad wax u soo xusuusatid, oo aad u facsharantid, oo aadan afkaagana mar dambe u kala qaadin ceebtaada aawadeed, markaan kaa wada cafiyo wixii aad samaysay oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Yoox 10:11-12 : 11 ¶ Waxaan ahay adhijirka wanaagsan. Adhijirka wanaagsanu wuxuu naftiisa u bixiyaa idaha daraaddood. 12 Kan ciidanka ah oo aan adhijirka ahayn, iduhuna aanay kuwiisa ahayn, kolkuu arko yeeyda oo soo socota, wuu ka tagaa idaha oo ka cararaa. Markaasay yeeydu qabsataa oo kala firdhisaa iyaga.
  • Room 9:3 : 3 Waayo, waxaan jeclaan lahaa inaan aniga qudhaydu ka inkaarnaado Masiixa walaalahay aawadood oo ah xigaalkayga aannu isku jidhka nahay,
  • 1 Yoox 3:16 : 16 Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 91%

    16Markii malaggii gacanta u fidiyey inuu baabbi'iyo Yeruusaalem ayaa Rabbigu belaayadii ka qoomamooday, oo wuxuu ku yidhi malaggii dadka baabbi'inayay, Bes weeye, haddaba gacanta soo celi. Oo malaggii Rabbiguna wuxuu ag joogay meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo uu Arawnaah kii reer Yebuus lahaa.

    17Markaasaa Daa'uud wuxuu la hadlay Rabbiga kolkuu arkay malaggii dadka laayay, oo yidhi, Bal eeg, waan dembaabay, oo wax qalloocan baan sameeyey, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay.

  • 83%

    10¶ Oo Daa'uudna qalbigiisii ayaa naxay markuu dadka tiriyey dabadeed. Markaasaa Daa'uud Rabbiga ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay; haddaba Rabbiyow, waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey.

    11Oo markii Daa'uud subixii toosay ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Gaad, oo ahaa Daa'uud wax arkihiisa, oo wuxuu yidhi,

  • 81%

    7Haddaba taas ayaa Ilaah ugu cadhooday, markaasuu laayay reer binu Israa'iil.

    8Markaasaa Daa'uud Ilaah ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay, haddaba waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey.

    9Markaasaa Rabbigu la hadlay Gaad oo ahaa Daa'uud waxarkihiisa, oo wuxuu yidhi,

  • 79%

    13Markaasaa Daa'uud wuxuu Gaad ku yidhi, Cidhiidhi weyn baan ku jiraa, Rabbiga gacantiisa aan ku dhaco, waayo, naxariistiisu waa badan tahay, laakiinse yaanan dad gacantiis ku dhicin.

    14Saas aawadeed Rabbigu belaayo ayuu ku soo dejiyey reer binu Israa'iil, oo waxaa reer binu Israa'iil ka dhintay toddobaatan kun oo nin.

    15Oo haddana Rabbigu wuxuu Yeruusaalem u soo diray malag wax baabbi'iya, oo markuu u dhowaaday inuu baabbi'iyo ayaa Rabbigu fiiriyey, oo belaayadii ka qoomamooday, oo wuxuu malaggii wax baabbi'inayay ku yidhi, Bes weeye, haddaba gacanta soo celi. Oo malaggii Rabbigu wuxuu ag joogay meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo uu Aarnaankii reer Yebuus lahaa.

    16Markaasaa Daa'uud indhihii kor u taagay oo wuxuu arkay malaggii Rabbiga oo taagan dhulka iyo samada dhexdooda oo gacanta ku haysta seef gal la' oo Yeruusaalem ku kor fidsan. Markaasay Daa'uud iyo odayaashiiba, iyagoo dhar joonyad ah qaba, wejiga dhulka saareen.

  • 76%

    18Markaasaa malaggii Rabbigu Gaad ku amray inuu Daa'uud ku yidhaahdo, Tag oo Rabbiga meel allabari ugu dhis meeshii wax lagu tumi jiray ee Aarnaankii reer Yebuus leeyahay.

    19Oo Daa'uud baa ku tegey wixii uu Gaad yidhi, oo uu ku hadlay magicii Rabbiga.

  • 14Markaasaa Daa'uud wuxuu Gaad ku yidhi, Cidhiidhi weyn baan ku jiraa; haddaba Rabbiga gacantiisa aan ku dhacno; waayo, naxariistiisu waa badan tahay; laakiinse yaanan dad gacantiis ku dhicin.

  • 75%

    18¶ Markaasaa Boqor Daa'uud gudaha galay oo Rabbiga hor fadhiistay, oo wuxuu yidhi, Sayidow, Rabbow, bal yaan ahay? Reerkayguna waa maxay oo aad halkan ii soo gaadhsiisay?

    19Oo weliba waxanu hortaada wuu ku yaraa, Sayidow, Rabbow, laakiinse waxaad kaloo ka sii hadashay reerkaygu wuxuu wakhti dheer noqon doono, oo Sayidow, Rabbow, taasu ma caadada dadkaa?

  • 75%

    2Markaasaa Daa'uud ku yidhi Yoo'aab iyo amiirradii, Taga oo reer binu Israa'iil soo tiriya tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, oo war ii keena si aan u ogaado dadka tiradiisa.

    3Markaasaa Yoo'aab yidhi, Rabbigu dadkiisa ha ka dhigo boqol jeer in ka sii badan inta ay haatan yihiin, laakiinse boqorow sayidkaygiiyow, iyagu kulligood sow ma aha addoommadaada? Maxaadse waxan u doonaysaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaadse reer binu Israa'iil sabab ay ku dembaabaan ugu noqonaysaa?

  • 74%

    16¶ Markaasaa Boqor Daa'uud gudaha galay oo Rabbiga hor fadhiistay, oo wuxuu yidhi, Rabbow Ilaahow, bal yaan ahay? Reerkayguna waa maxay oo aad halkan ii soo gaadhsiisay?

    17Oo waxanu hortaada wuu ku yaraa, Ilaahow, laakiinse waxaad kaloo ka sii hadashay reerkaygu wuxuu wakhti dheer noqon doono, anoo addoonkaaga ah, oo weliba Rabbow Ilaahow, waxaad iiga fikirtay sidii nin darajo weyn leh.

  • 74%

    28Oo markuu ragga la hadlayay Elii'aab oo ahaa walaalkiisii ugu weynaa ayaa maqlay, oo Elii'aabna aad buu ugu cadhooday Daa'uud oo wuxuu ku yidhi, War maxaad u soo dhaadhacday? Oo bal yaad uga soo kacday xayntii idaha ahayd oo cidlada joogtay? Anigu waan aqaan kibirkaaga, iyo xumaanta qalbigaaga ku jirta, waayo, waxaad u timid inaad dagaalka fiirsato.

    29Markaasaa Daa'uud ku yidhi, Bal maxaan haatan sameeyey? Sow hadal uun ma aha?

  • 74%

    18Oo haddana wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad ii eryanaysaa, anoo addoonkaaga ah? Waayo, maxaan sameeyey? Waase maxay xumaanta gacantayda ku jirtaa?

    19Haddaba waan ku baryayaaye, boqorow sayidkaygiiyow, bal maqal erayadayda anoo addoonkaaga ah. Oo haddii Rabbigu igu kaa diray qurbaan ha aqbalo, laakiinse haddii waxa igu kaa diray ay binu-aadmi yihiin, Rabbiga hortiisa ha ku inkaarnaadeen, waayo, maanta way i eryeen si aanan u sii joogin dhaxalkii Rabbiga, oo waxay igu yidhaahdeen, Tag oo ilaahyo kale u adeeg.

    20Haddaba sidaas daraaddeed dhiiggaygu yuusan ku daadan meel Rabbiga hortiisa ka fog, waayo, boqorkii reer binu Israa'iilow, waxaad u soo baxday si aad tagfi u doondoonto, oo waa sidii mid buuraha digaagduur ka ugaadhsanaya.

    21Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Waan dembaabay, wiilkaygii Daa'uudow, iska noqo, waayo, anigu mar dambe wax ku yeeli maayo, maxaa yeelay, maanta naftaydu qaali bay kula noqotay. Bal eeg, waan nacasoobay oo aad iyo aad baan u qaldamay.

  • 73%

    22Markaasaa Daa'uud wuxuu Aarnaan ku yidhi, Meeshan wax lagu tumo i sii, aan meel allabari Rabbiga uga dhisee. Waxaad igu siinaysaa qiima buuxa in belaayadu ay dadka ka joogsato.

    23Markaasaa Aarnaan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Boqorow sayidkaygiiyow, qaado oo samee wixii kula wanaagsan, bal eeg, dibida waxaan kuu siinayaa qurbaanno la gubo aawadiis, oo alaabta wax lagu tumona qoryo aawadood, sarreenkana qurbaan aawadiis, anigu kulli waan ku wada siinayaa.

  • 3oo Daa'uud wuxuu reer Gibecoon ku yidhi, War maxaan idiin sameeyaa? Oo maxaan kafaaraggud u bixiyaa si aad dhaxalka Rabbiga ugu ducaysaan?

  • 13Markaasaa Daa'uud wuxuu Naataan ku yidhi, Anigu Rabbiga waan ku dembaabay. Oo Naataanna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Rabbigu dembigaagii wuu kaa fogeeyey; dhimanna maysid.

  • 30Markaasuu yidhi, Waan dembaabay; haddaba waan ku baryayaaye, igu murwee duqowda dadkayga hortooda, iyo reer binu Israa'iil hortooda, oo mar kale ila noqo aan Rabbiga Ilaahaaga ah soo caabudee.

  • 21Oo Arawnaah wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, maxaad iigu timid anoo addoonkaaga ah? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Waxaan kuugu imid inaan kaa iibsado meesha wax lagu tumo, si aan Rabbiga uga dhiso meel allabari inay belaayadu dadka ka joogsato.

  • 17Dabadeedna boqorkii wuxuu waardiyayaashii hareerihiisa taagnaa ku yidhi, Ku jeesta oo wadaaddada Rabbiga laaya, maxaa yeelay, gacantoodu Daa'uud bay la jirtaa, oo iyagoo og inuu baxsaday ayayan ii soo sheegin, laakiinse boqorka addoommadiisii way diideen inay gacantooda ku fidiyaan oo laayaan wadaaddadii Rabbiga.

  • 19Oo wuxuu boqorkii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, dembi ha igu tirin, oo ha xusuusan wixii aan anoo addoonkaaga ah si qalloocan kuugu sameeyey maalintii aad Yeruusaalem ka baxday, oo boqorow, sayidkaygiiyow, taas qalbiga ha ku qabsan.

  • 1¶ Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo Daa'uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa'iil iyo reer Yahuudah.

  • 22Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, maxaa inaga dhexeeya? Oo maxaadse maanta cadaawayaal iigu noqoteen? Maanta reer binu Israa'iil ma nin baa laga dilayaa? Oo miyaanan anigu maanta ogayn inaan ahay boqor reer binu Israa'iil u taliya?

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu ka cararay Naayood oo Raamaah ku taal, oo intuu Yoonaataan u yimid ayuu ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo dembigaygu waa maxay? Oo dembiga aan aabbahaa ku sameeyey ee uu naftayda u doonayaa waa maxay?

  • 7Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kaxeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,

  • 20Oo haddii aan dembaabay bal maxaan kuu sameeyaa Kaaga dadka ilaaliyow? Bal maxaad iiga dhigatay calaamad, Si aan nafsaddayda culaab ugu noqdo?

  • 3Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey, Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,

  • 30Laakiinse Daa'uud meeshaas ma uu hor tegi karin inuu Ilaah wax soo weyddiisto, maxaa yeelay, wuxuu ka baqayay seeftii malagga Rabbiga.

  • 23Rabbiyow, adigu waad og tahay taladooda oo dhan iyo siday u doonayaan inay i dilaan. Xumaantooda ha ka cafiyin, oo dembigoodana hortaada ha ka tirtirin, laakiinse hortaada ha lagu afgembiyo, oo wakhtiga cadhadaadana sidaas ula macaamilo.

  • 15Anigu ma maantaan bilaabay inaan isaga Ilaah wax u weyddiiyo? Taasu ha iga fogaato. Anigu waxan oo dhan waxba kama ogi wax yar iyo wax badan toona, haddaba, boqorow, anigoo addoonkaaga ah iyo reerka aabbahay oo dhanba waxba ha na saarin.

  • 17Markaasaa Daa'uud u baxay inuu iyaga ka hor tago, oo intuu jawaabay ayuu ku yidhi, Haddaad nabdoon iigu timaadeen inaad i caawisaan qalbigaygu wuu idinla jiri doonaa, laakiinse haddaad iigu timaadeen inaad cadaawayaashayda ii gacangelisaan, Ilaahii awowayaasheen taas ha fiiriyo oo ha canaanto, maxaa yeelay, gacmahayga wax xumaan ahu kuma jiraan.

  • 17Kolkaasuu Daa'uud ku yidhi, Aad baad iiga qumman tahay, waayo, wanaag baad ii fashay, anse xumaan baan kuugu beddelay.

  • 21Haddaba Daa'uud wuxuu markaa ka hor yidhi, Hubaal waxtarla'aan baan u dhawrayay waxa ninkanu cidlada ku haysto oo dhan, si aan waxba uga maqnaan waxa uu leeyahay oo dhan, oo wanaaggii aan u falay shar buu iigu beddelay.

  • 7Oo dadkii reer binu Israa'iilna waxaa meeshaas ku laayay addoommadii Daa'uud, oo maalintaas waxaa la laayay dad badan, oo waxaa ka dhintay labaatan kun oo nin.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo wuxuu u yeelay saraakiil kun kun u taliya iyo saraakiil boqol boqol u taliya.

  • 38Kolkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Madaxda reer binu Israa'iil oo dhammay, soo dhowaada, oo maanta dembiganu wuxuu ku jiray bal soo ogaada oo soo eega.

  • 7¶ Kolkaasaa Naataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ninkaasu waa adiga. Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaatid boqor reer binu Israa'iil u taliya, gacantii Saa'uulna waan kaa samatabbixiyey,