1 Taariikhdii 26:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Meshelemyaahna wuxuu lahaa siddeed iyo toban nin oo ahaa rag xoog badan, waxayna wada ahaayeen wiilashiisii iyo walaalihiis.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 26:1 : 1 ¶ Oo kooxihii iridjoogayaashiina waa kuwan: reer Qorax waxaa laga doortay Meshelemyaah ina Qore oo ahaa reer Aasaaf.
  • 1 Taar 26:14 : 14 Oo saamigii dhanka bari wuxuu u soo baxay Shelemyaah. Oo haddana waxay saami u rideen wiilkiisii Sekaryaah, oo ahaa lataliye xigmad badan, oo saamigiisiina wuxuu ku helay dhankii woqooyi.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    6Oo weliba wiilkiisii Shemacyaahna wiilal baa u dhashay, oo iyagaa u talin jiray reerkii aabbahood, waayo, waxay ahaayeen rag xoog badan.

    7Wiilashii Shemacyaahna waxay ahaayeen Cotnii, iyo Refa'eel, iyo Coobeed, iyo Elsaabaad, walaalahoodna oo ah Eliihuu iyo Semakiyaah waxay ahaayeen rag xoog badan.

    8Oo kulli intaasoo dhammu waxay ahaayeen reer Cobeed Edoom, oo iyaga iyo wiilashoodii iyo walaalahoodba waxay ahaayeen rag xoog iyo karti adeegidda u leh, waxayna ahaayeen laba iyo lixdan nin oo reer Cobeed Edoom wada ah.

  • 77%

    15Kii siddeedaadna wuxuu u soo baxay Yeshacyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    16Kii sagaalaadna wuxuu u soo baxay Matanyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    17Kii tobnaadna wuxuu u soo baxay Shimcii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    18Kii kow iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Casareel, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    19Kii laba iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Xashabyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    20Kii saddex iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Shuubaa'eel, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    21Kii afar iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Matityaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

  • 77%

    1¶ Oo kooxihii iridjoogayaashiina waa kuwan: reer Qorax waxaa laga doortay Meshelemyaah ina Qore oo ahaa reer Aasaaf.

    2Oo Meshelemyaahna wuxuu lahaa wiilal, oo curadkiisii wuxuu ahaa Sekaryaah, kii labaadna Yediica'eel, kii saddexaadna Sebadyaah, kii afraadna Yatnii'eel,

    3kii shanaadna Ceelaam, kii lixaadna Yehooxaanaan, kii toddobaadna Eliihooceenay.

    4Oo Cobeed Edoomna wuxuu lahaa wiilal, oo curadkiisii wuxuu ahaa Shemacyaah, kii labaadna Yehoosaabaad, kii saddexaadna Yoo'aax, kii afraadna Saakaar, kii shanaadna Netaneel,

  • Cesr 8:18-19
    2 aayado
    76%

    18Oo sidii ay gacanta wanaagsan oo Ilaahayagu noo saarnayd, waxay noo keeneen nin waxgarad ah oo ah reer Maxlii, oo ka ah reer Laawi, oo ka sii ah reer binu Israa'iil, iyo Sheereebyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiis oo siddeed iyo toban isku ahaa,

    19iyo Xashabyaah, iyo Yeshacyaah oo ahaa reer Meraarii, iyo walaalihiis iyo wiilashoodii oo labaatan isku ahaa,

  • 76%

    23Kii lix iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Xananyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    24Kii toddoba iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Yaashbeqaashaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    25Kii siddeed iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Xanaanii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    26Kii sagaal iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Mallootii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    27Kii labaatanaadna wuxuu u soo baxay Elii'aataah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

  • 11kii labaadna wuxuu ahaa Xilqiyaah, kii saddexaadna Tebalyaah, kii afraadna Sekaryaah. Oo Xosaah wiilashiisii iyo walaalihiis oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo toban.

  • Cesr 8:8-10
    3 aayado
    73%

    8Wiilashii Shefatyaahna waxaa ka socday Sebadyaah oo ahaa ina Miikaa'eel, oo isaga waxaa la jiray siddeetan nin.

    9Wiilashii Yoo'aabna waxaa ka socday Cobadyaah oo ahaa ina Yexii'eel; oo waxaa isaga la jiray laba boqol iyo siddeed iyo toban nin.

    10Wiilashii Shelomiidna waxaa ka socday ina Yoosifyaah, oo waxaa isaga la jiray boqol iyo lixdan nin.

  • 9iyo walaalahood oo ahaa sidii dhalashadoodu ahayd, oo waxayna ahaayeen sagaal boqol iyo lix iyo konton. Oo nimankaas oo dhammu waxay ahaayeen madaxdii reerahooda siday kala reer u ahaayeen.

  • 12Oo raggii xoogga badnaa, oo ahaa madaxdii qolooyinka oo dhan tiradoodu waxay ahayd laba kun iyo lix boqol oo nin.

  • Nex 11:12-14
    3 aayado
    72%

    12iyo walaalahoodii ka shaqayn jiray guriga, oo waxay ahaayeen siddeed boqol iyo laba iyo labaatan, iyo Cadaayaah oo ahaa ina Yeroxaam, ina Felaliyaah, ina Amsii, ina Sekaryaah, ina Fashxuur, ina Malkiiyaah,

    13iyo walaalihiis oo ahaa madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ahaayeen laba boqol iyo laba iyo afartan, iyo Camashay oo ahaa ina Casareel, ina Axsay, ina Meshilleemood, ina Immeer;

    14iyo walaalahood oo ahaa rag xoog leh, oo waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo labaatan; oo madaxooduna wuxuu ahaa Sabdii'eel oo ahaa ina Haggedooliim.

  • 30Kii saddex iyo labaatanaadna wuxuu u soo baxay Maxasii'ood, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

  • 71%

    13iyo walaalahood oo ahaa madaxdii reerahooda, oo tiradooduna ahayd kun iyo toddoba boqol iyo lixdan, oo waxayna ahaayeen rag aad karti ugu leh shuqulka adeegidda guriga Ilaah.

    14Oo reer Laawina waxaa ka joogay Shemacyaah oo ahaa ina Xashuub, ina Casriiqaam, ina Xashabyaah oo ahaa reer Meraarii,

  • 13Wiilashii Adoniiqaam oo ugu wada dambeeyeyna waxaa ka socday saddex nin, oo waa kuwan saddexdoodii magac, Eliifeled, iyo Yecuu'eel, iyo Shemacyaah, oo waxaa iyaga la jiray lixdan nin.

  • 71%

    8kuwii reer Eliisaafaanna, Shemacyaah oo madax ahaa, iyo laba boqol oo nin oo walaalihiis ahaa,

    9kuwii reer Xebroonna, Elii'eel oo madax ahaa, iyo siddeetan nin oo walaalihiis ahaa,

  • 5Wiilashii Shekaanyaahna waxaa ka socday ina Yaxasii'eel, oo waxaa isaga la jiray saddex boqol oo nin.

  • 70%

    30Oo reer Efrayimna waxaa ka joogay labaatan kun iyo siddeed boqol oo nin, oo ah rag xoog badan oo dhammaantood reerahooda caan ku ah.

    31Oo reer Manaseh badhkiisiina waxaa ka joogay siddeed iyo toban kun oo nin, oo loo magacaabay inay yimaadaan oo ay Daa'uud boqraan.

  • 6Raggii reer Feres oo Yeruusaalem degganaa oo dhammu waxay ahaayeen afar boqol iyo siddeed iyo lixdan nin oo xoog leh.

  • 8iyo Eliishaamaac, iyo Elyaadaac, iyo Eliifeled, oo iyana waxay ahaayeen sagaal.

  • 13Kii lixaadna wuxuu u soo baxay Buqiyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

  • 18oo iyaga waxaa la jiray walaalahood oo ahaa darajadii labaad, waxayna ahaayeen Sekaryaah, iyo Been, iyo Yacasii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Macaseeyaah, iyo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo dhammaantood wada ahaa iridjoogayaal.

  • 26iyo Shamsheray, iyo Shexaryaah, iyo Catalyaah,

  • 26raggii reer Beytlaxam iyo reer Netofaahna boqol iyo siddeed iyo siddeetan,

  • 9Oo iyaga sidii abtiriskoodii ahaa waa loo tiriyey iyo sidii ay u kala dhasheen, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ah rag xoog badan, tiradooduna waxay ahayd labaatan kun iyo laba boqol.

  • 25Waxaana la jiray walaalihiis ahaa reer Eliiceser, kuwaasoo ahaa wiilkiisii Rexabyaah, iyo isagii wiilkiisii Yeshacyaah, iyo isagii wiilkiisii Yooraam, iyo isagii wiilkiisii Sikrii, iyo isagii wiilkiisii Shelomood.

  • 16reer Aateer oo ahaa reer Xisqiyaahna siddeed iyo sagaashan,

  • 18wiilkiisii Salaatii'eel, iyo Malkiiraam, iyo Fedaayaah, iyo Shen'asar, iyo Yeqamyaah, iyo Hooshaamaac, iyo Nedabyaah.

  • 27Shimciina wuxuu lahaa lix iyo toban wiil iyo lix gabdhood, laakiinse walaalihiis carruur badan ma ay lahayn, oo qoladooda oo dhammuna uma ay tarmin, sida reer Yahuudah oo kale.