1 Taariikhdii 27:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo sirkaalkii toddobaad ee bishii toddobaad bixi jirayna wuxuu ahaa Xeles oo ahaa reer Feloonii, oo ka ahaa reer Efrayim, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 11:27 : 27 iyo Shammood oo ahaa reer Xarod, iyo Xeles oo ahaa reer Feloonii,
  • 2 Sam 23:26 : 26 iyo Xeles oo ahaa reer Faltii, iyo Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    11Oo sirkaalkii siddeedaad oo bishii siddeedaad bixi jirayna wuxuu ahaa Sibbekay oo ahaa reer Xushaad, oo ka ahaa reer Serax, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

    12Oo sirkaalkii sagaalaad ee bishii sagaalaad bixi jirayna wuxuu ahaa Abiiceser oo ahaa reer Canaatood, oo ka ahaa reer Benyaamiin, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

    13Oo sirkaalkii tobnaad ee bishii tobnaad bixi jirayna wuxuu ahaa Maharay oo ahaa reer Netofaah oo ka ahaa reer Serax, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

    14Oo sirkaalkii kow iyo tobnaad ee bishii kow iyo tobnaad bixi jirayna wuxuu ahaa Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon, oo ka ahaa reer Efrayim, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

    15Oo sirkaalkii laba iyo tobnaad ee bishii laba iyo tobnaad bixi jirayna wuxuu ahaa Xelday oo ahaa reer Netofaah, oo ka ahaa reer Cotnii'eel, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

    16¶ Oo weliba waxaa qabiilooyinkii reer binu Israa'iil u talinayay kuwan: reer Ruubeen waxaa u talinayay Eliiceser ina Sikrii oo taliye ahaa, reer Simecoonna waxaa u talinayay Shefatyaah ina Macakaah,

  • 86%

    1¶ Haddaba waa tan reer binu Israa'iil sidii tiradoodu ay ahayd, waxayna ahaayeen madaxdii qolooyinka, iyo kuwii kun kun u taliyey, iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo saraakiishoodii boqorka uga adeegi jiray wax kasta oo ku saabsan kooxihii soo geli jiray oo bixi jiray bil kasta oo ah bilaha sannadda oo dhan; koox kasta tiradeedu waxay ahayd afar iyo labaatan kun oo nin.

    2Oo kooxdii kowaad ee bixi jirtay bishii kowaad waxaa madax u ahaa Yaashaabcaam ina Sabdii'eel, oo kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

    3Oo isagu wuxuu ahaa reer Feres, wuxuuna ugu wada sarreeyey saraakiishii ciidanka oo bishii kowaad bixi jiray oo dhan.

    4Oo kooxdii bishii labaadna waxaa madax u ahaa Doday oo ahaa reer Axoo'ax, oo kooxdiisa waxaa ku jiray Miqlood oo taliye ahaa, oo kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

    5Oo sirkaalkii saddexaad ee ciidanka oo bishii saddexaad bixi jirayna wuxuu ahaa Benaayaah oo madax ahaa oo ahaa ina wadaadkii ahaa Yehooyaadaac, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

    6Oo kaasu waa Benaayaah oo ahaa kii ugu xoog badnaa soddonkii, oo weliba soddonka madax u ahaa, oo kooxdiisana waxaa ku jiray wiilkiisii Cammiisaabaad.

    7Oo sirkaalkii afraad ee bishii afraad bixi jirayna wuxuu ahaa Casaaheel oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, wiilkiisii Sebadyaahna wuu ku xigay, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

    8Oo sirkaalkii shanaad ee bishii shanaad bixi jirayna wuxuu ahaa Shamhuud oo ahaa reer Yisraax, oo kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

    9Oo sirkaalkii lixaad oo bishii lixaad bixi jirayna wuxuu ahaa Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

  • Tir 2:7-8
    2 aayado
    75%

    7Qabiilka reer Sebulunna, oo amiirka reer Sebulunna waa inuu ahaadaa Elii'aab ina Xeelon.

    8Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyeyna waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.

  • 26iyo Xeles oo ahaa reer Faltii, iyo Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca,

  • 27iyo Shammood oo ahaa reer Xarod, iyo Xeles oo ahaa reer Feloonii,

  • 3kii shanaadna Ceelaam, kii lixaadna Yehooxaanaan, kii toddobaadna Eliihooceenay.

  • 7Wiilashii Belacna waxay ahaayeen Esboon, iyo Cusii, iyo Cusii'eel, iyo Yeriimood, iyo Ciirii, oo ahaa shan, oo reerahoodana madax bay u ahaayeen, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo abtiriskoodana waa la tiriyey, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo afar iyo soddon nin.

  • 27Kii labaatanaadna wuxuu u soo baxay Elii'aataah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

  • 71%

    9Oo iyaga sidii abtiriskoodii ahaa waa loo tiriyey iyo sidii ay u kala dhasheen, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ah rag xoog badan, tiradooduna waxay ahayd labaatan kun iyo laba boqol.

    10Farcankii Yediica'eelna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo wiilashii Bilhaan oo ahaa Yecuush iyo Benyaamiin, iyo Eehuud, iyo Kenacanaah, iyo Seetaan, iyo Tarshiish, iyo Axiishaxar.

    11Oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen farcankii Yediica'eel sidii ay ahaayeen madaxdii reerahoodu, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo intoodii dagaal aawadiis ciidanka u geli kartay waxay ahaayeen toddoba iyo toban kun iyo laba boqol,

  • 12reer Ceelaamna kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,

  • 10kii toddobaadna Haqoos, kii siddeedaadna Abiiyaah,

  • 16Oo qabiilka reer Sebulun ciidankoodana waxaa u sarreeyey Elii'aab ina Xeelon.

  • 15kii toddoba iyo tobnaadna Xeesiir, kii siddeed iyo tobnaadna Hafisees,

  • 34Oo reer Naftaalina waxaa ka joogay kun sirkaal oo ay la socdaan toddoba iyo soddon kun oo nin oo waran iyo gaashaan wada sita.

  • 3Oo waxaa madax ahaa Axiiceser, dabadeedna Yoo'aash, oo ahaa ina Shemaacaah oo ahaa reer Gibecaad, iyo Yesii'eel iyo Feled oo ahaa wiilashii Casmaawed, iyo Beraakaah, iyo Yeehuu oo ahaa reer Canaatood,

  • 7reer Ceelaamna kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,

  • 28Saadooqna wuxuu ahaa nin dhallinyar oo xoog badan, oo waxaa la jiray laba iyo labaatan sirkaal oo reerkiisii wada ah.

  • 43Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca kii reer Qadmii'eel oo ahaa reer Xoodawyaah afar iyo toddobaatan.

  • 23Wiilashii Xebroonna waxaa ka joogay Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad.

  • 24Wiilashii Eliyooceenayna waxay ahaayeen, Hoodawyaah, iyo Eliyaashiib, iyo Felaayaah, iyo Caquub, iyo Yooxaanaan, iyo Delaayaah, iyo Canaanii, waxayna ahaayeen toddoba.

  • 69%

    26Wiilashii Ceelaamna, Matanyaah, iyo Sekaryaah, iyo Yexii'eel, iyo Cabdii, iyo Yereemood, iyo Eliiyaah.

    27Wiilashii Satuuna, Eliyooceenay, iyo Eliyaashiib, iyo Matanyaah, iyo Yereemood, iyo Saabaad, iyo Casiisaa.

  • 30Oo reer Efrayimna waxaa ka joogay labaatan kun iyo siddeed boqol oo nin, oo ah rag xoog badan oo dhammaantood reerahooda caan ku ah.

  • 23Oo reer Laawina, Yoosaabaad, iyo Shimcii, iyo Qeelaayaah (kaasu waa Qeliitaa), iyo Fetaxyaah, iyo Yahuudah, iyo Eliiceser.

  • 4Oo iyaga waxaa la jiray guutooyin ah ciidankii dagaalka sidii ay u kala dhasheen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, waxayna ahaayeen lix iyo soddon kun oo nin, waayo, waxay lahaayeen naago iyo wiilal badan.

  • 9kuwii reer Xebroonna, Elii'eel oo madax ahaa, iyo siddeetan nin oo walaalihiis ahaa,

  • 14Kii toddobaadna wuxuu u soo baxay Yeshareelaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

  • 40¶ Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca iyo reer Qadmii'eel, oo reer Hoodawyaah ka soo farcamay oo ahaa afar iyo toddobaatan.

  • 24¶ Oo maalintii saddexaadna waxaa bixiyey Elii'aab ina Xeelon, oo amiir u ahaa reer Sebulun.

  • 34reerkii Ceelaamtii kalena kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,

  • 31intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Sebulun waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.

  • 5iyo Elcuusay, iyo Yeriimood, iyo Becalyaah, iyo Shemaryaah, iyo Shefatyaah oo ahaa reer Xaruuf,

  • 20Oo markuu Siiqlag tegey waxaa geestiisa reer Manaseh ka soo maray Cadnaah, iyo Yoosaabaad, iyo Yediica'eel, iyo Miikaa'eel, iyo Yoosaabaad, iyo Eliihuu, iyo Silletay, oo dhammaantood ahaa saraakiil u taliya kun kun reer Manaseh ah.

  • 9Reer Sebulunna waxaa ka iman Elii'aab ina Xeelon.