1 Taariikhdii 28:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo bal eeg, waxaa jooga kooxaha ah wadaaddada iyo reer Laawi, inay dhammaan qabtaan adeegidda guriga Ilaah, oo waxaa kula jiri doona oo hawl kasta qaban doona nin kasta oo adeegid kasta sanco u yaqaan oo raalli ah, oo weliba saraakiisha iyo dadka oo dhammuna amarkaaga way oggolaan doonaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 24:1-9 : 1 ¶ Oo kooxihii reer Haaruunna waa kuwan. Wiilashii Haaruun waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar. 2 Laakiinse Naadaab iyo Abiihuuba aabbahood way ka hor dhinteen, oo carruurna ma ay lahayn, haddaba sidaas daraaddeed hawshii wadaadnimada waxaa samayn jiray Elecaasaar iyo Iitaamaar. 3 Oo Daa'uud oo ay la jiraan Saadooq oo ahaa reer Elecaasaar iyo Axiimeleg oo ahaa reer Iitaamaar ayaa iyagii u kala qaybiyey sidii hawshoodu kala ahayd. 4 Oo reer Elecaasaar waxaa laga dhex helay niman madax ah oo ka badan intii reer Iitaamaar laga helay, oo iyagii sidanaa loo kala qaybiyey, reer Elecaasaar waxaa ku jiray lix iyo toban nin, oo qolooyin madax u ah, oo reer Iitaamaarna waxaa ku jiray siddeed, sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen. 5 Oo sidanaa iyagii saami loogu kala qaybiyey, oo caynba caynkii kale waa lagu daray, waayo, waxaa jiray amiirro meesha quduuska ah, iyo amiirro Ilaah oo ahaa reer Elecaasaar iyo reer Iitaamaar labadaba. 6 Oo Shemacyaah ina Netaneel oo karraanigii ahaa, oo ahaa reer Laawi ayaa iyagii ku hor qoray boqorkii, iyo amiirradii, iyo wadaadkii Saadooq, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, iyo madaxdii qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi ahaa, in reer loo qaado reer Elecaasaar, reerna loo qaado reer Iitaamaar. 7 Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay Yehooyaariib, kii labaadna Yedacyaah, 8 kii saddexaadna Haarim, kii afraadna Secoriim, 9 kii shanaadna Malkiiyaah, kii lixaadna Miyaamin, 10 kii toddobaadna Haqoos, kii siddeedaadna Abiiyaah, 11 kii sagaalaadna Yeeshuuca, kii tobnaadna Shekaanyaah, 12 kii kow iyo tobnaadna Eliyaashiib, kii laba iyo tobnaadna Yaaqiim, 13 kii saddex iyo tobnaadna Xufaah, kii afar iyo tobnaadna Yeshebe'aab, 14 kii shan iyo tobnaadna Bilgaah, kii lix iyo tobnaadna Immeer, 15 kii toddoba iyo tobnaadna Xeesiir, kii siddeed iyo tobnaadna Hafisees, 16 kii sagaal iyo tobnaadna Fetaxyaah, kii labaatanaadna Yexesqeel, 17 kii kow iyo labaatanaadna Yaakiin, kii laba iyo labaatanaadna Gaamuul, 18 kii saddex iyo labaatanaadna Dalaayaah, kii afar iyo labaatanaadna Macasyaah. 19 Kaasu wuxuu ahaa qaynuunkii ay u kala qaybsanaayeen oo ay hawshooda ku qaban jireen, inay gurigii Rabbiga ku soo galaan qaynuunkii iyaga lagu soo dhiibay awowgood Haaruun, sidii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil uu isaga ku amray. 20 ¶ Oo reer Laawi intii hadhayna waxaa ka mid ahaa kuwan, wiilashii Camraam waxaa ka joogay Shuubaa'eel, wiilashii Shuubaa'eelna waxaa ka joogay Yexdeyaah. 21 Reer Rexabyaahna waxaa wiilashii Rexabyaah ka joogay Yishyaah oo madax ahaa. 22 Reer Isehaarna waxaa ka joogay Shelomoo, wiilashii Shelomoodna waxaa ka joogay Yaaxad. 23 Wiilashii Xebroonna waxaa ka joogay Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad. 24 Wiilashii Cusii'eelna waxaa ka joogay Miikaah, wiilashii Miikaahna waxaa ka joogay Shaamiir. 25 Oo Miikaah walaalkiisna wuxuu ahaa Yishyaah, wiilashii Yishyaahna waxaa ka joogay Sekaryaah. 26 Wiilashii Meraariina waxaa ka joogay Maxlii iyo Mushii, wiilashii Yacasiyaahna waxaa ka joogay Benoo.
  • 1 Taar 28:13 : 13 iyo weliba tilmaantii kooxihii ahaa wadaaddada iyo reer Laawi, iyo shuqulkii laga qaban lahaa guriga Rabbiga oo dhan, iyo weelashii guriga lagaga adeegi lahaa oo dhan,
  • Sab 110:3 : 3 Dadkaagu iyagoo raalli ah bay isbixiyaan maalintii xooggaaga, Iyagoo leh quruxda quduusnimada, ee ka timaada uurka waaberiga, Adigaa leh sayaxa dhallinyaranimadaada.
  • Room 13:1 : 1 ¶ Naf waluba ha ka dambayso kuwa amarka sare leh, waayo, amar ma jiro kan Ilaah ka yimaada mooyaane. Kuwa jirana Ilaah baa ka dhigay kuwa amar leh.
  • Titus 3:1 : 1 ¶ Xusuusi iyaga inay taliyayaasha iyo kuwa amarka leh ka dambeeyaan, oo ay dhego nuglaadaan, oo ay shuqul kasta oo wanaagsan diyaar u ahaadaan,
  • Bax 31:3 : 3 oo waxaan isaga ka buuxiyey Ruuxa Ilaah, xagga xigmadda, iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada cayn kasta ah,
  • Bax 35:25-36:4 : 25 Oo dumarkii xigmadda lahaa oo dhammu waxay gacmahooda ku miiqeen dun, oo waxay keeneen wixii ay miiqeen oo ahaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan. 26 Oo dumarkii qalbigoodu xigmadda la kacay oo dhammu waxay miiqeen dhogor riyaad. 27 Oo taliyayaashiina waxay keeneen dhagaxyada onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga. 28 Waxayna keeneen uunsiga, iyo saliidda iftiinka, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon. 29 Oo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga u bixiyeen qurbaan ay raalli ka yihiin; oo waxay ahaayeen dad rag iyo dumarba leh oo qalbigoodu raalli ka ahaa inay u keenaan shuqulka Rabbigu Muuse ku amray in la sameeyo oo dhan. 30 ¶ Markaasaa Muuse wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Bal eega, Rabbigu wuxuu magac ugu yeedhay Besaleel oo ah ina Uurii, oo ah ina Xuur, oo qabiilkiisu yahay Yahuudah; 31 oo wuxuu isaga ka buuxiyey ruuxii Ilaah, xagga xigmadda iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada caynka kasta ah, 32 iyo inuu shuqullo yaab leh hindiso, oo uu ka shaqeeyo dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, 33 iyo inuu qoro dhagaxyo saldhigyo lagu dhejinayo, oo uu looxyada xardho, iyo inuu ka shaqeeyo sanco cayn kasta ah. 34 Oo wuxuu qalbigiisii geliyey inuu wax baro, isaga iyo Aaholii'aab oo ah ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu yahay Daan. 35 Oo iyaga wuxuu qalbigooda ka buuxiyey xigmad, inay ka shaqeeyaan shuqul cayn kasta ah oo ay qabtaan kuwa wax xardha iyo kuwa wax hindisa, iyo kuwa daabac ku tola buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo kuwa dharka sameeya, xataa ha ahaatee kuwa shuqul kasta qabta iyo kuwa shuqullo yaab leh hindisa. 1 ¶ Oo Besaleel iyo Aaholii'aab iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu geliyey xigmad iyo waxgarasho ay ku gartaan si loo sameeyo shuqul kasta oo ah adeegidda laga qabanayo meesha quduuska ah, waa inay u qabtaan sidii Rabbigu ku amray oo dhan. 2 ¶ Markaasaa Muuse wuxuu u yeedhay Besaleel iyo Aaholii'aab, iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu qalbigiisa xigmad geliyey, xataa mid kasta oo qalbigiisu kiciyey inuu yimaado oo shuqulka qabto. 3 Markaasay Muuse ka guddoomeen wixii la bixiyey oo dhan, oo ay reer binu Israa'iil u keeneen shuqulka adeegidda meesha quduuska ah, inay ka sameeyaan. Oo haddana waxay weliba subax walba u keeni jireen waxay raalli ka yihiin. 4 Oo raggii xigmadda lahaa oo dhan, oo ahaa kuwii shuqulka ka qabtay meesha quduuska ah, way wada yimaadeen, oo waxaa nin waluba ka soo kacay shuqulkii uu samaynayay.
  • 1 Taar 22:17-18 : 17 Oo haddana Daa'uud wuxuu amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan ku amray inay caawiyaan wiilkiisa Sulaymaan. 18 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War sow Rabbiga Ilaahiinna ahu idinlama jiro? Oo sow dhan kastaba nasasho idinkama siin? Waayo, dadyowgii dalka degganaa oo dhan ayuu soo geliyey gacantayda, oo dalkiina waxaa lagu jebshay Rabbiga iyo dadkiisa hortooda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    14Haddaba bal eeg, anoo dhibaataysan waxaan guriga Rabbiga u diyaarshay boqol kun oo talanti oo dahab ah, iyo kun kun oo talanti oo lacag ah, iyo naxaas iyo bir aan miisaan lahayn, waayo, aad bay u badan yihiin, oo weliba waxaan kaloo diyaariyey alwaax iyo dhagxan, oo adiguna intaas wax baad ku sii dari karaysaa.

    15Oo weliba waxaa kula jira rag shaqaale ah oo faro badan, kuwaasoo ah kuwa qora oo ka shaqeeya dhagxanta iyo alwaaxdaba, iyo rag kasta oo yaqaan sanco kasta,

    16oo ah tan dahabka, iyo tan lacagta, iyo tan naxaasta, iyo tan birta, iyagu tiro ma leh, haddaba kac oo shaqee, oo Rabbiguna ha kula jiro.

    17Oo haddana Daa'uud wuxuu amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan ku amray inay caawiyaan wiilkiisa Sulaymaan.

    18Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War sow Rabbiga Ilaahiinna ahu idinlama jiro? Oo sow dhan kastaba nasasho idinkama siin? Waayo, dadyowgii dalka degganaa oo dhan ayuu soo geliyey gacantayda, oo dalkiina waxaa lagu jebshay Rabbiga iyo dadkiisa hortooda.

  • 80%

    19Oo Daa'uud wuxuu yidhi, Waxan oo dhan waxaa laygu garansiiyey qorniin laga helay gacantii Rabbiga, si aan ku garto tilmaantan shuqulkeeda oo dhan.

    20Markaasaa Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, oo hawshan samee, oo ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo ah Ilaahayga ayaa kula jira, oo isagu kuma gabi doono, kumana dayrin doono, jeer la wada dhammeeyo kulli shuqulka adeegidda guriga Rabbiga oo dhan.

  • 78%

    7Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.

    8Haddaba sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil oo dhan oo ah shirkii Rabbiga hortooda, iyo iyadoo uu Ilaaheennu ina maqlayo, dhawra oo doondoona amarrada Rabbiga Ilaaheenna ah oo dhan inaad idinku hantidaan dalkan wanaagsan oo aad weliba carruurtiinna idinka dambaysana uga tagtaan dhaxal weligiis raagaya.

    9Haddaba Sulaymaanow, wiilkaygiiyow, Ilaahii aabbahaa garo, oo ugu adeeg qalbi qumman iyo maan raalli ah, waayo, Rabbigu wuxuu baadhaa qalbiyada oo dhan, wuuna wada gartaa malayaasha fikirrada oo dhan, oo haddaad isaga doondoontid waad heli doontaa, laakiinse haddaad isaga ka tagtid wuu ku xoori doonaa weligaaba.

    10Haddaba iska jir, waayo, Rabbigu wuxuu kuu doortay inaad meesha quduuska ah guri u dhistid. Xoog yeelo oo samee.

    11¶ Markaasaa Daa'uud wiilkiisii Sulaymaan siiyey tilmaantii balbaladii macbudka, iyo tii guryihiisa, iyo tii khasnadihiisa, iyo tii qowladihiisa sare, iyo tii qolalkiisa hoose, iyo tii meeshii daboolka kafaaraggudka.

    12Oo wuxuu kaloo siiyey kulli wixii uu ruuxii ku hayay tilmaantoodii oo dhan, kuwaasoo ah barxadihii guriga Rabbiga, iyo qolalkii ku wareegsanaa oo dhan, iyo khasnadihii guriga Ilaah, iyo khasnadihii alaabta quduuska ah la dhigi lahaa,

    13iyo weliba tilmaantii kooxihii ahaa wadaaddada iyo reer Laawi, iyo shuqulkii laga qaban lahaa guriga Rabbiga oo dhan, iyo weelashii guriga lagaga adeegi lahaa oo dhan,

    14iyo tilmaantii dahabkii loo miisaami lahaa weelasha dahabka ah, oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa kulli weelasha lacagta ah oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah,

  • 75%

    1¶ Markaasaa Boqor Daa'uud shirkii oo dhan ku yidhi, Wiilkayga Sulaymaan oo Ilaahu keligiis doortay, weli wuu yar yahay, waana tabar daranyahay, oo shuqulkuna waa weyn yahay, waayo, guriga nin loo dhisi maayo, laakiinse waxaa loo dhisayaa Rabbiga Ilaaha ah.

    2Haddaba xooggaygii oo dhan ayaan gurigii Ilaahayga u diyaarshay dahabka laga sameeyo alaabta dahabka, iyo lacagta laga sameeyo alaabta lacagta ah, iyo naxaasta laga sameeyo alaabta naxaasta ah, iyo birta laga sameeyo alaabta birta ah, iyo qoriga laga sameeyo alaabta qoriga ah, iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada la dejiyo oo wax lagu qurxiyo oo midabyo kala cayncayn ah, iyo cayn kasta oo dhagaxyo qaaliya ah, iyo dhagaxyo badan oo marmar ah.

  • 74%

    14Oo kooxihii wadaaddadu ku adeegi jireen iyo kuwii reer Laawi shuqulkooda loo amray ku samayn jireenba wuxuu ka dhigay si waafaqsan amarkii aabbihiis Daa'uud inay Rabbiga ammaanaan oo ay wadaaddada hortooda ka adeegaan sidii maalin kasta hawsheedii loo doonayay, oo weliba iridjoogayaashii ayuu kooxahoodii irid kasta ku taagay, waayo, sidaas waxaa amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah.

    15Oo iyana kama ay tegin amarkii boqorku ku amray wadaaddada iyo reer Laawi oo ku saabsanaa xaal kasta iyo xaggii khasnadahaba.

    16¶ Haddaba Sulaymaan shuqulkiisa oo dhammu diyaar buu u ahaa maalintii guriga Rabbiga aasaaskiisa la dhigay iyo ilaa maalintii la dhammeeyey. Oo sidaasaa guriga Rabbiga loo ebyey.

  • 11Haddaba wiilkaygiiyow, Rabbigu ha kula jiro, oo u barwaaqow, oo gurigii Rabbiga Ilaahaaga ah u dhis siduu kaaga hadlay.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu Yeruusaalem ku soo wada shiriyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo amiirradii qabiilooyinka, iyo saraakiishii kooxihii boqorka mile milaha ugu adeegi jiray, iyo kuwii kun kun u talin jiray iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo taliyayaashii xukumi jiray maalka iyo hantidii boqorka iyo tii wiilashiisaba, iyo saraakiishii iyo raggii xoogga badnaa, xataa kulli raggii xoogga badnaa oo dhanba.

  • 2 Taar 2:7-9
    3 aayado
    73%

    7Haddaba waxaad ii soo dirtaa nin yaqaan sancada dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta, iyo guduudka, iyo casaanka, iyo buluugga, kaasoo si wacan u yaqaan sancada xaradhka, inuu la jiro ragga saanacyada ah oo ila jooga dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem, kuwaasoo uu aabbahay Daa'uud diyaariyey.

    8Oo weliba waxaad dalka Lubnaan iiga soo dirtaa geedo kedar ah iyo geedo beroosh ah iyo geedo almuug ah, waayo, waan ogahay in addoommadaadu sanco u leeyihiin inay Lubnaan alwaax ka soo jaraan, oo bal eeg addoommadayduna waxay la jiri doonaan addoommadaada,

    9si ay iigu diyaariyaan alwaax faro badan, waayo, guriga aan dhowaan dhisi doonaa wuxuu ahaan doonaa mid yaab weyn oo badan.

  • 72%

    5iyo in dahab laga sameeyo alaab dahab ah, iyo in lacag laga sameeyo alaab lacag ah, iyo shuqul kasta oo ay kuwa sancada yaqaan gacmahooda ku qabtaan. Haddaba yaa raalli ka ah oo maantadan nafsaddiisa Rabbiga u bixinaya?

    6Markaas amiirradii reeraha iyo amiirradii qabiilooyinka reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyey, iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo taliyayaashii boqorka hawshiisa xukumi jirayba waxay bixiyeen wax ay raalli ka yihiin.

  • 6kuwaasoo ah nijaarrada, iyo waxdhisayaasha, iyo wastaadyada, oo ha ku soo iibiyeen alwaax iyo dhagaxyo la qoray oo guriga lagu dhiso.

  • 11Oo bal eega, axwaasha Rabbiga oo dhan waxaa idiinku sarrayn doona Amaryaah ah wadaadka sare, oo axwaasha boqorka oo dhanna waxaa idiinku sarrayn doona Sebadyaah ina Ismaaciil oo ah taliyaha reer Yahuudah, oo weliba reer Laawina hortiinnay saraakiil ku ahaan doonaan. Haddaba dhiirranaada oo Rabbiguna ha la jiro kuwii wanaagga sameeya.

  • 4Isu diyaariya sida reerihiinna iyo kooxihiinnu yihiin si waafaqsan qorniinkii uu qoray Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil, iyo si waafaqsan qorniinkii wiilkiisa Sulaymaan.

  • 19Oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad siisaa qalbi qumman oo uu ku dhawro amarradaada iyo markhaatigaaga iyo qaynuunnadaada, inuu waxyaalahan oo dhan sameeyo, iyo inuu dhiso gurigii aan wax u sii diyaarshay.

  • 20Oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, indhihii dadka dalka Israa'iil oo dhammu adigay ku soo fiirinayaan, inaad u sheegtid qofka ku fadhiisan doona carshigaaga dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow.

  • 2¶ Markaasaa Daa'uud amray in la soo wada ururiyo shisheeyayaashii dalka reer binu Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu kaloo amray in wastaadyo dhagxan soo qoraan in la dhiso gurigii Ilaah aawadeed.

  • 1¶ Oo Besaleel iyo Aaholii'aab iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu geliyey xigmad iyo waxgarasho ay ku gartaan si loo sameeyo shuqul kasta oo ah adeegidda laga qabanayo meesha quduuska ah, waa inay u qabtaan sidii Rabbigu ku amray oo dhan.

  • 2Oo Sulaymaan baa la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan oo ahaa kuwii kun kun u talin jiray, iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo xaakinnadii, iyo amiir kasta oo dalka reer binu Israa'iil joogay kuwaasoo ahaa madaxdii reeraha.

  • 12Gurigan aad dhisayso waxaan kaa leeyahay, Haddaad qaynuunnadayda ku socotid, oo aad xukummadayda yeeshid, oo aad amarradayda oo dhan dhawrtid inaad ku socotid aawadeed, markaasaan kugu xoojin doonaa eraygaygii aan aabbahaa Daa'uud kula hadlay.

  • 15Markaasaa boqorka addoommadiisii boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagoo ah addoommadaadu diyaar baannu u nahay inaannu samayno wax kasta oo aad doorato, boqorow, sayidkayagiiyow.

  • 6Haddaba sidaas daraaddeed amar in Lubnaan layga soo jaro geedo kedar ah, oo addoommadayduna waxay la jiri doonaan addoommadaada, oo addoommadaadana in alla intii aad tidhaahdid ayaan kaaga kiraysan; waayo, waad garanaysaa inaan dhexdayada lagu arag wax dhirta u jari kara sida reer Siidoon.

  • 24Oo amiirradii oo dhan iyo raggii xoogga badnaa iyo Boqor Daa'uud wiilashiisii kale oo dhammuba Boqor Sulaymaan ayay addeeceen oo ka wada dambeeyeen.

  • 1¶ Oo weliba Daa'uud iyo saraakiishii ciidanku waxay adeegiddii u sooceen kuwa ah reer Aasaaf, iyo reer Heemaan, iyo reer Yeduutuun, kuwaasoo wax ku sii sheega kataarado iyo shareerado iyo suxuun laysku garaaco, oo kuwa shuqulka qabta sidii adeegiddoodu kala ahayd tiradoodii waxay ahayd:

  • 38Oo haddaad maqasho waxa aan kugu amro oo dhan, oo aad jidadkaygana ku socotid, oo aad samaysid waxa hortayda ku qumman, oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda, sidii addoonkaygii Daa'uud yeeli jiray oo kale, ayaan kula jiri doonaa, oo waxaan kuu dhisi doonaa reer ammaan ah, sidii aan Daa'uud ugu dhisay oo kale, oo weliba dalka Israa'iilna adigaan ku siinayaa.

  • 7Oo reer Laawi boqorka ha isku wareejiyeen iyadoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo ku alla kii guriga gudihiisa soo gala ha la dilo, oo idinku boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba.

  • 16Rabbiyow Ilaahayagiiyow, kaydkan aannu u diyaarinnay inaan guri ugu dhisno magacaaga quduuska ah dhammaantiis wuxuu ka yimid gacantaada oo kulligiisna adigaa iska leh.

  • 2Oo wuxuu soo wada ururiyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba.

  • 16Oo laguma tirin Sulaymaan saraakiishiisii sarsare oo hawsha u taliyey, kuwaasoo ahaa saddex kun iyo saddex boqol oo u talin jiray dadkii shuqulka qaban jiray.

  • 2Markaasaa Sulaymaan wuxuu qortay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha dhagax ka jari jiray, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo iyaga u taliya.

  • 6¶ Markaasuu wiilkiisii Sulaymaan u yeedhay oo wuxuu ku amray inuu guri u dhiso Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 28Waayo, shuqulkoodu wuxuu ahaa inay reer Haaruun amarkooda ku adeegaan oo ay qabtaan hawshii guriga Rabbiga, iyo inay ka adeegaan barxadaha iyo qowladaha, iyo inay daahiriyaan waxyaalaha quduuska ah oo dhan, kaasu wuxuu ahaa shuqulka hawsha guriga Rabbiga.

  • 8Oo idinku waxaad isku wareejisaan boqorka idinkoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo midkii safafka soo dhex gala ha la dilo, oo boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba.

  • 5iyo inuu qoro dhagaxyada saldhigyo lagu dhejiyo oo uu looxyada xardho, iyo inuu ka shaqeeyo sanco cayn kasta ah.