1 Taariikhdii 6:76
Oo qabiilkii reer Naftaalina waxaa laga siiyey Qedesh oo Galili ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Xammoon iyo agagaarkeedii, iyo Qiryaatayim iyo agagaarkeedii.
Oo qabiilkii reer Naftaalina waxaa laga siiyey Qedesh oo Galili ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Xammoon iyo agagaarkeedii, iyo Qiryaatayim iyo agagaarkeedii.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
58iyo Xiileen iyo agagaarkeedii, iyo Debiir iyo agagaarkeedii,
59iyo Caashaan iyo agagaarkeedii, iyo Beytshemesh iyo agagaarkeedii.
60Oo dalkii qabiilka reer Benyaamiinna waxaa laga siiyey Gebac iyo agagaarkeedii, iyo Calemed iyo agagaarkeedii, iyo Canaatood iyo agagaarkeedii. Oo kulli magaalooyinkoodii oo qolooyinkooda oo dhan ku dhex yiil waxay ahaayeen saddex iyo toban magaalo.
61Oo reer Qohaad intiisii hadhayna waxaa saami loo siiyey toban magaalo oo ay ka dhex heleen reerka qabiilka iyo qabiilka badhkiisii, kaasoo ah qabiilkii reer Manaseh badhkiis.
62Oo reer Gershoomna sidii ay reerahoodu ahaayeen ayay saddex iyo toban magaalo uga heleen qabiilka reer Isaakaar, iyo qabiilka reer Aasheer, iyo qabiilka reer Naftaali, iyo qabiilka reer Manaseh oo Baashaan dhex deggan.
63Oo reer Meraarii waxaa saami loogu siiyey siday reerahoodu ahaayeen laba iyo toban magaalo oo ay ka dhex heleen qabiilka reer Ruubeen, iyo qabiilka reer Gaad, iyo qabiilka reer Sebulun.
64Oo reer binu Israa'iilna waxay reer Laawi siiyeen magaalooyinkii iyo agagaarkoodii oo dhan.
65Oo saami ahaan ayay magaalooyinkan la magacaabay uga siiyeen qabiilka reer Yahuudah, iyo qabiilka reer Simecoon, iyo qabiilka reer Benyaamiin.
66Reerihii Qohaad qaarkoodna waxay magaalooyin ku lahaayeen meelo soohdintooda ah oo ay ka heleen qabiilka reer Efrayim.
67Oo iyaga waxaa la siiyey magaalooyinkii magangalka, oo waxayna ahaayeen Shekem oo ku dhex tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim iyo agagaarkeedii, iyo weliba Geser iyo agagaarkeedii,
68iyo Yoqmecaam iyo agagaarkeedii, iyo Beytxooroon iyo agagaarkeedii,
69iyo Ayaaloon iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii.
70Oo qabiilkii reer Manaseh badhkiisna waxaa laga dhex siiyey Caaneer iyo agagaarkeedii, iyo Bilcaam iyo agagaarkeedii, reer Qohaad intooda hadhay aawadood.
71Oo reer Gershoomna waxaa qabiilka reer Manaseh badhkiisii laga siiyey Goolaan oo Baashaan ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Cashtarod iyo agagaarkeedii.
72Oo qabiilka reer Isaakaarna waxaa laga siiyey Qedesh iyo agagaarkeedii, iyo Daaberad iyo agagaarkeedii,
73iyo Raamod iyo agagaarkeedii, iyo Caaneem iyo agagaarkeedii.
74Oo qabiilkii reer Aasheerna waxaa laga siiyey Maashaal iyo agagaarkeedii, iyo Cabdoon iyo agagaarkeedii,
75iyo Xuuqoq iyo agagaarkeedii, iyo Rexob iyo agagaarkeedii.
31iyo Xelqad iyo agagaarkeedii, iyo Rexob iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
32Oo waxay qabiilkii reer Naftaalina ka heleen Qedesh oo ku taal Galili iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Xammod Door iyo agagaarkeedii, iyo Qartaan iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd saddex magaalo.
77Oo reer Laawi intoodii hadhay oo ahayd reer Meraarii waxaa qabiilka reer Sebulun laga siiyey Rimmoonoo iyo agagaarkeedii, iyo Taaboor iyo agagaarkeedii.
78Oo Webi Urdun shishadiisa oo ah Yerixoo agteeda oo ah Webi Urdun xaggiisa bari waxaa qabiilka reer Ruubeenna laga siiyey Beser oo cidlada ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Yahsaah iyo agagaarkeedii,
79iyo Qedemood iyo agagaarkeedii, iyo Mefacad iyo agagaarkeedii.
80Oo qabiilka reer Gaadna waxaa laga siiyey Raamod oo Gilecaad ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Maxanayim iyo agagaarkeedii,
81iyo Xeshboon iyo agagaarkeedii, iyo Yacser iyo agagaarkeedii.
7Oo waxay sooceen Qedesh oo ku tiil Galili oo ah dalka buuraha leh oo reer Naftaali, iyo Shekem oo iyana ku tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyo Qiryad Arbac (oo ah Xebroon) ee ku tiil dalka buuraha leh oo reer Yahuudah.
23iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Itnaan,
32¶ Oo saamigii lixaadna reer Naftaali buu u soo baxay sidii reerahoodii ahaayeen.
33Oo soohdintoodu waxay ka bilaabatay Xelef, tan iyo geedka ku yaal Sacananniim, iyo Adaamii Neqeb, iyo Yabne'eel, iyo ilaa Laquum; oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga Webi Urdun.
34¶ Oo qolooyinkii reer Meraarii oo ahaa intii ka hadhay reer Laawi waxay qabiilkii reer Sebulun ka heleen Yoqnecaam iyo agagaarkeedii, iyo Qartaah iyo agagaarkeedii,
35iyo Dimnaah iyo agagaarkeedii, iyo Nahalaal iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
36Oo waxay qabiilkii reer Ruubeenna ka heleen Beser iyo agagaarkeedii, iyo Yahas iyo agagaarkeedii,
37iyo Qedemood iyo agagaarkeedii, iyo Mefacad iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
37iyo Qedesh, iyo Edrecii, iyo Ceyn Xaasoor,
38iyo Yiroon, iyo Migdal Eel, iyo Xoreem, iyo Beytcanaad iyo Beytshemesh, waxay ahaayeen sagaal iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
39Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Naftaali u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinka iyo tuulooyinkooduba
28Oo waxay qabiilkii reer Isaakaarna ka heleen Qiishyoon iyo agagaarkeedii, iyo Daaberad iyo agagaarkeedii,
25Oo qabiilkii reer Manaseh badhkiisna waxay ka heleen Tacanaag iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd laba magaalo.
26Oo qolooyinkii reer Qohaad intoodii hadhay magaalooyinkoodii oo dhammu waxay ahaayeen toban iyo agagaarkoodii.
55waxaa la siiyey Xebroon oo ku dhex tiil dalka reer Yahuudah, iyo agagaarkeedii ku wareegsanaa oo dhanba.
56Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxaa la siiyey Kaaleeb oo ahaa ina Yefunneh.
22iyo Qibsayim iyo agagaarkeedii, iyo Beytxooroon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
15iyo Qataad, iyo Nahalaal, iyo Shimroon, iyo Idalaah, iyo Beytlaxam, intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
9Oo waxaa laga siiyey qabiilkii reer Yahuudah iyo qabiilkii reer Simecoon magaalooyinkan magacooda halkan lagu sheegayo.
59iyo Macaraad, iyo Beytcanood, iyo Elteqon, iyana waa lix magaalo iyo tuulooyinkoodii.
16iyo Cayn iyo agagaarkeedii, iyo Yutaah iyo agagaarkeedii, iyo Beytshemesh iyo agagaarkeedii, oo labadaas qabiil waxay ka heleen sagaal magaalo.
17Oo qabiilkii reer Benyaamiinna waxay ka heleen Gibecoon iyo agagaarkeedii, iyo Geeraa iyo agagaarkeedii,
6¶ Oo reer Gershoonna waxay saami kaga heleen qolooyinkii reer Isaakaar, iyo reer Aasheer, iyo reer Naftaali, iyo reer Manaseh badhkoodii degganaa Baashaan saddex iyo toban magaalo.
19iyo Qiryatayim, iyo Sibmaah, iyo Sered Shahar oo ku taal buurta dooxada,
36iyo Beytnimraah, iyo Beyd Haaraan, kuwaasoo ah magaalooyin deyrar leh, iyo xeryo idaad.