1 Taariikhdii 9:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo iyaga qaarkoodna waxay u talin jireen weelasha lagu adeego, waayo, weelasha tiraa lagu soo gelin jiray, oo tiraa lagu bixin jiray.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 23:25-27 : 25 Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War iyaga hana habaarin, hana u ducayn innaba. 26 Laakiinse Balcaam ayaa jawaabay oo wuxuu Baalaaq ku yidhi, Sow kuuma sheegin oo kuguma odhan, Wixii Rabbigu ku hadlo oo dhan waa inaan sameeyaa? 27 ¶ Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, Haddaba kaalay, meel kalaan ku geeynayaaye, mindhaa Ilaah waa ku farxi doonaa inaad iyaga halkaas iiga habaartid.
  • 1 Taar 26:22-26 : 22 iyo wiilashii Yexii'eelii oo ahaa Seetaam, iyo Yoo'eel oo walaalkiis ahaa, waxayna u talin jireen khasnadihii guriga Rabbiga. 23 Oo waxaana jiray reer Camraam, iyo reer Isehaar, iyo reer Xebroon, iyo reer Cusii'eel. 24 Oo Shebuu'eel oo ahaa ina Gershoom, oo ahaa reer Muusena wuxuu ahaa taliye xukuma khasnadihii. 25 Waxaana la jiray walaalihiis ahaa reer Eliiceser, kuwaasoo ahaa wiilkiisii Rexabyaah, iyo isagii wiilkiisii Yeshacyaah, iyo isagii wiilkiisii Yooraam, iyo isagii wiilkiisii Sikrii, iyo isagii wiilkiisii Shelomood. 26 Oo kuwan oo ah Shelomood iyo walaalihiis waxay u talin jireen khasnadihii alaabta quduuska ah, kuwaasoo ay quduus ka dhigeen Boqor Daa'uud, iyo madaxdii qolooyinka, iyo kuwii kun kun u taliyey iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo saraakiishii ciidanku.
  • Cesr 8:25-30 : 25 oo waxaan u miisaamay lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii ahaa qurbaankii loo bixiyey guriga Ilaah oo ay wada bixiyeen boqorkii iyo lataliyayaashiisii iyo amiirradiisii, iyo reer binu Israa'iilkii halkaas joogay oo dhan. 26 Waxaan iyaga u miisaamay oo gacanta u geliyey lix boqol iyo konton talanti oo lacag ah, iyo weelal lacag ah oo iyana boqol talanti ah, iyo boqol talanti oo dahab ah, 27 iyo labaatan maddiibadood oo dahab ah oo iyana kun dirham ah, iyo laba weel oo ah naxaas dhalaalaysa oo sida dahab qaali u ah. 28 Oo markaasaan ku idhi, Idinku Rabbigaad quduus u tihiin oo weelashuna waa quduus, oo lacagta iyo dahabka waa qurbaan ikhtiyaar loogu bixiyey Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin. 29 Haddaba idinku dhawra oo xajiya ilaa aad ku hor miisaantaan wadaaddada sare, iyo kuwa reer Laawi, iyo amiirrada qolooyinka reer binu Israa'iil, idinkoo jooga qolladaha guriga Ilaah ee Yeruusaalem. 30 Sidaasay wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi u aqbaleen miisaankii lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii inay geeyaan Yeruusaalem iyo ilaa guriga Ilaahayo.
  • Nex 12:44 : 44 ¶ Oo maalintaas ayaa rag loo doortay inay u taliyaan qolalka khasnadaha, iyo qurbaannada kor loo qaado, iyo midhaha ugu horreeya, iyo meeltobnaadyada, si loogaga soo ururiyo beeraha magaalooyinka oo dhan qaybihii sharcigu u amray wadaaddada iyo kuwii reer Laawi, waayo, dadka dalka Yahuudah way ku faraxsanaayeen wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo adeegayay.
  • Nex 13:4-5 : 4 ¶ Oo waxyaalahaas ka hor wadaadkii Eliyaashiib oo loo doortay inuu madax u ahaado qolalka guriga Ilaaheenna ayaa xidhiidh la yeeshay Toobiyaah, 5 oo wuxuu isagii u hagaajiyey qowlad weyn oo waagii hore la dhigi jiray qurbaannada hadhuudhka, iyo fooxa, iyo weelasha, iyo meeltobnaadyada hadhuudhka iyo khamriga iyo saliidda, oo amar lagu siin jiray kuwa reer Laawi, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryada, iyo qurbaannadii kor loo qaadi jiray oo la siin jiray wadaaddada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    29Oo iyaga qaarkood kalena waxaa loo doortay inay u taliyaan alaabta guriga iyo weelasha meesha quduuska ah oo dhan, iyo burka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo fooxa, iyo uunsiga.

    30Oo wiilashii wadaaddada qaarkoodna waxay hagaajin jireen cadarkii uunsiga lahaa.

    31Oo Matityaah oo ka mid ahaa reer Laawi, oo ahaa curadkii Shalluum oo ahaa reer Qorax shuqulkiisii joogtada ahaa wuxuu ahaa inuu ilaaliyo waxyaalaha digsiyada lagu dubo.

    32Oo walaalahood qaarkood oo reer Qohaad ahaana waxay u talin jireen kibistii tusniinta, si ay sabti kasta u diyaariyaan.

  • 82%

    25Oo walaalahoodii tuulooyinkooda joogayna had iyo goor toddobadii maalmoodba way u iman jireen inay iyaga la joogaan,

    26waayo, afarta iridjooge oo sare oo ahaa reer Laawi waxay ku jireen jagooyin joogto ah, oo waxay u talin jireen qolalka, iyo khasnadihii guriga Ilaah.

    27Oo iyagu waxay u hoyan jireen guriga Ilaah hareerihiisa, maxaa yeelay, ilaalinta gurigu iyagay saarnayd, oo waxaa iyaga joogto u ahaa inay subax kasta furaan.

  • 77%

    28Waayo, shuqulkoodu wuxuu ahaa inay reer Haaruun amarkooda ku adeegaan oo ay qabtaan hawshii guriga Rabbiga, iyo inay ka adeegaan barxadaha iyo qowladaha, iyo inay daahiriyaan waxyaalaha quduuska ah oo dhan, kaasu wuxuu ahaa shuqulka hawsha guriga Rabbiga.

    29Oo weliba waxay kala hagaajin jireen kibistii tusniinta iyo burkii laga dhigi jiray qurbaan jidhiidh ah, hadduu ahaa kibis aan khamiir lahayn ama tii digsiga lagu dubi jiray, amase tii la qoyn jiray, iyo cayn kasta oo ah qiyaas iyo miisaan,

  • 76%

    13iyo weliba tilmaantii kooxihii ahaa wadaaddada iyo reer Laawi, iyo shuqulkii laga qaban lahaa guriga Rabbiga oo dhan, iyo weelashii guriga lagaga adeegi lahaa oo dhan,

    14iyo tilmaantii dahabkii loo miisaami lahaa weelasha dahabka ah, oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa kulli weelasha lacagta ah oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah,

    15iyo weliba tii dahabkii loo miisaami lahaa laambadaha dahabka ah, iyo laambadahooda yaryar ee dahabka ah oo dhan, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa laambadaha lacagta ah, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, si waafaqsan wixii laambad kasta lagu qaban lahaa,

  • Cesr 8:27-30
    4 aayado
    76%

    27iyo labaatan maddiibadood oo dahab ah oo iyana kun dirham ah, iyo laba weel oo ah naxaas dhalaalaysa oo sida dahab qaali u ah.

    28Oo markaasaan ku idhi, Idinku Rabbigaad quduus u tihiin oo weelashuna waa quduus, oo lacagta iyo dahabka waa qurbaan ikhtiyaar loogu bixiyey Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin.

    29Haddaba idinku dhawra oo xajiya ilaa aad ku hor miisaantaan wadaaddada sare, iyo kuwa reer Laawi, iyo amiirrada qolooyinka reer binu Israa'iil, idinkoo jooga qolladaha guriga Ilaah ee Yeruusaalem.

    30Sidaasay wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi u aqbaleen miisaankii lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii inay geeyaan Yeruusaalem iyo ilaa guriga Ilaahayo.

  • 31Oo iyana waxay u talin doonaan sanduuqa, iyo miiska, iyo laambadda, iyo meelaha allabariga, iyo weelasha meesha quduuska ah oo ay ku adeegaan, iyo daaha, iyo hawsha oo dhan.

  • Tir 3:7-8
    2 aayado
    74%

    7Oo iyagu waa inay amarkiisa iyo amarka shirka oo dhan ku yeelaan teendhada shirka horteeda si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.

    8Oo waa inay dhawraan alaabta teendhada shirka oo dhan, iyo amarka reer binu Israa'iil, si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.

  • 23Haddaba iyaga iyo carruurtooduba waxay u sarrayn jireen irdaha guriga Rabbiga, kaasoo ahaa gurigii taambuugga iyagoo waardiyayaal ah.

  • 74%

    14Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabta laambadaha lagu safayn jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.

    15Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii; intii dahabka ahayd, dahab ahaan buu u qaaday, intii lacagta ahaydna lacag ahaan.

  • 5oo wuxuu isagii u hagaajiyey qowlad weyn oo waagii hore la dhigi jiray qurbaannada hadhuudhka, iyo fooxa, iyo weelasha, iyo meeltobnaadyada hadhuudhka iyo khamriga iyo saliidda, oo amar lagu siin jiray kuwa reer Laawi, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryada, iyo qurbaannadii kor loo qaadi jiray oo la siin jiray wadaaddada.

  • 19Oo weelasha laguugu dhiibay in lagu qabto adeegidda guriga Ilaahaaga waxaad hor geeysaa Ilaaha Yeruusaalem.

  • 25oo waxaan u miisaamay lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii ahaa qurbaankii loo bixiyey guriga Ilaah oo ay wada bixiyeen boqorkii iyo lataliyayaashiisii iyo amiirradiisii, iyo reer binu Israa'iilkii halkaas joogay oo dhan.

  • 9Markaasaan amar bixiyey oo qolalkii waa la nadiifiyey; oo halkaasaan mar kale ku soo celiyey weelashii gurigii Ilaah, iyo qurbaannadii hadhuudhka, iyo fooxii.

  • 10Oo lacagtii waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u talin jiray, oo raggii guriga Rabbiga ka dhex shaqayn jirayna waxay u bixiyeen in guriga lagu hagaajiyo oo lagu cusboonaysiiyo.

  • 28Oo mar alla markii boqorku gurigii Rabbiga galo ayay waardiyayaashu gaashaammada qaadi jireen, oo haddana waxay ku soo celin jireen qolkii waardiyayaasha.

  • 18Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabtii laambadihii lagu safayn jiray, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.

  • 34oo alaabtii oo dhan waxay ku wada guddoomeen tiro iyo miisaan, oo miisaankii oo dhanna waagaas ayaa la wada qoray.

  • 9Oo markaas waa inay maro buluug ah qaadaan oo ay ku daboolaan laambadda iftiinka, iyo laambadaheeda, iyo birqaabyadeeda, iyo alaabteeda lagu safeeyo, iyo weelasha saliidda oo dhan oo ay kaga adeegaan.

  • 32wayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.

  • 72%

    12Oo raggiina shuqulkii waxay u sameeyeen si daacadnimo ah; kuwii u talin jiray oo shuqulka hore u wadi jirayna waxay ahaayeen Yaaxad iyo Cobadyaah oo ahaa reer Laawi oo ka ahaa reer Meraarii, iyo Sekaryaah iyo Meshullaam oo ahaa reer Qohaad, oo waxaa kaloo la jiray kuwa kale oo reer Laawi ah oo alaabta muusikada karay oo dhan.

    13Oo weliba waxay kaloo u talin jireen xammaalladii, hore bayna u wadi jireen shuqulkii kuwii shaqayn jiray oo dhan, cayn kastoo hawshoodu ahaydba, oo reer Laawina waxaa ka joogay karraaniyo iyo saraakiil iyo iridjoogayaal.

  • 12Oo iridjoogayaasha kooxahooduna intaasay ka koobnaayeen, waxayna ahaayeen rag madax ah, oo sida walaalahood hawl madax ka ah inay guriga Rabbiga ka dhex adeegaan.

  • 11Oo waxay noqotay in markii sanduuqii la geeyey xafiiskii boqorka iyadoo ay reer Laawi sidaan, oo la arkay in lacag badanu ku jirto ayaa waxaa yimid oo sanduuqii ka shubay karraanigii boqorka iyo sirkaalkii wadaadka sare, oo haddana sanduuqii bay qaadeen oo meeshiisii ku celiyeen. Oo saasay maalin kasta yeeli jireen, oo waxay soo ururiyeen lacag faro badan.

  • 16oo weliba waxaa qayb la siiyey kuwii lagu tiriyey abtiriskii laboodka, intii saddex sannadood jirtay ama ka sii weynaydba, iyo xataa mid kasta oo guriga Rabbiga sidii maalin kasta hawsheeda loo doonayay u geli jiray adeegidda loo amray iyaga sidii kooxahoodii ay kala ahaayeen,

  • 14waayo, waxay lacagtii siiyeen kuwii shuqulka sameeyey, oo waxay ku dhiseen gurigii Rabbiga.

  • 11Oo lacagtii la miisaamay ayay u dhiibeen kuwii shuqulka sameeyey, kuwaas oo guriga Rabbiga u talin jiray; oo waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii ka shaqeeyey gurigii Rabbiga,

  • 44¶ Oo maalintaas ayaa rag loo doortay inay u taliyaan qolalka khasnadaha, iyo qurbaannada kor loo qaado, iyo midhaha ugu horreeya, iyo meeltobnaadyada, si loogaga soo ururiyo beeraha magaalooyinka oo dhan qaybihii sharcigu u amray wadaaddada iyo kuwii reer Laawi, waayo, dadka dalka Yahuudah way ku faraxsanaayeen wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo adeegayay.

  • 39Waayo, reer binu Israa'iil iyo reer Laawi waxay qurbaanka hadhuudhka, iyo kan khamriga, iyo kan saliidda keeni doonaan qolalka ah meesha ay yaalliin weelasha meesha quduuska ah, oo ay joogaan wadaaddada adeega, iyo irid-dhawryada, iyo kuwa gabayaaga ah. Oo innaguna guriga Ilaaheenna dayrin mayno.

  • 71%

    14Oo kooxihii wadaaddadu ku adeegi jireen iyo kuwii reer Laawi shuqulkooda loo amray ku samayn jireenba wuxuu ka dhigay si waafaqsan amarkii aabbihiis Daa'uud inay Rabbiga ammaanaan oo ay wadaaddada hortooda ka adeegaan sidii maalin kasta hawsheedii loo doonayay, oo weliba iridjoogayaashii ayuu kooxahoodii irid kasta ku taagay, waayo, sidaas waxaa amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah.

    15Oo iyana kama ay tegin amarkii boqorku ku amray wadaaddada iyo reer Laawi oo ku saabsanaa xaal kasta iyo xaggii khasnadahaba.

  • 8Oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa alaabtaas soo bixiyey oo u dhiibay qasnajigii Mitredaad ahaa, oo isna wuxuu u tiriyey Sheeshbasar, oo reer Yahuudah amiir u ahaa.

  • 32iyo tiirarka barxadda ku wareegsan, iyo saldhigyadooda, iyo musaamiirtooda, iyo xadhkahooda, iyo alaabtooda oo dhan, iyo hawshooda oo dhan. Oo magac magac waa inaad ugu amartaan alaabta ay qaadayaan.

  • 28Siday ahayd tiradii kuwii lab ahaa oo dhan intii bil jirtay ama ka sii weynayd waxay ahaayeen siddeed kun iyo lix boqol, oo waxay u taliyeen meesha quduuska ah.

  • 16iyo Shabbetay iyo Yoosaabaad oo ka mid ahaa madaxdii reer Laawi, oo hawsha dibadda oo guriga Ilaah dusha ka ilaalin jiray,

  • 10iyo soddon maddiibadood oo dahab ah, iyo afar boqol iyo toban maddiibadood oo ah lacagta caynka labaad ah, iyo kun weel oo kale.

  • 30Haddaba sidaasaan uga nadiifiyey dad kasta oo qalaad, oo waxaan bixiyey amar ku saabsan wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba iyo mid walba shuqulkiisii,

  • 4Orod oo waxaad u tagtaa Xilqiyaah oo ah wadaadka sare, oo isagu ha xisaabo lacagta guriga Rabbiga la soo geliyey oo irid-dhawrayaashu ay dadka ka soo ururiyeen.