1 Taariikhdii 9:34

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kuwaasu waxay ahaayeen madaxdii qolooyinka reer Laawi, oo qarniyadoodii oo dhan waxay ahaayeen rag madax ah, oo waxay degganaan jireen Yeruusaalem.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 9:13 : 13 iyo walaalahood oo ahaa madaxdii reerahooda, oo tiradooduna ahayd kun iyo toddoba boqol iyo lixdan, oo waxayna ahaayeen rag aad karti ugu leh shuqulka adeegidda guriga Ilaah.
  • Nex 11:1-9 : 1 ¶ Oo dadka amiirradiisii waxay degeen Yeruusaalem, oo dadka intiisii kalena waxay saami u riteen inay tobankii qofba mid ka soo bixiyaan inuu dego magaalada quduuska ah oo Yeruusaalem, oo sagaalka qof oo kalena ay degaan magaalooyinka kale. 2 Oo dadkiina waxay u duceeyeen dadkii ikhtiyaarkooda isu bixiyey inay Yeruusaalem degganaadaan. 3 Haddaba kuwanu waa madaxdii gobolka oo Yeruusaalem degay, laakiinse magaalooyinkii dalka Yahuudah mid waluba wuxuu degay meeshii hantidiisii ahayd oo ku tiil magaalooyinkoodii, oo waxay ahaayeen reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo reer Netiiniim, iyo carruurtii addoommadii Sulaymaan. 4 Oo Yeruusaalemna waxaa degay kuwo reer Yahuudah ah, iyo kuwo reer Benyaamiin ah. Kuwii reer Yahuudah waxay ahaayeen: Cataayaah, oo ahaa ina Cusiyaah ina Sekaryaah, ina Amaryaah, ina Shefatyaah, ina Mahalaleel, oo ahaa reer Feres, 5 iyo Macaseeyaah oo ahaa ina Baaruug, ina Kaalxoseh, ina Xasaayaah, ina Cadaayaah, ina Yooyaariib, ina Sekaryaah oo ahaa kii uu dhalay kii reer Shiilonii. 6 Raggii reer Feres oo Yeruusaalem degganaa oo dhammu waxay ahaayeen afar boqol iyo siddeed iyo lixdan nin oo xoog leh. 7 Oo intanuna waa kuwii reer Benyaamiin: Sallu oo ahaa ina Meshullaam, ina Yooceed, ina Fedaayaah, ina Qoolaayaah, ina Macaseeyaah, ina Iitii'eel, ina Yeshacyaah. 8 Oo isaga dabadiisna waxaa jiray Gabbay, iyo Sallay, oo waxay ahaayeen sagaal boqol iyo siddeed iyo labaatan. 9 Oo waxaa madax u ahaa Yoo'eel oo ahaa ina Sikrii; oo Yahuudah oo ahaa ina Hasenu'aahna wuxuu ahaa kan labaad oo magaalada u taliya. 10 Oo wadaaddadiina waxay ahaayeen Yedacyaah oo ahaa ina Yooyaariib iyo Yaakiin, 11 iyo Seraayaah oo ahaa ina Xilqiyaah, ina Meshullaam, ina Saadooq, ina Meraayood, ina Axiituub oo u talin jiray guriga Ilaah, 12 iyo walaalahoodii ka shaqayn jiray guriga, oo waxay ahaayeen siddeed boqol iyo laba iyo labaatan, iyo Cadaayaah oo ahaa ina Yeroxaam, ina Felaliyaah, ina Amsii, ina Sekaryaah, ina Fashxuur, ina Malkiiyaah, 13 iyo walaalihiis oo ahaa madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ahaayeen laba boqol iyo laba iyo afartan, iyo Camashay oo ahaa ina Casareel, ina Axsay, ina Meshilleemood, ina Immeer; 14 iyo walaalahood oo ahaa rag xoog leh, oo waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo labaatan; oo madaxooduna wuxuu ahaa Sabdii'eel oo ahaa ina Haggedooliim. 15 Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen Shemacyaah oo ahaa ina Xashuub, ina Casriiqaam, ina Xashabyaah, ina Bunnii;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    27iyo Yacareshyaah, iyo Eliiyaah, iyo Sikrii, oo wada ahaa wiilashii Yeroxaam.

    28Oo kuwaasu qarniyadoodii oo dhan waxay ahaayeen madaxdii reerahooda, oo waxay degganaayeen Yeruusaalem.

  • 33Oo kuwanuna waa nimankii gabayaaga ahaa oo ahaa madaxdii qolooyinka reer Laawi, oo waxay joogi jireen qolalka oo hawl kalena ma ay hayn, waayo, iyagu habeen iyo maalinba waxay qabanayeen shuqulkoodii.

  • Nex 11:3-4
    2 aayado
    76%

    3Haddaba kuwanu waa madaxdii gobolka oo Yeruusaalem degay, laakiinse magaalooyinkii dalka Yahuudah mid waluba wuxuu degay meeshii hantidiisii ahayd oo ku tiil magaalooyinkoodii, oo waxay ahaayeen reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo reer Netiiniim, iyo carruurtii addoommadii Sulaymaan.

    4Oo Yeruusaalemna waxaa degay kuwo reer Yahuudah ah, iyo kuwo reer Benyaamiin ah. Kuwii reer Yahuudah waxay ahaayeen: Cataayaah, oo ahaa ina Cusiyaah ina Sekaryaah, ina Amaryaah, ina Shefatyaah, ina Mahalaleel, oo ahaa reer Feres,

  • Nex 12:22-24
    3 aayado
    74%

    22Oo kuwii reer Laawi oo joogay wakhtigii Eliyaashiib, iyo Yooyaadaac, iyo Yooxaanaan iyo Yadduuca waxay ahaayeen madaxda qabiilooyinka oo la qoray; waxaa kaloo la qoray wadaaddadii joogay ilaa boqornimadii Daariyus kii reer Faaris ahaa.

    23Kuwii reer Laawi oo ahaa madaxdii qabiilooyinka waxaa lagu qoray kitaabkii taariikhda tan iyo wakhtigii Yooxaanaan oo ahaa ina Eliyaashiib.

    24Oo kuwii reer Laawi madaxda u ahaa waxay ahaayeen Xashabyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Qadmii'eel, iyo walaalahoodii iyaga ka soo hor jeeday inay Ilaah ammaanaan oo ay u mahadnaqaan, siduu amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah, iyagoo iska soo hor jeeda.

  • 73%

    9iyo walaalahood oo ahaa sidii dhalashadoodu ahayd, oo waxayna ahaayeen sagaal boqol iyo lix iyo konton. Oo nimankaas oo dhammu waxay ahaayeen madaxdii reerahooda siday kala reer u ahaayeen.

    10¶ Oo wadaaddadiina waxaa ka joogay Yedacyaah, iyo Yehooyaariib, iyo Yaakiin,

  • 2Oo iyana waxay ku soo wada wareegeen dalkii Yahuudah, oo magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan waxay ka soo wada urursadeen kuwii reer Laawi iyo madaxdii qolooyinka dadka Israa'iil oo waxay wada yimaadeen Yeruusaalem.

  • 26waayo, afarta iridjooge oo sare oo ahaa reer Laawi waxay ku jireen jagooyin joogto ah, oo waxay u talin jireen qolalka, iyo khasnadihii guriga Ilaah.

  • 24Oo kuwii reerahooda madaxda u ahaana waxay ahaayeen Ceefer, iyo Yishcii, iyo Elii'eel, iyo Casrii'eel, iyo Yeremyaah, iyo Hoodawyaah, iyo Yaxdii'eel, oo intaasu waxay wada ahaayeen rag xoog badan oo magac leh oo reerahooda madax u ah.

  • 8Oo markay Yeruusaalem ku noqdeen ayaa Yehooshaafaad weliba Yeruusaalemna fadhiisiyey kuwii reer Laawi iyo wadaaddadii iyo madaxdii reeraha dadka Israa'iil inay sameeyaan Rabbiga garsooriddiisa iyo inay kuwii murma u garsooraan.

  • 46¶ Oo kulli intii reer Laawi ah oo la soo tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil ay qolo qolo iyo reer reer u soo tiriyeen,

  • 71%

    12Oo raggiina shuqulkii waxay u sameeyeen si daacadnimo ah; kuwii u talin jiray oo shuqulka hore u wadi jirayna waxay ahaayeen Yaaxad iyo Cobadyaah oo ahaa reer Laawi oo ka ahaa reer Meraarii, iyo Sekaryaah iyo Meshullaam oo ahaa reer Qohaad, oo waxaa kaloo la jiray kuwa kale oo reer Laawi ah oo alaabta muusikada karay oo dhan.

    13Oo weliba waxay kaloo u talin jireen xammaalladii, hore bayna u wadi jireen shuqulkii kuwii shaqayn jiray oo dhan, cayn kastoo hawshoodu ahaydba, oo reer Laawina waxaa ka joogay karraaniyo iyo saraakiil iyo iridjoogayaal.

  • 7iyo Sallu, iyo Caamooq, iyo Xilqiyaah, iyo Yedacyaah. Intaasu waxay ahaayeen madaxdii wadaaddada iyo walaalahoodii joogay wakhtigii Yeeshuuca.

  • 31Oo reer Xebroonna Yeriyaah madax buu ahaa, intaasu waa reer Xebroon sidii dadka reerahoodu u kala dhasheen. Oo waxaa iyaga la doondoonay sannaddii afartanaad oo boqortooyadii Daa'uud, oo waxaa iyaga dhexdoodii laga helay rag xoog badan oo jooga Yacser tii reer Gilecaad.

  • 1 Taar 9:2-3
    2 aayado
    70%

    2Haddaba kuwii ugu horreeyey oo degay dalkii ay hantiyeen iyo magaalooyinkoodii waxay ahaayeen reer binu Israa'iil, wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo reer Netiiniim.

    3Oo Yeruusaalem waxaa ka degganaa reer Yahuudah, iyo reer Benyaamiin, iyo reer Efrayim, iyo reer Manaseh:

  • 24Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen, waana kuwii ahaa madaxdii reeraha kuwii la tiriyey, oo magacyadooda nin nin loo tiriyey, kuwaasoo samayn jiray shuqulkii hawsha guriga Rabbiga, waana intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.

  • 32Oo Elecaasaar ina wadaadka Haaruun waa inuu ahaadaa amiirka amiirrada reer Laawi, oo wuxuu korka ka ilaalin doonaa kuwa u taliya meesha quduuska ah.

  • 5¶ Markaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo xataa dhammaan intii kale ee Ilaah ruuxooda kiciyey si ay u tagaan oo ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal.

  • 24Oo amiirka reer Gershoonna waa inuu ahaadaa Eliyaasaaf ina Laa'eel.

  • 69%

    13iyo walaalahood oo ahaa madaxdii reerahooda, oo tiradooduna ahayd kun iyo toddoba boqol iyo lixdan, oo waxayna ahaayeen rag aad karti ugu leh shuqulka adeegidda guriga Ilaah.

    14Oo reer Laawina waxaa ka joogay Shemacyaah oo ahaa ina Xashuub, ina Casriiqaam, ina Xashabyaah oo ahaa reer Meraarii,

  • 29Haddaba idinku dhawra oo xajiya ilaa aad ku hor miisaantaan wadaaddada sare, iyo kuwa reer Laawi, iyo amiirrada qolooyinka reer binu Israa'iil, idinkoo jooga qolladaha guriga Ilaah ee Yeruusaalem.

  • 12oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin madaxdii qolooyinka reer Laawi, haddaba idinka iyo walaalihiinba isdaahiriya si aad sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ugu soo qaaddaan meeshii aan u hagaajiyey.

  • 36Oo kuwii reer Laawi oo reer Yahuudah ku dhex jiray qaybahoodii qaarkood ayaa ku darsamay reer Benyaamiin.

  • 1¶ Oo dadka amiirradiisii waxay degeen Yeruusaalem, oo dadka intiisii kalena waxay saami u riteen inay tobankii qofba mid ka soo bixiyaan inuu dego magaalada quduuska ah oo Yeruusaalem, oo sagaalka qof oo kalena ay degaan magaalooyinka kale.

  • 21Kuwii reer Lacdaan ee reer Gershoon oo uu lahaa Lacdaan, oo ahaa madaxdii reerahooda oo uu lahaa Lacdaan oo ahaa reer Gershoon, waxay ahaayeen Yexii'eelii,

  • 69%

    30Reer Mushii waxaa ka joogay Maxlii, iyo Ceeder, iyo Yeriimood. Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi siday qolooyinkoodu kala ahaayeen.

    31Oo kuwanu iyana waxay riteen saami sidii walaalahood reer Haaruun ay yeeleen oo kale, oo waxay ku hor riteen Boqor Daa'uud, iyo Saadooq, iyo Axiimeleg, iyo kuwii madaxda u ahaa qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi. Kan qolooyinkii madaxda u ahaa waxaa lagala mid dhigay sida kuwa walaalkiisa yar.

  • 34iyo Yahuudah, iyo Benyaamiin, iyo Shemacyaah, iyo Yeremyaah,

  • 35Oo qabiilka reer Meraarii amiirkoodii wuxuu ahaa Surii'eel ina Abiixayil, oo iyana waa inay taambuugga dhankiisa woqooyi teendhooyinkooda ka dhistaan.

  • 30Oo amiirka reer Qohaadna waa inuu ahaadaa Eliisaafaan ina Cusii'eel.

  • 12Oo wakhtigii Yooyaaqiim waxaa jiray wadaaddo qabiilooyin madax u ahaa; waxaa reer Seraayaah u ahaa Meraayaah, reer Yeremyaahna Xananyaah,

  • 22iyo Yooqiim, iyo dadka reer Kosebaa, iyo Yoo'aash, iyo Saaraaf oo u talin jiray Moo'aab, iyo Yaashubilexem. Oo taariikhduna waa wax aad u gaboobay.

  • 16iyo Shabbetay iyo Yoosaabaad oo ka mid ahaa madaxdii reer Laawi, oo hawsha dibadda oo guriga Ilaah dusha ka ilaalin jiray,

  • 19Oo weliba wadaaddadii ahaa farcanka Haaruun oo joogay beeraha magaalooyinkooda agagaarkoodii, magaalo kasta waxaa ugu jiray niman loo magacaabay inay qayb siiyaan wadaaddada inta lab ku jira oo dhan iyo kuwii reer Laawi oo abtiriskooda lagu tiriyey oo dhan.

  • 16Kuwanu waa kuwa shirka looga yeedhay oo amiirro u ahaa qabiilooyinka aabbayaashood, oo waxay ahaayeen madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil.

  • 5Oo waxaad isu taagtaan meesha quduuska ah sida qaybaha reerihii walaalihiin oo ah dadka dalka ay kala yihiin, oo reerihii qaar reer Laawi ahi ha isu qaybiyeen.

  • 68Oo qaar ah madaxdii qabiilooyinka ayaa markay yimaadeen gurigii Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal ikhtiyaarkood wax ugu bixiyey in gurigii Rabbiga meeshiis laga dhiso.

  • 1¶ Markaasaa madaxdii reer Laawi waxay u soo dhowaadeen wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii reer binu Israa'iil qabiilooyinkoodii.

  • 6Oo Shemacyaah ina Netaneel oo karraanigii ahaa, oo ahaa reer Laawi ayaa iyagii ku hor qoray boqorkii, iyo amiirradii, iyo wadaadkii Saadooq, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, iyo madaxdii qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi ahaa, in reer loo qaado reer Elecaasaar, reerna loo qaado reer Iitaamaar.

  • 9kuwii reer Xebroonna, Elii'eel oo madax ahaa, iyo siddeetan nin oo walaalihiis ahaa,

  • 1¶ Haddaba madaxdii qabiilooyinka waa kuwan, oo kanu waa abtirkii kuwii Baabuloon iga raacay waagii Boqor Artaxshasta dowladnimada haystay.

  • 18Ina Isehaarna wuxuu ahaa Shelomiid oo madax ahaa.

  • 1¶ Haddaba kuwanu waa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo soo raacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca: Seraayaah, iyo Yeremyaah, iyo Cesraa,