1 Korintos 14:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, kii af uusan aqoon ku hadlaa, lama hadlo dadka, wuxuuse la hadlaa Ilaah, waayo, ninna ma garto; laakiin Ruuxa ayaa waxyaalaha qarsoon kaga dhex hadliya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 13:2 : 2 Oo haddaan leeyahay hadiyadda wax sii sheegidda, oo aan garanayo waxyaalaha qarsoon oo dhan iyo aqoonta oo dhan, iyo haddaan leeyahay rumaysadka oo dhan oo aan buuraha ku dhaqaajiyo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ma ihi.
  • Fal 10:46 : 46 Waayo, waxay maqleen iyagoo afaf ku hadlaya oo Ilaah weynaynaya.
  • Fal 19:6 : 6 Markii Bawlos gacmaha dul saarayna ayaa Ruuxa Quduuska ahu ku soo degay iyagii; markaasay afaf kale ku hadleen oo ay wax sii sheegeen;
  • Mark 16:17 : 17 Calaamooyinkanna ayaa la socon doona kuwa rumaysta. Magacayga ayay jinniyo ku saari doonaan, afaf cuscusubna ayay ku hadli doonaan,
  • Fal 2:4-9 : 4 Kolkaasaa waxaa kulligood ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo waxay bilaabeen inay afaf kale ku hadlaan sidii Ruuxu iyaga u siiyey hadalka. 5 ¶ Markaas waxaa Yeruusaalem joogay Yuhuud oo ahaayeen niman cibaado leh oo ka yimid quruun kasta oo samada hoosteeda joogta. 6 Oo markii sanqadhaas la maqlay, dadkii badnaa ayaa isu yimid, wayna yaabeen, maxaa yeelay, nin kastaa wuxuu maqlay iyagoo afkiisa ku hadlaya. 7 Oo dhammaantood way wada nexeen oo yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, kuwan hadlaya oo dhammu miyaanay reer Galili ahayn? 8 Sidee baa midkeen waluba u maqlaa iyagoo ku hadlaya afkeenna aynu ku dhalannay? 9 Innagoo ah reer Bartiya iyo Mediya iyo Ceelaam, iyo kuwa deggan Mesobotamiya, iyo Yahuudiya iyo Kabbadokiya, iyo Bontos iyo Aasiya, 10 iyo Farugiya iyo Bamfuliya, iyo Masar iyo meelaha Liibiya oo Kuranaya ku wareegsan, iyo ajanabiyo Rooma ka yimid oo ah Yuhuud iyo kuwa raacsan labadaba, 11 iyo reer Kereetee iyo Carabta, waxaynu maqlaynaa iyagoo ku hadlaya afafkeenna oo ka hadlaya Ilaah waxyaalihiisa waaweyn.
  • 1 Kor 15:51 : 51 Eega, waxaan idiin sheegayaa wax qarsoon. Dhammaanteen ma wada dhiman doonno, laakiin dhammaanteen waa layna beddeli doonaa,
  • Ef 3:3-9 : 3 iyo sida qarsoodigii laygu ogeysiiyey wixii la ii muujiyey, sidii aan mar hore dhawr eray idiinku soo qoray. 4 Markaad akhridaan waxaad ogaan karaysaan garashadayda xagga qarsoodiga Masiixa, 5 kaas oo aan qarniyadii kale loogu ogeysiin bini aadmiga sida haatan Ruuxu ugu muujiyey rasuulladiisa iyo nebiyadiisa quduuska ah. 6 Taas waxaa weeyaan in haatan dadka aan Yuhuudda ahayn ay yihiin kuwo wax inala dhaxla, oo aan isku jidh nahay, oo ay inagula qayb qaataan ballankii Ciise Masiix xagga injiilka, 7 kaas oo aniga layga dhigay midiidin sida ay tahay hadiyadda nimcada Ilaah oo lay siiyey sida ay tahay shaqaynta xooggiisu. 8 Aniga oo quduusiinta oo dhan ugu liita waxaa nimcadan la ii siiyey inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo hodantinimada Masiixa oo aan la baadhi karin, 9 iyo inaan dadka oo dhan garansiiyo waxay tahay talogelidda qarsoodigii weligiis ku qarsoonaa Ilaaha ah kan wax walba abuuray.
  • Ef 6:19 : 19 Oo anigana iigu soo duceeya in lay siiyo hadal aan afka ku furo inaan cabsila'aan u muujiyo qarsoodiga injiilka,
  • Kol 1:26-27 : 26 Wuxuu ahaa wax aan la garanayn oo qarsoonaa tan iyo weligiis iyo qarni kasta, laakiinse haatan waxaa loo muujiyey quduusiintiisa. 27 Kuwaas Ilaah baa ku farxay inuu iyaga ogeysiiyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta qarsoodigan ee ku dhex jira quruumaha, kaas oo ah Masiixa idinku jira oo ah rajada ammaanta.
  • Kol 2:2 : 2 inay qalbiyadoodu dhiirranaadaan, iyagoo jacayl isugu xidhan, iyo inay wada helaan hodantinimada hubaasha waxgarashada, inay ogaadaan qarsoodiga Ilaah, kaas oo ah Masiixa.
  • 1 Tim 3:9 : 9 Waa inay qarsoodiga iimaanka qalbi daahir ah ku haystaan.
  • 1 Tim 3:16 : 16 Oo muranla'aan qarsoodiga cibaadadu waa weyn yahay. Isaga jidh baa lagu muujiyey, oo ruux baa xaq laga caddeeyey, malaa'iguhuna way arkeen, quruumahana waa laga dhex wacdiyey, dunidana waa laga rumaystay, ammaanna kor baa loogu qaaday.
  • Muj 10:7 : 7 Laakiinse wakhtiga codka malaa'igta toddobaad markay ku dhow dahay inay ka dhawaajiso ayaa waxaa dhammaan doona qarsoodiga Ilaah siduu ugu bishaareeyey nebiyadii addoommadiisa ahaa.
  • Fal 22:9 : 9 Oo kuwii ila joogayna runtii waxay arkeen iftiinkii, laakiin ma ay maqlin kii ila hadlay codkiisii.
  • Room 16:25 : 25 ¶ Haddaba ammaanu ha u ahaato kan kara inuu idinku xoogeeyo injiilkayga iyo wacdiga ku saabsan Ciise Masiix iyo muujinta qarsoodiga oo qarsoonaa tan iyo weligiis,
  • 1 Kor 2:7 : 7 laakiin qarsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed,
  • 1 Kor 2:10 : 10 Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Ruuxa, waayo, Ruuxu wuxuu baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah.
  • 1 Kor 14:9-9 : 9 ¶ Sidaasoo kalena idinku markaad af ku hadashaan haddaydnan ku hadlin hadal la garto, sidee baa loo garanayaa waxa lagu hadlayo? Waayo, dabayshaad la hadlaysaan. 10 Mindhaa waxaa dunida jira codad badan oo kala cayn ah, oo mid aan micne lahayni ma jiro. 11 Haddaba haddaanan garanaynin micnaha codka, waxaan kii hadlaya u ahaan doonaa nin qalaad, kan hadlayaana nin qalaad ayuu ii ahaan doonaa.
  • 1 Kor 14:16 : 16 Haddii kale haddaad ruuxa ku ducaysid, kii meesha jooga oo aan garanaynin, sidee buu u odhan doonaa, Aamiin, markaad mahadnaqaysid, hadduusan garanaynin waxaad leedahay?
  • 1 Kor 14:18-23 : 18 Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inaan afaf ku hadlo intaad dhammaantiin ku hadashaan in ka badan, 19 laakiin kiniisadda dhexdeeda, meeshii aan toban kun oo eray af kaga hadli lahaa, waxaan ka jeclaan lahaa inaan shan eray garashadayda ku hadlo inaan kuwa kalena wax baro. 20 ¶ Walaalayaalow, carruur ha ka noqonina xagga maanka, xagga xumaantase dhallaan ka ahaada, laakiin xagga maanka dad waaweyn ka ahaada. 21 Waxaa sharciga ku qoran, Waxaan dadkan kula hadli doonaa afaf qalaad iyo bushimo dad kale, oo xataa sidaa daraaddeed ima maqli doonaan, ayuu Rabbigu leeyahay. 22 Haddaba afafku calaamo uma aha kuwa rumaysta ee waxay calaamo u yihiin kuwa aan rumaysan, wax sii sheegidduse calaamo uma aha kuwa aan rumaysan, laakiin waxay calaamo u tahay kuwa rumaysta. 23 Haddaba haddii kiniisadda oo dhammu isu timaado, oo ay ku wada hadlaan afaf, oo haddii dad aan garanaynin ama aan rumaysanayni soo galaan, miyaanay odhanaynin, Waad waalan tihiin?
  • Bil 11:7 : 7 Ina keena, aynu degnee, oo halkaas aynu afkooda iskaga qasnee, yaan midna midka kale hadalkiisa garanine.
  • Bil 42:23 : 23 Oo iyana ma ay ogayn in Yuusuf gartay iyaga; waayo, turjumaan baa kala dhex joogay.
  • Sharc 28:49 : 49 Rabbigu wuxuu meel fog oo dhulka darafkiisa ah idinkaga keeni doonaa quruun sida gorgorka u duulaysa oo aydaan afkeeda garanayn,
  • Sab 49:3-4 : 3 Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa xigmad, Qalbigayguna wuxuu ka fikiri doonaa waxgarasho. 4 Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal, Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda.
  • Sab 78:2 : 2 Afkayga waxaan ku furi doonaa masaal, Oo waxaan ku dhawaaqi doonaa xujooyin hore,
  • Mat 13:11 : 11 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan, kuwaase lama siiyo.
  • Mark 4:11 : 11 Kolkaasuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada Ilaah garataan, laakiin kuwa dibadda jooga wax walba waxaa loogu sheegaa masaallo,
  • 2 Boq 18:26 : 26 Markaasaa Elyaaqiim ina Xilqiyaah iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waan ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, isagaannu garanaynaa; oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan.
  • 1 Kor 14:27-28 : 27 Haddii nin uun af ku hadlo, ha ahaadeen laba, ama hadday u bataan, saddex, oo midba markiisa ha hadlo, midna ha fasiro, 28 laakiin haddaan mid fasiraa jirin, kiniisadda ha ka aamusnaado, oo isagu ha la hadlo qudhiisa iyo Ilaah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Kor 14:3-28
    26 aayado
    85%

    3Laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dadka kula hadlaa hadallo wax dhisa oo gargaar iyo qalbiqaboojis leh.

    4Kii af uusan aqoon ku hadlaa wuu isdhisaa, laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dhisaa kiniisadda.

    5¶ Waxaan jeclaan lahaa inaad dhammaantiin afaf ku wada hadashaan, laakiin waxaan ka sii jeclaan lahaa inaad wax sii sheegtaan. Kii afaf ku hadlaa hadduusan fasirin, waxaa ka sii weyn kii wax sii sheega, si ay kiniisaddu u hesho wax ay ku dhisanto.

    6Laakiin hadda, walaalayaalow, haddaan idiin imaado, anigoo afaf ku hadlaya, maxaan idiin tari doonaa, haddaanan idinkula hadlin muujin ama aqoon ama wax sii sheegid ama waxbarid?

    7¶ Xataa waxyaalo aan naf lahayni markay dhawaaqaan, ha ahaadeen ama biibiile ama kataarad, haddaanay dhawaaqa kala soocin, sidee baa loo kala garanayaa waxa la yeedhiyo ama waxa kataaradda laga dhawaajiyo?

    8Hadduu buunku ku dhawaaqo cod aan la kala garan, yaa dagaal isu diyaargarayn doona?

    9¶ Sidaasoo kalena idinku markaad af ku hadashaan haddaydnan ku hadlin hadal la garto, sidee baa loo garanayaa waxa lagu hadlayo? Waayo, dabayshaad la hadlaysaan.

    10Mindhaa waxaa dunida jira codad badan oo kala cayn ah, oo mid aan micne lahayni ma jiro.

    11Haddaba haddaanan garanaynin micnaha codka, waxaan kii hadlaya u ahaan doonaa nin qalaad, kan hadlayaana nin qalaad ayuu ii ahaan doonaa.

    12Sidaasoo kale idinkuna, idinkoo ku kulul hadiyadaha ruuxa, aad u dadaala inaad hadiyado badan u lahaataan kiniisadda dhisniinteeda.

    13¶ Sidaa daraaddeed kii af ku hadlaa, Ilaah ha ka baryo si uu u fasiro.

    14Waayo, haddaan Ilaah af aanan oqoon ku baryo, ruuxayga ayaa barya, laakiin garashadaydu faa'iido ma leh.

    15Maxaa jira haddaba? Ruuxa ayaan Ilaah ku baryi doonaa, laakiin waxaan kaloo isaga ku baryi doonaa garashada. Ruuxa ayaan ku heesi doonaa, oo garashadana waan ku heesi doonaa.

    16Haddii kale haddaad ruuxa ku ducaysid, kii meesha jooga oo aan garanaynin, sidee buu u odhan doonaa, Aamiin, markaad mahadnaqaysid, hadduusan garanaynin waxaad leedahay?

    17Si wanaagsan baad u mahadnaqdaa, laakiin kan kale ma dhisna.

    18Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inaan afaf ku hadlo intaad dhammaantiin ku hadashaan in ka badan,

    19laakiin kiniisadda dhexdeeda, meeshii aan toban kun oo eray af kaga hadli lahaa, waxaan ka jeclaan lahaa inaan shan eray garashadayda ku hadlo inaan kuwa kalena wax baro.

    20¶ Walaalayaalow, carruur ha ka noqonina xagga maanka, xagga xumaantase dhallaan ka ahaada, laakiin xagga maanka dad waaweyn ka ahaada.

    21Waxaa sharciga ku qoran, Waxaan dadkan kula hadli doonaa afaf qalaad iyo bushimo dad kale, oo xataa sidaa daraaddeed ima maqli doonaan, ayuu Rabbigu leeyahay.

    22Haddaba afafku calaamo uma aha kuwa rumaysta ee waxay calaamo u yihiin kuwa aan rumaysan, wax sii sheegidduse calaamo uma aha kuwa aan rumaysan, laakiin waxay calaamo u tahay kuwa rumaysta.

    23Haddaba haddii kiniisadda oo dhammu isu timaado, oo ay ku wada hadlaan afaf, oo haddii dad aan garanaynin ama aan rumaysanayni soo galaan, miyaanay odhanaynin, Waad waalan tihiin?

    24Laakiin hadday dhammaantood wax sii sheegaan oo uu u yimaado mid aan rumaysanayn ama aan garanaynini, isaga waa la wada canaantaa, oo la wada xukumaa.

    25Waxyaalaha qarsoon ee qalbigiisa waa la muujiyaa, oo taa aawadeed wejigiisuu u dhici doonaa oo Ilaah ayuu caabudi doonaa isagoo odhanaya, Runtii Ilaah waa idin dhex joogaa.

    26¶ Maxaa jira haddaba, walaalayaalow? Markaad isu timaadaan, mid kasta hees sabuur ah buu leeyahay, midna waxbarid buu leeyahay, midna muujin buu leeyahay, midna af buu leeyahay, midna fasiraad buu leeyahay. Wax walba ha loo sameeyo dhisniin.

    27Haddii nin uun af ku hadlo, ha ahaadeen laba, ama hadday u bataan, saddex, oo midba markiisa ha hadlo, midna ha fasiro,

    28laakiin haddaan mid fasiraa jirin, kiniisadda ha ka aamusnaado, oo isagu ha la hadlo qudhiisa iyo Ilaah.

  • 1¶ Jacaylka raaca, oo weliba hadiyadaha Ruuxa ka yimaada aad u doona, oo siiba doona inaad wax sii sheegtaan.

  • 76%

    38Nin uuni hadduusan ogayn tan, isagana lama yaqaan.

    39¶ Taa aawadeed, walaalahayow, ku dadaala inaad wax sii sheegtaan, hana diidina in afaf lagu hadlo,

  • 74%

    13Waxyaalahaasna ayaannu ku hadalnaa, kumase hadalno hadallo la baro ee ah xigmadda dadka, laakiin waxa Ruuxu baro, annaga oo waxyaalaha ruuxa ah ku simayna waxyaalaha ruuxa ah.

    14Ninka nafta raacaa ma aqbalo waxyaalaha Ruuxa Ilaah, waayo, nacasnimo bay u yihiin, mana garan karo, maxaa yeelay, ruuxa ayaa lagu imtixaamaa.

    15Kii ruuxa raacaa wax walbuu imtixaamaa, laakiinse isaga qudhiisa ninna ma imtixaamo.

  • 73%

    10Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Ruuxa, waayo, Ruuxu wuxuu baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah.

    11Waayo, dadka dhexdood yaa garanaya nin waxyaalihiisa, ruuxa ninka ku jira mooyaane? Sidaas oo kalena ninna garan maayo waxyaalaha Ilaah, Ruuxa Ilaah mooyaane.

  • 73%

    10Mid kalena shuqullo cajaa'ib leh, mid kalena wax sii sheegidda, mid kalena kalasoocidda ruuxyada, mid kalena afaf kala cayn ah, mid kalena afafka fasiriddooda.

    11Isku Ruuxa oo keliya ayaa ka shaqeeya waxyaalahaas oo dhan, isagoo siduu doonayo mid mid wax ugu qaybinaya.

  • 1¶ Walaalayaalow, dooni maayo inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan hadiyadaha Ruuxa ka yimaada.

  • 11Laakiinse bushimo dad qalaad iyo af kale ayuu kula hadli doonaa dadkan

  • 1¶ Haddaan ku hadlo afafka dadka iyo malaa'igaha, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxaan noqday naxaas dhawaaqaysa ama saxan bir ah oo sanqadhaya oo kale.

  • 20Waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabbihiin kan idinka dhex hadlayaa.

  • 4Isaga kor baa loogu qaaday Firdooska, oo wuxuu maqlay erayo aan lagu hadlin oo aan nin loo idmin inuu ku hadlo.

  • 69%

    30Laakiin haddii wax loo muujiyo mid ag fadhiya, kii hore ha aamuso.

    31Waayo, dhammaantiin mid mid baad wax u sii wada sheegi kartaan, si ay dhammaan wax u bartaan oo dhammaan loogu wada gargaaro.

    32Oo ruuxyada nebiyadu waa ka dambeeyaan nebiyada.

  • 26¶ Sidaasoo kalena Ruuxu wuxuu inaga caawimaa itaaldarradeenna, waayo, garan mayno wax inoo eg oo aynu ku tukanno, laakiin Ruuxa qudhiisu waa inoo duceeyaa isagoo ku taahaya taah aan sanqadhayn.

  • 30Dhammaan ma wada leeyihiin hadiyado wax lagu bogsiiyo? Dhammaan ma ku hadlaan afaf kala cayn ah? Dhammaan wax ma fasiraan?

  • 3Sidaa daraaddeed waxaan idin ogeysiinayaa inaan nin Ruuxa Ilaah ku hadlaa odhanaynin, Ciise waa inkaaran yahay, oo aan ninna odhan karin, Ciise waa Rabbi, inuu Ruuxa Quduuska ah ku hadlo mooyaane.

  • 4Kolkaasaa waxaa kulligood ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo waxay bilaabeen inay afaf kale ku hadlaan sidii Ruuxu iyaga u siiyey hadalka.

  • 7laakiin qarsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed,

  • 10Wuxuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyadii Ilaah garataan, kuwa kalese masaallo ayaa loogu sheegaa, si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan.