1 Korintos 14:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Nebiyadana laba ama saddex ha hadleen, kuwa kalena ha kala xukumeen waxay leeyihiin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 12:10 : 10 Mid kalena shuqullo cajaa'ib leh, mid kalena wax sii sheegidda, mid kalena kalasoocidda ruuxyada, mid kalena afaf kala cayn ah, mid kalena afafka fasiriddooda.
  • 1 Tes 5:19-21 : 19 Ruuxa ha deminina. 20 Wax sii sheegiddana ha quudhsanina. 21 Wax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya.
  • 1 Yoox 4:1-3 : 1 ¶ Gacaliyayaalow, ha rumaysanina ruux walba, laakiin ruuxyada tijaabiya si aad u hubsataan inay kuwa Ilaah yihiin; waayo, nebiyo badan oo been ah ayaa u soo baxay dunida. 2 Taasaad ku garanaysaan Ruuxa Ilaah; ruux walba oo qirta in Ciise Masiix jidh ku yimid, waa ku Ilaah. 3 Oo ruux walba oo aan qiran Ciise Masiix ku Ilaah ma aha; oo kanuna waa ruuxa kan Masiixa ka geesta ah oo aad maqasheen inuu imanayo, imminkana duniduu ku jiraa.
  • 1 Kor 14:39 : 39 ¶ Taa aawadeed, walaalahayow, ku dadaala inaad wax sii sheegtaan, hana diidina in afaf lagu hadlo,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    30Laakiin haddii wax loo muujiyo mid ag fadhiya, kii hore ha aamuso.

    31Waayo, dhammaantiin mid mid baad wax u sii wada sheegi kartaan, si ay dhammaan wax u bartaan oo dhammaan loogu wada gargaaro.

    32Oo ruuxyada nebiyadu waa ka dambeeyaan nebiyada.

  • 81%

    23Haddaba haddii kiniisadda oo dhammu isu timaado, oo ay ku wada hadlaan afaf, oo haddii dad aan garanaynin ama aan rumaysanayni soo galaan, miyaanay odhanaynin, Waad waalan tihiin?

    24Laakiin hadday dhammaantood wax sii sheegaan oo uu u yimaado mid aan rumaysanayn ama aan garanaynini, isaga waa la wada canaantaa, oo la wada xukumaa.

    25Waxyaalaha qarsoon ee qalbigiisa waa la muujiyaa, oo taa aawadeed wejigiisuu u dhici doonaa oo Ilaah ayuu caabudi doonaa isagoo odhanaya, Runtii Ilaah waa idin dhex joogaa.

    26¶ Maxaa jira haddaba, walaalayaalow? Markaad isu timaadaan, mid kasta hees sabuur ah buu leeyahay, midna waxbarid buu leeyahay, midna muujin buu leeyahay, midna af buu leeyahay, midna fasiraad buu leeyahay. Wax walba ha loo sameeyo dhisniin.

    27Haddii nin uun af ku hadlo, ha ahaadeen laba, ama hadday u bataan, saddex, oo midba markiisa ha hadlo, midna ha fasiro,

    28laakiin haddaan mid fasiraa jirin, kiniisadda ha ka aamusnaado, oo isagu ha la hadlo qudhiisa iyo Ilaah.

  • 74%

    36Maxaa jira! Ma idinkay ahaayeen kuwii uu ereyga Ilaah ka soo baxay, mise keligiin buu idiin yimid?

    37¶ Nin uun hadduu isu maleeyo inuu nebi yahay, ama mid Ruuxa raaca, ha garto waxyaalahaan idiin soo qorayo inay yihiin qaynuunka Rabbiga.

    38Nin uuni hadduusan ogayn tan, isagana lama yaqaan.

    39¶ Taa aawadeed, walaalahayow, ku dadaala inaad wax sii sheegtaan, hana diidina in afaf lagu hadlo,

    40laakiin wax walba ha loo sameeyo si habboon oo hagaagsan.

  • 1 Kor 14:1-6
    6 aayado
    71%

    1¶ Jacaylka raaca, oo weliba hadiyadaha Ruuxa ka yimaada aad u doona, oo siiba doona inaad wax sii sheegtaan.

    2Waayo, kii af uusan aqoon ku hadlaa, lama hadlo dadka, wuxuuse la hadlaa Ilaah, waayo, ninna ma garto; laakiin Ruuxa ayaa waxyaalaha qarsoon kaga dhex hadliya.

    3Laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dadka kula hadlaa hadallo wax dhisa oo gargaar iyo qalbiqaboojis leh.

    4Kii af uusan aqoon ku hadlaa wuu isdhisaa, laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dhisaa kiniisadda.

    5¶ Waxaan jeclaan lahaa inaad dhammaantiin afaf ku wada hadashaan, laakiin waxaan ka sii jeclaan lahaa inaad wax sii sheegtaan. Kii afaf ku hadlaa hadduusan fasirin, waxaa ka sii weyn kii wax sii sheega, si ay kiniisaddu u hesho wax ay ku dhisanto.

    6Laakiin hadda, walaalayaalow, haddaan idiin imaado, anigoo afaf ku hadlaya, maxaan idiin tari doonaa, haddaanan idinkula hadlin muujin ama aqoon ama wax sii sheegid ama waxbarid?

  • 16Laakiin hadduu ku maqli waayo, mid ama laba kale wado, si hadal walba loogu adkeeyo afka laba ama saddex markhaati.

  • 4Haddaba haddii aad leedihiin axwaal ku saabsan waxyaalaha noloshan, kuwa aan waxba ka ahayn kiniisadda miyaad ka dhigaysaan inay xukumaan?

  • 13¶ Sidaa daraaddeed kii af ku hadlaa, Ilaah ha ka baryo si uu u fasiro.

  • 1¶ Socodkan aan idiin imanayo waa kaygii saddexaad. Laba ama saddex markhaati afkooda ayaa eray walba lagu xaqiiqayn doonaa.

  • 68%

    31Laakiin haddaynu innagu dhexdeenna iska xukumi lahayn, laynama xukumeen.

    32Markii layna xukumo, Rabbiga ayaa ina edbiya, inaan laynala xukumin dunida.

  • 19laakiin kiniisadda dhexdeeda, meeshii aan toban kun oo eray af kaga hadli lahaa, waxaan ka jeclaan lahaa inaan shan eray garashadayda ku hadlo inaan kuwa kalena wax baro.

  • 19Nin waayeel ah ashtako ha ku qaadin, laba ama saddex qof oo ku markhaati fura mooyaane.

  • 67%

    20Laakiinse nebigii wax aanan ku amrin leh oo si kibir ah magacayga ugu hadla, ama kii ilaahyo kale magacood ku hadlaa, nebigaasu waa inuu dhintaa.

    21Oo haddaad qalbigiinna iska tidhaahdaan, Sidee baannu u garanaynaa eraygii aan Rabbigu ku hadlin?

    22Markii nebi ku hadlo magaca Rabbiga, haddii wixii uu ku hadlay ayan ahaan oo ayan noqon, waxaas ayaa ah waxa aanu Rabbigu ku hadlin. Nebigu si kibir ah buu u hadlay ee waa inaydaan ka cabsan innaba.

  • 15Waxaan idiinla hadlayaa sida dad caqli leh loola hadlo oo kale. Idinku qiyaasa waxaan leeyahay.

  • 20Wax sii sheegiddana ha quudhsanina.

  • 32Yuudas iyo Silas, iyagoo qudhooduna nebiyo ahaa, ayay hadallo badan walaalihii ku waaniyeen oo ku xoogeeyeen.

  • 67%

    9¶ Sidaasoo kalena idinku markaad af ku hadashaan haddaydnan ku hadlin hadal la garto, sidee baa loo garanayaa waxa lagu hadlayo? Waayo, dabayshaad la hadlaysaan.

    10Mindhaa waxaa dunida jira codad badan oo kala cayn ah, oo mid aan micne lahayni ma jiro.

  • 1¶ Hadduu dhexdiinna ka kaco nebi ama mid riyooyin ku riyooda, oo uu idin tuso calaamad ama yaab,

  • 2Wiilka Aadamow, waxaad wax ka sii sheegtaa nebiyada reer binu Israa'iil oo wax sheega, oo kuwa qalbigooda wax ka sii sheega waxaad ku tidhaahdaa, Erayga Rabbiga maqla:

  • 15Kii ruuxa raacaa wax walbuu imtixaamaa, laakiinse isaga qudhiisa ninna ma imtixaamo.

  • 16Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Nebiyada wax idiin sii sheega hadalkooda ha maqlina, waayo, wax aan waxba ahayn way idin baraan, oo waxay ku hadlaan riyo qalbigooda ka timid oo aan afka Rabbiga ka soo bixin.

  • 11¶ Xumaan ha iskaga hadlina, walaalayaalow. Kii xumaan walaalkiis kaga hadlaa ama walaalkiis xukumaa, sharciga ayuu xumaan kaga hadlaa, sharcigana wuu xukumaa. Haddaad sharciga xukuntid, adigu ma ihid mid sharciga yeela, laakiin waxaad tahay mid isaga xukuma.

  • 34¶ Dumarku markay kiniisadaha joogaan ha aamuseen, waayo, looma fasixin inay hadlaan; laakiin ha dambeeyeen, sida uu sharcigu leeyahay.

  • 7Sida xaqiiqada ah Sayidka Rabbiga ahu waxba ma samayn doono, inuu qarsoodiga u muujiyo addoommadiisa nebiyada ah mooyaane.

  • 1¶ Ninna ha xukumina inaan laydin xukumin.

  • 12Sidii kuwo sharciga xorriyadda lagu xukumi doono, u hadla oo u yeela.

  • 5Taa aawadeed wakhtiga hortiisa waxba ha xukumina ilaa Rabbigu imanayo, kan waxyaalaha qarsoon ee gudcurka iftiimin doona oo muujin doona tashiyada qalbiga, oo markaas nin kastaaba wuxuu ammaantiisa ka heli doonaa Ilaah.

  • 9Ha iska cabanina, walaalayaalow, yaan laydin xukumine. Bal ogaada, xaakinku albaabbada hortooduu taagan yahaye.

  • 9Nebigii nabad wax ka sii sheega, oo uu eraygii nebigaasu run noqdo, markaas nebigaas waxaa loo aqoonsadaa in Rabbigu isaga dhab ahaan u soo diray.

  • 13¶ Sidaas daraaddeed mar dambe yeynan isxukumin, laakiinse tan ka fikira inaan ninna walaalkiis u dhigin dhagax uu ku turunturoodo ama wax kaleeto oo hor joogsada.

  • 40Sidaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh,