1 Korintos 16:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Mindhaa cabbaar baan idinla joogi doonaa, xataa xilliga qabowga oo dhan, si aad iigu ambabbixisaan meel alla meeshaan tegi doono.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 15:3 : 3 Sidaas daraaddeed iyagoo kiniisaddu soo sagootiday, waxay sii dhex mareen Foynike iyo Samaariya, iyagoo ka warramaya sidii dadkii aan Yuhuudda ahayn u soo jeesteen; waxayna aad uga farxiyeen walaalihii oo dhan.
  • Room 15:24 : 24 markaan Isbaanya tago waxaan rajaynayaa inaan sodcaalkayga idinku arko oo idinna aad halkaas iga ambabbixisaan, markaan cabbaar idinku raaxaysto dabadeed,
  • 1 Kor 16:11 : 11 Haddaba ninna yuusan fududaysan isaga. Laakiin nabad ku soo ambabbixiya, ha ii yimaadee, waayo, waxaan filanayaa inuu walaalaha soo raaco.
  • 2 Kor 1:16 : 16 iyo inaan idin sii maro ilaa Makedoniya, oo haddana aan Makedoniya ka imaado oo aan idinku soo noqdo, idinkuna inaad xagga Yahuudiya ii ambabbixisaan.
  • Titus 3:12 : 12 ¶ Markaan kuu soo diro Artemaas ama Tukhikos aad ugu dadaal inaad iigu timaado Nikobolis, waayo, waxaan goostay inaan xilliga qabow meeshaas joogi doono.
  • 3 Yoox 1:6-7 : 6 Iyagu jacaylkaagay kiniisadda horteeda kaga markhaati fureen. Wanaag baad samayn lahayd haddii aad iyaga u ambabbixisid sida Ilaah istaahilo; 7 maxaa yeelay, magiciisa aawadiis ayay u ambabbexeen iyagoo aan waxba ka qaadan dadka aan Yuhuudda ahayn.
  • Fal 17:15 : 15 Laakiin kuwii Bawlos ambabbixiyey waxay isagii keeneen ilaa Ateenay; markaasay ka tageen iyagoo Silas iyo Timoteyos amar u qaadaya inay degdeg u yimaadaan.
  • Fal 20:38 : 38 iyagoo sida badan ka caloolxun hadalkuu ku hadlay oo ahaa inayan mar dambe wejigiisa arki doonin. Markaasay sii ambabbixiyeen isagii ilaa doonnidii.
  • Fal 21:5 : 5 Oo markii maalmahaasu noo dhammaadeen ayaannu ka tagnay oo sii soconnay; oo dhammaantood, iyaga iyo dumarkoodii iyo carruurtoodiiba, ayay na sii ambabbixiyeen ilaa magaalada dibaddeeda; markaasaannu xeebta ku jilba joogsannay oo tukannay,
  • Fal 27:12 : 12 Oo marsadaasu ma ay ahayn mid ku wanaagsan in wakhtiga qabowga la joogo, sidaas daraaddeed ayaa dadkii intiisii badnayd waxay ku talisay in halkaas laga sii dhoofo, haddii si uun lagu gaadhi karo Foynikis oo halkaas wakhtiga qabowga la joogo, taasoo ah marso Kereetee ku taal oo u jeedda woqooyi-bari iyo koonfur-bari.
  • Fal 28:11 : 11 ¶ Saddex bilood dabadeed waxaannu ku dhoofnay doonni Iskanderiya ka timid oo wakhtigii qabowga gasiiraddii joogtay taasoo sumaddeedii ahayd Walaalihii Mataanaha ahaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Kor 16:7-8
    2 aayado
    86%

    7Waayo, dooni maayo inaan hadda idin arko markaan sii socdo, maxaa yeelay, waxaan rajaynayaa inaan cabbaar idinla joogo, haddii Rabbigu idmo.

    8Laakiin waxaan sii joogayaa Efesos ilaa maalinta Bentekoste.

  • 1 Kor 16:3-5
    3 aayado
    84%

    3Oo markaan imaado, kuwaad u bogteen ayaan warqado u dhiibi doonaa, oo waxaan u diri doonaa inay hadiyaddiinna Yeruusaalem geeyaan.

    4Oo hadday ila noqoto inaan aniguna tago, way i raaci doonaan.

    5¶ Markaan Makedoniya soo maro dabadeed ayaan idiin iman doonaa, waayo, Makedoniya waan soo marayaa.

  • 82%

    15¶ Hubaalkaas daraaddiis ayaan doonayay inaan horta idiin imaado inaad barako labaad haysataan;

    16iyo inaan idin sii maro ilaa Makedoniya, oo haddana aan Makedoniya ka imaado oo aan idinku soo noqdo, idinkuna inaad xagga Yahuudiya ii ambabbixisaan.

    17Haddaba markaan waxaas doonayay miyaan rogrogay? Ama waxaan goosto miyaan u goostaa sida uu ninka jidhka raacaa u goosto, inay xaggayga noqoto, Haah, haah, iyo Maya, maya?

  • 78%

    23laakiinse haatan anigoo aan meelahakan meel dambe ku lahayn, oo idin boholyoobayay sannado badan inaan idiin imaado,

    24markaan Isbaanya tago waxaan rajaynayaa inaan sodcaalkayga idinku arko oo idinna aad halkaas iga ambabbixisaan, markaan cabbaar idinku raaxaysto dabadeed,

    25laakiinse haatan waxaan aadayaa Yeruusaalem inaan u adeego quduusiinta.

  • Room 1:10-12
    3 aayado
    77%

    10anigoo weyddiisanaya inaan imminka ugu dambaysta si kastaba ku lib helo inaan Ilaah idankiisa idiinku imaado.

    11Waayo, aad baan u doonayaa inaan idin arko oo idin siiyo hadiyad Ruuxa ka timaada inaad ku xoogaysataan;

    12taasuna waa inaan idinkula dhiirranaado rumaysadka, kiinna iyo kaygaba.

  • 76%

    31in layga samatabbixiyo kuwa caasiyiinta ah oo Yahuudiya jooga, iyo in hawshayda aan Yeruusaalem u qabanayo ay noqoto mid ay quduusiintu aqbalaan;

    32inaan farxad idiinku imaado haddii Ilaah doonayo, oo aan idinla nasto.

  • Fil 1:24-26
    3 aayado
    76%

    24laakiinse inaan jidhka ku sii jiro aad baa loogu sii baahan yahay idinka aawadiin.

    25Waan aaminsanahay oo waan ogahay inaan sii joogi doono, oo aan kulligiin idinla sii joogi doono horumarkiinna iyo farxadda rumaysadkiinna aawadood,

    26in faankiinnu Ciise Masiix ku bato xaggayga, joogistayda aan mar kale idinla joogo aawadeed.

  • Flm 1:21-22
    2 aayado
    75%

    21Waxaan aaminsanahay addeeciddaada, oo sidaas daraaddeed ayaan warqaddan kuugu soo qorayaa, anigoo garanaya inaad samaynaysid wax ka sii badan waxaan leeyahay.

    22¶ Isla markaasna ii diyaari meel aan ku hoydo; waayo, waxaan rajaynayaa in baryadiinna laygu kiin siiyo.

  • 15Mindhaa wuxuu cabbaar kaaga maqnaa inaad weligaa haysatid;

  • Fil 2:23-24
    2 aayado
    73%

    23Sidaas daraaddeed waxaan rajaynayaa inaan haddiiba isaga idiin soo diro markii aan arko sida ay xaaladdaydu u socoto.

    24Laakiinse Rabbigaan ku kalsoonahay inaan aniga qudhayduna dhowaan idiin iman doono.

  • 13Waxaan jeclaan lahaa inaan sii hayo inuu aawadaa iigu adeego inta aan injiilka u xabbisanahay.

  • 12¶ Markaan kuu soo diro Artemaas ama Tukhikos aad ugu dadaal inaad iigu timaado Nikobolis, waayo, waxaan goostay inaan xilliga qabow meeshaas joogi doono.

  • Fil 2:18-19
    2 aayado
    72%

    18oo weliba sidaas oo kale idinkuna waad farxaysaan oo waad ila rayraysaan.

    19¶ Laakiinse waxaan Rabbi Ciise ka rajaynayaa inaan dhowaan idiin soo diro Timoteyos si aan aniguna ugu farxo markii aan xaaladdiinna ogaado.

  • 72%

    11Haddaba ninna yuusan fududaysan isaga. Laakiin nabad ku soo ambabbixiya, ha ii yimaadee, waayo, waxaan filanayaa inuu walaalaha soo raaco.

    12Xagga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo.

  • 8¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,

  • 4waaba intaasoo aannu faankan ku ceebownaaye, annagoo keliyana ma aha, laakiin idinkuna waad ku ceeboobaysaan, haddii kuwo reer Makedoniya ahi ay i soo raacaan oo ay idin arkaan idinkoo aan diyaar ahayn.

  • 71%

    28Sidaas daraaddeed markaan tan dhammeeyo oo aan iyaga midhahan ku hubsado, idinkaan idin soo mari doonaa, anoo Isbaanya u socda.

    29Oo waxaan ogahay markaan idiin imaado inaan ku iman doono buuxnaanta barakada Masiixa.

  • 28Sidaas daraaddeed anigoo aad u dadaalaya ayaan isagii soo diray, inaad faraxdaan markii aad mar kale aragtaan, oo ay anigana caloolxumadu iga yaraato.

  • 14Laakiin waxaan rajaynayaa inaan dhowaan ku arko, oo aynu afkeenna iskula hadli doonno.

  • 21¶ Haddaba markii waxyaalahaasu dhammaadeen ayaa Bawlos ruuxiisa kula talo jiray inuu Yeruusaalem tago markuu Makedoniya iyo Akhaya sii dhex maray dabadeed, isagoo leh, Markaan meeshaas tago dabadeed, waa inaan Roomana arko.

  • 16Waan ku faraxsanahay inaan wax walba kalsooni weyn idiinku qabo.

  • 3Waxakan ayaan u qoray inaanan markaan imaado ka calool xumaan kuwa aan ku farxi lahaa, anigoo idinku aaminsan dhammaantiin inay farxaddaydu tahay farxadda kulligiin.

  • 12markaasaannu meeshaas ka tagnay, oo waxaannu aadnay Filiboy, taas oo ah magaalomadaxda reer Makedoniya, oo ay reer Rooma u taliyaan, magaaladaas waxaannu joognay dhawr maalmood.

  • 21laakiin markuu ka tegey ayuu ku yidhi, Mar kalaan idiin soo noqon doonaa haddii Ilaah doonayo, markaasuu Efesos ka dhoofay.

  • 15Waxaan ku dadaali doonaa inaad tegiddayda dabadeed mar kastaba awooddaan inaad waxyaalahan xusuusataan.

  • 25¶ Hadda, bal eega, waxaan ogahay in dhammaantiin oo aan ku dhex wareegi jiray oo aan boqortooyada ku wacdiyi jiray aydnaan mar dambe wejigayga arki doonin.

  • 19Waayo, waxaan ogahay in taasu badbaado ay iigu noqonayso xagga ducadiinna iyo caawimaadda Ruuxa Ciise Masiix,

  • 19Oo aad baan idiinka baryayaa inaad tan samaysaan, in dhaqso laygu soo kiin celiyo.

  • 12¶ In kastoo aan hayo wax badan oo aan idiin soo qoro, ma aan jeclayn inaan warqad iyo khad idiinku soo qoro; laakiinse waxaan rajaynayaa inaan idiin imaado oo aan afkayga idinkula hadlo, si ay farxaddiinnu u buuxsanto.

  • 7Haddaba sidaas daraaddeed waa igu qumman tahay inaan sidaas kulligiin idiinka fikiro, waayo, qalbigaan idinku hayaa, maxaa yeelay, kulligiin waxaad tihiin kuwo nimcada igala qayb qaata xagga xidhnaantayda iyo xagga daaficidda iyo xaqiiqaynta injiilkaba.

  • 3U odhan maayo inaan idin xukumo, waayo, markii hore ayaan idhi, Qalbiyadayada ayaad ku jirtaan inaynu wada dhimanno oo aynu wada noolaanno.

  • 22¶ Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcona ha kula jirto. Aamiin.

  • 9Markaan idinla joogay oo aan wax u baahnaa, ninna culays kuma aan hayn, waayo, walaalihii markay Makedoniya ka yimaadeen waxay ii dhammaystireen waxaan u baahnaa, oo si kastana waan isu celiyey si aanan idiin culaysin, waanan isa sii celin doonaa.