1 Yooxanaa 2:23
Ku alla kii Wiilka inkiraa, ma leh Aabbaha; laakiin kan Wiilka qirtaa Aabbuhuu leeyahay.
Ku alla kii Wiilka inkiraa, ma leh Aabbaha; laakiin kan Wiilka qirtaa Aabbuhuu leeyahay.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
21Wixii aan idiin soo qoray uma aan soo qorin aqoonla'aantiinna xagga runta aawadeed, laakiin waxaan u soo qoray aqoonta aad runta taqaaniin iyo inaanay beenina runta ka iman aawadood.
22Waa kuma beenaaluhu, kan dafira inuu Ciise yahay Masiixa mooyaane? Isagu waa kan Masiixa ka geesta ah, waana kan dafira Aabbaha iyo Wiilkaba.
9Mid kasta oo dhaafa oo aan cilmiga Masiixa ku sii socon, kaasu Ilaah ma leh; laakiin kii cilmiga ku sii socdaa, Aabbaha iyo Wiilka labadaba wuu leeyahay.
24Haddaba idinku waxaad tan iyo bilowgii maqlayseen ha idinku sii jiro. Haddii wixii aad tan iyo bilowgii maqlayseen idinku sii jiro, idinkuna waxaad ku sii jiri doontaan Wiilka iyo Aabbaha.
9Haddii aynu maragfurka dadka aqbali lahayn, maragfurka Ilaah baa ka weyn, waayo, maragfurka Ilaah waa kan oo ah inuu Wiilkiisa ka marag furay.
10Ka Wiilka Ilaah rumaystaa maragguu ku haystaa nafsaddiisa, kii aan Ilaah rumaysanna, wuxuu isaga ka dhigay beenaaleh; maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan maraggii uu Ilaah ka marag furay Wiilkiisa.
11Maragguna waa kan, kaas oo ah in Ilaah ina siiyey nolosha weligeed ah, oo ay noloshanu Wiilkiisa ku jirto.
12Kan Wiilka haystaa, noloshuu leeyahay. Kii aan Wiilka Ilaah haysanna nolosha ma leh.
13¶ Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka oo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin.
15Ku alla kii qirta inuu Ciise yahay Wiilka Ilaah, Ilaah baa ku sii jira isaga, isaguna wuu ku sii jiraa Ilaah.
22Aabbuhu ninna ma xukumo, laakiin xukunka oo dhan wuxuu siiyey Wiilka,
23in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray.
32Sidaa darteed mid walba oo igu qirta dadka hortiisa, anna waan ku qiran doonaa Aabbahayga jannada ku jira hortiisa.
33Laakiin ku alla kii igu diida dadka hortiisa, anna waan ku diidi doonaa Aabbahayga jannada ku jira hortiisa.
35Aabbuhu wuu jecel yahay Wiilka, oo wax walba ayuu gacanta u geliyey.
36Kii Wiilka rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, kii aan Wiilka rumaysanse, nolosha ma arki doono, laakiin cadhadii Ilaah ayaa ku taal isaga.
27¶ Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo Wiilka maahee iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.
22Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo cid uu yahay Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo cid uu yahay, Wiilka maahee, iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.
23Kii i neceb, waxaa kaluu neceb yahay Aabbahay.
46Ma aha in nin arkay Aabbaha, kii Ilaah ka yimid mooyaane. Isagu waa arkay Aabbaha.
3Wixii aannu aragnay oo aannu maqalnay ayaannu idiinka warramaynaa, si aad idinkuna noo soo wehelisaan; oo wehelnimadeennu waa mid la jirta Aabbaha iyo Wiilkiisa Ciise Masiix ah.
19Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.
2Taasaad ku garanaysaan Ruuxa Ilaah; ruux walba oo qirta in Ciise Masiix jidh ku yimid, waa ku Ilaah.
3Oo ruux walba oo aan qiran Ciise Masiix ku Ilaah ma aha; oo kanuna waa ruuxa kan Masiixa ka geesta ah oo aad maqasheen inuu imanayo, imminkana duniduu ku jiraa.
18Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay.
7Waayo, khaa'inno badan baa dunida u soo baxay, waana kuwa aan qiran in Ciise Masiix jidh ku yimid. Kaasu waa khaa'inka iyo ku Masiixa ka gees ah.
1¶ Ku alla kii rumaysta inuu Ciise yahay Masiixa, Ilaah buu ka dhashay; oo ku alla kii jecel kan dhalay, kan isaga ka dhashayna wuu jecel yahay.
4Kan yidhaahda, Waan aqaan isaga, oo aan qaynuunnadiisa adkayn, waa beenaaleh, oo runtu kuma jirto isaga.
5Laakiin kan ereygiisa adkeeya, runtii, Ilaah jacaylkiisu wuu ku dhan yahay isaga. Taas aynu ku garanaynaa inaynu isaga ku jirno.
9Laakiin kii igu diida dadka hortiisa, malaa'igaha Ilaah hortooda ayaa lagu diidi doonaa,
6Ku alla kii isaga ku sii jiraa, ma dembaabo; ku alla kii dembaabaa ma uu arkin isaga, oo weliba ma yaqaan isaga.
15Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga.
1¶ Bal ogaada siduu yahay jacaylka Aabbuhu ina siiyey, taasoo ah in laynoogu yeedho carruurta Ilaah, oo saasaynu nahay. Sidaa aawadeed dunidu ina garan mayso, maxaa yeelay, isagaba ma ay garanaynin.
20Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah.
18Kii isaga rumaystaa ma xukumna, laakiinse kii aan isaga rumaysan, hore ayaa loo xukumay, maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan magaca Wiilka Ilaah oo keliya oo dhashay.
7Haddaad i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda ka dib waad garanaysaan, waadna aragteen.
55Mana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, ereygiisana waan xajiyaa.
5Waa ayo kan dunida ka adkaadaa, kan rumaystaa inuu Ciise yahay Wiilka Ilaah mooyaane?
10Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya.
11I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta.
19¶ Haddaba Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Wiilku keli ahaantiis waxba ma samayn karo, wuxuu arko Aabbahoo samaynaya mooyaane. Wax kastoo isagu sameeyo ayaa Wiilkuna sidiisa u sameeyaa.
37Haddaanan samayn shuqullada Aabbahay, ha i rumaysanina.
24Kii aan i jeclayn, ereygayga ma xajiyo: ereygaad maqlaysaanna kayga ma aha, laakiin waxaa leh Aabbaha i soo diray.
26Sida Aabbuhu nolol isugu leeyahay, sidaasuu Wiilka u siiyey inuu nolol isugu lahaado.
10Tan ayay carruurta Ilaah iyo carruurta Ibliisku ku kala muuqdaan; ku alla kii aan xaqnimo falin ma aha kan Ilaah, oo waxaa la mid ah kan aan walaalkii jeclayn.
10Haddaynu nidhaahno, Ma aynu dembaabin, waxaynu Ilaah ka dhignaa beenaaleh, oo ereygiisa inaguma jiro.
37Aabbihii i soo dirayna waa ii marag furay. Idinkuna codkiisa ma maqlin goornaba, mana aydnaan arkin muuqiisa.
28Oo imminka, carruurtiiyey, ku sii jira isaga; in kolkuu muuqdo aynu kalsoonaan doonno oo aynaan wakhtiga imaatinkiisa ka xishoonin inaynu hor tagno.
29Haddaad og tihiin inuu xaq yahay, waxaad weliba ogaataan in mid walba oo xaqnimo falaa uu isaga ka dhashay.
6Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayaynu la wadaagnaa isaga, oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu sheegnaa, oo runta ma falno.