1 Yooxanaa 5:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddii qof uun arko walaalkii oo samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn, waa inuu Ilaah baryo; isaguna noloshuu siin doonaa kuwa samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn. Waxaa jira dembi xagga dhimashada ah. Oo anigu odhan maayo, Kaas ha ka tukado.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cib 6:4-6 : 4 Kuwii mar loo iftiimiyey, oo hadiyaddii jannada dhadhamiyey, oo laga dhigay kuwa ka qayb galay Ruuxa Quduuskaa, 5 oo dhadhamiyey eraygii wanaagsanaa ee Ilaah iyo xoogagga wakhtiga iman doona, 6 oo dabadeedna dhacay, ma suurtowdo in loo cusboonaysiiyo toobadkeenidda, iyagoo mar kale Wiilka Ilaah iskutallaabta isugu qodbaya oo bayaan u ceebaynaya.
  • 1 Sam 2:25 : 25 Haddii nin mid kale ku dembaabo, Ilaah baa isaga xukumi doona, laakiinse nin hadduu Rabbiga ku dembaabo, bal yaa isaga u baryootami doona? Laakiinse iyagu ma ay dhegaysan codkii aabbahood, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu doonayay inuu dilo iyaga.
  • Yer 7:16 : 16 ¶ Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo baryootan iyo salaad midna iyaga aawadood ha u samayn, oo hana ii baryin iyaga aawadood, waayo, innaba ku maqli maayo.
  • Yer 11:14 : 14 Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo iyaga aawadood kor ha ugu qaadin qaylo iyo salaad toona, waayo, anigu dheg uma dhigi doono wakhtigii ay ii soo qayshadaan dhibkooda aawadiis.
  • Tir 15:30 : 30 Laakiinse qofkii gacan kibir leh gaf ku sameeyaa hadduu waddani yahay iyo hadduu shisheeye yahayba kaasu wuxuu caayay Rabbiga, oo qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.
  • Mat 12:31-32 : 31 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Dembi walba iyo cay walba waa loo cafiyi doonaa dadka, laakiin cayda Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono. 32 Ku alla kii ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah waa loo cafiyi doonaa, laakiin ku alla kii ku hadla hadal Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono wakhtigan iyo wakhtiga iman doona.
  • Cib 10:26-31 : 26 ¶ Haddaynu badheedh u dembaabno kolkaynu aqoonta runta helnay dabadeed, allabari dambe oo dembiyo loo bixiyaa ma hadho. 27 Laakiin waxaa u hadha filasho cabsi leh oo xukun, iyo dab kulul oo baabbi'in doona kuwa Ilaah ka geesta ah. 28 Ninkii diida sharciga Muuse kolkii laba ama saddex nin ku markhaati furaan ayuu naxariisla'aan dhintaa. 29 Taqsiir intee le'eg oo ka sii xun baad u malaynaysaan inuu istaahili doono kii Wiilka Ilaah ku joogjoogsaday, oo dhiigga axdiga oo isaga quduuska lagaga dhigay ku tiriyey wax aan quduus ahayn, oo caayay Ruuxa nimcada? 30 Waayo, innagu waynu naqaan kan yidhi, Aarsasho anigaa leh; oo waan abaalmarin doonaa. Mar kalena waxaa la yidhi, Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa. 31 Waa wax aad cabsi u leh in lagu dhaco gacmaha Ilaaha nool.
  • Yac 5:14-15 : 14 Mid bukaa ma idinku dhex jiraa? Ha u yeedho waayeellada kiniisadda, oo iyagu ha u duceeyeen, oo saliid ha ku mariyeen magaca Rabbiga. 15 Ducadii rumaysad lahu way bogsiin doontaa kii buka, oo Rabbigu waa sara kicin doonaa, oo hadduu dembaabay waa loo dembidhaafi doonaa.
  • 2 But 2:20-22 : 20 Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore. 21 Intii ay jidka xaqnimada aqoon lahaayeen oo ay dib uga noqon lahaayeen amarka quduuska ah oo iyaga la siiyey, waxaa uga wanaagsanaan lahayd inayan aqoon jidkaas. 22 Wixii maahmaahda runta ah lagu yidhi ayaa iyaga ku dhacay. Eeygu wuxuu ku noqdaa mantaggiisa. Doofaarraddii maydhatayna waxay dib ugu noqotaa gelgelinta dhoobada.
  • Luuk 12:10 : 10 oo mid walba oo ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah, waa loo cafiyi doonaa, laakiin kii caaya Ruuxa Quduuska ah looma cafiyi doono.
  • Yer 14:11 : 11 Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dadkan wax wanaagsan ha ugu ducayn.
  • Yer 15:1-2 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Xataa haddii Muuse iyo Samuu'eel ay hortayda soo istaagaan, qalbigaygu innaba dadkan uma soo noqon kareen. Hortayda ka fogee iyaga, oo iska daa ha tageene. 2 Oo markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada.
  • Yer 18:18-21 : 18 ¶ Oo markaas waxay yidhaahdeen, Ina keena aynu Yeremyaah shirqool u hindisnee, waayo, sharcigu wadaadka ka tegi maayo, oo taladuna kii xigmad leh ka tegi mayso, oo erayguna nebiga ka tegi maayo. Ina keena aynu isaga carrabka ku dhufannee, oo erayadiisana yeynan innaba dheg u dhigin. 19 ¶ Rabbiyow, bal i maqal, oo bal dhegayso kuwa ila diriraya codkooda. 20 Wanaag miyaa loogu abaalgudaa shar? Waayo, iyagu god bay u qodeen naftayda. Bal xusuuso inaan hortaada u istaagay inaan iyaga aawadood wanaag kaa baryo, iyo inaan cadhadaada iyaga ka leexiyo. 21 Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa.
  • Yex 22:30 : 30 Oo anigu waxaan dhexdooda ka doondoonay nin heeraarka kor u dhisa oo hortayda ku soo istaaga meesha dunsan dalka aawadiis, si aanan u baabbi'in, laakiinse midna ma aan helin.
  • Aam 7:1-3 : 1 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wax buu i tusay, oo bal eeg, wuxuu sameeyey ayax markii fufkii dambe bilowday, oo bal eeg, waxay ahayd fufkii dambe markii boqorka cawskiisa la gooyay dabadeed. 2 Oo markay dhammeeyeen cunitaankii cawskii dalka ayaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, na cafi, waayo, bal reer Yacquub sidee bay isu taagi doonaan? Waayo, iyagu waa yar yihiin. 3 Markaasaa Rabbigu taas ka soo noqday, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Taasu ahaan mayso.
  • Tir 16:26-32 : 26 Markaasuu shirkii la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, Isaga fogaada nimankan sharka ah teendhooyinkooda, oo waxay iyagu leeyihiinna ha taabanina, yaan dembiyadooda aawadood laydiin baabbi'ine. 27 Haddaba waxay ka kaceen dhinac kasta ee taambuugyadii Qorax iyo Daataan iyo Abiiraam. Markaasay Daataan iyo Abiiraam soo bexeen, oo waxay istaageen iridda teendhooyinkoodii, iyaga iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo dhallaankoodiiba. 28 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Tanaad ku ogaanaysaan in Rabbigu ii soo diray inaan waxyaalahan oo dhan sameeyo, waayo, anigu maankayga uun kama samayn. 29 Haddii nimankanu ay u dhintaan sida caadiga u ah dadka oo dhan, ama iyaga loo booqdo sida dadka oo dhan loo soo booqdo, markaas Rabbigu ima uu soo dirin. 30 Laakiinse haddii Rabbigu wax cusub sameeyo, oo dhulku afka kala qaado oo uu iyaga iyo waxay leeyihiin oo dhan liqo, oo haddii iyagoo noolnool ay She'ool ku dhaadhacaan, de markaas waxaad garan doontaan in nimankanu Rabbiga quudhsadeen. 31 Oo kolkuu dhammeeyey waxyaalahaas uu ku hadlay oo dhan, ayaa dhulkii iyaga ka hooseeyey kala dillaacay, 32 oo dhulku afka kala qaaday oo liqay iyagii iyo reerahoodii, iyo dadkii Qorax oo dhan, iyo alaabtoodii oo dhan.
  • Sharc 9:18-20 : 18 Markaasaan Rabbiga hortiisa ku dhacay oo joogay afartan maalmood iyo afartan habeen sidii markii hore, oo anigu baadna ma cunin, biyana ma cabbin, maxaa yeelay, sababtu waa dembigiinnii aad dembaabteen oo dhan, markaad samayseen wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo aad isaga kaga xanaajiseen. 19 Maxaa yeelay, waan ka cabsaday cadhadii iyo xanaaqii kululaa oo Rabbigu dhirfay oo uu damcay inuu idinku baabbi'iyo. Laakiinse Rabbigu markaasna wuu i maqlay. 20 Oo Rabbigu Haaruunna aad buu ugu cadhooday, oo wuxuu damcay inuu isaga baabbi'iyo, laakiinse anigu Haaruunna isla markaasaan Rabbiga u baryay.
  • 2 Taar 30:18-20 : 18 Maxaa yeelay, dad badan, xataa kuwa badan oo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Isaakaar iyo reer Sebulun ayan isnadiifin oo weliba waxay wax uga cuneen neefafka Kormaridda si ka duwan sidii qornayd. Waayo, Xisqiyaah ayaa iyaga u duceeyey oo yidhi, Rabbiga wanaagsanu ha cafiyo ku alla kii 19 qalbigiisa u diyaariya inuu doondoono Ilaaha ah Rabbiga oo ah Ilaahii awowayaashiis in kastoo uusan isu nadiifin sidii ay ahayd isdaahirintii meesha quduuska ah. 20 Oo Rabbiguna wuu maqlay Xisqiyaah, dadkiina wuu bogsiiyey.
  • Ayuub 42:7-9 : 7 ¶ Oo markii Rabbigu erayadaas Ayuub kula hadlay dabadeed wuxuu Eliifas oo reer Teemaan ahaa ku yidhi, Cadhadaydii baa ku kululaatay adiga iyo labadaadii saaxiibba, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin, sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale. 8 Haddaba sidaas daraaddeed waxaad soo wadataan toddoba dibi iyo toddoba wan, oo waxaad u tagtaan addoonkayga Ayuub, oo waxaad nafsaddiinna daraaddeed u bixisaan qurbaan la gubo; oo addoonkayga Ayuub wuu idiin ducaynayaa, waayo, isagaan ka aqbalayaa, si aanan idinkula macaamiloon sidii nacasnimadiinnii ahayd, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale. 9 Sidaas daraaddeed Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii way tageen oo waxay u sameeyeen sidii Rabbigu ku amray, oo Rabbiguna Ayuub wuu aqbalay.
  • Sab 106:23 : 23 Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Waan baabbi'inayaa. Laakiinse Muuse oo ahaa kii uu doortay ayaa hortiisa u istaagay xidhiidhla'aantii u dhexaysay, Inuu Ilaah cadhadiisa ka leexiyo aawadeed si aanu iyaga u baabbi'in.
  • Bil 20:7 : 7 Haddaba ninka naagtiisa u celi, waayo, isagu waa nebi, wuuna kuu ducayn doonaa, waanad noolaan doontaa. Haddaadan iyada celinna, ogow hubaal waad dhiman doontaa, adiga iyo waxaaga oo dhammuba.
  • Bil 20:17 : 17 Ibraahimna Ilaah buu baryay, markaasaa Ilaah bogsiiyey Abimeleg, iyo naagtiisii, iyo gabdhihii midiidinyada u ahaa; waxayna dhaleen carruur.
  • Bax 32:10-14 : 10 haddaba iska kay daa, aan aad ugu cadhoodee, oo aan kulligood baabbi'iyee, oo waxaan adiga kaa dhigi doonaa quruun weyn. 11 Markaasaa Muuse baryay Rabbiga Ilaahiis ah oo wuxuu ku yidhi, Rabbiyow, maxaad aad ugu cadhoonaysaa dadkaaga aad dalkii Masar kaga soo bixisay itaal weyn iyo gacan xoog leh? 12 Bal Masriyiintu maxay u odhan doonaan, Wuxuu iyaga u saaray xumaan inuu buuraha ku laayo iyo inuu dhulka iyaga ka baabbi'iyo? Rabbiyow, ka leexo cadhadaada kulul oo ka noqo xumaantan aad damacsan tahay inaad dadkaaga ku samaysid. 13 Bal xusuuso addoommadaadii ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Israa'iil, oo aad naftaada ugu dhaaratay, oo aad ku tidhi, Farcankiinna waxaan u badin doonaa sida xiddigaha cirka, oo dalkan aan ka hadlay oo dhan waxaan siin doonaa farcankiinna, wayna dhaxli doonaan weligood. 14 Markaasaa Rabbigu ka noqday xumaantii uu damacsanaa inuu dadkiisa ku sameeyo.
  • Bax 32:31-32 : 31 Markaasaa Muuse wuxuu ku noqday Rabbiga xaggiisa, oo wuxuu yidhi, Bal dadkanu dembi weyn bay sameeyeen, oo waxay samaysteen ilaahyo dahab ah. 32 Laakiin hadda haddaad dembigooda cafidid; haddii kalese waan ku baryayaaye, kitaabkaaga aad qortay iga tir.
  • Bax 34:9 : 9 Kolkaasuu wuxuu yidhi, Haddaba, Rabbiyow, haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, Rabbiyow, bal na dhex soco oo naga cafi xumaantayada iyo dembigayaga, waayo dadkanu waa dad madax adag, ee annaga dhaxal ahaan noo qaado.
  • Tir 12:13 : 13 Markaasaa Muuse Rabbiga u qayliyey, oo wuxuu ku yidhi, Ilaahow, waan ku baryayaaye, iyada bogsii.
  • Tir 14:11-21 : 11 ¶ Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Dadkanu ilaa goormay i quudhsanayaan? Oo ilaa goormay i rumaysan waayayaan in kastoo aan dhexdooda calaamooyinka oo dhan ku sameeyey? 12 Haddaba iyagaan belaayo ku dhufan doonaa, oo waan dhaxal tiri doonaa, oo waxaan kaa samayn doonaa quruun iyaga ka weyn oo ka sii xoog badan. 13 Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay. 14 Oo iyana waxay u sheegi doonaan dadka dalkan deggan. Iyagu waxay maqleen inaad dadkan dhex joogto, Rabbiyow, waayo, Rabbiyow, fool ka fool baa laguu arkay oo daruurtaadii baa iyaga kor taagan, oo maalintii waad ku hor kacdaa tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah. 15 Haddaba haddaad dadkan sidii nin keliya u disho, quruumihii warkaaga maqlay way hadli doonaan, oo waxay odhan doonaan, 16 Rabbigu ma uu karin inuu dadkan keeno dalkii uu ugu dhaartay, sidaas daraaddeed ayuu cidladii ku laayay. 17 Haddaba waan ku baryayaaye, Sayidow, xooggaagu wax weyn ha ahaado, sidaad u hadashay oo aad tidhi, 18 Rabbigu cadho waa u gaabiyaa, oo waa naxariis badan yahay, oo xumaanta iyo xadgudubka wuu dhaafaa, oo sinaba uma caddeeyo in kan dembiga galay aanu eed lahayn, oo xumaantii awowayaashana wuxuu gaadhsiiyaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad. 19 Haddaba waan ku baryayaaye, sida ay naxariistaadu u weyn tahay oo aad dadkan u cafiyi jirtay tan iyo dalkii Masar iyo ilaa haddeer dadkan xumaantooda saamax. 20 Markaasaa Rabbigu yidhi, Sidaad u tidhi, waan u saamaxay, 21 laakiinse sida runta ah anigu waan noolahay, oo dunida oo dhammuna waxay ka buuxsami doontaa ammaanta Rabbiga.
  • Yoox 17:9 : 9 ¶ Iyaga waan kuu baryayaa; kuu baryi maayo dunida, laakiin waxaan kuu baryayaa kuwaad i siisay, waayo, waa kuwaagii.
  • 2 Tim 4:14 : 14 Aleksanderos, kii naxaasta tumi jiray, wax xun oo badan buu ii yeelay; Rabbigu wuxuu ugu abaalgudi doonaa sidii camalladiisu ahaayeen.
  • Mark 3:28-30 : 28 Runtii waxaan idinku leeyahay, Bini-aadmiga waa loo cafiyi doonaa dembiyadii oo dhan iyo caydii ay ku caytamaan; 29 laakiin ku alla kii caaya Ruuxa Quduuska ah, weligiis cafiga heli maayo, laakiin wuxuu eed u leeyahay dembi weligiis ah; 30 waayo, waxay yidhaahdeen, Jinni wasakh leh ayuu qabaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    17Xaqdarrada oo dhammu waa dembi; oo waxaa jira dembi aan xagga dhimashada ahayn.

    18¶ Waan og nahay in ku alla kii Ilaah ka dhashay aanu dembaabin. Maxaa yeelay, kii ka dhashay Ilaah naftiisuu ilaaliyaa, oo ka sharka lihina ma taabto.

  • 77%

    12Kan Wiilka haystaa, noloshuu leeyahay. Kii aan Wiilka Ilaah haysanna nolosha ma leh.

    13¶ Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka oo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin.

    14Oo tanu waa kalsoonaanta aynu isaga u qabno, taasoo ah haddaynu wax uun doonistiisa ku barinno, isagu wuu ina maqlaa,

    15oo haddaynu og nahay inuu inaga maqlo wax alla wixii aynu ka barinno, waxaynu og nahay inaynu leennahay waxyaalihii aynu isaga ka barinnay.

  • Yac 5:13-16
    4 aayado
    74%

    13¶ Mid dhibaataysanu ma idinku dhex jiraa? Ha ducaysto. Mid faraxsanu ma jiraa? Ha gabyo.

    14Mid bukaa ma idinku dhex jiraa? Ha u yeedho waayeellada kiniisadda, oo iyagu ha u duceeyeen, oo saliid ha ku mariyeen magaca Rabbiga.

    15Ducadii rumaysad lahu way bogsiin doontaa kii buka, oo Rabbigu waa sara kicin doonaa, oo hadduu dembaabay waa loo dembidhaafi doonaa.

    16Midkiinba midka kale dembiyadiisa ha u qirto oo ha u duceeyo si aad u bogsataan. Nin xaq ah baryadiisa shaqaysa wax badan bay kartaa.

  • 72%

    14Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn, dhimashaduu ku sii hadhaa.

    15Ku alla kii walaalkii neceb waa dhiigqabe, oo idinkuna waad og tihiin inaanu dhiigqabena lahayn nolosha weligeed ah oo ku sii jiraysa.

    16Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen.

  • 1 Yoox 3:4-6
    3 aayado
    71%

    4¶ Kii kasta oo dembi falaa wuxuu falaa caasinimo; oo dembigu wuxuu yahay caasinimo.

    5Oo idinku waad og tihiin in isagu u muuqday inuu dembiyadeenna inaga qaado, oo isagu dembi ma leh.

    6Ku alla kii isaga ku sii jiraa, ma dembaabo; ku alla kii dembaabaa ma uu arkin isaga, oo weliba ma yaqaan isaga.

  • 70%

    7Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan.

    8Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto.

    9Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caaddil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan.

    10Haddaynu nidhaahno, Ma aynu dembaabin, waxaynu Ilaah ka dhignaa beenaaleh, oo ereygiisa inaguma jiro.

  • 70%

    9Ku alla kii Ilaah ka dhashay dembi ma falo; maxaa yeelay, Ilaah dabiicaddiisu way ku sii jirtaa isaga; oo ma dembaabi karo, waayo, wuxuu ka dhashay Ilaah.

    10Tan ayay carruurta Ilaah iyo carruurta Ibliisku ku kala muuqdaan; ku alla kii aan xaqnimo falin ma aha kan Ilaah, oo waxaa la mid ah kan aan walaalkii jeclayn.

  • Yac 5:19-20
    2 aayado
    70%

    19¶ Walaalahayow, haddii midkiin ka leexdo runta, oo mid soo celiyo isaga,

    20ogaada in kii dembilaha qaladka jidkiisa ka soo celiyaa uu dembilihii naftiisa dhimasho ka badbaadin doono oo uu dembiyo badan qarin doono.

  • 3Iska dhawra. Walaalkaa hadduu dembaabo, canaano; hadduuna toobadkeeno, cafi.

  • 1¶ Carruurtaydiiyey, waxaan waxyaalahan idiinku soo qorayaa si aydnaan u dembaabin; oo qof uun hadduu dembaabo, waxaynu xagga Aabbaha ku leennahay Dhexdhexaadiye, waana Ciise Masiix kan xaqa ah.

  • 69%

    20Haddii qof yidhaahdo, Ilaah waan jeclahay, oo uu walaalkiis neceb yahay, waa beenaaleh, maxaa yeelay, kan aan jeclayn walaalkii uu arko sidee buu u jeclaan karaa Ilaaha uusan arag?

    21Oo waxaynu isaga ka haysannaa qaynuunkan, kaas oo ah, Kii Ilaah jecel, walaalkiina ha jeclaado.

  • 31Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Dembi walba iyo cay walba waa loo cafiyi doonaa dadka, laakiin cayda Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono.

  • 25¶ Walaalayaalow, noo soo duceeya.

  • 9xagga dembiga, waayo, way i rumaysan waayeen;

  • 15¶ Oo haddii walaalkaa kugu dembaabo, u tag oo canaano, adiga iyo isaga keli ahaantiinna. Hadduu ku maqlo, walaalkaa waad soo ceshatay.

  • 15Dabadeed damacu kolkuu uuraysto wuxuu dhalaa dembi, dembiguna kolkuu weynaado wuxuu keenaa dhimasho.

  • 12oo aynaan ahaanin sida Qaabiil oo ahaa kan sharka leh oo walaalkii dilay. Oo muxuu u dilay? Waayo, shuqulladiisu waxay ahaayeen shar, oo kuwii walaalkiisna xaq bay ahaayeen.

  • 25Oo kolkaad tukasho u taagan tihiin, cafiya haddii aad dad wax ku leedihiin, si Aabbihiinna jannada ku jiraa xumaantiinna idiin cafiyo.

  • 5Oo markuu ahaado mid waxyaalahan midkood eed ku leh waa inuu qirtaa wixii uu ku dembaabay,

  • 17Haddaba kii garanaya inuu wax wanaagsan sameeyo laakiin aan samayn, dembi bay u tahay isaga.

  • 5¶ Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye.

  • 23Haddaba haddaad hadiyaddaada meesha allabariga keento, oo meeshaas aad ku xusuusatid in walaalkaa wax kuu haysto,

  • Room 5:12-13
    2 aayado
    67%

    12¶ Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay;

    13waayo, dembigu duniduu ku jiray intaan sharcigu iman, laakiin dembi lama tiriyo markii aan sharci jirin.

  • 16Hadiyaddu ma aha sida mid qof dembaabay ku timid, waayo, mid xukunkiis wuxuu keenay ciqaab, laakiin hadiyaddu waxay dembiyo badan ugu timid inay xaq ka dhigto kuwo badan.

  • 36Kii Wiilka rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, kii aan Wiilka rumaysanse, nolosha ma arki doono, laakiin cadhadii Ilaah ayaa ku taal isaga.

  • 31Waannu garanaynaa inaan Ilaah dembilayaashii maqlayn, laakiin wuxuu maqlaa kii Ilaah caabuda oo doonistiisa sameeya.

  • 7Haddaad igu jirtaan, oo ay erayadayduna idinku jiraan, weyddiista waxaad doonaysaanba, waana laydiin yeeli doonaa.

  • 21Gacaliyayaalow, haddii aan qalbigeennu ina eedayn, kalsoonaan ayaynu ku leennahay xagga Ilaah.

  • 23Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 10Waayo, dhimashaduu dhintay mar keliya ayuu xagga dembiga ka dhintay, laakiin noloshuu ku nool yahay, Ilaah buu u nool yahay.

  • 17¶ Oo haddii qof dembaabo oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, in kastoo uusan ogayn, weli eed buu leeyahay, oo waa inuu dembigiisa qaataa.

  • 24Dadka qarkood dembiyadoodu waa bayaan, oo waxay u hor marayaan xukunka, dadka qaarkoodna kuwoodu way daba socdaan.