1 Yooxanaa 5:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaynu og nahay inaynu kuwa Ilaah nahay, oo ay dunida oo dhammuna ku jirto gacanta ka sharka leh.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Gal 1:4 : 4 kan naftiisii u bixiyey dembiyadeenna aawadood, si uu inooga bixiyo dunidatan la joogo oo sharka leh sida ay tahay doonista kan Ilaah iyo Aabbe inoo ah.
  • 1 Yoox 4:4-6 : 4 Carruurtiiyey, kuwa Ilaah baad tihiin, oo iyagaad ka adkaateen; maxaa yeelay, Ka idinku jira ayaa ka weyn ka dunida ku jira. 5 Iyagu waa kuwa dunida; oo taas aawadeed waxay ka hadlaan waxa dunida, oo duniduna way maqashaa. 6 Innaguna kuwa Ilaah baynu nahay; ka Ilaah yaqaan waa ina maqlaa; oo ka aan kan Ilaah ahaynna inama maqlo. Taasaynu ku garanaynaa ruuxa runta ah iyo ruuxa qaladka ah.
  • 2 Kor 4:4 : 4 Ilaaha wakhtigani wuu ka indho tiray maanka kuwa aan rumaysanaynin, inaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiix, kan ah u-ekaanta Ilaah, uu ifin iyaga.
  • Muj 12:9 : 9 Oo masduulaagii weynaa oo ahaa maskii duqa ahaa hoos baa loo soo tuuray, kaasoo la yidhaahdo Ibliis iyo Shayddaan, kii dunida oo dhan khiyaaneeyey. Waxaa isaga lagu soo tuuray dhulka, oo malaa'igihiisiina hoos baa loola soo tuuray isaga.
  • 1 Yoox 5:20 : 20 Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah.
  • Yoox 12:31 : 31 Imminka weeye markii dunidan la xukumi lahaa, imminka kan madaxda dunida ah dibaddaa lagu tuuri doonaa.
  • Yoox 16:11 : 11 xagga xukunka, waayo, kan madaxda dunida ah waa la xukumay.
  • Yoox 14:30 : 30 Mar dambe wax badan idinlama sii hadli doono, maxaa yeelay, kan madaxda dunida ahu wuu imanayaa, isaguna waxba iguma laha.
  • Ef 2:2 : 2 kuwaas oo aad markii hore ugu socon jirteen sida socodka wakhtigan iyo sida madaxda xoogga hawada oo ah ruuxa haatan ka dhex shaqaynaya carruurta caasinimada.
  • Muj 13:7-8 : 7 Oo haddana waxaa isagii la siiyey amar uu kula dagaallamo quduusiinta oo uu kaga adkaado; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku xukumo qabiil kasta iyo dad kasta iyo af kasta iyo quruun kasta. 8 Oo waxaa isaga caabudi doona inta dhulka deggan oo dhan oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha oo Wanka la gowracay waagii dunida la aasaasay.
  • Muj 20:3 : 3 oo waxay ku ridday yamayskii, markaasay xidhay oo shaabad ku awday inaanu quruumaha mar dambe khiyaanayn ilamaa kunka sannadood ay dhammaadaan; oo taas ka dib waa in isaga la furo wakhti yar.
  • Muj 20:7-8 : 7 ¶ Oo markii kunkii sannadood ay dhammaadaan ayaa Shayddaanka laga furi doonaa xabsigii lagu xabbisay, 8 oo wuxuu u soo bixi doonaa inuu khiyaaneeyo quruumaha deggan dhulka afartiisa gees, kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj inuu iyaga u soo ururiyo dagaalka; oo tiradooduna waa sida ciidda badda.
  • 1 Yoox 3:24 : 24 Oo kii xajiya qaynuunnadiisa, wuu ku sii jiraa isaga, isaguna wuu ku sii jiraa. Oo saasaynu ku garanaynaa inuu isagu inagu sii jiro xagga Ruuxa uu ina siiyey.
  • Titus 3:3 : 3 Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay.
  • Yac 4:4 : 4 Dhillayo iyo dhillooyin yahow, miyeydnaan garanayn inay saaxiibnimada dunidu Ilaah la col tahay? Sidaas daraaddeed kii kasta oo doonaya inuu saaxiib la ahaado dunida, Ilaah buu la col noqdaa.
  • 1 Yoox 5:13 : 13 ¶ Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka oo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin.
  • 1 Yoox 5:18 : 18 ¶ Waan og nahay in ku alla kii Ilaah ka dhashay aanu dembaabin. Maxaa yeelay, kii ka dhashay Ilaah naftiisuu ilaaliyaa, oo ka sharka lihina ma taabto.
  • Yoox 15:18-19 : 18 ¶ Dunidu hadday idin nebcaato, waad garanaysaan inay hortiin i nebcaatay. 19 Haddaad kuwa dunida ahaan lahaydeen, dunidu kuweeda way jeclaan lahayd, laakiin kuwa dunida ma ihidin, waanse idinka doortay dunida, taas aawadeed dunidu way idin neceb tahay.
  • 2 Kor 5:1 : 1 ¶ Waayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira.
  • Room 1:28-32 : 28 ¶ Intay oggolaan waayeen inay Ilaah ku sii haystaan aqoontooda, Ilaah wuxuu u daayay maan dulli ah inay sameeyaan waxyaalo aan qummanayn, 29 iyagoo ay ka buuxaan xaqdarrada, iyo sharnimada, iyo damacnimada, iyo xumaanta oo dhammu; waxaa kaloo ay ka buuxaan hinaasada, iyo dilidda, iyo ilaaqda, iyo khiyaanada, iyo camalxumaanta, oo waxay yihiin kuwa wax xun ku faqa, 30 iyo kuwa wax xanta, iyo kuwa Ilaah neceb, iyo kuwa wax caaya, iyo kuwa kibirka badan, iyo kuwa faanka badan, iyo kuwa wax shar ah hindisa, iyo kuwa waalidkood caasiga ku ah, 31 iyo kuwa garaadka la', iyo kuwa axdiga jebiya, iyo kuwa aan kalgacaylka lahayn, iyo kuwa aan naxariista lahayn. 32 Iyagoo garanaya qaynuunka Ilaah in kuwa waxyaalahaas sameeyaa ay dhimasho istaahilaan, ayaanay samayn waxyaalahaas oo keliya ee weliba waxay u bogaan kuwa sameeya.
  • Room 3:9-9 : 9 ¶ Waa maxay haddaba? Miyaynu dhaannaa iyaga? Maya, sinaba. Waayo, horaannu u dacweynay Yuhuudda iyo Gariigtaba inay kulligood dembi ku hoos jiraan. 10 Sida qoran, Mid xaq ahu ma jiro, midnaba; 11 Mid wax garanayaa ma jiro; Mid Ilaah doondoonaa ma jiro; 12 Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, waxay wada noqdeen wax aan wax tar lahayn; Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba; 13 Hungurigoodu waa xabaal furan; Carrabbadooda wax bay ku khiyaaneeyeen; Bushimahooda waxaa ku hoos jira sun jilbis; 14 Afkooda waxaa ka buuxa habaar iyo qadhaadh; 15 Cagahoodu waxay u dheereeyaan inay dhiig daadiyaan; 16 Jidadkooda waxaa yaal hoog iyo ba'; 17 Jidka nabaddana ma yaqaaniin; 18 Cabsida Ilaahna indhahooda ma hor taal.
  • Room 8:16 : 16 Ruuxa qudhiisu wuu markhaati furaa oo wuxuu ruuxeenna u sheegaa inaynu innagu nahay carruurta Ilaah.
  • 2 Kor 1:12 : 12 ¶ Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.
  • 1 Yoox 5:10 : 10 Ka Wiilka Ilaah rumaystaa maragguu ku haystaa nafsaddiisa, kii aan Ilaah rumaysanna, wuxuu isaga ka dhigay beenaaleh; maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan maraggii uu Ilaah ka marag furay Wiilkiisa.
  • 1 Yoox 3:14 : 14 Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn, dhimashaduu ku sii hadhaa.
  • 2 Tim 1:12 : 12 Sababtaas aawadeed ayaan waxyaalahan ugu xanuunsanayaa; laakiinse ka xishoon maayo, waayo, waan garanayaa kan aan rumaystay, oo waxaan aaminsanahay inuu awoodo inuu dhawro wixii aan ku ammaanaystay ilaa maalintaas.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    17Xaqdarrada oo dhammu waa dembi; oo waxaa jira dembi aan xagga dhimashada ahayn.

    18¶ Waan og nahay in ku alla kii Ilaah ka dhashay aanu dembaabin. Maxaa yeelay, kii ka dhashay Ilaah naftiisuu ilaaliyaa, oo ka sharka lihina ma taabto.

  • 77%

    20Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah.

    21Carruurtiiyey, sanamyada iska ilaaliya.

  • 1 Yoox 4:3-7
    5 aayado
    74%

    3Oo ruux walba oo aan qiran Ciise Masiix ku Ilaah ma aha; oo kanuna waa ruuxa kan Masiixa ka geesta ah oo aad maqasheen inuu imanayo, imminkana duniduu ku jiraa.

    4Carruurtiiyey, kuwa Ilaah baad tihiin, oo iyagaad ka adkaateen; maxaa yeelay, Ka idinku jira ayaa ka weyn ka dunida ku jira.

    5Iyagu waa kuwa dunida; oo taas aawadeed waxay ka hadlaan waxa dunida, oo duniduna way maqashaa.

    6Innaguna kuwa Ilaah baynu nahay; ka Ilaah yaqaan waa ina maqlaa; oo ka aan kan Ilaah ahaynna inama maqlo. Taasaynu ku garanaynaa ruuxa runta ah iyo ruuxa qaladka ah.

    7¶ Gacaliyayaalow, aynu isjeclaanno; waayo, Ilaah baa leh jacaylka; oo mid walba oo jecel, wuxuu ka dhashay Ilaah, Ilaah buuna yaqaan.

  • 1 Yoox 1:5-8
    4 aayado
    74%

    5¶ Warkii aannu ka maqalnay oo aan idiinka warramayno wuxuu yahay, in Ilaah nuur yahay, oo isaga aan gudcur ku jirin innaba.

    6Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayaynu la wadaagnaa isaga, oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu sheegnaa, oo runta ma falno.

    7Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan.

    8Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto.

  • 10Haddaynu nidhaahno, Ma aynu dembaabin, waxaynu Ilaah ka dhignaa beenaaleh, oo ereygiisa inaguma jiro.

  • 19¶ Oo taasaynu ku garan doonnaa inaynu kuwa runta nahay, oo aynu isaga hortiisa qalbigeenna kaga dhiiro gelin doonnaa

  • 72%

    16Oo innaguna waan garanaynaa oo waan rumaysan nahay jacaylka Ilaah inoo qabo. Ilaah waa jacayl; oo kii ku sii jiraa jacaylka, Ilaah buu ku sii jiraa, Ilaahna isaguu ku sii jiraa.

    17Taasaa jacaylku kaamil inoogu noqday si aynu kalsoonaan u lahaanno maalinta xisaabta; maxaa yeelay, siduu isagu yahay ayaynu innaguna dunidan ku nahay.

  • 72%

    6Ku alla kii isaga ku sii jiraa, ma dembaabo; ku alla kii dembaabaa ma uu arkin isaga, oo weliba ma yaqaan isaga.

    7¶ Carruurtiiyey, yaan cidi idin khiyaanayn; kii xaqnimo falaa waa xaq siduu isaguba xaq u yahay.

    8Kii dembi falaa wuxuu yahay kan Ibliiska; oo Ibliisku tan iyo bilowgii ayuu dembaabayay. Taas aawadeed ayuu Wiilka Ilaah u muuqday inuu baabbi'iyo shuqullada Ibliiska.

    9Ku alla kii Ilaah ka dhashay dembi ma falo; maxaa yeelay, Ilaah dabiicaddiisu way ku sii jirtaa isaga; oo ma dembaabi karo, waayo, wuxuu ka dhashay Ilaah.

    10Tan ayay carruurta Ilaah iyo carruurta Ibliisku ku kala muuqdaan; ku alla kii aan xaqnimo falin ma aha kan Ilaah, oo waxaa la mid ah kan aan walaalkii jeclayn.

  • 2Taasaynu ku garanaynaa inaynu carruurta Ilaah jecel nahay, goortaynu Ilaah jeclaanno oo qaynuunnadiisa xajinno.

  • 72%

    15Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga.

    16Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida.

    17Oo duniduna way idlaanaysaa, iyo damaceeduba; laakiin kan doonista Ilaah yeelaa wuu jirayaa weligiis.

    18¶ Carruurtiiyey, waa saacaddii u dambaysay, oo sidaad maqasheen inuu kan Masiixa ka geesta ahi imanayo, weliba imminka kuwa badan oo Masiixa ka gees ah ayaa kacay, taa aawadeed ayaynu ku garanaynaa inay saacaddii u dambaysay tahay.

  • 1 Yoox 2:3-5
    3 aayado
    72%

    3Oo taas ayaynu ku garanaynaa inaynu naqaan isaga, haddaynu qaynuunnadiisa adkayno.

    4Kan yidhaahda, Waan aqaan isaga, oo aan qaynuunnadiisa adkayn, waa beenaaleh, oo runtu kuma jirto isaga.

    5Laakiin kan ereygiisa adkeeya, runtii, Ilaah jacaylkiisu wuu ku dhan yahay isaga. Taas aynu ku garanaynaa inaynu isaga ku jirno.

  • 7Waayo, khaa'inno badan baa dunida u soo baxay, waana kuwa aan qiran in Ciise Masiix jidh ku yimid. Kaasu waa khaa'inka iyo ku Masiixa ka gees ah.

  • 13¶ Ruuxiisuu ina siiyey oo taasaynu ku garanaynaa inaynu ku sii jirno isaga, isaguna inagu sii jiro.

  • 71%

    12oo aynaan ahaanin sida Qaabiil oo ahaa kan sharka leh oo walaalkii dilay. Oo muxuu u dilay? Waayo, shuqulladiisu waxay ahaayeen shar, oo kuwii walaalkiisna xaq bay ahaayeen.

    13¶ Walaalayaalow, ha la yaabina haddii ay dunidu idin neceb tahay.

    14Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn, dhimashaduu ku sii hadhaa.

    15Ku alla kii walaalkii neceb waa dhiigqabe, oo idinkuna waad og tihiin inaanu dhiigqabena lahayn nolosha weligeed ah oo ku sii jiraysa.

  • 70%

    20Laakiin idinku waxaad leedihiin subkid ka timid Kan Quduuska ah, oo wax walba waad taqaaniin.

    21Wixii aan idiin soo qoray uma aan soo qorin aqoonla'aantiinna xagga runta aawadeed, laakiin waxaan u soo qoray aqoonta aad runta taqaaniin iyo inaanay beenina runta ka iman aawadood.

  • 29Haddaad og tihiin inuu xaq yahay, waxaad weliba ogaataan in mid walba oo xaqnimo falaa uu isaga ka dhashay.

  • 1¶ Bal ogaada siduu yahay jacaylka Aabbuhu ina siiyey, taasoo ah in laynoogu yeedho carruurta Ilaah, oo saasaynu nahay. Sidaa aawadeed dunidu ina garan mayso, maxaa yeelay, isagaba ma ay garanaynin.

  • Yoox 3:19-20
    2 aayado
    69%

    19Kanu waa xukunka, nuurka ayaa dunida yimid, dadkiise waxay nuurkii ka jeclaadeen gudcurka, maxaa yeelay, shuqulladoodu shar bay ahaayeen.

    20Nin kastoo shar falaa nuurkuu nebcaadaa, umana yimaado nuurka, si aan shuqulladiisa loogu canaanan.

  • 11Gacaliyow, ha ku dayan waxa sharka ah, laakiinse ku dayo waxa wanaagsan. Ka samafalaa waa ku Ilaah, ka shar falaase Ilaah ma uu arkin.

  • 9Mid kasta oo dhaafa oo aan cilmiga Masiixa ku sii socon, kaasu Ilaah ma leh; laakiin kii cilmiga ku sii socdaa, Aabbaha iyo Wiilka labadaba wuu leeyahay.

  • 24Oo kii xajiya qaynuunnadiisa, wuu ku sii jiraa isaga, isaguna wuu ku sii jiraa. Oo saasaynu ku garanaynaa inuu isagu inagu sii jiro xagga Ruuxa uu ina siiyey.

  • 5Waayo, kulligiin waxaad tihiin carruurta nuurka iyo carruurta maalinnimada, innagu ma nihin kuwa habeennimada iyo gudcurka;

  • 13¶ Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka oo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin.

  • 15oo haddaynu og nahay inuu inaga maqlo wax alla wixii aynu ka barinno, waxaynu og nahay inaynu leennahay waxyaalihii aynu isaga ka barinnay.

  • 4¶ Kii kasta oo dembi falaa wuxuu falaa caasinimo; oo dembigu wuxuu yahay caasinimo.

  • 4Ku alla kii ka dhashay Ilaah, wuxuu ka adkaadaa dunida, oo waxaa libta ka adkaata dunida ah rumaysadkeenna.