1 Boqorradii 1:30

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo sida runta ah waxaan kuugu dhaartay Rabbiga ah Ilaaha dadka dalka Israa'iil, oo aan kugu idhi, Hubaal aniga dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa dabaday, haddaba sida runta ah taas maantaan samaynayaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 1:13 : 13 Haddaba tag oo u gal Boqor Daa'uud, oo waxaad ku tidhaahdaa, Boqorow, sayidkaygiiyow, miyaadan anoo addoontaada ah iigu dhaaran oo odhan, Hubaal dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa? Haddaba Adoniiyaah muxuu boqor u noqday?
  • 1 Boq 1:17 : 17 Markaasay ku tidhi, Sayidow, anoo addoontaada ah waxaad iigu dhaaratay magaca Rabbiga Ilaahaaga ah, adoo leh, Hubaal dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 88%

    16Oo Batshebacna intay foororsatay ayay boqorkii u sujuudday. Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Naa maxaad doonaysaa?

    17Markaasay ku tidhi, Sayidow, anoo addoontaada ah waxaad iigu dhaaratay magaca Rabbiga Ilaahaaga ah, adoo leh, Hubaal dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa.

  • 29Markaasaa boqorkii dhaartay oo yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbigii naftayda cidhiidhi oo dhan ka samatabbixiyey,

  • 81%

    23Markaasaa Boqor Sulaymaan Rabbiga ku dhaartay, oo yidhi, Hadalkan uu Adoniiyaah ku hadlay hadduusan naftiisa ka gees noqon, Ilaah ha igu sameeyo saas iyo si ka sii badanba.

    24Haddaba waxaan ku dhaartay nolosha Rabbigii xoogga ii yeelay, oo igu fadhiisiyey carshigii aabbahay Daa'uud, oo reerka iigu yeelay siduu iigu ballanqaaday, hubaal Adoniiyaah maanta waa la dilayaa.

  • 11Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.

  • 79%

    12Haddaba sidaas daraaddeed waan ku baryayaaye, Bal kaalay aan kula taliyee, si aad u badbaadiso naftaada iyo nafta wiilkaaga Sulaymaanba.

    13Haddaba tag oo u gal Boqor Daa'uud, oo waxaad ku tidhaahdaa, Boqorow, sayidkaygiiyow, miyaadan anoo addoontaada ah iigu dhaaran oo odhan, Hubaal dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa? Haddaba Adoniiyaah muxuu boqor u noqday?

    14Oo bal eeg, intaad boqorka la hadlayso ayaan anna kaa daba iman doonaa, oo waxaan sii adkayn doonaa erayadaada.

  • 78%

    35Dabadeedna waa inaad soo raacdaan isaga, oo isna waa inuu yimaado, oo carshigayga ku fadhiisto; waayo, meeshaydii isagaa boqor ka noqon doona, oo waxaan ka dhigay amiir u taliya dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.

    36Markaasaa Benaayaah ina Yehooyaadaac boqorkii ugu jawaabay, Aamiin, oo saas ha yidhaahdo Ilaahaagu, Boqorow, sayidkaygiiyow.

    37Oo sidii Rabbigu uu kuula jiray, Boqorow, sayidkaygiiyow, saas oo kale ha ula jiro Sulaymaanna, oo carshigiisana ha ka dhigo mid ka sii weyn carshigaagii, Boqor Daa'uudow, sayidkaygiiyow.

  • 7Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.

  • 35Mar baan waxaan ku dhaartay quduusnimadayda, Oo Daa'uud been uma sheegi doono,

  • 77%

    20Oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, indhihii dadka dalka Israa'iil oo dhammu adigay ku soo fiirinayaan, inaad u sheegtid qofka ku fadhiisan doona carshigaaga dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow.

    21Haddii kalese, boqorow, sayidkaygiiyow, markaad dhimatid oo aad awowayaashaa la seexatid, aniga iyo wiilkayga Sulaymaanba waxaa lagu tirin doonaa kuwa dembaabay.

  • 27Ma adaa waxan sameeyey, boqorow, sayidkaygiiyow, adoo aan weli addoommadaada ogeysiin kii carshiga ku fadhiisan lahaa dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow?

  • 31Markaasaa Batshebac foororsatay oo wejigeedii dhulka saartay, oo waxay u sujuudday boqorkii oo tidhi, Boqor Daa'uudow, sayidkaygiiyow, weligaaba noolow.

  • 2 Taar 1:8-9
    2 aayado
    77%

    8Markaasaa Sulaymaan Ilaah ku yidhi, Aabbahay Daa'uud si weyn baad ugu naxariisatay, anigana boqor baad igaga dhigtay meeshiisii.

    9Haddaba Rabbiyow Ilaahow, ballankaagii aad aabbahay Daa'uud u ballanqaadday ha dhismo, waayo, waxaad boqor iiga dhigtay dad tiradiisu tahay sida ciidda dhulka.

  • 6Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Addoonkaagii Daa'uud oo aabbahay ahaa aad baad ugu roonaatay, sidii uu hortaada ugu socday daacadnimo iyo xaqnimo, iyo qalbi kula qumman; oo roonaantan weyn ayaad u sii dhawrtay, waayo, waxaad isagii siisay wiil carshigiisii ku fadhiista, sida ay maanta tahay.

  • 77%

    15Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay, siday maantadan tahay.

    16Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin kaa dhasho oo carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan oo ay sharcigayga ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.

  • 45Laakiinse anoo Boqor Sulaymaan ahu waan barakaysnaan doonaa, oo carshiga Daa'uudna weligiis wuu ku sii dhisnaan doonaa Rabbiga hortiisa.

  • 5de markaasaan dhisi doonaa oo aan weligiis waarin doonaa carshiga boqortooyadaada ee reer binu Israa'iil u taliya sidaan ugu ballanqaaday aabbahaa Daa'uud, markaan ku idhi, Nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista lagaa waayi maayo.

  • 4inuu Rabbigu oofiyo eraygiisii uu igaga hadlay, isagoo leh, Carruurtaadu hadday jidkooda dhawraan, oo ay qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhanba si run ah hortayda ugu socdaan, waayi maysid nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista.

  • 42Markaasaa boqorkii u cid diray oo Shimcii u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, War miyaanan Rabbiga kugu dhaarin, oo aanan hore kuugu sii sheegin, oo aanan kugu odhan, Ogow oo hubso, inaad xaqiiqa dhimanaysid maalintii aad baxdid oo aad meel kale u kacdid? Oo adna sow iguma aadan odhan, Hadalkaan maqlay waa wanaagsan yahay?

  • 10Oo guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo wuxuu ahaan doonaa wiilkaygii, oo anna waxaan u ahaan doonaa aabbihiis, oo waxaan carshiga boqortooyadiisa u xoogayn doonaa inuu weligiis u taliyo reer binu Israa'iil.

  • 75%

    46Oo haddana Sulaymaan wuxuu ku fadhiistay carshigii boqortooyada.

    47Oo weliba addoommadii boqorku waxay u yimaadeen inay u duceeyaan sayidkeenna Boqor Daa'uud, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahaagu magaca Sulaymaan ha ka dhigo mid ka sii wanaagsan magacaaga, oo carshigiisana ha ka sii weyneeyo carshigaaga, oo boqorkiina wuxuu ku kor foororsaday sariirtiisii.

    48Oo weliba boqorkii wuxuu yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil, oo maanta siiyey mid carshigaygii ku fadhiista iyadoo ay indhahaygu arkaan.

  • 75%

    24Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay siday maantadan tahay.

    25Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan, oo ay hortayda ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.

    26Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye eraygaagii aad kula hadashay aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa ha rumoobo.

  • 75%

    20Oo hadda bal eeg, hubaal waan ogahay inaad boqor noqonaysid, iyo in boqortooyada reer binu Israa'iil gacantaada ku dhismi doonto.

    21Haddaba bal Rabbiga iigu dhaaro, inaadan gooynayn farcankayga iga dambeeya, iyo inaadan magacayga reer aabbahay ka dhex baabbi'inayn.

  • 11Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad awowayaashaa la jiri doonto sida waajibka ah, ayaan sara kicin doonaa farcankaaga kaa dambeeya oo wiilashaada midkood ahaan doona, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.

  • 18markaasaan dhisi doonaa carshiga boqortooyadaada, sidaan axdi kula dhigtay aabbahaa Daa'uud markaan ku idhi, Lagaa waayi maayo nin reer binu Israa'iil u taliya.

  • 24Markaasaa Naataan wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, ma waxaad tidhi, Aniga dabaday waxaa boqor ahaan doona Adoniiyaah, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa?

  • 5Rabbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo.

  • 3Markaasaa shirkii oo dhammu axdi boqorkii kula dhigtay guriga Ilaah, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Bal eega, boqorka wiilkiisu isagaa boqor noqon doonee, sidii Rabbigu uu kaga hadlay farcanka Daa'uud.

  • 18Markaasaa Batshebac waxay tidhi, Waa hagaag, boqorka waan kuula hadli doonaa.

  • 38Oo haddaad maqasho waxa aan kugu amro oo dhan, oo aad jidadkaygana ku socotid, oo aad samaysid waxa hortayda ku qumman, oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda, sidii addoonkaygii Daa'uud yeeli jiray oo kale, ayaan kula jiri doonaa, oo waxaan kuu dhisi doonaa reer ammaan ah, sidii aan Daa'uud ugu dhisay oo kale, oo weliba dalka Israa'iilna adigaan ku siinayaa.

  • 12¶ Oo Sulaymaanna wuxuu ku fadhiistay carshigii aabbihiis Daa'uud, oo boqortooyadiisiina way sii dhisnaatay.

  • 3Axdi baan la dhigtay kii aan doortay, Oo waxaan u dhaartay addoonkaygii Daa'uud, oo ku idhi,

  • 7Oo haddana Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Waxaa qalbigayga ku jiray inaan guri u dhiso magaca Rabbiga Ilaahayga ah.

  • 14laakiinse waxaan isaga dhex taagi doonaa weligiisba gurigayga iyo boqortooyadayda, oo carshigiisuna weligiis wuu dhisnaan doonaa.

  • 23Markaasaa Sulaymaan carshigii Rabbiga ku fadhiistay isagoo jagadii aabbihiis Daa'uud boqor ka ah, wuuna barwaaqoobay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna isagay addeeceen.

  • 1¶ Haddaba waxaa soo dhowaaday wakhtigii Daa'uud dhiman lahaa; oo wuxuu amray wiilkiisii Sulaymaan oo ku yidhi,

  • 20Oo Rabbigu wuu adkeeyey eraygiisii uu ku hadlay; waayo, meeshii aabbahay Daa'uud anigaa fuulay, oo waxaan ku fadhiistay carshigii reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu ballanqaaday; oo gurigii baan u dhisay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisa.