1 Boqorradii 18:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Waxaan ku dhaartay Rabbiga ciidammada ee aan hor taagnahay noloshiisa inaan xaqiiqa maanta isaga isu muujinayo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 17:1 : 1 ¶ Oo Eliiyaah oo ahaa reer Tishbii, oo ka mid ahaa kuwii Gilecaad degganaa ayaa Axaab ku yidhi, Waxaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ee aan hortiisa taaganahay noloshiisa ugu dhaartay inaan dharab iyo roob midna sannadahan la arki doonin, sidaan leeyahay mooyaane.
  • 1 Boq 18:10 : 10 Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisaan ku dhaartaye inaan la arag quruun iyo boqortooyo uusan sayidkaygu cid u dirin si uu kaaga goobo; oo markay yidhaahdeen, Halkan ma joogo, ayuu boqortooyo kasta iyo quruun kastaba dhaariyey inay ku waayeen.
  • Ayuub 25:3 : 3 Ciidammadiisu ma tiray leeyihiin? Oo yuu yahay kan aan iftiinkiisu ku soo bixin?
  • Sab 24:8-9 : 8 Bal waa ayo Boqorka ammaantu? Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan, Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan. 9 Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta. 10 Bal waa ayo Boqorkan ammaantu? Waa Rabbiga ciidammada, Isaga weeye Boqorka ammaantu. (Selaah)
  • Sab 103:21 : 21 Rabbiga ammaana, ciidammadiisa oo dhammow, Idinkoo ah midiidinyadiisa wuxuu doonayo sameeyow,
  • Sab 148:2-3 : 2 Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga, Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga. 3 Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
  • Ish 6:3 : 3 Oo midba wuxuu u qaylinayay midka kale, oo waxay lahaayeen, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ciidammada, oo dhulka oo dhanna waxaa ka buuxda ammaantiisa.
  • Ish 51:7-8 : 7 ¶ Kuwiinna xaqnimada yaqaanow, dadka sharcigaygu qalbigooda ku jirow, bal i maqla. Dadka canaantiisa ha ka cabsanina, caydiisana ha ka qalbi jabina. 8 Waayo, aboor baa sida dhar oo kale u cuni doona, oo dixiri baa sida dhogor oo kale u cuni doona, laakiinse xaqnimadaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo badbaadintayduna tan iyo ab ka ab way sii jiri doontaa.
  • Yer 8:2 : 2 Oo waxaa lagu kala bixin doonaa dhulka hoos yaal qorraxda, iyo dayaxa, iyo ciidanka samada oo dhan, kuwaasoo ay jeclaan jireen, oo ay u adeegi jireen, oo ay daba socon jireen, oo ay doondooni jireen, oo ay caabudi jireen. Lama soo ururin doono, lamana aasi doono, oo sida digo oo kale ayay dhulka saarnaan doonaan.
  • Luuk 1:19 : 19 Malaa'igtii baa u jawaabtay oo ku tidhi, Anigu waxaan ahay Jibriil oo Ilaah hortiisa istaaga. Waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan warkan wanaagsan kuu keeno.
  • Luuk 2:13-14 : 13 Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen, 14 Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya, Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda.
  • Cib 6:16-17 : 16 Waayo, dadku waxay ku dhaartaan kan iyaga ka weyn, oo waxaa muran kasta oo kooda ah ugu dambaysa dhaar si loo xaqiiqaysto, 17 sidaas daraaddeed, Ilaah, isagoo aad u doonaya inuu kuwa ballanka dhaxla tuso taladiisa aan beddelmi karin, ayuu dhaar ku galay;
  • Bil 2:1 : 1 ¶ Samada iyo dhulkuna way dhammaadeen, iyo waxa badan ee ku jira oo dhammuba.
  • Sharc 1:38 : 38 Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin doonaa.
  • Sharc 4:19 : 19 Ama waa intaasoo aad indhaha samada kor ugu taagtaan, oo markaad aragtaan qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha oo ah ciidanka samada oo dhan, laydin jiitaa oo aad caabuddaan iyaga, oo aad u adeegtaan, kuwaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu u qaybiyey dadyowga samada ka hooseeya oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 14Oo Eliishaana wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga ciidammada oo aan hor taagnahay noloshiisa ee hubaal haddii aanan xurmaynayn horjoogidda Yehooshaafaad oo ah boqorka dalka Yahuudah, xaggaaga ma aanan fiiriyeen kuna arkeen.

  • 1 Boq 17:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Oo Eliiyaah oo ahaa reer Tishbii, oo ka mid ahaa kuwii Gilecaad degganaa ayaa Axaab ku yidhi, Waxaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ee aan hortiisa taaganahay noloshiisa ugu dhaartay inaan dharab iyo roob midna sannadahan la arki doonin, sidaan leeyahay mooyaane.

    2Markaasaa haddana waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

  • 80%

    7Oo bal eeg, Cobadyaah intuu jidkii sii socday ayaa waxaa ka hor yimid Eliiyaah; oo wuu aqooday, markaasuu wejiga dhulka saaray, oo wuxuu yidhi, Eliiyaahow sayidkaygiiyow, ma adigii baa?

    8Markaasuu ugu jawaabay, Haah, waa anigii; haddaba tag oo sayidkaagii waxaad ku tidhaahdaa, War Eliiyaah halkanuu joogaa.

    9Markaasuu wuxuu ku yidhi isagii, War maxaan ku dembaabay, oo aad u doonaysaa anoo addoonkaaga ah inaad Axaab ii gacangeliso inuu i dilo aawadeed?

    10Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisaan ku dhaartaye inaan la arag quruun iyo boqortooyo uusan sayidkaygu cid u dirin si uu kaaga goobo; oo markay yidhaahdeen, Halkan ma joogo, ayuu boqortooyo kasta iyo quruun kastaba dhaariyey inay ku waayeen.

    11Oo imminka waxaad leedahay, Tag, oo sayidkaagii u sheeg in Eliiyaah halkan joogo.

    12Oo bal eeg waxay noqon doontaa markaan kaa tago in Ruuxa Rabbigu kuu qaadi doona meel aanan aqoon, oo sidaas daraaddeed markaan Axaab u tago oo kuu soo sheego, oo uu ku waayo aniguu i dilayaa; laakiinse anigoo addoonkaaga ah Rabbiga waan ka cabsan jiray tan iyo dhallinyaranimadaydii.

    13Oo sayidkaygiiyow, miyaan laguu sheegin wixii aan sameeyey markii Yesebeel laysay nebiyadii Rabbiga, iyo sidaan u qariyey boqol nin oo Rabbiga nebiyadiisii ah, oo aan kontonba god geliyey, oo aan kibis iyo biyo ku quudiyey?

    14Oo hadda waxaad igu leedahay, Tag oo sayidkaagii u sheeg in Eliiyaah halkan joogo; oo isna wuu i dilayaa.

  • 80%

    16¶ Sidaas daraaddeed Cobadyaah wuxuu u tegey inuu Axaab la kulmo, wuuna u soo sheegay; markaasaa Axaab u tegey inuu Eliiyaah la kulmo.

    17Oo markuu Axaab arkay Eliiyaah ayuu ku yidhi, War ma adigii baa kii dadkii Israa'iil dhibayayow?

  • 36Oo markii la gaadhay wakhtigii la bixin jiray allabarigii fiidnimada, Nebi Eliiyaah waa soo dhowaaday, oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, maanta dalka Israa'iil ha lagu dhex ogaado inaad adigu Ilaah tahay, oo aan anna ahay addoonkaaga, iyo inaan waxyaalahan oo dhan eraygaaga ku sameeyey.

  • 1 Boq 18:1-3
    3 aayado
    74%

    1¶ Oo wakhti dheer dabadiis waxay noqotay in sannaddii saddexaad eraygii Rabbigu Eliiyaah u yimid oo uu ku yidhi, Tag oo Axaab istus, oo anna roob baan dhulka ku soo daynayaa.

    2Markaasaa Eliiyaah wuxuu u tegey inuu Axaab istuso. Oo abaartuna aad bay ugu xumayd Samaariya.

    3Markaasaa Axaab wuxuu u yeedhay Cobadyaah oo shuqulkii guriga u sarreeyey. (Haddaba Cobadyaah Rabbiga aad buu uga cabsan jiray,

  • 73%

    13Oo haddana boqorkii wuxuu isagii u diray sirkaal saddexaad oo konton nin xukuma ee kontonkiisii nin wata. Oo sirkaalkii saddexaad oo kontonka nin xukumayna kor buu ugu baxay, oo intuu u yimid ayuu Eliiyaah hortiisa jilbo u dhacay oo baryay, oo wuxuu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waan ku baryayaaye naftayda iyo kontonkan nin oo addoommadaada ah naftooda hortaada qaali ha ku noqdeen.

    14Waayo, bal eeg, dab baa samada ka soo degay oo wada baabbi'iyey labadii sirkaal oo iga soo horreeyey iyo kontomadoodiiba, laakiinse haatan naftaydu hortaada qaali ha ku noqoto.

    15Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay Eliiyaah ku tidhi, Tag oo isaga raac; hana ka cabsan. Kolkaasuu kacay oo intuu isagii la dhaadhacay ayuu boqorkii u tegey.

  • 4Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Eliishaa, waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu haddana wuxuu ii diray Yerixoo. Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay yimaadeen Yerixoo.

  • 6Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray Webi Urdun. Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Markaasay labadiiba israaceen.

  • 2Markaasaa Yesebeel farriin u dirtay Eliiyaah oo ku tidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddaanan berrito hadda oo kale naftaada ka dhigin sidii mid iyaga ka mid ah naftiisii.

  • 28Oo haddana eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii oo ku yidhi,

  • 2Markaasaa Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray tan iyo Beytel. Oo Eliishaana wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay ku wada dhaadhaceen Beytel.

  • 14Markaasaa Miikayhuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye waxaan sheegayaa wax alla wixii Rabbigu igu yidhaahdo.

  • 46Oo Eliiyaah waxaa la jiray gacantii Rabbiga, oo intuu guntigiisii dhexda ku giigsaday ayuu Axaab hor ordayay ilaa meeshii Yesreceel laga galo.

  • 13Oo markuu Eliiyaah taas maqlay, ayuu go'iisii wejiga ku duudduubtay oo dibadda u baxay, oo wuxuu istaagay meeshii godka laga soo geliyey. Oo bal eeg, markaasaa waxaa isagii u yimid cod leh, Eliiyaah, maxaad halkan ka samaynaysaa?

  • 24Markaasaa naagtii waxay Eliiyaah ku tidhi, Haatan waan garanayaa inaad tahay nin Ilaah, iyo inuu run yahay erayga Ilaah oo afkaaga ku jira.

  • 71%

    21Markaasaa Eliiyaah u soo dhowaaday dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, War ilaa goormaad laba ra'yi u dhexaynaysaan? War haddii Rabbigu Ilaah yahay isaga raaca, laakiinse haddii Bacal Ilaah yahay isaga raaca. Oo dadkiina isagii xataa eray keliya uguma jawaabin.

    22Markaasaa Eliiyaah wuxuu haddana dadkii ku yidhi, Anigoo keliya ayaa ka hadhay nebiyadii Rabbiga, laakiinse Bacal nebiyadiisu waa afar boqol iyo konton nin.

  • 5Bal eega, maalinta weyn oo cabsida badan oo Rabbigu intaanay iman waxaan idiin soo diri doonaa Nebi Eliiyaah.

  • 18Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye. Sida xaqiiqada ah isagu wuxuu u iman doonaa sida Taaboor oo buuraha ku dhex taal, iyo sida Karmel oo badda u dhow.

  • 13¶ Oo bal eeg, nebi baa u soo dhowaaday boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa, oo wuxuu ku yidhi, War Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan faraha badan oo dhan ma aragtay? Bal ogow, kulligood adigaan maanta kuu soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu ahay Rabbiga.

  • 16Laakiinse Eliishaa wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga aan hor taagnahaye inaanan waxba kaa qaadanayn. Oo isna wuu ku sii cadaadiyey inuu qaato, laakiinse Eliishaa wuu diiday.

  • 13Markaasaa Miikayhuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye waxaan sheegayaa wax alla wixii Rabbigu yidhaahdo.

  • 71%

    17¶ Oo Eraygii Rabbiga ayaa u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii, isagoo leh,

    18War sara joogso, oo u dhaadhac boqorka dalka Israa'iil oo Axaab ah oo Samaariya deggan; oo bal eeg, wuxuu ku dhex jiraa beertii canabka ahayd oo Naabood, halkaasoo uu ugu dhaadhacay inuu iska qaato.

  • 2 Boq 1:3-4
    2 aayado
    71%

    3Laakiinse malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi Eliiyaah kii reer Tishbii, Kac oo ka hor tag wargeeyayaasha boqorka Samaariya, oo waxaad ku tidhaahdaa, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad Bacal Sebuub wax u soo weyddiinaysaan?

    4Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa. Dabadeedna Eliiyaah waa iska tegey.

  • 70%

    9Oo intuu halkaas yimid ayuu god iska galay, oo halkaasuu baryay, oo bal eeg, waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi, Eliiyaah, maxaad halkan ka samaynaysaa?

    10¶ Isna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay; waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan.

    11Oo isna wuxuu ku yidhi, Ka bax, oo buurta fuul oo Rabbiga hortiisa istaag. Oo bal eeg, waxaa meeshaas soo maray Rabbiga, oo hortiisa ayaa dabayl weyn oo xoog badan buurihii kala jejebisay, dhagxantiina burburisay; laakiinse Rabbigu kuma jirin dabaysha; oo dabayshii dabadeedna waxaa jiray dhulgariir, oo Rabbiguna kuma jirin dhulgariirka.

  • 31Oo markaasuu yidhi, Ilaah saas iyo si ka sii daranba ha igu sameeyo, haddii Eliishaa ina Shaafaad madaxiisu maanta ku sii yaallo.

  • 24Oo markaas idinku u yeedha magaca ilaahiinna, oo anna waxaan u yeedhanayaa magaca Rabbiga; oo markaas Ilaahii dab ku soo jawaabaa ha ahaado Ilaah. Markaasaa dadkii oo dhammu jawaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kaasu waa hadal wanaagsan.

  • 15Oo qoonkii nebiyada ahaa oo Yerixoo joogay ee isaga ka soo hor jeeday markay arkeen waxay yidhaahdeen, Eliiyaah ruuxiisii wuxuu ku dul hadhay Eliishaa. Oo intay isagii ka hor yimaadeen ayay hortiisa ku sujuudeen.

  • 9Markaasaa boqorkii wuxuu u diray sirkaal konton xukuma oo wata kontonkiisii ninba. Isna kor buu ugu baxay, oo bal eeg, buur korkeed buu fadhiyey, oo intuu la hadlay buu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, boqorkii wuxuu kugu soo yidhi, Soo deg oo kaalay.

  • 7Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Ninkii idinka hor yimid oo waxakan idiin sheegay nin caynkee ah buu ahaa?

  • 39Oo markii dadkii taas arkay ayay wejiga u wada dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Rabbigu isagu waa Ilaah, Rabbigu isagu waa Ilaah.

  • 8¶ Markaasaa waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh,