1 Boqorradii 2:38

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Shimcii boqorkii ku yidhi, Hadalkaasu waa wanaagsan yahay, oo sidaad tidhi, boqorow, sayidkaygiiyow, waan yeeli doonaa, anigoo addoonkaaga ah. Oo Shimciina wakhti dheer ayuu Yeruusaalem degganaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 20:4 : 4 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil ugu jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, waa sidaad u tidhi, oo aniga iyo waxayga oo dhanba adigaa iska leh.
  • 2 Boq 20:19 : 19 Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Erayga Rabbiga oo aad ku hadashay waa wanaagsan yahay. Oo weliba wuxuu kaloo yidhi, Mar haddii nabad iyo rumu ay jirayaan intaan noolahay, sow ma wanaagsana?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    39Oo saddex sannadood dabadood, laba addoon oo Shimcii kuwiis ah ayaa u cararay xagga Aakiish ina Macakaah oo ahaa boqorkii Gad.

    40Markaasaa Shimcii kacay, oo dameerkiisii kooraystay, oo wuxuu u tegey Aakiish oo Gad jooga inuu addoommadiisii ka doonto; oo Shimcii wuu tegey oo addoommadiisii ka soo kaxaystay Gad.

    41Markaasaa Sulaymaan waxaa loo soo sheegay in Shimcii Yeruusaalem ka kacay, oo uu Gad tegey, oo uu haddana soo noqday.

    42Markaasaa boqorkii u cid diray oo Shimcii u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, War miyaanan Rabbiga kugu dhaarin, oo aanan hore kuugu sii sheegin, oo aanan kugu odhan, Ogow oo hubso, inaad xaqiiqa dhimanaysid maalintii aad baxdid oo aad meel kale u kacdid? Oo adna sow iguma aadan odhan, Hadalkaan maqlay waa wanaagsan yahay?

    43Haddaba maxaad u dhawri weyday dhaartii Rabbiga iyo amarkii aan kugu amray?

    44Weliba boqorkii wuxuu Shimcii ku yidhi, Waad wada og tahay sharka qalbigaaga ku jira oo aad aabbahay Daa'uud ku samaysay. Sidaas daraaddeed Rabbigu sharkaagii wuxuu ku soo celin doonaa madaxaaga.

    45Laakiinse anoo Boqor Sulaymaan ahu waan barakaysnaan doonaa, oo carshiga Daa'uudna weligiis wuu ku sii dhisnaan doonaa Rabbiga hortiisa.

  • 80%

    36Markaasaa boqorkii u cid diray oo u yeedhay Shimcii, oo wuxuu ku yidhi, Yeruusaalem guri ka dhiso, oo halkaas iska deg, oo mar dambe meella ha uga bixin.

    37Waayo, maalintii aad baxdo oo aad durdurka Qidroon ka gudubto, bal ogow hubaal inaad dhimanayso; dhiiggaaguna madaxaaguu ku oolli doonaa.

  • 76%

    18Markaasaa waxaa gudubtay sixiimad in lagu soo tallaabiyo reer boqor iyo inuu sameeyo wixii isaga la wanaagsan. Oo Shimcii oo ahaa ina Geeraa ayaa ku dhacay boqorka hortiisii markuu Webi Urdun ka soo gudbay.

    19Oo wuxuu boqorkii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, dembi ha igu tirin, oo ha xusuusan wixii aan anoo addoonkaaga ah si qalloocan kuugu sameeyey maalintii aad Yeruusaalem ka baxday, oo boqorow, sayidkaygiiyow, taas qalbiga ha ku qabsan.

    20Waayo, anigoo addoonkaaga ah haatan waan ogahay inaan dembaabay, oo sidaas daraaddeed ayaan maanta reer Yuusuf oo dhan ugu soo hor maray inaan soo dhaadhaco oo aan kaa hor imaado, boqorow, sayidkaygiiyow.

    21Laakiinse waxaa u jawaabay Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo wuxuu ku yidhi, Shimcii miyuusan u dhimanayn waxan uu sameeyey, maxaa yeelay, wuxuu habaaray Rabbiga kiisii subkanaa?

    22Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, maxaa inaga dhexeeya? Oo maxaadse maanta cadaawayaal iigu noqoteen? Maanta reer binu Israa'iil ma nin baa laga dilayaa? Oo miyaanan anigu maanta ogayn inaan ahay boqor reer binu Israa'iil u taliya?

    23Markaasaa boqorkii wuxuu Shimcii ku yidhi, Adigu dhiman maysid. Boqorkiina wuu u dhaartay.

  • 1 Boq 2:7-9
    3 aayado
    76%

    7Laakiinse u roonow wiilasha Barsillay kan reer Gilecaad, oo iyagu ha noqdeen kuwa ka mid ah kuwa miiskaaga wax ka cuna, waayo, saasay iigu yimaadeen markaan walaalkaa Absaaloom ka cararay.

    8Oo bal eeg, waxaa kula jooga Shimcii ina Geeraa, oo ah reer Benyaamiinka deggan Baxuuriim, kaasoo habaar xun igu habaaray maalintii aan Maxanayim tegey; laakiinse wuu igaga hor yimid Webi Urdun, oo i soo dhoweeyey, oo anna waxaan isaga ugu dhaartay oo ku idhi, Seef kugu dili maayo.

    9Sidaas daraaddeed inuu eedlaawe yahay ha u qaadan, waayo, waxaad tahay nin xigmad leh, oo waad garan doontaa waxa kuu eg inaad ku samayso, oo waa inaad cirrada madaxiisa dhiig xabaasha la gelisaa.

  • 74%

    12Mindhaa Rabbigu intuu dhibaatadayda eego ayuu wanaag iigu beddeli doonaa habaarkuu maanta igu habaaray.

    13Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo raggiisiiba jidkii bay mareen, Shimciina wuxuu maray buurtii agtiisa ahayd dhinaceeda, oo intuu sii socdayna Daa'uud buu habaarayay, oo dhagxan ku tuurayay, ciidna wuu ku soo saydhayay.

  • 2 Sam 16:3-7
    5 aayado
    74%

    3Markaasaa boqorkii ku yidhi, Meeh wiilkii sayidkaagu? Siibaana boqorkii buu ku yidhi, Yeruusaalem buu ku hadhay, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil maantay ii soo celin doonaan boqortooyadii aabbahay.

    4Markaasaa boqorkii wuxuu Siibaa ku yidhi, Bal eeg, Mefiiboshed wixiisa oo dhan adigaa iska leh. Oo Siibaana wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, waan ku sujuudayaa hortaada; aan raallinimo kaa helo.

    5¶ Oo Boqor Daa'uudna markuu Baxuuriim yimid, waxaa ku soo baxay nin ay Saa'uul isku cid ahaayeen, oo magiciisa la odhan jiray Shimcii ina Geeraa. Wuu soo baxay, isagoo habaartamaya intuu soo socday.

    6Oo dhagxan buuna ku tuuray Daa'uud iyo addoommadii Boqor Daa'uud oo dhanba, oo dadkii oo dhan iyo raggii xoogga lahaa oo dhammuna waxay joogeen midigtiisa iyo bidixdiisaba.

    7Oo Shimcii markuu habaartamayay wuxuu lahaa, Naga tag, nin yahow dhiigga qabaa, oo naga tag, nin yahow waxmataraha ihi!

  • 73%

    36Anoo addoonkaaga ah waxaan doonayay inaan Webi Urdun kaala gudbo oo keliya; haddaba maxaad abaalgudkan weyn iigu soo celinaysaa, boqorow?

    37Haddaba anoo addoonkaaga ah, waan ku baryayaaye, i daa aan dib u noqdee, si aan ugu dhinto magaaladaydii iyo meel u dhow qabrigii aabbahay iyo hooyaday. Laakiinse bal eeg addoonkaagii Kimhaam; isagu ha kula gudbo, boqorow, sayidkaygiiyow, oo isaga ku samee wax alla wixii kula wanaagsan.

    38Markaasaa boqorkii wuxuu ku jawaabay, Kimhaam aniguu ila gudbayaa, oo waxaan u samaynayaa wixii kula wanaagsan; oo wax alla wixii aad i weyddiisato, waan kuu samaynayaa.

  • 16¶ Oo Shimcii ina Geeraa oo ahaa reer Benyaamiin oo ka yimid Baxuuriim ayaa soo dhaqsaday oo ula soo dhaadhacay raggii reer Yahuudah inay Boqor Daa'uud ka hor tagaan.

  • 38Oo haddaad maqasho waxa aan kugu amro oo dhan, oo aad jidadkaygana ku socotid, oo aad samaysid waxa hortayda ku qumman, oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda, sidii addoonkaygii Daa'uud yeeli jiray oo kale, ayaan kula jiri doonaa, oo waxaan kuu dhisi doonaa reer ammaan ah, sidii aan Daa'uud ugu dhisay oo kale, oo weliba dalka Israa'iilna adigaan ku siinayaa.

  • 27Oo anigoo addoonkaagii ah ayuu igu kaa hor xantay boqorow, sayidkaygiiyow, laakiinse waxaad tahay sidii malaa'ig Ilaah oo kale; haddaba wixii kula wanaagsan samee.

  • 30Oo markii Rabbigu kuu sameeyo wanaaggii uu kaaga hadlay oo dhan ee uu amiir kaaga dhigo reer binu Israa'iil oo dhan, sayidkaygiiyow,

  • 70%

    20Waxaad timid shalayto, haddaba sidee baan maanta noola kaa warwareejiyaa? Maxaa yeelay, anigu waxaan tegayaa meel alla meeshaan doonayoba, haddaba naga noqo, oo walaalahaana dib u celi; oo naxariis iyo runuba ha kula jireen.

    21Markaasaa Itay wuxuu boqorkii ugu jawaabay, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa, iyo noloshaada, boqorow, sayidkaygiiyow, sida runtaa meel alla meeshii aad joogtid, ama aan noolaado ama aan dhintee, anoo addoonkaaga ahuna halkaasaan joogayaa.

  • 2Reerkii Saa'uulna waxaa halkaas ka joogay addoon magiciisa la yidhaahdo Siibaa, oo isagii bay Daa'uud ugu yeedheen. Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Ma Siibaad baad tahay? Oo isna ku yidhi, Haah, waan ahay anoo addoonkaaga ah.

  • 4inuu Rabbigu oofiyo eraygiisii uu igaga hadlay, isagoo leh, Carruurtaadu hadday jidkooda dhawraan, oo ay qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhanba si run ah hortayda ugu socdaan, waayi maysid nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista.

  • 36Markaasaa Benaayaah ina Yehooyaadaac boqorkii ugu jawaabay, Aamiin, oo saas ha yidhaahdo Ilaahaagu, Boqorow, sayidkaygiiyow.

  • 8Waayo, anoo addoonkaaga ah nidar baan galay intii aan joogay Geshuur oo ku taal Suuriya, oo waxaan idhi, Haddii Rabbigu Yeruusaalem mar kale igu celiyo, markaasaan Rabbiga allabari u bixin doonaa.

  • 14Oo haddaad ku socoto jidadkayga sidii aabbahaa Daa'uud ugu socday oo kale oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda markaas cimrigaaga waan dheerayn doonaa.

  • 11Markaasaa Siibaa wuxuu boqorkii ku yidhi, Wax alla wixii adoo ah boqorka sayidkayga aad igu amarto anoo addoonkaaga ah, ayaan u yeelayaa. Oo boqorkiina wuxuu yidhi, Mefiiboshed wuxuu wax ka cuni doonaa miiskayga sidii mid boqorka wiilashiisa ka mid ah.

  • 2Oo Daa'uudna wuxuu Aakiish ku yidhi, Hubaal waad ogaan doontaa waxa anoo addoonkaaga ah aan samayn doono. Oo Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Taas aawadeed mid madaxayga weligii ilaaliya ayaan kaa dhigayaa.

  • 26Laakiinse hadduu igu yidhaahdo, Kuguma faraxsani; bal eeg, haddaba waa i kane, ha igu sameeyo sidii isaga la wanaagsan.

  • 8Markaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo xumaanmaad igu aragtay anoo addoonkaaga ah intii aan kula joogay iyo ilaa maantadan, oo maxaa laygu diiday si aanan u tegin oo aanan ula diririn cadaawayaashaada, boqorow sayidkaygiiyow?

  • 31Markaasaa Batshebac foororsatay oo wejigeedii dhulka saartay, oo waxay u sujuudday boqorkii oo tidhi, Boqor Daa'uudow, sayidkaygiiyow, weligaaba noolow.

  • 29Boqorkiina wuxuu ku yidhi, War maxaad weli uga sii hadlaysaa axwaalahaaga? Waxaan ku leeyahay, Adiga iyo Siibaa dhulka qaybsada.

  • 25Haddaba, Rabbow Ilaahow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah oo ku saabsanaa reerkayga weligaa adkee oo sidaad ugu hadashay yeel.

  • 25Markuu Yeruusaalem u yimid inuu boqorka ka hor tago ayaa boqorkii ku yidhi, Mefiiboshedow, maxaad ii raaci weyday?

  • 24Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay siday maantadan tahay.

  • 7Hadduu kugu yidhaahdo, Waa hagaag, anoo addoonkaaga ah nabad baan helayaa. Laakiinse hadduu cadhoodo, bal ogow inuu shar maaggan yahay.

  • 10Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, waxaa isaga dili doona Rabbiga, ama maalintiisii baa iska iman doonta, amase dagaal buu geli doonaa markaasaa la dili doonaa.