1 Boqorradii 6:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markii guriga la dhisayay waxaa lagu dhisay dhagxan lagu soo diyaariyey meeshii laga soo qoday; oo intii guriga la dhisayay guriga dhexdiisa laguma maqlin dubbe ama faas ama alaab kale oo bir ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 27:5-6 : 5 Oo halkaas waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah meel allabari uga dhistaan, ha ahaato meel allabari oo dhagax ah, oo dhagaxyadeeda waa inaydaan alaab bir ah u qaadan. 6 Oo Rabbiga Ilaahiinna ah meeshiisa allabariga waa inaad ku dhistaan dhagaxyo aan la qorin, oo meeshaas dusheeda waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu bixisaan qurbaanno la gubo.
  • 1 Boq 5:17-18 : 17 Markaasaa boqorkii amray, oo iyana waxay soo jareen dhagxan waaweyn oo qaali ah, inay dhagxan la qoray ka dhigaan aasaaskii guriga. 18 Oo Sulaymaan waxdhisayaashiisii iyo Xiiraam waxdhisayaashiisii iyo reer Gebal ayaa qoray, oo waxay hagaajiyeen alwaaxdii iyo dhagxantii guriga lagu dhisi lahaa.
  • Maah 24:27 : 27 Shuqulkaaga dibadda ku hagaajiso, Oo beerta ku diyaarso, Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.
  • Ish 42:2 : 2 Ma uu qaylin doono, korna uma dhawaaqi doono, oo codkiisana kama uu dhigi doono in jidadka laga maqlo.
  • Fal 9:31 : 31 ¶ Sidaas darteed kiniisaddii ku tiil Yahuudiya iyo Galili iyo Samaariya oo dhan nabad bay lahayd, waana dhisantay oo badatay iyadoo ku socota cabsida Rabbiga iyo gargaarka Ruuxa Quduuska ah.
  • Room 9:23 : 23 iyo inuu hodantinimadii ammaantiisa ogeysiiyo weelasha naxariista oo uu hore ugu diyaariyey ammaanta,
  • 2 Kor 5:5 : 5 Maxaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey.
  • Kol 1:12 : 12 Mahad baannu u naqaynaa Aabbaha inaga dhigay kuwa istaahila inay ka qayb qaataan dhaxalka quduusiinta nuurka ku jirta.
  • Yac 1:20 : 20 waayo, dad cadhadiisu ma keento xaqnimada Ilaah.
  • Yac 3:17-18 : 17 Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji. 18 Midhaha xaqnimada nabad waa loogu beeraa kuwa nabadda ka shaqeeya.
  • 1 But 2:5 : 5 Idinkuna sida dhagaxyo noolnool ayaa waxaa laydinka dhisayaa guri ruux ah inaad ahaataan wadaaddo quduus ah si aad xagga ruuxa uga bixisaan allabariyo uu Ilaah ku aqbalo Ciise Masiix.
  • Bax 20:25 : 25 Oo haddaad meel allabari dhagax iiga samayso, waa inaadan dhagax qoran ka dhisin, waayo, haddaad alaabtaada taabsiisid waad nijaasaysay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Boq 6:4-6
    3 aayado
    81%

    4Oo gurigana wuxuu u yeelay daaqado shabag leh.

    5Oo guriga derbigiisa wuxuu ku xijisiiyey dabaqado ku wareegsan derbiyada guriga kaasoo ah macbudka iyo meesha ugu quduusanba; oo dhinacyadana wuxuu u yeelay qolal ku wareegsan.

    6Oo dabaqadda ugu hoosaysa ballaadhkeedu wuxuu ahaa shan dhudhun, tan dhexena ballaadhkeedu wuxuu ahaa lix dhudhun, tan saddexaadna ballaadhkeedu wuxuu ahaa toddoba dhudhun; oo inaan dogobbada sarsare ee guriga haya guriga gudihiisa soo gelin aawadeed ayuu guriga dibaddiisa ugu yeelay meelo la saaro.

  • 79%

    17Markaasaa boqorkii amray, oo iyana waxay soo jareen dhagxan waaweyn oo qaali ah, inay dhagxan la qoray ka dhigaan aasaaskii guriga.

    18Oo Sulaymaan waxdhisayaashiisii iyo Xiiraam waxdhisayaashiisii iyo reer Gebal ayaa qoray, oo waxay hagaajiyeen alwaaxdii iyo dhagxantii guriga lagu dhisi lahaa.

  • 6kuwaasoo ah nijaarrada, iyo waxdhisayaasha, iyo wastaadyada, oo ha ku soo iibiyeen alwaax iyo dhagaxyo la qoray oo guriga lagu dhiso.

  • 77%

    14Sidaasaa Sulaymaan gurigii u dhisay oo u dhammeeyey.

    15Oo guriga derbiyadiisii gudaha ahaa wuxuu ka dhisay looxyo kedar ah; oo xagga gudaha salka iyo baarka inta ka dhex leh alwaax buu ku deday; oo dhulkii guriga dhexdiisa ahaana wuxuu ku deday looxyo beroosh ah.

    16Oo guriga xaggiisa dambe, salka iyo ilaa derbiyada labaatan dhudhun buu ku dhisay looxyo kedar ah, oo weliba wuxuu gudaha ka dhisay meel quduus ah, taasoo ah meesha ugu wada quduusan.

    17Oo guriga macbudka ah ee ka horreeyey dhererkiisu wuxuu ahaa afartan dhudhun.

    18Oo guriga gudihiisa waxaa ku jiray qori kedar ah oo la xardhay oo ubbooyin iyo ubax furan loo yeelay; oo kulli wuxuu ahaa qori kedar ah, oo dhagax laguma arag.

    19Oo gurigii dhexe badhtankiisa wuxuu ka diyaariyey meel quduus ah inuu dhigo sanduuqii axdiga Rabbiga.

  • 76%

    36Oo barxaddii dhexena wuxuu u yeelay saddex saf oo dhagax la qoray ah iyo saf alwaax kedar ah.

    37Oo gurigii Rabbiga aasaaskiisii waxaa la dhigay bishii Sif oo sannaddii afraad.

    38Oo gurigii waxaa dhammaantiis la dhammeeyey isagoo wax waluba u dhan yahay sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii siddeedaad, taasoo ah bisha Bul, oo wuxuu dhisayay toddoba sannadood.

  • 1 Boq 6:8-10
    3 aayado
    76%

    8Oo qolalka dabaqadda hoose albaabkoodu wuxuu ku yiil guriga dhankiisa midigta ah; dabaqadda dhexena waxaa kor loogu fuuli jiray jaranjaro warwareegta iyo weliba marka laga baxo tan dhexe ilaa laga galo tan saddexaad.

    9Sidaasuu gurigii u dhisay oo u dhammeeyey, oo wuxuu ku deday dogobbo iyo safaf alwaax kedar ah.

    10Oo dabaqadihii wuxuu ka wada dhisay guriga wareeggiisa oo dhan, oo mid kastaba sarajooggiisu wuxuu ahaa shan dhudhun; oo waxay kor saarnaayeen alwaax kedar ah.

  • 1 Boq 7:9-12
    4 aayado
    75%

    9Oo kuwanu dhammaantood waxay ahaayeen dhagxan qaali ah oo qiyaas loo qoray, oo kor iyo hoosba miinshaaro lagu gooyay tan iyo salka iyo baarka, oo dibadduna saasay ahayd tan iyo barxadda weyn.

    10Oo aasaaskuna wuxuu ahaa dhagxan qaali ah oo waaweyn, oo qaarna waxay ahaayeen toban dhudhun, qaarna waxay ahaayeen siddeed dhudhun.

    11Oo korkana waxaa jiray dhagxan qaali ah oo qiyaas loo qoray, iyo alwaax kedar ah.

    12Oo barxadda weyn ee ku wareegsanna waxay lahayd saddex saf oo dhagxan qoran ah, iyo saf ah looxyo waaweyn oo kedar ah, oo waxay la mid ahayd guriga Rabbiga barxaddiisa hoose iyo sida balbalada guriga.

  • 4oo ha lagu dhiso saddex saf oo dhagaxyo waaweyn ah iyo saf alwaax cusub ah; kharashkiisana ha laga bixiyo guriga boqorka.

  • 11Waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii inay ku soo iibiyaan dhagaxyo la qoray iyo alwaax wax laysku xidho, iyo inay alwaax saqafka haya u sameeyaan guryihii ay boqorradii reer Yahuudah dumiyeen.

  • 74%

    2¶ Markaasaa Daa'uud amray in la soo wada ururiyo shisheeyayaashii dalka reer binu Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu kaloo amray in wastaadyo dhagxan soo qoraan in la dhiso gurigii Ilaah aawadeed.

    3Oo Daa'uud wuxuu diyaariyey bir faro badan in musmaarro looga dhigo albaabbada irdaha iyo qabsatooyinka, oo wuxuu kaloo diyaariyey naxaas tiro badan oo aan miisaan lahayn,

  • 9si ay iigu diyaariyaan alwaax faro badan, waayo, guriga aan dhowaan dhisi doonaa wuxuu ahaan doonaa mid yaab weyn oo badan.

  • 12iyo wastaadyadii, iyo kuwii dhagaxyada qori jiray, waxayna u bixiyeen in lagu iibiyo alwaax iyo dhagaxyo la qoray si loogu dhiso meelihii guriga Rabbiga ka jajabnaa, iyo wax kasta oo loo bixiyey in guriga lagu dhiso.

  • 15Oo weliba waxaa kula jira rag shaqaale ah oo faro badan, kuwaasoo ah kuwa qora oo ka shaqeeya dhagxanta iyo alwaaxdaba, iyo rag kasta oo yaqaan sanco kasta,

  • 11¶ Markaasaa Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos ayaa Daa'uud wargeeyayaal u soo diray, iyo geedo kedar la yidhaahdo, iyo nijaarro iyo wastaadyo, oo iyana guri bay Daa'uud u dhiseen.

  • 16¶ Haddaba Sulaymaan shuqulkiisa oo dhammu diyaar buu u ahaa maalintii guriga Rabbiga aasaaskiisa la dhigay iyo ilaa maalintii la dhammeeyey. Oo sidaasaa guriga Rabbiga loo ebyey.

  • 6Laakiinse bal yaa isaga guri u dhisi kara, maxaa yeelay, samada iyo samada samooyinkuba isaga ma qaadi karaan? Bal markaan guri u dhisayo, yaan ahay anigu, inaan hortiisa foox ku shido oo keliya mooyaane?

  • 11Waayo, dhagax baa ka qaylin doona derbiga dhexdiisa, oo loox alwaaxda ku dhex jira ayaa u jawaabi doona.

  • 71%

    12Oo boqorkii iyo Yehooyaadaac waxay lacagtii siin jireen kuwii samayn jiray hawshii adeegidda guriga Rabbiga, oo waxay soo kiraysteen wastaadyo iyo nijaarro si ay u cusboonaysiiyaan gurigii Rabbiga, oo waxay kaloo siin jireen kuwii bir iyo naxaas wax uga samayn jiray si ay gurigii Rabbiga ugu hagaajiyaan.

    13Markaasay shaqaalihii shaqeeyeen, oo shuqulkiina gacantoodii buu ku hagaagay, oo gurigii Ilaahna waxay ka dhigeen siduu ahaan jiray, wayna adkeeyeen.

  • 1 Boq 6:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Oo Sulaymaan wuxuu bilaabay inuu gurigii Rabbiga dhiso markay ahayd afar boqol iyo siddeetan sannadood, kolkii reer binu Israa'iil dalka Masar ka soo baxeen dabadeed, taasoo ahayd sannaddii afraad oo Sulaymaan boqorka u noqday dadkii Israa'iil, bisheedii labaad taasoo ah bisha Sif.

    2Oo gurigii Sulaymaan Rabbiga u dhisay dhererkiisu wuxuu ahaa lixdan dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa soddon dhudhun.

  • 30Oo guriga dhulkiisana ayuu dahab ku dahaadhay gudaha iyo dibaddaba.

  • 2Haddaba xooggaygii oo dhan ayaan gurigii Ilaahayga u diyaarshay dahabka laga sameeyo alaabta dahabka, iyo lacagta laga sameeyo alaabta lacagta ah, iyo naxaasta laga sameeyo alaabta naxaasta ah, iyo birta laga sameeyo alaabta birta ah, iyo qoriga laga sameeyo alaabta qoriga ah, iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada la dejiyo oo wax lagu qurxiyo oo midabyo kala cayncayn ah, iyo cayn kasta oo dhagaxyo qaaliya ah, iyo dhagaxyo badan oo marmar ah.

  • 8Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurta fuula, oo alwaax ka keena, oo guriga dhisa, oo anna waan ku farxi doonaa, oo kolkaasaan ammaanmi doonaa.

  • 5iyo inuu qoro dhagaxyada saldhigyo lagu dhejiyo oo uu looxyada xardho, iyo inuu ka shaqeeyo sanco cayn kasta ah.

  • 6Oo qolladahana waxay ahaayeen saddex dabaqadood oo midba mid ka sarrayso, oo dabaqad kastaaba waxay ahayd soddon qolladood, oo waxay ku yiilleen derbigii qolladaha ee daarta ku wareegsanaa, si ay u qabsadaan aawadeed, laakiinse iyagu daarta derbigeeda kuma ay oollin.

  • 11Waayo, bal eeg, Rabbigu waa amraa, oo daarta weyn waxaa lagu dhufan doonaa daldalool, guriga yarna waxaa lagu dhufan dildillaac.

  • 6Haddaba shuqulkiisii la qoray oo dhan Waxay ku wada dumiyaan gudmo iyo dubbayaal.

  • 6Waayo, iyagu waxay ahaayeen saddex dabaqadood, laakiinse tiirar kuwa barxadaha la mid ah ma ay lahayn, sidaas daraaddeed kuwa sare way ka cidhiidhsanaayeen qolladaha hoose iyo kuwa dhexeba.

  • 3Haddaba kanu waa aasaaskii Sulaymaan u dhigay dhismihii guriga Ilaah. Oo dhererku markii cabbirkii hore lagu xisaabo wuxuu ahaa lixdan dhudhun, oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun.

  • 6Oo wuxuu sameeyey balbalo tiirar ah; oo dhererkeedu wuxuu ahaa konton dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa soddon dhudhun, oo balbalona waa ka horraysay, iyadoo leh tiirar iyo looxyo balballaadhan.

  • 8Haddana waxaan arkay inay daartu ku dhisnayd meel sallax ah oo sare oo ku wareegsanayd, oo aasaaska qolladaha dhererkiisu wuxuu ahaa cawsduur kaamil ah oo ah lix dhudhun oo dhaadheer.

  • 18Haddaba ma dhab baa in Ilaah dadka la degganaan doono dhulka? Xataa samada iyo samada samooyinku kuma qaadi karaan, haddaba bal gurigan aan dhisay sidee buu kuu qaadi karaa?