1 Boqorradii 7:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo Sulaymaan gurigiisana wuxuu dhisayay saddex iyo toban sannadood, oo gurigiisii oo dhanna wuu dhammeeyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 9:10 : 10 ¶ Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan labadii guri dhisayay, kuwaasoo ahaa gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka,
  • 2 Taar 8:1 : 1 ¶ Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan guriga Rabbiga iyo gurigiisiiba dhisayay,
  • Wacd 2:4-5 : 4 Waxaan samaystay shuqullo waaweyn, guryana waan dhistay, beero canab ahna waan beertay. 5 Waxaan samaystay beero iyo firdows, oo waxaan ku dhex beeray geed midho cayn kastaba leh.
  • Mat 6:33 : 33 Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa.
  • 1 Boq 3:1 : 1 ¶ Markaasaa Sulaymaan xidhiidh la yeeshay boqorkii Masar oo Fircoon ahaa, oo soo kaxaystay Fircoon gabadhiisii, wuxuuna keenay magaaladii Daa'uud ilaa uu dhammeeyey dhismihii gurigiisa, iyo gurigii Ilaah, iyo derbigii Yeruusaalem ku wareegsanaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    14Sidaasaa Sulaymaan gurigii u dhisay oo u dhammeeyey.

    15Oo guriga derbiyadiisii gudaha ahaa wuxuu ka dhisay looxyo kedar ah; oo xagga gudaha salka iyo baarka inta ka dhex leh alwaax buu ku deday; oo dhulkii guriga dhexdiisa ahaana wuxuu ku deday looxyo beroosh ah.

    16Oo guriga xaggiisa dambe, salka iyo ilaa derbiyada labaatan dhudhun buu ku dhisay looxyo kedar ah, oo weliba wuxuu gudaha ka dhisay meel quduus ah, taasoo ah meesha ugu wada quduusan.

    17Oo guriga macbudka ah ee ka horreeyey dhererkiisu wuxuu ahaa afartan dhudhun.

  • 81%

    10Oo bishii toddobaad maalinteedii saddex iyo labaatanaad ayuu dadkii u kala diray teendhooyinkoodii iyagoo faraxsan oo qalbiga kaga rayraynaya wanaaggii uu Rabbigu u sameeyey Daa'uud iyo Sulaymaan iyo dadkiisii reer binu Israa'iilba.

    11¶ Haddaba Sulaymaan sidaasuu u dhammeeyey gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorkaba, oo wax alla wixii galay Sulaymaan qalbigiisa inuu u sameeyo gurigii Rabbiga iyo isaga gurigiisiiba dhammaan wuu ku liibaanay.

    12Oo Rabbiga wuxuu Sulaymaan u muuqday goor habeennimo ah, oo ku yidhi, Baryadaadii waan maqlay oo meeshanna waan u doortay inay guri lagu allabaryo ii ahaato.

  • 1¶ Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan guriga Rabbiga iyo gurigiisiiba dhisayay,

  • 1 Boq 7:2-3
    2 aayado
    80%

    2Waayo, guriga wuxuu ka dhisay geedihii Lubnaan, oo dhererkiisu wuxuu ahaa boqol dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa konton dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa soddon dhudhun, oo wuxuu ku dul taagnaa afar saf oo tiirar kedar ah, oo tiirarkana waxaa dul saarnaa alwaax waaweyn oo kedar ah.

    3Oo waxaa ku dednaa qoryo kedar ah oo ka sarreeya shan iyo afartanka loox oo tiirarka dul saarnaa, ee shan iyo tobanba saf ahaayeen.

  • 47Laakiinse Sulaymaan baa guri u dhisay.

  • 16¶ Haddaba Sulaymaan shuqulkiisa oo dhammu diyaar buu u ahaa maalintii guriga Rabbiga aasaaskiisa la dhigay iyo ilaa maalintii la dhammeeyey. Oo sidaasaa guriga Rabbiga loo ebyey.

  • 10¶ Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan labadii guri dhisayay, kuwaasoo ahaa gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka,

  • 38Oo gurigii waxaa dhammaantiis la dhammeeyey isagoo wax waluba u dhan yahay sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii siddeedaad, taasoo ah bisha Bul, oo wuxuu dhisayay toddoba sannadood.

  • 1 Boq 6:1-3
    3 aayado
    77%

    1¶ Oo Sulaymaan wuxuu bilaabay inuu gurigii Rabbiga dhiso markay ahayd afar boqol iyo siddeetan sannadood, kolkii reer binu Israa'iil dalka Masar ka soo baxeen dabadeed, taasoo ahayd sannaddii afraad oo Sulaymaan boqorka u noqday dadkii Israa'iil, bisheedii labaad taasoo ah bisha Sif.

    2Oo gurigii Sulaymaan Rabbiga u dhisay dhererkiisu wuxuu ahaa lixdan dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa soddon dhudhun.

    3Oo guriga meeshiisa quduuska ah horteedana waxaa ku tiil balbalo, oo dhererkeedu wuxuu ahaa labaatan dhudhun sida guriga ballaadhkiisa; oo xagga guriga hortiisana ballaadhkeedu wuxuu ahaa toban dhudhun.

  • 1¶ Oo Sulaymaan markuu dhammeeyey dhismihii guriga Rabbiga, iyo gurigii boqorka, iyo kulli wixii uu damacsanaa oo uu ku faraxsanaa inuu sameeyo oo dhan,

  • 1¶ Haddaba Sulaymaan wuxuu u qasdiyey inuu guri u dhiso Rabbiga magiciisa, iyo guri kale oo boqortooyadiisu leedahay.

  • 1 Boq 6:9-12
    4 aayado
    75%

    9Sidaasuu gurigii u dhisay oo u dhammeeyey, oo wuxuu ku deday dogobbo iyo safaf alwaax kedar ah.

    10Oo dabaqadihii wuxuu ka wada dhisay guriga wareeggiisa oo dhan, oo mid kastaba sarajooggiisu wuxuu ahaa shan dhudhun; oo waxay kor saarnaayeen alwaax kedar ah.

    11Oo Sulaymaanna waxaa u yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi,

    12Gurigan aad dhisayso waxaan kaa leeyahay, Haddaad qaynuunnadayda ku socotid, oo aad xukummadayda yeeshid, oo aad amarradayda oo dhan dhawrtid inaad ku socotid aawadeed, markaasaan kugu xoojin doonaa eraygaygii aan aabbahaa Daa'uud kula hadlay.

  • 2 Taar 3:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Markaasaa Sulaymaan bilaabay inuu gurigii Rabbiga Yeruusaalem ka dhiso oo ka dul dhiso Buur Moriyaah oo ahayd meeshii Rabbigu ugu muuqday aabbihiis Daa'uud, oo wuxuu wax ku diyaarshay meeshii Daa'uud doortay oo ahayd meeshii wax lagu tumi jiray oo uu Aarnaankii reer Yebuus lahaa.

    2Oo wuxuu dhismihii bilaabay sannaddii afraad oo boqortooyadiisa, bisheedii labaad, maalinteedii labaad.

    3Haddaba kanu waa aasaaskii Sulaymaan u dhigay dhismihii guriga Ilaah. Oo dhererku markii cabbirkii hore lagu xisaabo wuxuu ahaa lixdan dhudhun, oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun.

  • 1 Boq 7:7-9
    3 aayado
    74%

    7Oo wuxuu kaloo sameeyey balbaladii carshiga oo ahayd meeshii uu wax ku xukumi lahaa, oo taasu waxay ahayd balbaladii xukunka; oo dhulkeedana waxaa ku dednaa alwaax kedar ah.

    8Oo gurigiisii uu degi lahaana wuxuu ku yiil balbalada barxaddeeda kale, oo isku si baana loo dhisay. Oo guri balbaladan u eg ayuu u dhisay gabadhii Fircoon (oo Sulaymaan guursaday).

    9Oo kuwanu dhammaantood waxay ahaayeen dhagxan qaali ah oo qiyaas loo qoray, oo kor iyo hoosba miinshaaro lagu gooyay tan iyo salka iyo baarka, oo dibadduna saasay ahayd tan iyo barxadda weyn.

  • 51Oo saasuu ku wada dhammaaday shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ku sameeyey guriga Rabbiga. Oo Sulaymaanna wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis Daa'uud quduuska ka dhigay ee ahayd lacagtii, iyo dahabkii, iyo weelashii, oo wuxuu ku riday khasnadihii guriga Rabbiga.

  • 25Oo sannaddiiba saddex jeer ayuu Sulaymaan meeshii allabariga oo uu Rabbiga u dhisay ku bixin jiray qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino, oo girgirihii Rabbiga hor yiilna wuxuu ku gubi jiray foox, oo saasuu gurigii ku dhammeeyey.

  • 13Hubaal waxaan kuu dhisay guri rug kuu ah, oo ah meel aad weligaa degganaanayso.

  • 3Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan iyo gurigii uu dhisay,

  • 18Oo Sulaymaan waxdhisayaashiisii iyo Xiiraam waxdhisayaashiisii iyo reer Gebal ayaa qoray, oo waxay hagaajiyeen alwaaxdii iyo dhagxantii guriga lagu dhisi lahaa.

  • 71%

    12Oo barxadda weyn ee ku wareegsanna waxay lahayd saddex saf oo dhagxan qoran ah, iyo saf ah looxyo waaweyn oo kedar ah, oo waxay la mid ahayd guriga Rabbiga barxaddiisa hoose iyo sida balbalada guriga.

    13¶ Oo Boqor Sulaymaanna Xiiraam cid buu u diray oo Turos ka soo kexeeyey.

  • 15¶ Oo sababtii uu Sulaymaan shaqaalayaashii u doortay waxay ahayd inuu dhiso gurigii Rabbiga, iyo gurigii uu isagu lahaa, iyo Millo, iyo derbigii Yeruusaalem, iyo Xaasoor, iyo Megiddoo, iyo Geser.

  • 71%

    5Markaasaa Daa'uud yidhi, Wiilkayga Sulaymaan waa yar yahay, waana tabar daranyahay, oo guriga Rabbiga loo dhisayaana waa inuu ahaado mid aad iyo aad u weyn, oo magac iyo ammaan ku leh kulli waddammada oo dhan, haddaba wax baan u sii diyaarin doonaa. Sidaas daraaddeed Daa'uud waxyaalo faro badan ayuu diyaariyey intuusan dhiman ka hor.

    6¶ Markaasuu wiilkiisii Sulaymaan u yeedhay oo wuxuu ku amray inuu guri u dhiso Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

    7Oo haddana Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Waxaa qalbigayga ku jiray inaan guri u dhiso magaca Rabbiga Ilaahayga ah.

  • 4Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan oo dhan, iyo gurigii uu dhisay,

  • 30Oo Sulaymaan afartan sannadood ayuu reer binu Israa'iil oo dhan Yeruusaalem boqor ugu ahaa.

  • 13Markaasaa Sulaymaan ka soo noqday meeshii sare oo Gibecoon ku tiil iyo teendhadii shirka, oo yimid Yeruusaalem, reer binu Israa'iil buuna boqor u noqday.

  • 2Laakiinse waxaan kuu dhisay guri rug kuu ah oo ah meel aad weligaa degganaanayso.

  • 42Oo wakhtigii Sulaymaan reer binu Israa'iil oo dhan Yeruusaalem boqorka ugu ahaa wuxuu ahaa afartan sannadood.

  • 13Oo isna guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshiga boqortooyadiisa weligiis.

  • 13Oo daartii buu qiyaasay, oo dhererkeedii wuxuu ahaa boqol dhudhun, oo dhismihii meesha goonida ahayd iyo derbiyadiisiina dhererkoodii waxay ahaayeen boqol dhudhun.

  • 1¶ Markaasaa Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos ayaa Daa'uud wargeeyayaal u soo diray, iyo geedo kedar la yidhaahdo, iyo wastaadyo, iyo nijaarro, inay guri u dhisaan.

  • 1¶ Oo saasuu ku wada dhammaaday shuqulkii uu Boqor Sulaymaan u sameeyey guriga Rabbiga. Oo Sulaymaanna wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis Daa'uud quduuska ka dhigay ee ahayd lacagtii, iyo dahabkii, iyo weelashii, oo wuxuu ku riday khasnadihii guriga Ilaah.

  • 8Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey toddoba maalmood, iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu, kuwaasoo ahaa shir aad u weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar.