1 Boqorradii 9:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Xiiraamna wuxuu doonniyihii raaciyey addoommadiisii baxriyiinta ahaa oo badda aqoonta u lahaa, oo waxaa wada jiray iyaga iyo addoommadii Sulaymaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 5:6 : 6 Haddaba sidaas daraaddeed amar in Lubnaan layga soo jaro geedo kedar ah, oo addoommadayduna waxay la jiri doonaan addoommadaada, oo addoommadaadana in alla intii aad tidhaahdid ayaan kaaga kiraysan; waayo, waad garanaysaa inaan dhexdayada lagu arag wax dhirta u jari kara sida reer Siidoon.
  • 1 Boq 5:9 : 9 Oo addoommadayda ayaa Lubnaan ka soo qaadi doona, oo keeni doona ilaa badda; oo xidhmooyin baan ka dhigayaa si ay badda u raacaan ilaa meeshii aad igula ballantay, oo waxaan ka dhigi doonaa in halkaas lagu kala furfuro, oo waad qaadan doontaa; oo adna waxaan doonayo ayaad ii dhammayn doontaa, adoo reerkayga cunto ii siinaya.
  • 1 Boq 10:11 : 11 Oo Xiiraam doonniyihiisii Oofir dahab ka keenay, waxay kaloo Oofir ka keeneen geedo almuug ah oo badan, iyo dhagaxyo qaali ah.
  • 1 Boq 22:49 : 49 Markaasaa Axasyaah oo ahaa ina Axaab ayaa Yehooshaafaad ku yidhi, Addoommadaydu addoommadaada doonniyaha ha la raaceen, laakiinse Yehooshaafaad wuu diiday taas.
  • 2 Taar 20:36-37 : 36 oo wuxuu isagii kula heshiiyey inay samaystaan doonniyo Tarshiish u dhoofa, oo doonniyihii waxay ku samaysteen Cesyoon Geber. 37 Markaasaa Eliiceser ina Dodaawaahuu oo ahaa reer Maareeshaah ayaa Yehooshaafaad wax ka sii sheegay oo yidhi, Heshiiska aad Axasyaah la heshiisay aawadiis ayaa Rabbigu u burburiyey shuqulkaagii. Oo doonniyihiina way wada jajabeen, oo way kari waayeen inay Tarshiish u dhoofaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 26¶ Markaasaa Boqor Sulaymaan doonniyo ku sameeyey Cesyoon Geber taasoo ku taal Eelood dhinaceeda ee ah xeebta Badda Cas ee ku taal dalka Edom.

  • 83%

    17¶ Markaasaa Sulaymaan wuxuu tegey xagga Cesyoon Geber iyo Eelood oo ku yaal xeebta badda ee dalka Edom.

    18Oo Xuuraamna wuxuu gacanta addoommadiisii ugu sii dhiibay doonniyo iyo addoommo badda aqoon u leh, oo iyagu waxay addoommadii Sulaymaan u soo raaceen Oofir, oo halkaasayna Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo konton talanti oo dahab ah.

  • 13¶ Oo Boqor Sulaymaanna Xiiraam cid buu u diray oo Turos ka soo kexeeyey.

  • 28Waxayna yimaadeen Oofir, oo halkaasay Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

  • 77%

    22Maxaa yeelay, boqorku wuxuu badda ku lahaa doonniyo Tarshiish u dhoofa oo ay la jiraan Xiiraam doonniyihiisa; oo saddexdii sannadoodba mar bay doonniyihii Tarshiish iman jireen, oo waxay keeni jireen dahab, iyo lacag, iyo foolmaroodi, iyo daayeerro, iyo daa'uusyo.

    23Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.

  • 1 Boq 5:6-10
    5 aayado
    76%

    6Haddaba sidaas daraaddeed amar in Lubnaan layga soo jaro geedo kedar ah, oo addoommadayduna waxay la jiri doonaan addoommadaada, oo addoommadaadana in alla intii aad tidhaahdid ayaan kaaga kiraysan; waayo, waad garanaysaa inaan dhexdayada lagu arag wax dhirta u jari kara sida reer Siidoon.

    7Oo markii Xiiraam maqlay hadalkii Sulaymaan ayuu aad u farxay oo yidhi, Maanta waxaa mahad leh Rabbiga Daa'uud siiyey wiil xigmad leh oo u taliya dadkan badan.

    8Markaasaa Xiiraam Sulaymaan u cid diray oo wuxuu ku yidhi, Waan maqlay farriintii aad ii soo dirtay; oo waan yeelayaa waxaad doonayso oo ku saabsan qoryaha kedarka ah iyo qoryaha berooshka la yidhaahdo.

    9Oo addoommadayda ayaa Lubnaan ka soo qaadi doona, oo keeni doona ilaa badda; oo xidhmooyin baan ka dhigayaa si ay badda u raacaan ilaa meeshii aad igula ballantay, oo waxaan ka dhigi doonaa in halkaas lagu kala furfuro, oo waad qaadan doontaa; oo adna waxaan doonayo ayaad ii dhammayn doontaa, adoo reerkayga cunto ii siinaya.

    10Sidaasuu Xiiraam u siiyey Sulaymaan qoryo kedar ah iyo qoryo beroosh ah, intuu doonayay oo dhan.

  • 1 Boq 5:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Oo Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan u soo diray addoommadiisii, waayo, wuxuu maqlay inay meeshii aabbihiis isaga boqradeen; waayo, Xiiraam weligiisba wuxuu jeclaa Daa'uud.

    2Oo Sulaymaanna Xiiraam buu u cid diray oo ku yidhi,

  • 11Oo Xiiraam doonniyihiisii Oofir dahab ka keenay, waxay kaloo Oofir ka keeneen geedo almuug ah oo badan, iyo dhagaxyo qaali ah.

  • 10Oo Xuuraam addoommadiisii iyo Sulaymaan addoommadiisii oo Oofir dahab ka keenay, waxay kaloo keeneen geedo almuug ah iyo dhagaxyo qaali ah.

  • 75%

    21Maxaa yeelay, boqorku wuxuu lahaa doonniyo Tarshiish u dhoofa oo waxay raaceen addoommadii Xuuraam, oo saddexdii sannadoodba mar bay doonniyihii Tarshiish iman jireen, oo waxay keeni jireen dahab, iyo lacag, iyo foolmaroodi, iyo daayeerro, iyo daa'uusyo.

    22Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.

    23Oo boqorradii dunida oo dhammuna waxay doondooneen Sulaymaan inay arkaan oo ay maqlaan xigmaddii Ilaah qalbigiisa geliyey.

  • 14Xiiraamna wuxuu boqorkii u diray boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

  • Yex 27:8-9
    2 aayado
    74%

    8Turosay, kuwii sixiimadahaagii seebiyey waxay ahaayeen dadka Siidoon iyo Arwaad deggan, oo kuwii xigmadda lahaa ee ku dhex joogayna waxay ahaayeen doonniyawadayaashaadii.

    9Odayaashii Gebal iyo kuweedii xigmadda lahaa ee ku dhex joogay ayaa kuwa dillaacyada awda kuu ahaayeen, oo badda doonniyaheedii oo dhan iyo baxriyadoodii oo dhammuba way ku dhex joogeen si ay kuula baayacmushtaraan.

  • 16Oo annana in alla intaad u baahan tahay oo alwaax ah ayaannu Lubnaan kaaga soo jaraynaa; oo Yaafaa xaggeeda ayaannu badda kuu soo sabbaysiinaynaa, markaasaad Yeruusaalem u qaadan doontaa.

  • 36oo wuxuu isagii kula heshiiyey inay samaystaan doonniyo Tarshiish u dhoofa, oo doonniyihii waxay ku samaysteen Cesyoon Geber.

  • 8Oo weliba waxaad dalka Lubnaan iiga soo dirtaa geedo kedar ah iyo geedo beroosh ah iyo geedo almuug ah, waayo, waan ogahay in addoommadaadu sanco u leeyihiin inay Lubnaan alwaax ka soo jaraan, oo bal eeg addoommadayduna waxay la jiri doonaan addoommadaada,

  • 72%

    10Oo bal eeg, anigu addoommadaada alwaaxda jaraya waxaan siin doonaa labaatan kun oo kor oo ah sarreen la tumay, iyo labaatan kun oo kor oo ah shaciir, iyo labaatan kun oo bad oo khamri ah, iyo labaatan kun oo bad oo saliid ah.

    11Markaasaa Xuuraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu ku soo jawaabay warqad uu u soo qoray Sulaymaan oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu dadkiisa waa jecel yahay, sidaas daraaddeed buu boqor kaaga dhigay.

    12Oo weliba Xuuraam wuxuu kaloo yidhi, Ammaan waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo sameeyey samada iyo dhulkaba, oo Boqor Daa'uudna siiyey wiil xigmad leh oo ay ka buuxaan caqli iyo waxgarasho oo doonaya inuu Rabbiga guri u dhiso iyo guri ay boqortooyadiisu leedahay.

    13Oo haddaba waxaan kuu soo diray nin saanac ah oo waxgarad miidhan ah kaasoo ah Xuuraamaabbii.

    14Oo isaga waxaa dhashay naag reer Daan ah oo aabbihiisna wuxuu ahaa nin reer Turos ah. Isagu wuxuu yaqaan sancada dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta, iyo dhagaxa, iyo alwaaxda, iyo guduudka, iyo buluugga, iyo dharka wanaagsan, iyo casaanka, oo weliba wuxuu yaqaan inuu xaradh cayn kasta ah xardho iyo inuu wax kasta hindiso; haddaba isaga meel ha laga dhex siiyo raggaaga saanacyada ah iyo sayidkayga Daa'uud oo aabbahaa ah raggiisa saanacyada ah.

  • 23Kuwa badda doonniyaha ku mara, Oo shuqulkooda ku sameeya biyaha badan,

  • 11ayuu Boqor Sulaymaan Xiiraam siiyey labaatan magaalo oo ku tiil dalkii Galili. (Maxaa yeelay, Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan siiyey qoryo kedar ah, iyo qoryo beroosh ah, iyo dahab, in alla intuu doonayay.)

  • 28Oo Sulaymaanna fardo waxaa looga keeni jiray Masar iyo dalalka kale oo dhanba.

  • 5Alwaaxda doonniyahaaga oo dhan waxay ka sameeyeen dhirta berooshka ah ee Seniir, oo Lubnaan waxay ka soo goosteen geedo kedar ah si ay daqal kaaga dhigaan.

  • 14oo intaasu kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaashu, oo boqorradii dalka Carabta iyo taliyayaashii waddanka oo dhammuna waxay Sulaymaan u keeni jireen dahab iyo lacag.

  • 9Laakiinse reer binu Israa'iil Sulaymaan shuqulkiisii addoommo ugama uu dhigan, waxayse ahaayeen rag dagaalyahan ah iyo madaxdii saraakiishiisa, iyo taliyayaashii gaadhifardoodkiisa iyo fardooleydiisaba.

  • 71%

    12Oo Rabbiguna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad siduu ugu ballanqaaday; oo Xiiraam iyo Sulaymaanna nabad baa u dhexaysay, oo labadoodu axdi bay dhigteen.

    13¶ Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu dadkii Israa'iil oo dhan ka dhex doortay niman shaqaalayaal ah, oo shaqaalayaashuna waxay ahaayeen soddon kun oo nin.

  • 12Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, iyo weliba wax ka sii badan wixii ay boqorka u keentay. Markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyada iyo addoommadeediiba.

  • 25Doonniyaha Tarshiish ayaa shixnaddaada qaadi jiray, oo adigu waad buuxsantay, oo badda dhexdeeda ayaad aad ugu sharaf badnayd.

  • 3Oo Sulaymaanna wuxuu u cid diray Xuuraam oo ahaa boqorkii Turos oo ku yidhi, Sidaad u yeeshay aabbahay Daa'uud markaad isaga u soo dirtay alwaax kedar ah oo uu ku dhisto guri uu ku hoydo, anigana sidii oo kale ii yeel.

  • 18Oo Sulaymaan waxdhisayaashiisii iyo Xiiraam waxdhisayaashiisii iyo reer Gebal ayaa qoray, oo waxay hagaajiyeen alwaaxdii iyo dhagxantii guriga lagu dhisi lahaa.

  • 9Boqor Sulaymaan wuxuu kursi la qaado Ka samaystay qoryihii Lubnaan.

  • 3Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan iyo gurigii uu dhisay,

  • 28Fardihii Sulaymaan haystayna waxaa laga keenay dalka Masar, oo boqorka baayacmushtariyaashiisii ayaa raxan raxan u soo kaxeeyey, iyagoo raxanba iib gaar ah siiyey.

  • 16Oo Sulaymaan farduhuu haystayna waxaa laga keenay dalka Masar, oo boqorka baayacmushtariyaashiisii ayaa raxan raxan u soo kaxeeyey iyagoo raxanba iib gaar ah siiyey.

  • 1¶ Boqoraddii Shebaa markay maqashay Sulaymaan warkiisii ayay Sulaymaan ugu timid Yeruusaalem inay ku imtixaanto su'aalo adadag, oo waxay wadatay dad aad u badan, iyo awr badan oo ay ku raran yihiin uunsi, iyo dahab aad u badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo markay Sulaymaan u timid wixii qalbigeeda ku jiray oo dhan ayay kala hadashay.

  • 48Oo Yehooshaafaadna wuxuu samaystay doonniyo Tarshiish inay Oofir tagaan oo dahab u doonaan aawadeed, laakiinse halkaas ma ay tegin, maxaa yeelay, doonniyihii waxay ku burbureen Cesyoon Geber agteeda.

  • 15Oo Sulaymaanna wuxuu lahaa toddobaatan kun oo xammaal iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jari jiray.

  • 13Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, oo ayan ku jirin wixii uu Sulaymaan u siiyey sharafta boqornimadiisa, markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyadii iyo addoommadeediiba.