1 Samuu'eel 10:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markuu dhammeeyey waxsheegiddii ayuu yimid meeshii sare.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    9Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Halkan iigu keena qurbaanka la gubo, iyo qurbaannada nabaadiinadaba. Markaasuu bixiyey qurbaankii la gubayay.

    10Oo markuu dhammeeyey bixintii uu bixinayay allabariga la gubo, waxaa yimid Samuu'eel; markaasaa Saa'uul u baxay inuu ka hor tago oo soo salaamo.

    11Markaasaa Samuu'eel wuxuu ku yidhi, War maxaad samaysay? Oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa yeelay, waxaan arkay in dadkii iga kala firdhay, iyo inaad adiguna ku iman weyday maalmihii aan ku ballannay, iyo in reer Falastiinna dhammaantood isku soo urursadeen Mikmaash agteeda;

  • 79%

    9¶ Oo waxaa dhacday markuu dhabarka u jeediyey Samuu'eel, inuu Ilaah siiyey qalbi kale, oo calaamooyinkaasi oo dhammuna maalintaasay wada ahaadeen.

    10¶ Oo markay buurtii yimaadeen waxaa la kulmay guuto nebiyo ah, oo Ruuxii Ilaahna si xoog leh ayuu ugu soo degay isagii, markaasuu dhexdoodii wax ka sii sheegay.

    11Oo kuwii mar hore isaga yiqiin oo dhammu, markay arkeen inuu nebiyada wax la sii sheegayo, ayaa dadkii midba kan kale ku yidhi, War waa maxay waxan ku dhacay wiilkii Qiish? Saa'uulna ma nebiyaduu ka mid yahay?

    12Oo mid halkaas joogay ayaa isna yidhi, Oo aabbahoodna waa kuma? Sidaas daraaddeed taasu waxay noqotay maahmaah; Saa'uulna ma nebiyaduu ka mid yahay?

  • 76%

    25Oo markay ka soo degeen meeshii sare, oo ay magaaladii soo galeen, wuxuu Saa'uul kula sheekaystay guri dushiis.

    26Oo waxay kaceen aroor hore, oo markii waagu soo kaahay, Samuu'eel ayaa Saa'uul gurigii dushiisa uga yeedhay, oo ku yidhi, Kac aan ku diree. Markaasaa Saa'uul kacay, oo isaga iyo Samuu'eelba dibadday u baxeen.

    27Oo markay ka sii dhaadhacayeen magaalada darafkeeda, Samuu'eel ayaa Saa'uul ku yidhi, Midiidinka u sheeg inuu inaga sii hor maro, (markaasuu isna ka hor maray,) laakiinse adigu istaag haatan, aan erayga Ilaah ku maqashiiyee.

  • 76%

    14¶ Markaasaa Saa'uul adeerkiis wuxuu ku yidhi isagii iyo midiidinkiisiiba, War xaggee baad tagteen? Markaasuu yidhi, Dameerihii baannu doonnay, oo markaannu ogaannay inaan la helin ayaannu Samuu'eel u nimid.

    15Markaasaa Saa'uul adeerkiis wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg wixii Samuu'eel idinku yidhi.

    16Kolkaasaa Saa'uul wuxuu adeerkiis ku yidhi, Bayaan buu noogu sheegay in dameerihii la helay. Laakiinse xagga waxa boqortooyadii ku saabsan Samuu'eel ka hadlay uma uu sheegin.

    17¶ Oo Samuu'eelna dadkii buu dhammaan isugu yeedhay xagga Rabbiga ilaa Misfaah;

  • 76%

    10Markaasaa Saa'uul wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, Wax wanaagsan baad tidhi, haddaba ina keen aan tagnee. Sidaas daraaddeed waxay galeen magaaladii ninka Ilaah joogay.

    11Oo markay soo fuulayeen jiirtii magaalada waxay la kulmeen gabdho aroor u soo baxaya, kolkaasay ku yidhaahdeen, Wax arkihii halkan ma joogaa?

    12Oo markaasay ugu jawaabeen, Wuu joogaa, oo wuu idinka horreeyaa, haddaba dhaqsada, waayo, isagu maantuu magaalada yimid, maxaa yeelay, dadku maantay allabari ku bixinayaan meesha sare.

    13Oo markaad magaalada gashaan, isla markaasba waad helaysaan isaga intuusan meesha sare tegin inuu wax ku cuno, waayo, dadku wax cuni maayaan ilaa uu yimaado, maxaa yeelay, isagaa allabariga ku duceeya; dabadeedna kuwii loo yeedhay way cunaan. Haddaba sidaas daraaddeed kaca, waayo, hadda waad helaysaan isagii.

    14Markaasay magaaladii u kaceen, oo markay magaaladii soo galeen, bal eeg, waxaa iyagii ka soo hor baxay Samuu'eel oo u socda meeshii sare.

    15¶ Haddaba Rabbigu wax buu Samuu'eel u muujiyey maalin ka horraysay intaan Saa'uul iman, oo wuxuu ku yidhi,

  • 75%

    19Saa'uulna waa loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Daa'uud wuxuu joogaa Naayood oo Raamaah ku taal.

    20Markaasaa Saa'uul rag u soo diray inay Daa'uud soo qabtaan; oo iyana markay arkeen guutadii nebiyada ahayd oo wax sheegaya, iyo Samuu'eel oo dhex taagan oo madax u ah ayaa ruuxii Rabbigu ku soo degay raggii Saa'uul soo diray, oo iyana wax bay sii sheegeen.

    21Oo taas markii Saa'uul loo sheegay ayuu haddana soo diray rag kale, oo iyana wax bay sii sheegeen. Oo haddana mar saddexaad ayaa Saa'uul rag kale soo diray, oo iyana wax bay sii sheegeen.

    22Markaasaa isagiina Raamaah tegey, oo wuxuu yimid ceelka weyn oo ku yaal Sekuu, dabadeedna dadkii buu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Samuu'eel iyo Daa'uud xaggee bay joogaan? Oo waxaa lagu yidhi, Waxay joogaan Naayood oo Raamaah ku taal.

    23Markaasuu wuxuu tegey Naayood oo Raamaah ku taal; markaasaa isagiina waxaa ku soo degay ruuxii Ilaah, oo wuu sii socday, oo sidii nebi buu wax u sheegay tan iyo ilaa uu yimid Naayood oo Raamaah ku taal.

    24Oo isna dharkii buu iska siibay, oo Samuu'eel hortiisuu wax ku sii sheegay, oo halkaasuu jiifay isagoo qaawan maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhan. Oo sidaas daraaddeed waxay yidhaahdaan, Saa'uulna ma nebiyaduu ka mid yahay?

  • 72%

    12Markaasaa Samuu'eel aroor hore kacay, oo wuxuu damcay inuu Saa'uul ka hor tago; oo waxaa Samuu'eel loo sheegay oo lagu yidhi, Saa'uul baa yimid Karmel, oo bal eeg, halkaas tiir xusuus ah ayuu ka taagtay, oo intuu wareegay ayuu gudbay, oo Gilgaal ku dhaadhacay.

    13Oo Samuu'eelna Saa'uul buu u yimid; markaasaa Saa'uul ku yidhi isagii, Rabbigu ha ku barakeeyo; anigu amarkii Rabbiga waan oofiyey.

    14Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Haddaba waa maxay micneheedu cidan idaha ee aan dhegahayga ku maqlayaa, iyo cida dibida ee aan maqlayaa?

  • 72%

    18Markaasaa Saa'uul u soo dhowaaday Samuu'eel oo iridda jooga, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg wax arkaha gurigiisu meeshuu yahay.

    19Oo Samuu'eelna wuu u jawaabay Saa'uul oo ku yidhi, Wax arkuhu waa aniga, meesha sare hortay taga, waayo, idinku maanta anigaad wax ila cunaysaan, oo subaxdiina waan ku dirayaa, oo kulli waxa qalbigaaga ku jira oo dhanna waan kuu sheegi doonaa.

  • 1 Sam 10:5-6
    2 aayado
    71%

    5Oo taas dabadeedna waxaad iman doontaa buurta Ilaah, meeshaasoo ay joogaan ciidankii Falastiin, oo waxay noqon doontaa markaad magaalada timaadid inaad la kulmi doonto guuto nebiyo ah ee ka soo degaysa meesha sare iyagoo horta ku sita shareerad, iyo daf, iyo biibiile, iyo kataarad, oo iyana wax bay sii sheegi doonaan.

    6Markaasaa Ruuxa Ilaah si xoog leh kuugu soo degi doonaa, oo markaasaad iyaga wax la sii sheegi doontaa, oo waxaad u beddelmi doontaa nin kale.

  • 46Markaasaa Saa'uul wuxuu ka hadhay reer Falastiin raacdaysigoodii; oo reer Falastiinna meeshoodii bay tageen.

  • 23Oo intay ordeen ayay halkaas ka soo kexeeyeen, oo markuu dadkii soo dhex joogsaday, wuu ka dheeraa dadkii oo dhan garbihiisa iyo waxa ka sarreeyaba.

  • 10¶ Markaasaa Samuu'eel waxaa u yimid Eraygii Rabbiga oo ku leh,

  • 5Oo markay yimaadeen dalkii reer Suuf, Saa'uul wuxuu midiidinkiisii la socday ku yidhi, Ina keen aan noqonnee, waayo, waaba intaasoo aabbahay dameerihii ka hawo go'aa oo innaga inaga fikiraaye.

  • 70%

    14Isna wuxuu ku yidhi, Muxuu u eg yahay? Markaasay tidhi, Waxaa soo baxaya nin oday ah oo huwis huwan. Kolkaasaa Saa'uul wuxuu ogaaday inuu kaasu Samuu'eel yahay, wejiguuna dhulka saaray, wuuna u sujuuday.

    15Markaasaa Samuu'eel Saa'uul ku yidhi, War maxaad ii soo dhibtay oo ii soo kicisay? Markaasaa Saa'uul wuxuu ugu jawaabay, Anigu aad baan u dhibbanahay; waayo, reer Falastiin baa ila dagaallama, oo Ilaahna waa iga tegey, oo marna iima jawaabo, oo nebiyo iyo riyooyin midna igulama hadlo, sidaas daraaddeed ayaan kuugu yeedhay, inaad i ogeysiisid waxaan sameeyo.

  • 34¶ Markaasaa Samuu'eel Raamaah tegey; oo Saa'uulna wuxuu tegey xaggii gurigiisii oo ku yiil Gibecaahdii Saa'uul.

  • 3¶ Oo Samuu'eelna mar hore wuu dhintay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way u baroorteen, waxayna ku aaseen Raamaah taasoo ahayd magaaladiisii. Saa'uulna wuu wada eryay kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii oo dhan, oo dalka wuu ka wada saaray.

  • 4Oo Samuu'eelna wuxuu Rabbigu kala hadlay ayuu sameeyey, wuxuuna yimid Beytlaxam. Oo odayaashii magaaladuna way ka hor tageen, iyagoo gariiraya, oo waxay ku yidhaahdeen, Nabad ma u timid?

  • 2Oo Samuu'eelna wuxuu yidhi, Sidee baan u tegi karaa? Waayo, haddii Saa'uul taas maqlo wuu i dili doonaa. Oo Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Waxaad kaxaysataa qaalin lo' ah, oo waxaad tidhaahdaa, Waxaan u imid inaan Rabbiga allabari u bixiyo.

  • 16Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Bal sug, oo anna waxaan kuu sheegayaa wixii Rabbigu xalay igu yidhi. Markaasuu yidhi, Bal ii sheeg.

  • 15¶ Markaasaa Samuu'eel kacay, wuuna ka baxay Gilgaal, oo xagga Gibecaahda reer Benyaamiin buu tegey. Oo Saa'uulna markaasuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo waxay noqdeen in ku dhow lix boqol oo nin.

  • 23Oo markuu kibis cunay oo biyo cabbay dabadeed ayuu dameerkiisii u kooreeyey nebigii uu soo celiyey.

  • 8Oo maalintii dambe markay reer Falastiin u yimaadeen inay dharka ka furtaan kuwii la dilay waxay heleen Saa'uul iyo wiilashiisii oo Buur Gilboca ku dhintay.

  • 5Oo bal eeg, waxaa yimid Saa'uul oo dibiyadii duurka ka keenay, oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa ku dhacay dadka oo ay la ooyayaan? Markaasay u sheegeen hadalladii nimankii reer Yaabeesh.

  • 10Markaasaa Rabbigu u yimid, oo ag istaagay, oo sidii mararkii kale ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Samuu'eelow, Samuu'eelow. Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Ila hadal, waayo, anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye.

  • 16Markii Daa'uud hadalkaas Saa'uul u dhammeeyey ayaa Saa'uulna wuxuu yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, kaasu ma codkaagii baa? Saa'uulna codkiisii kor buu u qaaday oo ooyay.