1 Samuu'eel 2:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa Elqaanaah wuxuu tegey Raamaah iyo xaggii gurigiisii. Oo wiilkiina wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray wadaadkii Ceelii hortiisa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 2:18 : 18 ¶ Laakiinse Samuu'eel wuxuu ka adeegi jiray Rabbiga hortiisa, isagoo wiil yar ah, ee guntan eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.
  • 1 Sam 3:1 : 1 ¶ Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray Ceelii hortiisa. Oo wakhtigaasna erayga Rabbigu wax aan marar badan la helin buu ahaa, oo muuqasho bayaan ahna lama muujin.
  • 1 Sam 1:28 : 28 sidaas daraaddeed waxaan isaga siiyey Rabbiga, oo intuu nool yahay oo dhan waxaa leh oo la siiyey Rabbiga. Oo isna halkaasuu Rabbiga ku caabuday.
  • 1 Sam 1:19 : 19 Markaasay aroor hore kaceen, oo Rabbiga caabudeen, dabadeedna way noqdeen, oo yimaadeen gurigoodii Raamaah ku yiil; markaasaa Elqaanaah u tegey naagtiisii Xannaah; oo Rabbiguna iyadii wuu xusuustay.
  • 1 Sam 3:15 : 15 Markaasaa Samuu'eel iska jiifsaday ilaa subaxdii, oo dabadeedna wuxuu furay gurigii Rabbiga albaabbadiisii. Oo Samuu'eelna waa ka cabsaday inuu Ceelii muujintii u sheego.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Sam 1:1-4
    4 aayado
    80%

    1¶ Waxaa jiray nin reer Raamaatayim Soofiim ahaa oo degganaa dalkii buuraha lahaa ee reer Efrayim, magiciisana waxaa la odhan jiray Elqaanaah, oo wuxuu ahaa ina Yeroxaam, ina Eliihuu, ina Toohuu, ina Suuf, wuxuuna ahaa reer Efraad;

    2oo wuxuu lahaa laba naagood, middood magaceeda waxaa la odhan jiray Xannaah, tan kale magaceeduna wuxuu ahaa Feninnaah. Feninnaah carruur bay lahayd, laakiinse Xannaah carruur ma lahayn.

    3Oo ninkaasu sannad ka sannad wuxuu ka bixi jiray magaaladiisa, oo wuxuu u tegi jiray inuu Rabbiga Ciidammada Shiiloh ku caabudo oo allabari u bixiyo. Oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas, ee Rabbiga wadaaddo u ahaana halkaasay joogeen.

    4Oo Elqaanaah maalintii uu allabariga bixiyey ayuu qayb siiyey naagtiisii Feninnaah iyo wiilasheedii iyo gabdhaheedii oo dhan,

  • 79%

    18¶ Laakiinse Samuu'eel wuxuu ka adeegi jiray Rabbiga hortiisa, isagoo wiil yar ah, ee guntan eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.

    19Oo weliba hooyadiisna waxay u samayn jirtay khamiis yar, oo sannad ka sannad ayay u keeni jirtay, markay ninkeeda soo raacdo inay bixiyaan allabarigii sannadda.

    20Oo Ceeliina waa u duceeyey Elqaanaah iyo afadiisiiba, oo wuxuu ku yidhi, Daynkii Rabbiga la siiyey aawadiis Rabbigu naagtan farcan ha kaa siiyo. Oo iyana waxay tageen xaggii gurigoodii.

    21Oo Rabbigu waa soo booqday Xannaah, oo way uuraysatay, oo waxay dhashay saddex wiil iyo laba gabdhood. Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu ku koray Rabbiga hortiisa.

    22¶ Oo Ceeliina aad buu u gaboobay; oo wuxuuna maqlay wixii ay wiilashiisu reer binu Israa'iil oo dhan ku sameeyeen, iyo inay la seexdeen dumarkii ka adeegi jiray iridda teendhada shirka.

  • 78%

    19Markaasay aroor hore kaceen, oo Rabbiga caabudeen, dabadeedna way noqdeen, oo yimaadeen gurigoodii Raamaah ku yiil; markaasaa Elqaanaah u tegey naagtiisii Xannaah; oo Rabbiguna iyadii wuu xusuustay.

    20Oo markii wakhtigii la gaadhay ayay Xannaah uuraysatay, oo ay wiil dhashay; oo magiciisiina waxay u bixisay Samuu'eel, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, isagaan Rabbiga weyddiistay.

    21¶ Markaasaa ninkii Elqaanaah ahaa, iyo reerkiisii oo dhammuba waxay u tageen inay Rabbiga u bixiyaan allabarigii sannad walba joogtada u ahaa iyo nidarkiisii.

    22Laakiinse Xannaah ma ay tegin, waayo, waxay ninkeedii ku tidhi, Anigu tegi maayo ilaa wiilka naaska laga gudhiyo, dabadeedna waan keeni doonaa inuu Rabbiga hortiisa ka muuqdo, oo uu halkaas joogo weligiisba.

    23Markaasaa ninkeedii Elqaanaah ku yidhi, Wixii kula wanaagsan yeel; oo iska joog ilaa aad naaska ka gudhisid, laakiinse Rabbigu eraygiisa ha adkeeyo. Sidaas aawadeed naagtii way iska joogtay oo wiilkii bay nuujisay ilaa ay naaskii ka gudhisay.

    24Oo markay isagii naaska ka gudhisay ayay qaadatay oo la tagtay isagii, iyo saddex dibi, iyo eefaah bur ah, iyo qarbed khamri ah, oo waxay isagii keentay gurigii Rabbiga ee Shiiloh ku yiil, oo wiilkuna wuu yaraa.

    25Markaasay dibi qaleen, oo wiilkiina waxay u keeneen Ceelii.

    26Kolkaasay tidhi, Sayidkaygiiyow, waxaan ku dhaaranayaa naftaada nool, Sayidkaygiiyow, waxaan ahay naagtii halkan ku soo ag istaagtay, iyadoo Rabbiga baryaysa.

  • 1 Sam 3:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray Ceelii hortiisa. Oo wakhtigaasna erayga Rabbigu wax aan marar badan la helin buu ahaa, oo muuqasho bayaan ahna lama muujin.

    2Oo wakhtigaas markii Ceelii jiifsaday meeshiisii, (haddaba indhihiisii way arag darnaayeen oo waxba ma uu arki karin)

    3oo laambaddii Ilaahna aan weli la demin, oo Samuu'eelna jiifsaday macbudkii Rabbiga, kaasoo ah meeshii sanduuqa Ilaah yiil,

  • 9Saas aawadeed Xannaah way kacday markii ay Shiiloh wax ku cuneen oo ay wax cabbeen dabadeed. Haddaba wadaadkii Ceelii ahaa wuxuu ku fadhiistay kursigiisii oo ag yiil macbudka Ilaah tiirkiisa.

  • 28sidaas daraaddeed waxaan isaga siiyey Rabbiga, oo intuu nool yahay oo dhan waxaa leh oo la siiyey Rabbiga. Oo isna halkaasuu Rabbiga ku caabuday.

  • 27oo isna dhalay Elii'aab, oo isna dhalay Yeroxaam, oo isna dhalay Elqaanaah.

  • 12¶ Haddaba Ceelii wiilashiisii waxay ahaayeen wiilal waxmatarayaal ah, oo Rabbiga ma ay aqoon.

  • 71%

    11Oo kii reer Laawina raalli buu ka ahaa inuu ninkii la joogo; oo ninkii dhallinyarada ahaana wuxuu Miikaah u ahaa sida wiilashiisa midkood oo kale.

    12Markaasuu Miikaah quduus ka dhigay kii reer Laawi, oo ninkii dhallinyarada ahaana wuxuu Miikaah u noqday wadaadkiisii, oo gurigii Miikaah ayuu joogay.

  • 71%

    11Markaasay nidar nidartay, oo waxay tidhi, Rabbiga Ciidammadow, haddaad fiirisid dhibta aan anoo addoontaada ah qabo, oo aad i soo xusuusatid, ee aadan i illoobin anoo addoontaada ah, laakiinse aad i siiso wiil, de markaas cimrigiisa oo dhan waan ku siinayaa, Rabbiyow, oo madaxiisana mandiil lama marin doono.

    12Oo intii ay Rabbiga hortiisa ku baryootamaysay ayuu Ceelii fiiriyey afkeedii.

  • 35Oo anigu waxaan kicin doonaa wadaad aamin ah kaasoo samayn doona waxa ku jira qalbigayga iyo maankayga; oo anna waxaan isaga u dhisi doonaa reer ammaan ah, oo isna weligiis wuxuu ku hor socon doonaa kayga subkan.

  • 71%

    26Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuu sii koray, oo Rabbiga iyo dadkuba raalli bay ka ahaayeen.

    27¶ Markaasaa Ceelii waxaa u yimid nin Ilaah, oo wuxuu ku yidhi isagii, Sidanaa Rabbigu leeyahay, Reerkii aabbahaa miyaan isu muujiyey markay Masar joogeen oo ay ku hoos jireen addoonsigii reerkii Fircoon?

    28Oo miyaan isaga ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan inuu wadaad ii noqdo, iyo inuu ku allabaryo meeshayda allabariga, iyo inuu uunsi shido, iyo inuu hortayda eefod ku xidho? Oo miyaan reerkii aabbahaa siiyey qurbaannadii reer binu Israa'iil oo dhan ee dab lagu sameeyo?

  • 70%

    14Sidaas daraaddeed waxaan reerka Ceelii ugu dhaartay inaan reerka Ceelii weligiis dembigiisa lagu nadiifin doonin allabari amase qurbaan.

    15Markaasaa Samuu'eel iska jiifsaday ilaa subaxdii, oo dabadeedna wuxuu furay gurigii Rabbiga albaabbadiisii. Oo Samuu'eelna waa ka cabsaday inuu Ceelii muujintii u sheego.

    16Markaasaa Ceelii Samuu'eel u yeedhay, oo ku yidhi, Wiilkaygii Samuu'eelow, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan.

  • 11Kolkaasaa boqorku u cid diray in loo yeedho wadaadkii Axiimeleg ee ahaa ina Axiituub, isagii iyo reerkii aabbihiis oo dhanba, kuwaas oo ahaa wadaaddadii Nob joogay; oo iyana kulligood boqorkii bay u yimaadeen.

  • 16Oo ninkii wuxuu Ceelii ku yidhi, Anigu waxaan ahay kii ciidankii ka soo baxay, oo maantaan ciidankii ka soo cararay. Markaasuu yidhi, Wiilkaygiiyow, sidee bay xaaladdu u dhacday?

  • 3iyo Axiiyaah oo ahaa ina Axiituub, oo Iikaboodna walaalkiis ahaa, ee ahaa reer Fiinexaas ina Ceelii oo ahaa wadaadkii Rabbiga oo Shiiloh joogay, isagoo eefod qaba. Oo dadkuna ma ogayn inuu Yoonaataan tegey.

  • 11Wiilashaydiiyow, haddaba adeegiddiinna ha dayacina, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad hortiisa istaagtaan oo aad isaga u adeegtaan, oo aad midiidinno u ahaataan, oo aad foox u shiddaan.

  • Luuk 1:8-9
    2 aayado
    69%

    8¶ Waxaa dhacay, intuu shuqulkii wadaadnimadii safkiisa dartiis samaynayay Ilaah hortiisa,

    9sida caadadii wadaadnimadu u ahayd, in shuqulkiisu ahaa inuu foox shido goortuu macbudka Rabbiga galay.

  • 1 Sam 3:8-9
    2 aayado
    69%

    8Oo haddana Rabbigu wuxuu Samuu'eel u yeedhay mar saddexaad. Oo isna wuu kacay oo u tegey Ceelii, wuxuuna ku yidhi, Waa i kan; waayo, waad ii yeedhay. Oo Ceeliina markaasuu gartay in Rabbigu u yeedhay yarka.

    9Sidaas daraaddeed Ceelii wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Tag oo iska jiifso, oo waxay ahaan doontaa, hadduu kuu yeedho inaad ku tidhaahdid, Rabbiyow ila hadal, waayo anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye. Sidaas aawadeed Samuu'eel waa tegey oo meeshiisuu jiifsaday.

  • 7markaas waa inuu ku adeegaa magaca Rabbiga Ilaahiisa ah siday wada yeelaan walaalihiisa reer Laawi oo Rabbiga hortiisa taagan oo dhammu.

  • 4Sidaas daraaddeed dadkii waxay u cid direen Shiiloh, oo waxay halkaas ka keeneen sanduuqii axdiga Rabbiga Ciidammada oo ku fadhiya Keruubiimta dushooda, oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas iyana halkaasay la joogeen sanduuqa axdiga Ilaah.

  • 15Oo weliba intaan baruurta la gubin ayaa midiidinkii wadaadku iman jiray, oo wuxuu ku odhan jiray ninkii alla baryayay, Hilib wadaadka loo dubo keen, waayo, isagu kaa dooni maayo hilib karsan, mid ceedhin ah mooyaane.

  • 22Oo markaas dabadeed ayaa reer Laawi gudaha u galeen inay teendhada shirka kaga adeegaan Haaruun iyo wiilashiisa hortooda, oo wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray ayay ku sameeyeen.

  • 17Oo wuxuu ku noqon jiray Raamaah, waayo, halkaasuu gurigiisu ahaa, oo halkaasna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray; oo halkaasna wuxuu Rabbiga uga dhisay meel allabari.

  • 1¶ Markaasaa waxaa yimid dadkii reer Qiryad Yecaariim, oo waxay qaateen sanduuqii Rabbiga, oo waxay soo geliyeen gurigii Abiinaadaab ee buurta ku yiil, oo waxay quduus ka dhigeen wiilkiisii Elecaasaar inuu hayo sanduuqii Rabbiga.

  • 11Oo sanduuqii Ilaahna waa la qaatay; oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaasna waa la dilay.