1 Samuu'eel 20:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaad saddex maalmood joogto dabadeed waa inaad dhaqsataa oo aad tagtaa halkaad ku dhuumatay markii xaalkanu dhacay, oo waa inaad sii ag joogtaa dhagixii Kalategidda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 19:2 : 2 Laakiinse Saa'uul wiilkiisii Yoonaataan ahaa Daa'uud aad buu ugu farxay. Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud u sheegay oo ku yidhi, Aabbahay Saa'uul wuxuu doonayaa inuu ku dilo. Haddaba waan ku baryayaaye, subaxdii digtoonow, oo intaad meel qarsoon gashid dhuumo;
  • 1 Sam 20:5 : 5 Oo Daa'uudna Yoonaataan buu ku yidhi, Bal eeg, berrito bil baa dhalanaysa, oo waa inaanan ka baaqan inaan boqorka cunto ula fadhiisto, laakiinse i sii daa, aan tagee, oo aan ilaa maalinta saddexaad duurka ku dhuuntee.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 18Markaasaa Yoonaataan wuxuu isagii ku yidhi, Berrito bil baa dhalanaysa oo waa lagu waayi doonaa, maxaa yeelay, kursigaagu wuu madhnaan doonaa.

  • 20Oo anna waxaan meeshaas dhinaceeda ku soo gani doonaa saddex fallaadhood, sidii anigoo calaamad ku ganaya.

  • 1 Sam 19:2-3
    2 aayado
    77%

    2Laakiinse Saa'uul wiilkiisii Yoonaataan ahaa Daa'uud aad buu ugu farxay. Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud u sheegay oo ku yidhi, Aabbahay Saa'uul wuxuu doonayaa inuu ku dilo. Haddaba waan ku baryayaaye, subaxdii digtoonow, oo intaad meel qarsoon gashid dhuumo;

    3oo anigu waan tegayaa, oo beerta aad ku jirto dhexdeeda ayaan aabbahay ag istaagayaa, oo xaggaagaan aabbahay kala hadlayaa, oo hadday wax jiraanna waan kuu soo sheegayaa.

  • 1 Sam 20:3-6
    4 aayado
    76%

    3Oo haddana Daa'uud wuu dhaartay oo yidhi, Aabbahaa aad buu u og yahay inaad raalli iga tahay; oo wuxuu isyidhaahdaa, Yuusan Yoonaataan tan ogaanin waaba intaasoo uu ka calool xumaadaaye; laakiinse sida runta ah, waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaada inaan aniga iyo dhimasho waxba noo dhaxayn tallaabo mooyaane.

    4Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wax alla wixii naftaadu jeceshahayba waan kuu samayn doonaa.

    5Oo Daa'uudna Yoonaataan buu ku yidhi, Bal eeg, berrito bil baa dhalanaysa, oo waa inaanan ka baaqan inaan boqorka cunto ula fadhiisto, laakiinse i sii daa, aan tagee, oo aan ilaa maalinta saddexaad duurka ku dhuuntee.

    6Oo haddii aabbahaa i waayo, waxaad ku tidhaahdaa, Daa'uud aad buu fasax ii weyddiistay inuu magaaladiisii Beytlaxam ku ordo; waayo, ehelkiisii oo dhan ayaa halkaas ku bixinaya allabarigii sannadka.

  • 76%

    9Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Taasu ha kaa fogaato, waayo, haddaan ogahay in aabbahay maaggan yahay inuu shar kugu sameeyo, sow kuuma soo sheegeen?

    10Kolkaasaa Daa'uud wuxuu Yoonaataan ku yidhi, Haddii aabbahaa si xun ugu jawaabo bal yaa ii soo sheegaya?

    11Oo Yoonaataanna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Kaalay oo ina keen aan duurka tagnee. Oo labadoodiiba waxay tageen duurka.

    12¶ Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu, markhaati ha ka ahaado; berrito ama saa dambe haddaa oo kale, markii aan aabbahay soo calool baadho, hadduu wanaag kuu qabo, sow kuu soo cid diri maayo, oo daaha kaaga qaadi maayo wuxuu maaggan yahay oo dhan?

    13Hadday aabbahay ka farxin lahayd inuu shar kugu sameeyo oo aanan daaha kaaga qaadin, oo aanan weliba ku dirin si aad nabdoonaan ugu tagtid, Rabbigu saas iyo ka sii daran ha igu sameeyo; Rabbiguna ha kuula jiro siduu aabbahay ula jiray oo kale.

  • 74%

    27Oo maalintii ka dambaysay galabtii bishu dhalatay, taasoo ahayd maalintii labaad, Daa'uud meeshiisii way madhnayd, markaasaa Saa'uul wuxuu wiilkiisii Yoonaataan ku yidhi, War wiilka Yesay muxuu cuntada ugu iman waayay shalay iyo maantaba?

    28Markaasaa Yoonaataan wuxuu Saa'uul ugu jawaabay, Daa'uud aad buu fasax ii weyddiistay inuu Beytlaxam tago,

    29oo wuxuu yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii daa, aan tagee, waayo, ehelkayagii baa magaalada allabari ku leh, oo walaalkay baa igu amray inaan halkaas joogo, haddaba haddii aad raalli iiga tahay i sii daa aan tagee oo walaalahay soo arkee, waan ku baryayaaye. Oo sidaas daraaddeed buu u iman waayay miiska boqorka.

  • 73%

    35¶ Oo subaxdii dambe ayuu Yoonaataan duurka tegey wakhtigii uu Daa'uud la ballamay isagoo wata wiil yar.

    36Markaasuu wiilkii yaraa ku yidhi, Orod hadda oo soo doondoon fallaadhaha aan ganayo. Oo intii yarkii sii ordayay ayuu fallaadh shishadiisa ku ganay.

    37Oo yarkii markuu yimid meeshii Yoonaataan fallaadhii ku soo ganay ayaa Yoonaataan ka soo daba qayliyey yarkii, oo ku yidhi, War sow fallaadhii kaama sii shishayso?

    38Oo haddana Yoonaataan wuxuu ka soo daba dhawaaqay wiilkii oo ku yidhi, War dheeree oo dhaqso oo ha joogsan. Markaasaa Yoonaataan yarkiisii soo ururiyey fallaadhihii oo sayidkiisii u yimid.

    39Laakiin yarku waxba ma ogayn, Yoonaataan iyo Daa'uud keliya ayaase xaalka ogaa.

    40Markaasaa Yoonaataan hubkiisii yarkii u dhiibay, oo ku yidhi, Tag, oo magaaladii gee.

    41Oo isla markiiba kolkii yarkii tegey ayaa Daa'uud ka soo baxay meel Yoonaataan xagga koonfureed ka ahayd, markaasuu wejiga dhulka ku dhuftay oo saddex jeer sujuuday, wayna isdhunkadeen oo isla ooyeen ilaa Daa'uud sii badiyey.

    42Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Nabad ku tag, maxaa yeelay, labadeennuba waxaynu isugu dhaarannay magaca Rabbiga, innagoo leh, Rabbigu ha inoo dhexeeyo aniga iyo adiga, iyo farcankayga iyo farcankaaga weligiisba. Markaasaa Daa'uud kacay oo tegey, oo Yoonaataanna magaaladuu galay.

  • 72%

    24¶ Sidaasaa Daa'uud duurka ugu dhex dhuuntay, oo markii bishii dhalatay ayaa boqorkii u fadhiistay inuu wax cuno.

    25Markaasaa boqorkii wuxuu ku fadhiistay kursigiisii, sidii mararkii hore oo kale, kaasuna wuxuu ahaa kursigii derbiga ag yiil; oo Yoonaataanna wuu istaagay, Abneerna wuxuu dhinac fadhiistay Saa'uul, laakiinse meeshii Daa'uud way madhnayd.

  • 72%

    15Oo Daa'uudna wuxuu arkay in Saa'uul u soo baxay si uu naftiisa u deydeyo. Daa'uudna cidlada Siif buu ku jiray, duurka dhexdiisa.

    16Markaasaa Saa'uul wiilkiisii Yoonaataan ahaa kacay, oo Daa'uud ugu tegey duurka dhexdiisa, oo gacantiisuu ku xoogeeyey Ilaah.

    17Oo wuxuu isagii ku yidhi, Ha cabsan, waayo, aabbahay Saa'uul gacantiisu kuma heli doonto; oo adna reer binu Israa'iil boqor baad u noqon doontaa, oo anna waan kugu xigi doonaa; taasna aabbahay Saa'uul waa og yahay.

    18Oo labadoodii axdi bay Rabbiga hortiisa ku dhigteen. Oo Daa'uud wuxuu iska joogay duurkii, Yoonaataanna gurigiisii buu tegey.

    19Markaasaa Saa'uul waxaa Gibecaah ugu yimid reer Siif, waxayna ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu ku dhuuman dhufaysyada dalkayaga duurka ku yaal, oo ku dhex yaal buurta Xakiilaah, oo lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal?

    20Haddaba, boqorow, soo dhaadhac adigoo aad u doonaya inaad timaadid; oo annana qaybtayadu wuxuu ahaan doonaa inaan gacantaada ku soo ridno, boqorow.

  • 72%

    19Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi Itay oo ahaa reer Gad, War adiguna maxaad noola socotaa? Noqo, oo boqorka la joog; waayo, adigu waxaad tahay qariib, iyo weliba mid waddankiisii laga soo masaafuriyey.

    20Waxaad timid shalayto, haddaba sidee baan maanta noola kaa warwareejiyaa? Maxaa yeelay, anigu waxaan tegayaa meel alla meeshaan doonayoba, haddaba naga noqo, oo walaalahaana dib u celi; oo naxariis iyo runuba ha kula jireen.

  • 16Oo waxay iyagii ku tidhi, Buurta xaggeeda taga, yaan raacdadu idin heline, oo intii saddex maalmood ah halkaas ku dhuunta, ilaa ay raacdadu ka soo noqonayso; dabadeedna jidkiinna iska mara.

  • 7Dabadeedna Yoonaataan Daa'uud buu u yeedhay, oo u sheegay waxyaalahan oo dhan. Markaasaa Yoonaataan Daa'uud u keenay Saa'uul, oo uu hor joogay sidii waagii hore.

  • 1¶ Haddaba waxaa maalin dhacay inuu Yoonaataan ina Saa'uul ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo hubkiisa u siday, Bal ina keen aan ciidanka reer Falastiin oo xaggaas jooga u gudubnee. Laakiinse taas uma uu sheegin aabbihiis.

  • 17Haddaba Yoonaataan iyo Axiimacas ma ay karin inay magaalada bayaan u soo galaan, sidaas daraaddeed waxay joogeen Ceyn Rogeel, oo gabadh addoon ah ayaa intay u tagtay wax u sheegtay; oo iyana intay tageen ayay boqor Daa'uud u soo warrameen.

  • 3Markaasuu wuxuu yimid xeryihii idaha oo jidka ku ag yiil, oo halkaasna waxaa ku tiil bohol; markaasaa Saa'uul halkaas u galay inuu cagihiisa qariyo aawadeed. Haddaba Daa'uud iyo raggiisiiba waxay ku jireen bohosha meelaha ugu sii hooseeya.

  • 2Maanta markaad iga tagto, waxaad laba nin ka heli doontaa qabriga Raaxeel agtiisa, kaasoo ku yaal soohdinta reer Benyaamiinka Selsax ku jira, oo waxay kugu odhan doonaan, Dameerihii aad soo doontay waa la helay, oo bal eeg, aabbahaa dameerihii wuu ka dan baxay, oo adiga aawadaa buu ka fikirayaa, oo wuxuu yidhi, Maxaan wiilkaygii u sameeyaa?

  • 13Markaasaa Daa'uud dhankii kale u gudbay oo wuxuu ku dul istaagay buur iyaga in yar ka fog, oo waxaana u dhexeeyey bannaan weyn.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu ka cararay Naayood oo Raamaah ku taal, oo intuu Yoonaataan u yimid ayuu ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo dembigaygu waa maxay? Oo dembiga aan aabbahaa ku sameeyey ee uu naftayda u doonayaa waa maxay?

  • 3Kolkaasaa Saa'uul soo degay buurtii Xakiilaah, taasoo lamadegaanka ku hor taal, waddadana ku dhinac taal. Laakiinse Daa'uud cidladuu joogay, oo wuxuuna arkay in Saa'uul cidlada uga soo daba galay.

  • 10Haddaba aroor hore adiga iyo sayidkaaga addoommadiisii oo kula socdaaba kaca; oo aroortii markaad kacdaan oo waagu idiin baryo, taga.

  • 23Sidaas daraaddeed soo arka oo soo wada ogaada meelaha uu ku gabbado ee uu ku dhuunto oo dhanba, oo mar kale igu soo noqda idinkoo aad u huba, markaasaan idin raaci doonaa, oo haddii uu dhulka dhex joogo, waxaan isaga ka dhex baadhi doonaa kumanyaalka reer Yahuudah oo dhan.

  • 23Haddaba aniga ila joog oo ha cabsan, maxaa yeelay, kii naftayda doona ayaa naftaadana doonaya, waayo, ammaan waad igula joogi doontaa.

  • 8Markaasaa Daa'uud wuxuu Axiimeleg ku yidhi, Waxba miyaanad haynin waran amase seef? Waayo, sooma aan qaadan seeftaydii iyo hubkaygii toona, maxaa yeelay, waxaa i soo deddejiyey muraadkii boqorku ii soo diray.

  • 29Oo Daa'uudna halkaas wuu ka tegey, oo iska joogay Ceyn Gedii dhufaysyadeedii.

  • 2Oo Daa'uudna wuxuu wadaadkii Axiimeleg ku yidhi, Boqorkii baa i amray oo muraad ii soo diray, wuxuuna igu yidhi, Ninna yuusan waxba ka ogaan muraadka aan kuu diray, iyo waxa aan kugu amray toona, oo raggii dhallinyarada ahaana meel baan kula ballamay.

  • 28Oo anna waxaan sii joogayaa meesha mareenka ah ee cidlada loogu sii gudbo, jeeruu war iiga kiin yimaado.