1 Samuu'eel 23:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Daa'uud iyo raggiisii oo lix boqol ku dhowaa kaceen oo Qeciilaah ka baxeen, oo waxay tageen meel alla meeshii ay tegi kareen. Oo Saa'uulna waxaa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah ka baxsaday, markaasuu iska daayay inuu u soo baxo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 22:2 : 2 Oo mid kasta oo cidhiidhi ku jira, iyo mid kasta oo deyn qaba, iyo mid kasta oo aan raalli ahaynba isagay isu soo urursadeen, oo isna wuxuu u noqday madax u taliya, oo waxaa isaga la joogay in ku dhow afar boqol oo nin.
  • 1 Sam 25:13 : 13 Markaasaa Daa'uud wuxuu raggiisii ku yidhi, Nin walowba seeftaada xidho. Oo nin waluba seeftiisii buu xidhay, oo Daa'uudna seeftiisii buu xidhay. Kolkaasaa waxaa Daa'uud raacay in ku dhow afar boqol oo nin; oo laba boqolna alaabtii bay la joogeen.
  • 1 Sam 30:9-9 : 9 Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu tegey, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee la jirtayba, oo waxay yimaadeen durdurkii Besoor, oo intii laga tegeyna halkaasay ku hadheen. 10 Laakiinse Daa'uud wuu eryaday, isagoo afar boqol oo nin wata; waayo, laba boqol ayaa dib u hadhay, kuwaasoo aad u daalay oo dhaafi kari waayay durdurkii Besoor.
  • 2 Sam 15:20 : 20 Waxaad timid shalayto, haddaba sidee baan maanta noola kaa warwareejiyaa? Maxaa yeelay, anigu waxaan tegayaa meel alla meeshaan doonayoba, haddaba naga noqo, oo walaalahaana dib u celi; oo naxariis iyo runuba ha kula jireen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    10Markaasaa Daa'uud yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, hubaal anoo addoonkaaga ah waxaan maqlay in Saa'uul doonayo inuu Qeciilaah yimaado, oo uu magaaladana daraadday u baabbi'iyo.

    11Haddaba dadka reer Qeciilaah miyey isaga ii gacangelin doonaan? Oo Saa'uul miyuu soo dhaadhacayaa sidii anoo addoonkaaga ah aan u maqlay? Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye, anigoo addoonkaaga ah taas ii sheeg. Markaasaa Rabbigu ku yidhi, Haah, wuu soo dhaadhici doonaa.

    12Kolkaasuu Daa'uud yidhi, Haddaba miyey dadka reer Qeciilaah aniga iyo raggaygaba Saa'uul gacanta noo gelin doonaan? Rabbigu wuxuu yidhi, Haah, way kuu gacangelin doonaan.

  • 82%

    23Sidaas daraaddeed soo arka oo soo wada ogaada meelaha uu ku gabbado ee uu ku dhuunto oo dhanba, oo mar kale igu soo noqda idinkoo aad u huba, markaasaan idin raaci doonaa, oo haddii uu dhulka dhex joogo, waxaan isaga ka dhex baadhi doonaa kumanyaalka reer Yahuudah oo dhan.

    24Markaasay Saa'uul hor mareen, oo ay u kaceen xagga Siif, laakiinse Daa'uud iyo raggiisiiba waxay joogeen cidlada reer Maacoon ku dhex taal Caraabaah ee lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal.

    25Markaasaa Saa'uul iyo raggiisiiba waxay u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan. Oo iyana taas bay u sheegeen Daa'uud, sidaas daraaddeed ayuu u dhaadhacay xagga dhagaxii weynaa, oo cidladii Maacoon ayuu iska joogay. Oo Saa'uulna markuu taas maqlay ayuu Daa'uud u eryaday xagga cidladii Maacoon.

    26Oo Saa'uulna wuxuu maray buurta dhankeedii soke, Daa'uud iyo raggiisiina waxay mareen buurta dhankeedii shishe, oo Daa'uudna wuu dhaqsaday inuu u cararo cabsi uu Saa'uul ka qabo aawadeed, waayo, Saa'uul iyo raggiisii waxay u hareereeyeen Daa'uud iyo raggiisii inay qabtaan.

  • 1 Sam 23:1-8
    8 aayado
    81%

    1¶ Markaasaa Daa'uud loo sheegay oo lagu yidhi, Reer Falastiin waxay la dirirayaan reer Qeciilaah iyagoo ka dhacaya meelihii hadhuudhka lagu tumi jiray.

    2Sidaas daraaddeed Daa'uud Rabbiguu wax weyddiistay oo yidhi, Miyaan tagaa oo kuwan reer Falastiin soo laayaa? Oo Rabbiguna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, oo reer Falastiin soo laa, oo reer Qeciilaah soo badbaadi.

    3Markaasaa Daa'uud raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagu halkan oo ah dalka Yahuudah ayaan ku cabsanaynaa, haddaba intee in le'eg bay nooga sii daran tahay haddaannu Qeciilaah tagno oo ciidanka reer Falastiin ku duulno?

    4Oo haddana mar kale ayaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiistay. Markaasaa Rabbigu ugu jawaabay, Kac, oo ku dhaadhac Qeciilaah, waayo, reer Falastiin gacantaadaan soo gelin doonaa.

    5Markaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba Qeciilaah tageen, oo reer Falastiin la dirireen, oo waxay ka soo dhaceen lo'doodii, dad faro badanna way laayeen. Sidaasuu Daa'uud dadkii Qeciilaah degganaa u badbaadiyey.

    6¶ Oo markii Aabyaataar oo ina Axiimeleg ahaa Daa'uud ugu soo cararay xagga Qeciilaah, wuxuu yimid isagoo eefod gacanta ku sita.

    7¶ Oo Saa'uul baa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah yimid. Markaasaa Saa'uul yidhi, Haddaa Ilaah gacanta ii soo geliyey; waayo, wuxuu ku xidhmay markuu galay magaalo leh irdo iyo qataarro.

    8Markaasaa Saa'uul dadkiisii oo dhan dagaal ugu yeedhay inay Qeciilaah ku dhaadhacaan, oo ay Daa'uud iyo raggiisaba hareereeyaan.

  • 79%

    14¶ Oo Daa'uudna wuxuu degganaa dhufaysyada cidlada ku yiil, oo wuxuu iska joogay dalka buuraha leh ee cidlada ah ee Siif. Oo Saa'uul baa doondooni jiray maalin kasta, laakiinse Ilaah gacanta uma soo gelin.

    15Oo Daa'uudna wuxuu arkay in Saa'uul u soo baxay si uu naftiisa u deydeyo. Daa'uudna cidlada Siif buu ku jiray, duurka dhexdiisa.

  • 1 Sam 26:2-3
    2 aayado
    78%

    2Markaasaa Saa'uul kacay, oo wuxuu ku dhaadacay cidladii Siif, isagoo wata saddex kun oo nin oo reer binu Israa'iil laga soo doortay, inuu Daa'uud ka soo doondoono cidlada Siif.

    3Kolkaasaa Saa'uul soo degay buurtii Xakiilaah, taasoo lamadegaanka ku hor taal, waddadana ku dhinac taal. Laakiinse Daa'uud cidladuu joogay, oo wuxuuna arkay in Saa'uul cidlada uga soo daba galay.

  • 7Sidaasaa Daa'uud raggiisii ugu diiday erayadaas, oo umana uu oggolaan inay Saa'uul ku kacaan. Markaasaa Saa'uul ka soo baxay bohoshii, oo iska tegey.

  • 10¶ Markaasaa Daa'uud kacay, oo maalintaas wuxuu u cararay cabsi uu Saa'uul ka qabay aawadeed, oo wuxuu u tegey Aakiish oo boqorkii Gad ahaa.

  • 1 Sam 24:1-3
    3 aayado
    78%

    1¶ Kolkii Saa'uul ka soo noqday kuwii reer Falastiin oo uu raacdaysanayay ayaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Daa'uud cidlada Ceyn Gedii buu joogaa.

    2Markaasaa Saa'uul reer binu Israa'iil oo dhan kala baxay saddex kun oo nin oo la doortay, oo wuxuu Daa'uud iyo raggiisii ka xulayay dhagaxyadii ay riyodibadeedku joogeen.

    3Markaasuu wuxuu yimid xeryihii idaha oo jidka ku ag yiil, oo halkaasna waxaa ku tiil bohol; markaasaa Saa'uul halkaas u galay inuu cagihiisa qariyo aawadeed. Haddaba Daa'uud iyo raggiisiiba waxay ku jireen bohosha meelaha ugu sii hooseeya.

  • 1 Sam 27:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu isyidhi, Maalin uun baan gacanta Saa'uul ku dhiman doonaa; haddaba wax iiga wanaagsan ma jiro inaan dalka reer Falastiin u baxsado mooyaane; oo Saa'uulna wuu iga quusan doonaa, oo mar dambe xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan igama doondooni doono; oo saas ayaan gacantiisa kaga baxsan doonaa.

    2Markaasaa Daa'uud kacay oo gudbay, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee isaga la joogay, oo waxay u yimaadeen Aakiish oo ahaa ina Maacoog, kaasoo ahaa boqorkii Gad.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed Daa'uud halkaas wuu ka tegey oo wuxuu u baxsaday xagga bohoshii Cadullaam, oo markii walaalihiis iyo reerkii aabbihiis oo dhammu ay taas maqleen ayay halkaas isagii ugu tageen.

  • 15¶ Markaasaa Samuu'eel kacay, wuuna ka baxay Gilgaal, oo xagga Gibecaahda reer Benyaamiin buu tegey. Oo Saa'uulna markaasuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo waxay noqdeen in ku dhow lix boqol oo nin.

  • 22Markaasaa Daa'uud u dhaartay Saa'uul. Oo Saa'uulna gurigiisii buu tegey, laakiinse Daa'uud iyo raggiisiiba waxay galeen dhufayskii.

  • 76%

    12Sidaas daraaddeed Daa'uud raggiisii dhallinyarada ahaa way jeesteen oo dib bay u noqdeen, oo intay Daa'uud u yimaadeen ayay erayadan oo dhan u sheegeen.

    13Markaasaa Daa'uud wuxuu raggiisii ku yidhi, Nin walowba seeftaada xidho. Oo nin waluba seeftiisii buu xidhay, oo Daa'uudna seeftiisii buu xidhay. Kolkaasaa waxaa Daa'uud raacay in ku dhow afar boqol oo nin; oo laba boqolna alaabtii bay la joogeen.

  • 13Markaasaa Daa'uud dhankii kale u gudbay oo wuxuu ku dul istaagay buur iyaga in yar ka fog, oo waxaana u dhexeeyey bannaan weyn.

  • 75%

    9Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu tegey, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee la jirtayba, oo waxay yimaadeen durdurkii Besoor, oo intii laga tegeyna halkaasay ku hadheen.

    10Laakiinse Daa'uud wuu eryaday, isagoo afar boqol oo nin wata; waayo, laba boqol ayaa dib u hadhay, kuwaasoo aad u daalay oo dhaafi kari waayay durdurkii Besoor.

  • 75%

    12Oo Saa'uulna Daa'uud buu ka cabsanayay, maxaa yeelay, Rabbigaa isaga la jiray, wuuna ka tegey Saa'uul.

    13Sidaas daraaddeed Saa'uul wuu iska fogeeyey isagii, oo wuxuu ka dhigay sirkaal kun u taliya; isaguna dadka hortiisuu ka bixi jiray, soona geli jiray.

  • 10Oo Saa'uulna wuxuu damcay inuu Daa'uud wareemo oo uu derbiga ku qodbo; laakiinse wuu ka cararay Saa'uul hortiisii oo Saa'uul wuxuu warankii ka taagay derbigii. Daa'uudna wuu cararay, oo habeenkaasuu baxsaday.

  • 9Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War maxaad u maqashaa dadka warkiisa intay kugu yidhaahdaan, Daa'uud wuxuu doonayaa inuu wax ku yeelo?

  • 46Markaasaa Saa'uul wuxuu ka hadhay reer Falastiin raacdaysigoodii; oo reer Falastiinna meeshoodii bay tageen.

  • 1¶ Haddaba intanu waa kuwii Daa'uud ugu yimid Siiqlag, intuu weli ka dhumanayay Saa'uul ina Qiish, oo iyagu waxay ku jireen ragga xoogga badan oo la dagaal galay.

  • 4Markaasaa Saa'uul waxaa loo soo sheegay in Daa'uud u cararay xagga Gad, oo isna mar dambe ma uusan doondoonin.

  • 2Markaasaa Saa'uul wuxuu reer binu Israa'iil ka dhex doortay saddex kun oo nin; oo laba kun waxay Saa'uul la joogeen Mikmaash iyo buurtii Beytel, oo kunna wuxuu Yoonaataan la joogay Gibecaahdii reer Benyaamiin; oo dadka intiisii kalena nin walba wuxuu u diray inuu teendhadiisii tago.

  • 14Daa'uudna wuxuu addoommadiisii Yeruusaalem la joogay oo dhan ku yidhi, War ina kiciya aynu cararnee; haddii kalese midkeenna Absaaloom ka baxsan maayo; haddaba dhaqsada oo baxa, waaba intaasoo uu haddiiba ina soo qabtaaye, oo belaayo inagu ridaaye, oo uu magaaladana seef ku laayaaye!

  • 18¶ Haddaba Daa'uud wuu cararay oo wuu baxsaday, oo wuxuu Samuu'eel ugu yimid Raamaah, oo u sheegay kulli wixii Saa'uul ku sameeyey oo dhan. Markaasaa isaga iyo Samuu'eel waxay tageen oo degeen Naayood.

  • 21Oo Daa'uudna wuxuu u yimid labadii boqol oo nin oo intay daaleen Daa'uud raaci kari weyday, oo ay durdurkii Besoor agtiisa kaga tageen, oo iyana waxay u soo baxeen inay ka hor tagaan Daa'uud iyo dadkii la jiray; oo Daa'uudna markuu dadkii u soo dhowaaday ayuu nabdaadiyey.

  • 74%

    28Oo sidaas daraaddeed Saa'uul wuu ka noqday Daa'uud kii uu eryanayay, oo wuxuu u kacay kuwii reer Falastiin, sidaas aawadeed waxay meeshaas u bixiyeen Selac Hammaxleqood.

    29Oo Daa'uudna halkaas wuu ka tegey, oo iska joogay Ceyn Gedii dhufaysyadeedii.

  • 6Oo dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inay cidhiidhi ku jiraan, (waayo, dadku way dhibaataysnaayeen) markaasaa dadkii waxay ku dhuunteen godad, iyo kayn, iyo dhagaxyo dhexdooda, iyo boholo, iyo hogag.

  • 5Oo Daa'uudna meel alla meeshii Saa'uul u diro ayuu tegi jiray, wuuna ku guulaysan jiray; oo Saa'uulna wuxuu madax uga dhigay raggii dagaalka, oo taasuna way la wanaagsanayd dadkii oo dhan iyo addoommadii Saa'uul oo dhanba.

  • 3Markaasaa Daa'uud ku yidhi, Xaggee baad ka timid? Markaasuu isna wuxuu yidhi, Waxaan ka soo baxsaday xeradii reer binu Israa'iil.