29Oo in kastoo dadku kugu kaco oo kuu eryado inuu nafta kaa qaado, weliba, sayidkaygiiyow, naftaadu waxay xidhmada nolosha kula xidhnaan doontaa Rabbiga Ilaahaaga ah, oo cadaawayaashaada naftoodana wuu tuuri doonaa sidii isagoo ka tuuraya wadhafka meeshiisa godan.
30Oo markii Rabbigu kuu sameeyo wanaaggii uu kaaga hadlay oo dhan ee uu amiir kaaga dhigo reer binu Israa'iil oo dhan, sayidkaygiiyow,
31markaas ma nixi doontid, qalbigaaguna kuuma xumaan doono dhiig aad sababla'aan u daadisay, iyo aarsasho; oo markii Rabbigu si wanaagsan kuula macaamiloodo, sayidkaygiiyow, bal markaas i soo xusuuso, anoo addoontaada ah.
32Markaasaa Daa'uud wuxuu Abiigayil ku yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo maanta kuu soo diray inaad iga hor timaadid.
33Waxaa barakaysan xigmaddaada, oo adna waad barakaysan tahay, waayo, waxaad maanta iga celisay inaan dhiig galo iyo inaan gacantayda ku aarsado.
34Waxaan ku dhaartay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo nool oo iga joojiyey inaan wax ku yeelo, waayo, hubaal haddii aadan degdegin oo iga hor iman, waaberiga Naabaal xataa wiil yaru uma uu hadheen.