1 Samuu'eel 26:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba waan ku baryayaaye, boqorow sayidkaygiiyow, bal maqal erayadayda anoo addoonkaaga ah. Oo haddii Rabbigu igu kaa diray qurbaan ha aqbalo, laakiinse haddii waxa igu kaa diray ay binu-aadmi yihiin, Rabbiga hortiisa ha ku inkaarnaadeen, waayo, maanta way i eryeen si aanan u sii joogin dhaxalkii Rabbiga, oo waxay igu yidhaahdeen, Tag oo ilaahyo kale u adeeg.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 14:16 : 16 Waayo, boqorku wuu i maqli doonaa, inuu anoo addoontiisa ah iga samatabbixiyo gacantii ninkii doonayay inuu na baabbi'iyo oo dhaxalka Ilaahna naga saaro aniga iyo wiilkaygaba.
  • 2 Sam 16:11 : 11 Daa'uudna wuxuu ku yidhi Abiishay, iyo addoommadiisii oo dhanba, Bal eega, wiilkaygii iga soo baxay ayaa doonaya inuu nafta iga qaado; haddaba intee in ka badan ayaa ninkan reer Benyaamiin igu samaynayaa? Haddaba ninkan iska daaya, ha iska habaartamee; waayo, Rabbigaa saas ku amray.
  • 2 Sam 20:19 : 19 Anigu waxaan ka mid ahay kuwa reer binu Israa'iil ee nabadda jecel ee aaminka ah, adiguse waxaad doonaysaa inaad dumiso magaalo iyo hooyo reer binu Israa'iil ah. Rabbiga dhaxalkiisase maxaad u liqaysaa?
  • Bil 8:21 : 21 Rabbiguna wuxuu uriyey caraftii udgoonayd, kolkaasuu Rabbigu iska yidhi qalbigiisa, Mar dambe dadka aawadiis dhulka uma habaari doono, maxaa yeelay, malaha qalbiga dadku waa shar tan iyo yaraantiisa; mar dambena ma aan dili doono wax kasta oo nool sidii aan yeelay.
  • Yash 22:25-27 : 25 Waayo, Rabbigu wuxuu Webi Urdun ka dhigay soohdin inoo dhexaysa annaga iyo idinka, reer Ruubeen iyo reer Gaadow. Qayb kuma lihidin Rabbiga. Oo sidaasay carruurtiinnu carruurtayada uga joojin doonaan cabsida Rabbiga. 26 Oo sidaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Haddaba aynu isu diyaarinno inaynu dhisanno meel allabari, oo aan lagu bixin qurbaan la gubo ama allabari, 27 laakiinse waxay noqon doontaa markhaati inoo dhexeeya annaga iyo idinka, iyo farcankeenna inaga dambeeya, si aannu Rabbiga hortiisa ugu adeegno annagoo wadna qurbaannadayada la gubo, iyo allabaryadayada, iyo qurbaannadayada nabaadiinada, inaan carruurtiinnu waa dambe ku odhan carruurtayada, Qayb kuma lihidin Rabbiga.
  • Sab 120:5 : 5 Anaa hoogay, waayo, Mesheg baan qariib ku noqday, Oo waxaan dhex degay teendhooyinkii Qedaar!
  • Maah 6:16-19 : 16 Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay, Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa, 17 Waana indho kibir badan, carrab been sheega, Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya, 18 Qalbi male shar ah hindisa, Iyo cago xumaan ku degdega, 19 Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.
  • Maah 30:10 : 10 Addoon sayidkiisa xan ha uga sheegin, Waaba intaas oo uu ku habaaraa, oo eed lagugu helaaye.
  • Ish 60:5 : 5 Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa.
  • Room 14:15 : 15 Waayo, haddii walaalkaa cuntadaada ka calool xumaado, jacaylka kuma sii socotid. Cuntadaada ha ku baabbi'in kii Masiixu u dhintay.
  • Gal 1:8-9 : 8 Laakiinse annaga ha noqoto ama malaa'ig samada ka timid ha noqotee, kii idinku wacdiya injiil aan ahayn kaannu idinku wacdinnay, ha inkaarnaado. 9 Sidii aannu markii hore nidhi, waxaan haatanna leeyahay, Haddii nin idinku wacdiyo injiil kale oo aan ahayn kii aad aqbasheen, ha inkaarnaado.
  • Gal 5:12 : 12 Waxaan jeclaan lahaa in kuwa idin wareeriyaa ay isgooyaan.
  • 2 Tim 4:14 : 14 Aleksanderos, kii naxaasta tumi jiray, wax xun oo badan buu ii yeelay; Rabbigu wuxuu ugu abaalgudi doonaa sidii camalladiisu ahaayeen.
  • 1 Sam 16:14-23 : 14 ¶ Haddaba Ruuxii Rabbigu Saa'uul wuu ka tegey, oo ruux shar leh oo xagga Rabbiga ka yimid ayaa dhibay isagii. 15 Markaasaa Saa'uul addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, haatan waxaa ku dhibaya ruux shar leh oo xagga Ilaah ka yimid. 16 Sayidkayagow, nagu amar annagoo ah addoommadaada ku hor jooga inaannu kuu doondoonno nin aad kataaradda u yaqaan; oo markuu ruuxa sharka leh ee xagga Ilaah ka yimid kugu soo dego, ayuu kataaradda garaaci doonaa, waanad bogsan doontaa. 17 Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Ii doona nin aad u yaqaan, oo ii keena. 18 Dabadeedna raggii dhallinyarada ahaa midkood ayaa ku jawaabay oo yidhi, Waxaan arkay Yesayga reer Beytlaxam wiil uu dhalay oo aad u yaqaan sida kataaradda lagu dhufto oo ah nin xoog leh oo dagaalyahan ah, codkarna ah, oo suurad qurxoon, oo weliba Rabbiguna wuu la jiraa. 19 Sidaas daraaddeed Saa'uul wargeeyayaal buu u diray Yesay oo ku yidhi, Wiilkaaga Daa'uud oo idaha ilaalinaya ii soo dir. 20 Markaasaa Yesay wuxuu soo kexeeyey dameer ku raran kibis iyo sibraar khamri ah, iyo orgi yar, oo Saa'uul buu u diray. Wuxuuna ugu sii dhiibay wiilkiisii Daa'uud. 21 Markaasaa Daa'uud Saa'uul u yimid, oo hortiisuu soo istaagay, oo isna aad buu u jeclaaday Daa'uud, oo wuxuu Saa'uul u noqday kii hubka u siday. 22 Kolkaasaa Saa'uul farriin u diray Yesay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii daa Daa'uud, hortayda ha joogee, waayo, isagu aad buu iiga farxiyey. 23 Oo markuu ruuxii sharka lahaa ee xagga Ilaah ka yimid Saa'uul ku soo degay ayaa Daa'uud qaatay kataaraddiisii, oo garaacay, dabadeedna Saa'uul wuu qaboobay, wuuna bogsaday, oo ruuxii sharka lahaana waa ka tegey.
  • 1 Sam 18:10 : 10 ¶ Oo subaxdii dambe ruux xun oo xag Ilaah ka yimid ayaa ku soo degay Saa'uul, oo sidii nebi ayuu wax ugu sii sheegay guriga dhexdiisa. Markaasaa Daa'uud wuxuu gacanta ku dhuftay kataarad siduu maalin walba yeeli jiray; oo Saa'uulna gacantuu ku haystay warankiisii.
  • 1 Sam 25:24 : 24 Oo intay cagihiisa isku tuurtay ayay tidhi, Dembiganu dushayda ha ahaado, sayidkaygiiyow, dushayda ha ahaado, oo waan ku baryayaaye, anoo addoontaada ahu dhegahaaga aan ku hadlo, oo adiguna bal maqal erayadayda anoo addoontaada ah.
  • Bil 44:18 : 18 ¶ Markaasaa Yahuudah u soo dhowaaday oo ku yidhi, Sayidkaygiiyow, anigoo addoonkaaga ah waxaan kaa baryayaa inaan hadal yar kugula hadlo, sayidkaygiiyow, oo ha ii cadhoon anigoo ah addoonkaaga; waayo, waxaad la mid tahay sida Fircoon oo kale.
  • Laaw 26:31 : 31 Oo magaalooyinkiinna baabba' waan ka dhigi doonaa, oo meeshiinna quduuska ahna cidla waan ka dhigi doonaa, oo weliba carafta fooxiinna udgoon ma aan ursan doono.
  • Sharc 4:27-28 : 27 Oo Rabbigu wuxuu idinku kala firdhin doonaa dadyowga dhexdooda, oo quruumaha Rabbigu xaggooda idiin hoggaamin doono idinkoo yar ayaad ku dhex hadhi doontaan. 28 Oo halkaas waxaad u adeegi doontaan sanamyo gacma dad lagu sameeyey oo ah qoryo iyo dhagax, oo aan waxba arag, waxna maqal, oo aan wax cunin, waxna urin.
  • 2 Sam 24:1 : 1 ¶ Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo Daa'uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa'iil iyo reer Yahuudah.
  • 1 Boq 22:22 : 22 Kolkaasaa Rabbigu ku yidhi, Sidee baad u soo sasabaysaa? Isna wuxuu yidhi, Anigu waan tegayaa oo waxaan noqonayaa ruux beenlow ah oo afka nebiyadiisa oo dhan ku jira. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Adigu waad sasabi doontaa oo weliba waad ka adkaan doontaa, haddaba tag oo saas yeel.
  • 1 Taar 21:1 : 1 ¶ Haddaba Shayddaan baa ku kacay reer binu Israa'iil oo wuxuu Daa'uud ku dhaqaajiyey inuu reer binu Israa'iil tiriyo.
  • Sab 42:1-2 : 1 Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo, Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow. 2 Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool. Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?
  • Sab 119:1-8 : 1 Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman, Oo sharciga Rabbiga ku socda. 2 Waxaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa, Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan. 3 Haah, oo xaqdarro ma sameeyaan, Jidadkiisase way ku socdaan. 4 Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno. 5 Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo Inaan qaynuunnada dhawro! 6 Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan. 7 Markaan barto xukummadaada xaqa ah Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahadnaqi doonaa. 8 Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    17Markaasaa Saa'uul gartay Daa'uud codkiisii oo yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, kaasu ma codkaagii baa? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Haah, kanu waa codkaygii, boqorow sayidkaygiiyow.

    18Oo haddana wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad ii eryanaysaa, anoo addoonkaaga ah? Waayo, maxaan sameeyey? Waase maxay xumaanta gacantayda ku jirtaa?

  • 20Haddaba sidaas daraaddeed dhiiggaygu yuusan ku daadan meel Rabbiga hortiisa ka fog, waayo, boqorkii reer binu Israa'iilow, waxaad u soo baxday si aad tagfi u doondoonto, oo waa sidii mid buuraha digaagduur ka ugaadhsanaya.

  • 77%

    15Sidaas daraaddeed ayaan kuugu imid, boqorow, sayidkaygiiyow, inaan eraygan kugula hadlo; maxaa yeelay, dadkaa i cabsiiyey, markaasaan anoo addoontaada ah is-idhi, Haatan waxaan la hadlayaa boqorka, waayo, waaba intaasoo uu boqorku ii yeelaa waxaan weyddiisto anoo addoontiisa ah.

    16Waayo, boqorku wuu i maqli doonaa, inuu anoo addoontiisa ah iga samatabbixiyo gacantii ninkii doonayay inuu na baabbi'iyo oo dhaxalka Ilaahna naga saaro aniga iyo wiilkaygaba.

  • 77%

    26Oo isna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, waxaa i khiyaaneeyey addoonkaygii, waayo, anoo addoonkaagii ah waxaan is-idhi, Waxaan kooraysan dameer inaan fuulo aawadeed, markaasaan boqorka raaci doonaa, waayo, curyaan baan ahay.

    27Oo anigoo addoonkaagii ah ayuu igu kaa hor xantay boqorow, sayidkaygiiyow, laakiinse waxaad tahay sidii malaa'ig Ilaah oo kale; haddaba wixii kula wanaagsan samee.

    28Waayo, reerka aabbahay oo dhammu waxay ahaayeen sida dad dhintay oo kale xaggaaga boqorow, sayidkaygiiyow, laakiinse anoo addoonkaaga ah waxaad i dhex fadhiisisay kuwa wax ka cuna miiskaaga. Haddaba weli xaqee baan u leeyahay inaan mar dambe kuu qayshado, boqorow?

  • 77%

    19Oo wuxuu boqorkii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, dembi ha igu tirin, oo ha xusuusan wixii aan anoo addoonkaaga ah si qalloocan kuugu sameeyey maalintii aad Yeruusaalem ka baxday, oo boqorow, sayidkaygiiyow, taas qalbiga ha ku qabsan.

    20Waayo, anigoo addoonkaaga ah haatan waan ogahay inaan dembaabay, oo sidaas daraaddeed ayaan maanta reer Yuusuf oo dhan ugu soo hor maray inaan soo dhaadhaco oo aan kaa hor imaado, boqorow, sayidkaygiiyow.

  • 26Laakiinse hadduu igu yidhaahdo, Kuguma faraxsani; bal eeg, haddaba waa i kane, ha igu sameeyo sidii isaga la wanaagsan.

  • 15Haddaba Rabbigu aniga iyo adiga dhexdeenna xaakin ha ka ahaado oo ha inoo garnaqo, oo ha arko gartayda, gacantaadana ha iga samatabbixiyo.

  • 1 Sam 20:7-8
    2 aayado
    75%

    7Hadduu kugu yidhaahdo, Waa hagaag, anoo addoonkaaga ah nabad baan helayaa. Laakiinse hadduu cadhoodo, bal ogow inuu shar maaggan yahay.

    8Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah ii roonow; waayo, adigu waxaad ila dhigatay axdi xagga Rabbiga ah. Laakiinse haddaan dembi galay, adiguba i dil; bal maxaad aabbahaa iigu geeynaysaa?

  • 29oo wuxuu yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii daa, aan tagee, waayo, ehelkayagii baa magaalada allabari ku leh, oo walaalkay baa igu amray inaan halkaas joogo, haddaba haddii aad raalli iiga tahay i sii daa aan tagee oo walaalahay soo arkee, waan ku baryayaaye. Oo sidaas daraaddeed buu u iman waayay miiska boqorka.

  • 11Haddaba dadka reer Qeciilaah miyey isaga ii gacangelin doonaan? Oo Saa'uul miyuu soo dhaadhacayaa sidii anoo addoonkaaga ah aan u maqlay? Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye, anigoo addoonkaaga ah taas ii sheeg. Markaasaa Rabbigu ku yidhi, Haah, wuu soo dhaadhici doonaa.

  • 7Haddaba saas daraaddeed kac, oo dibadda u bax, oo addoommadaada intaad la hadashid dhiiro geli; waayo, Rabbigaan ku dhaartaye, haddaadan dibadda u bixin, inaan ninna caawa kula joogayn; oo taasuna way kaaga sii xumaanaysaa kulli sharkii kugu dhacay tan iyo yaraantaadii.

  • 74%

    22Markaasaa Daa'uud ugu jawaabay, Boqorow, waa kan warankaagii! Haddaba ragga dhallinyarada ah midkood ha u yimaado oo ha kuu qaado.

    23Oo Rabbiguna nin walba wuu ka abaalmarin doonaa xaqnimadiisa iyo aaminnimadiisa, waayo, Rabbigu maanta gacantayduu kugu soo riday, aniguse ma aan doonaynin inaan gacantayda u qaado Rabbiga kiisa subkan.

    24Oo bal eeg, sida maanta naftaadu iigu dheeraatay, sidaas oo kale naftaydu ha ku dheeraato Rabbiga hortiisa, oo dhibaato oo dhanna ha iga samatabbixiyo.

  • 36Anoo addoonkaaga ah waxaan doonayay inaan Webi Urdun kaala gudbo oo keliya; haddaba maxaad abaalgudkan weyn iigu soo celinaysaa, boqorow?

  • 15Anigu ma maantaan bilaabay inaan isaga Ilaah wax u weyddiiyo? Taasu ha iga fogaato. Anigu waxan oo dhan waxba kama ogi wax yar iyo wax badan toona, haddaba, boqorow, anigoo addoonkaaga ah iyo reerka aabbahay oo dhanba waxba ha na saarin.

  • 9Markaasuu wuxuu ku yidhi isagii, War maxaan ku dembaabay, oo aad u doonaysaa anoo addoonkaaga ah inaad Axaab ii gacangeliso inuu i dilo aawadeed?

  • 74%

    27Haddaba sayidkaygiiyow, hadiyaddan anoo addoontaada ah aan kuu keenay, ha la siiyo ragga dhallinyarada ah oo kula socda.

    28Waan ku baryayaaye, anoo addoontaada ah xadgudubkayga iga cafi, sayidkaygiiyow, waayo, Rabbigu hubaal wuxuu kuu samayn doonaa guri ammaan ah, maxaa yeelay, waxaad dirirtaa dagaallada Rabbiga; oo cimrigaaga oo dhanna shar lagaama heli doono.

  • 25Haddaba waan ku baryayaaye dembigayga iga cafi, oo mar kale ila noqo, aan Rabbiga soo caabudee.

  • 74%

    11Daa'uudna wuxuu ku yidhi Abiishay, iyo addoommadiisii oo dhanba, Bal eega, wiilkaygii iga soo baxay ayaa doonaya inuu nafta iga qaado; haddaba intee in ka badan ayaa ninkan reer Benyaamiin igu samaynayaa? Haddaba ninkan iska daaya, ha iska habaartamee; waayo, Rabbigaa saas ku amray.

    12Mindhaa Rabbigu intuu dhibaatadayda eego ayuu wanaag iigu beddeli doonaa habaarkuu maanta igu habaaray.

  • 19Waayo, haddii nin cadowgiisa helo miyuu wanaag ku sii dayn lahaa? Sidaas daraaddeed tan aad maanta ii samaysay aawadeed Rabbigu wanaag ha kuugu abaalgudo.

  • 74%

    9Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War maxaad u maqashaa dadka warkiisa intay kugu yidhaahdaan, Daa'uud wuxuu doonayaa inuu wax ku yeelo?

    10Bal eeg, maanta indhahaagu way arkeen sida Rabbigu iigu soo kaa gacangeliyey annagoo godka ku jirna, oo qaarna, Dil, bay igu yidhaahdeen, laakiinse waan kuu naxay; oo waxaan idhi, Anigu sayidkayga gacanta u qaadi maayo, maxaa yeelay, isagu waa Rabbiga kiisa subkan.

    11Bal eeg, aabbow, bal eeg haddana darafkii khamiiskaaga oo gacantayda ku jira, waayo, waxaan gooyay darafkii khamiiskaaga, kumana diline, haddaba ogow inayan gacantayda ku jirin shar iyo xadgudub toona, oo anna kuguma aanan dembaabin, in kastoo aad naftayda u gaadaysid inaad iga qaaddid.

  • 20Haddaba boqorow, sayidkaygiiyow, bal baryadayda maqal, oo waan ku baryayaaye baryootankayga xaggaaga ha laga aqbalo, oo gurigii karraaniga Yoonaataan ha igu celin, waaba intaasoo aan halkaas ku dhintaaye.

  • 19Oo weliba Rabbiyow Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan hortaada ku tukanayo,

  • 17Dabadeedna boqorkii wuxuu waardiyayaashii hareerihiisa taagnaa ku yidhi, Ku jeesta oo wadaaddada Rabbiga laaya, maxaa yeelay, gacantoodu Daa'uud bay la jirtaa, oo iyagoo og inuu baxsaday ayayan ii soo sheegin, laakiinse boqorka addoommadiisii way diideen inay gacantooda ku fidiyaan oo laayaan wadaaddadii Rabbiga.

  • 30Markaasuu yidhi, Waan dembaabay; haddaba waan ku baryayaaye, igu murwee duqowda dadkayga hortooda, iyo reer binu Israa'iil hortooda, oo mar kale ila noqo aan Rabbiga Ilaahaaga ah soo caabudee.

  • 11Rabbiga ha iga fogeeyo inaan gacanta u qaado Rabbiga kiisa subkan. Haddaba waan ku baryayaaye inoo qaad waranka madaxiisa ag yaal iyo kusadda biyaha, oo ina keen aannu tagnee.

  • 8Ma saasaad kulligiin iigu heshiiseen, oo uu midkiinna iigu soo sheegi waayay markii wiilkaygu axdi la dhiganayay wiilka Yesay, oo uu midkiinna ii nixi waayay, wuuna iigu soo sheegi waayay in wiilkaygu igu kiciyey addoonkayga inuu i gaado sida maanta oo kale?

  • 12Markaasaa naagtii tidhi, Waan ku baryayaaye, anoo addoontaada ah, aan eray kugula hadlo, boqorow sayidkaygiiyow. Isna wuxuu yidhi, Bal ku hadal.

  • 17Oo Rabbiguna wuxuu samaystay wixii uu iga hadlay, oo Rabbiguna boqortooyadii gacantaada wuu ka dillaaciyey, oo wuxuu siiyey deriskaaga kaaso ah Daa'uud.

  • 3Bal waa i kan. Rabbiga hortiisa igu markhaati fura, iyo kan uu subkaday hortiisaba. Bal yaan dibigiisii ka qaatay? Amase bal yaan dameerkiisii ka qaatay? Amase yaan dulmay? Amase yaan cadaadiyey? Kumaanse gacantiisa laaluush ka qaatay si aan isu indhatiro daraaddeed? Hadday saas tahay waan idiin celin.

  • 23Rabbiyow, adigu waad og tahay taladooda oo dhan iyo siday u doonayaan inay i dilaan. Xumaantooda ha ka cafiyin, oo dembigoodana hortaada ha ka tirtirin, laakiinse hortaada ha lagu afgembiyo, oo wakhtiga cadhadaadana sidaas ula macaamilo.

  • 13Kolkaasaa Saa'uul ku yidhi, Maxaad iigu heshiiseen, adiga iyo ina Yesay, oo maxaad u siisay kibista iyo seefta, oo Ilaahna wax ugu weyddiisay si uu iigu kaco inuu i gaado sida maanta oo kale?

  • 22Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, maxaa inaga dhexeeya? Oo maxaadse maanta cadaawayaal iigu noqoteen? Maanta reer binu Israa'iil ma nin baa laga dilayaa? Oo miyaanan anigu maanta ogayn inaan ahay boqor reer binu Israa'iil u taliya?

  • 26Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye eraygaagii aad kula hadashay aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa ha rumoobo.

  • 19Oo haddana, bal yaan u adeegaa? Sow wiilkiisa ma aha? Sidaan aabbahaa ugu adeegi jiray oo kale ayaan haatanna adiga kuugu adeegayaa.

  • 8Markaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo xumaanmaad igu aragtay anoo addoonkaaga ah intii aan kula joogay iyo ilaa maantadan, oo maxaa laygu diiday si aanan u tegin oo aanan ula diririn cadaawayaashaada, boqorow sayidkaygiiyow?

  • 9Oo isna wuxuu igu yidhi, Waan ku baryayaaye, bal i soo ag joogso, oo i dil, waayo, wareer baa i haya; waayo, weli naftii waa igu jirtaa.

  • 26markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Baryootankaygii ayaan boqorka hor dhigay, inuusan gurigii Yoonaataan igu celin, oo aanan halkaas ugu dhiman.

  • 8Waayo, anoo addoonkaaga ah nidar baan galay intii aan joogay Geshuur oo ku taal Suuriya, oo waxaan idhi, Haddii Rabbigu Yeruusaalem mar kale igu celiyo, markaasaan Rabbiga allabari u bixin doonaa.