1 Samuu'eel 28:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo naagtuna waxay guriga ku haysatay weyl shilis, kolkaasay haddiiba degdegtay, oo soo qashay, oo haddana bur soo qaadatay oo cajiintay, oo waxay ka dubtay kibis aan khamiir lahayn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 15:23 : 23 Dibigii yaraa ee la shishleeyey keena oo gowraca, aynu cunno oo faraxno,
  • Bil 18:7-8 : 7 Oo Ibraahim xagga lo'dii buu ku orday, oo wuxuu soo kaxeeyey dibi yar oo dhaylo ah oo wanaagsan, oo wuxuu u dhiibay nin dhallinyaro ah, isaguna dhaqsuu u diyaariyey. 8 Kolkaasuu u qaaday subag, iyo caano, iyo dibigii uu diyaariyey, oo hortooduu dhigay; isna dhinacooduu istaagay geedkii hoostiisii; iyana way cuneen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 25Dabadeedna waxay soo hor dhigtay Saa'uul iyo addoommadiisii, wayna cuneen. Kolkaasay kaceen, oo isla habeenkii bay tageen.

  • 80%

    20Markaasaa Saa'uul haddiiba kulligiis dhulka ku dhacay, oo aad buu u cabsaday erayadii Samuu'eel aawadood, oo itaalna kuma jirin, waayo, waxba ma uu cunin maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhanba.

    21Markaasaa naagtii u timid Saa'uul oo aragtay inuu aad u naxsanaa, oo waxay ku tidhi, Bal eeg, anoo addoontaada ah codkaagii baan maqlay, oo anna naftaydii baan biimeeyey, erayadii aad igula hadashayna waan maqlay.

    22Haddaba waan ku baryayaaye, bal adna codkayga maqal anoo addoontaada ah, oo in yar oo kibis ah aan hortaada dhigo, oo adna cun si markaad tagtid aad xoog u yeelatid.

    23Laakiinse wuu diiday, oo wuxuu yidhi, Anigu waxba cuni maayo. Laakiinse addoommadiisii ayaa naagtii kula qasbay; markaasuu codkoodii yeelay. Oo intuu dhulkii ka kacay ayuu sariirtii ku fadhiistay.

  • 75%

    22Markaasaa Samuu'eel wuxuu kexeeyey Saa'uul iyo midiidinkiisii, oo wuxuu keenay qolkii martida, wuxuuna fadhiisiyey kuwii loo yeedhay dhexdooda meeshii ugu wacnayd, oo kuwii loo yeedhayna waxay ahaayeen in soddon qof ku dhow.

    23Markaasaa Samuu'eel wuxuu cuntokariyihii ku yidhi, Qaybtii aan kuu dhiibay ee aan kugu idhi, Adigu ii hay, bal la kaalay.

    24Markaasaa cuntokariyihii wuxuu soo qaaday garabkii iyo wixii ku yiilba, oo wuxuu hor dhigay Saa'uul. Oo Samuu'eelna wuxuu yidhi, Bal eeg wixii laguu kaydiyey, haddaba hortaada dhigo oo cun, waayo, waa laguu hayay ilaa wakhtigii la qawimay, oo anigu waxaan idhi, Dadka waan marti qaaday. Markaasuu Saa'uul maalintaas wax la cunay Samuu'eel.

  • Bil 18:5-8
    4 aayado
    75%

    5oo waxaan idiin keeni doonaa wuxoogaa cunto ah, ee raaxaysta; waayo, waxaad u timaadeen addoonkiinna; markaas ka dib waad tegi doontaan. Oo waxay ku yidhaahdeen, Yeel sidaad tidhi.

    6Ibraahimna dhaqsuu u galay teendhadii, oo Saarah u tegey, oo wuxuu ku yidhi, Saddex koombo oo bur ah degdeg u diyaari, oo cajiin, oo kibis ka samee.

    7Oo Ibraahim xagga lo'dii buu ku orday, oo wuxuu soo kaxeeyey dibi yar oo dhaylo ah oo wanaagsan, oo wuxuu u dhiibay nin dhallinyaro ah, isaguna dhaqsuu u diyaariyey.

    8Kolkaasuu u qaaday subag, iyo caano, iyo dibigii uu diyaariyey, oo hortooduu dhigay; isna dhinacooduu istaagay geedkii hoostiisii; iyana way cuneen.

  • 34Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Dadka dhex gala, oo waxaad ku tidhaahdaan, Nin waluba halkan ha iigu keeno dibigiisa, nin walubana laxdiisa, oo halkan ku gowraca oo cuna; oo Rabbiga ha ku dembaabina intaad hilib dhiig leh cuntaan. Habeenkaas dadkii oo dhammu nin waluba wuxuu keenay dibigiisii, kolkaasay halkaas ku gowraceen.

  • 3Aad buuna u baryay; xaggiisayna u soo leexdeen, oo gurigiisii bay galeen; diyaafad buuna u sameeyey, kibis aan khamiir lahaynna wuu u dubay, wayna cuneen.

  • 24¶ Oo maalintaas dadka reer binu Israa'iil way dhibaataysnaayeen; laakiinse Saa'uul baa dadkii dhaariyey oo ku yidhi, Ilaa ay fiidkii noqoto, oo aan cadaawayaashayda ka aarsado ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Haddaba dadkii cunto ma dhadhamin innaba.

  • 8Sidaas daraaddeed Taamaar gurigii walaalkeed Amnoon ayay tagtay; oo isna wuu iska jiifay. Markaasay qaadday cajiin, wayna cajiintay, oo hortiisay moofa ku samaysay, markaasay moofadiina dubtay.

  • 71%

    28Markaasaa boqorkii wuxuu iyadii ku yidhi, Naa maxaa ku helay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Naagtan waxay igu tidhi, Naa wiilkaaga na sii aan maanta cunnee oo wiilkaygana berri baannu wada cuni doonnaa.

    29Sidaas daraaddeed wiilkaygii waan karsannay oo waannu cunnay; markaasaan maalintii dambe iyadii ku idhi, Naa wiilkaagii na sii aan cunnee; laakiinse iyadu way qarisay wiilkeedii.

  • Xaak 6:19-20
    2 aayado
    70%

    19Markaasaa Gidcoon gudaha galay, oo wuxuu diyaariyey orgi yar, iyo qiyaas eefaah bur ah oo uu ka sameeyey kibis aan khamiir lahayn. Hilibkii wuxuu ku riday dambiil, maraqiina dheri buu ku shubay, oo wuxuu ugu keenay oo ku siiyey geedkii hoostiisa.

    20Markaasaa malaggii Ilaah wuxuu ku yidhi isagii, Hilibka iyo kibista aan khamiirka lahayn qaad, oo waxaad saartaa dhagaxan, oo maraqana ku qub. Oo isna sidaasuu yeelay.

  • 2iyo kibis aan khamiir lahayn, iyo moofo aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, oo waxaad ka samaysaa bur wanaagsan oo sarreen ah.

  • 6Sidaas daraaddeed wadaadkii wuxuu Daa'uud siiyey kibis quduus ah, waayo, halkaas kibis ma oollin, kibistii tusniinta mooyaane, taas oo Rabbiga hortiisa laga soo qaaday si kibis kulul loo dhigo maalinta tii hore laga soo qaado.

  • 23Oo dambiisha hor taal Rabbiga oo ay ku jirto kibista aan khamiirka lahaynu waxaad kala soo baxdaa xabbad kibis ah, iyo xabbad ah moofo saliid leh, iyo xabbad canjeero ah;

  • 70%

    20Kolkaasaa Daa'uud dhulkii ka kacay, oo maydhay, oo intuu subkaday ayuu dharkiisii beddeshay; wuxuuna galay gurigii Rabbiga, wuuna caabuday; oo dabadeedna gurigiisii buu yimid, oo intuu cunto weyddiistay ayaa wax la soo hor dhigay, wuuna cunay.

    21Markaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, War waxan aad samaysay waa maxay? Wiilku intuu noolaa ayaad soontay, oo u ooyday aawadiis; laakiinse yarkii markuu dhintay, waad kacday, wax baanad cuntay.

  • 28Markaasaa dadkii mid ka mid ahu u jawaabay, oo ku yidhi, Aabbahaa dadka dhaar buu aad ugu amray oo yidhi, Maanta ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Oo dadkiina way itaal darnaayeen.

  • 32Oo dadkiina wixii ay dhaceen ayay ku boodeen, oo waxay qaateen ido iyo dibi iyo weylo, oo dhulkay ku qasheen, markaasaa dadkii waxay cuneen hilibkii oo dhiig leh.

  • 19Markaasuu wuxuu dadkii oo dhan, iyo xataa dadkii badnaa oo reer binu Israa'iil oo dhan, rag iyo dumarba, mid kasta siiyey xabbad kibis ah, iyo cad hilib ah, iyo fud sabiib ah. Markaasaa dadkii oo dhan mid waluba gurigiisii tegey.

  • 17Markaasay hilibkii macaanaa iyo kibistii ay diyaarisay u dhiibtay wiilkeedii Yacquub.

  • 18Markaasaa Abiigayil dhaqsatay, oo waxay soo qaadatay laba boqol oo xabbadood oo kibis ah, iyo laba sibraar oo khamri ah, iyo shan neef oo ido ah oo la qalay, iyo shan koombo oo hadhuudh la dubay ah, iyo boqol rucubood oo sabiib ah, iyo laba boqol oo fud oo berde ah, oo waxay ku raratay dameerro.

  • 8¶ Oo waxaa maalin dhacday in Eliishaa Shuuneem tegey, oo halkaasna waxaa joogtay naag weyn, oo iyana waxay isagii yeelsiisay inuu wax cuno. Oo haddana mar alla markuu soo ag maray ayuu xaggeeda u leexday inuu wax ka cuno.

  • 69%

    11Oo markay u sii socotay inay u keento ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye waxaad gacanta iigu soo qaaddaa in yar oo kibis ah.

    12Iyana waxay tidhi, Waxaan Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisa ugu dhaartay inaanan kibis haysan innaba, laakiinse waxaan haystaa sacab muggiis oo jidhiidh ah oo weel ku jira, iyo in yar oo saliid ah oo kusad ku jirta, oo bal eeg, laba qori baan u guranayaa si aan intaan gurigayga galo ugu diyaariyo aniga iyo wiilkayga, dabadeedna aan cunno oo aan dhimannee.

  • 69%

    28oo waxay u keeneen gogol, iyo fijaanno, iyo weelal dhoobo ah, iyo sarreen, iyo shaciir, iyo bur, iyo salool, iyo atar, iyo misir, iyo digir,

    29iyo malab, iyo subag, iyo ido, iyo faar lo'aad, oo waxay waxaas oo dhan u keeneen Daa'uud iyo dadkii la socday inay cunaan, waayo, waxay isyidhaahdeen, Dadku cidladay ku gaajoodeen, oo ku daaleen, oo ku harraadeen.

  • 9Naagtiina waxay ku tidhi, Bal eeg, waad og tahay Saa'uul wuxuu sameeyey, iyo siduu dalka uga saaray kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii oo dhanba. Haddaba bal maxaad dabin iigu dhigaysaa si aan u dhinto?

  • 15Oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Reer Camaaleq bay ka keeneen; waayo, dadku waxay u reebeen intii ugu wanaagsanayd ee idihii iyo dibidii inay allabari ugu bixiyaan Rabbiga Ilaahaaga ah; intii kalese dhammaantood waannu baabbi'innay.

  • 20Markaasaa Yesay wuxuu soo kexeeyey dameer ku raran kibis iyo sibraar khamri ah, iyo orgi yar, oo Saa'uul buu u diray. Wuxuuna ugu sii dhiibay wiilkiisii Daa'uud.

  • 4Markaasaa wadaadkii wuxuu Daa'uud ugu jawaabay, Kibis la wada cuno gacantayda kuma jirto, laakiinse waxaa taal kibis quduus ah haddii ragga dhallinyarada ahu naago ayan taaban.

  • 15Markaasuu ku yidhi, Kaalay oo gurigaygii ii raac aad kibis soo cuntide.

  • 15Oo weliba intaan baruurta la gubin ayaa midiidinkii wadaadku iman jiray, oo wuxuu ku odhan jiray ninkii alla baryayay, Hilib wadaadka loo dubo keen, waayo, isagu kaa dooni maayo hilib karsan, mid ceedhin ah mooyaane.

  • 3Markaasuu wuxuu yimid xeryihii idaha oo jidka ku ag yiil, oo halkaasna waxaa ku tiil bohol; markaasaa Saa'uul halkaas u galay inuu cagihiisa qariyo aawadeed. Haddaba Daa'uud iyo raggiisiiba waxay ku jireen bohosha meelaha ugu sii hooseeya.

  • 26Oo markaan usha kibistiinna jebiyo, toban naagood ayaa kibistiinna isku foorno ku dubi doonta, oo haddana waxay kibistiina idinku siin doonaan miisaan, oo kolkaad cuntaanna kama dhergi doontaan.

  • 7Markaasaa Saa'uul wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, War haddaynu u tagno maxaan u geeynaa ninka? Waayo, kibistii weelasheenna waa ka dhammaatay, oo ma hayno hadiyad aan u geeyno ninka Ilaah. Bal maxaynu haysannaa?

  • 21Markaasuu ka noqday isagii, oo wuxuu kaxeeyey qindigii dibida ahaa, wuuna qalay oo hilibkoodiina ku karshay alaabtii dibida, oo wuxuu siiyey dadkii, oo iyana way cuneen. Markaasuu kacay oo wuxuu raacay Eliiyaah, wuuna u adeegay isagii.

  • 17Markaasaa waxaa soo kacay odayaashii reerkiisa, oo intay agtiisa soo istaageen ayay damceen inay dhulka ka kiciyaan, laakiinse wuu diiday, oo waxbana lama uu cunin.

  • 35Markaasay dadkii oo dhammu yimaadeen oo damceen inay Daa'uud wax cunsiiyaan intii ay maalinnimada ahayd; laakiinse Daa'uud wuu dhaartay, oo yidhi, Ilaah taasoo kale ha igu sameeyo, iyo weliba tu ka sii badan, haddaan kibis dhadhansho, iyo wax kale toona, ilaa ay qorraxdu dhacdo.