1 Samuu'eel 4:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo gabadhii uu soddogga u ahaa ee Fiinexaas qabay, uur bay lahayd oo fool bay ku dhowayd; oo markay maqashay warkii ahaa in sanduuqii Ilaah la qaatay, oo ay soddoggeed iyo ninkeediiba dhinteen ayay foororsatay oo umushay; waayo, haddiiba fool baa qabatay.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    20Oo markay sakaraadaysay ayay naagihii agteeda taagnaa ku yidhaahdeen, Ha baqin, waayo, waxaad dhashay wiil. Laakiinse uma ay jawaabin, oo danna kama gelin.

    21Oo iyana waxay wiilkii u bixisay Iikabood, oo tidhi, Reer binu Israa'iil ammaantii way ka tagtay; maxaa yeelay, sanduuqii Ilaah waa la qaatay, oo weliba soddoggeed iyo ninkeediiba way dhinteen.

    22Oo waxay tidhi, Reer binu Israa'iil ammaantii way ka tagtay; maxaa yeelay, sanduuqii Ilaah waa la qaatay.

  • 76%

    16Oo ninkii wuxuu Ceelii ku yidhi, Anigu waxaan ahay kii ciidankii ka soo baxay, oo maantaan ciidankii ka soo cararay. Markaasuu yidhi, Wiilkaygiiyow, sidee bay xaaladdu u dhacday?

    17Oo kii warka keenay waa jawaabay oo yidhi, Reer binu Israa'iil way ka carareen reer Falastiin, oo dad badan baa la laayay, oo labadaadii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas iyana way dhinteen, oo sanduuqii Ilaahna waa la qaatay.

    18Oo markuu sanduuqii Ilaah wax uga sheegay, ayuu Ceelii dib uga dhacay kursigiisii iridda ag yiil, markaasuu qoorta ka jabay oo dhintay, waayo, wuxuu ahaa nin da' weyn oo culus. Oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumi jiray afartan sannadood.

  • 73%

    11Oo sanduuqii Ilaahna waa la qaatay; oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaasna waa la dilay.

    12¶ Oo ciidankii waxaa ka orday nin reer Benyaamiin ah, oo isla maalintiiba wuxuu yimid Shiiloh isagoo dharkiisu jeexjeexan yahay, oo madaxana ciid ku leh.

    13Oo markuu yimid, bal eeg, Ceelii wuxuu ku fadhiyey kursigiisii waddada dhankeeda yiil, isagoo wax fiirinaya; waayo, qalbigiisu wuxuu u dhibbanaa sanduuqii Ilaah aawadiis. Oo markii ninkii soo galay magaaladii, oo uu u warramay, ayaa magaaladii oo dhammu qaylisay.

    14Oo Ceeliina markuu maqlay dhawaaqii qaylada ayuu yidhi, Buuqan sawaxankiisu waa maxay micnihiisu? Markaasaa ninkii intuu soo dhaqsaday ayuu Ceelii u yimid oo u warramay.

  • 70%

    26Oo Uuriyaah bilcaantiisiina markay maqashay in ninkeedii Uuriyaah dhintay, way u barooratay ninkeedii.

    27Oo markii baroortii dhammaatay ayaa Daa'uud u soo cid diray iyadii oo gurigiisii soo gashaday, oo iyana waxay noqotay naagtiisii, wiilna way u dhashay. Laakiinse wixii Daa'uud sameeyey ayaa Rabbigu ka xumaaday.

  • 70%

    9Oo markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Kiidon ayaa Cuusaa gacanta fidiyey si uu u qabto sanduuqii, waayo, dibidii sidday ayaa turunturootay.

    10Markaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday Cuusaa, wuuna dilay, maxaa yeelay, isagu wuxuu gacanta ku fidiyey sanduuqa, oo halkaasuu ku dhintay Ilaah hortiisa.

  • 1 Sam 4:3-6
    4 aayado
    70%

    3Oo markay dadkii xeradii yimaadeen ayay odayaashii reer binu Israa'iil yidhaahdeen, Maanta maxaa Rabbigu inoogu laayay reer Falastiin hortooda? Haddaba sanduuqii axdiga Rabbiga aynu Shiiloh ka soo qaadanno oo dhexdeenna ha yimaado, inuu inaga badbaadiyo gacanta cadaawayaasheenna.

    4Sidaas daraaddeed dadkii waxay u cid direen Shiiloh, oo waxay halkaas ka keeneen sanduuqii axdiga Rabbiga Ciidammada oo ku fadhiya Keruubiimta dushooda, oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas iyana halkaasay la joogeen sanduuqa axdiga Ilaah.

    5Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu soo galay xeradii ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku qayliyeen qaylo weyn ee dhulku la gariiray.

    6Oo reer Falastiinna markay maqleen dhawaaqii qaylada ayay yidhaahdeen, Dhawaaqa qaylada weyn ee xeradii Cibraaniyadii ka baxaya micnihiisu waa maxay? Markaasay garteen inuu sanduuqii Rabbigu xeradii dhex yimid.

  • 6Oo markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Naakoon ayaa Cuusaah gacanta ku fidiyey sanduuqii Ilaah, wuuna qabtay; maxaa yeelay, dibidii sidday ayaa turunturootay.

  • 1 Sam 5:7-12
    6 aayado
    68%

    7Oo dadkii reer Ashdood markay arkeen inay saas tahay ayay yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waa inaanu ina dhex oollin; waayo, gacantiisii aad bay inoogu adag tahay, innaga iyo ilaaheenna Daagoonba.

    8Sidaas daraaddeed waxay u cid dirteen oo soo urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, War maxaynu ku samaynaa sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil ha lagu soo wareejiyo Gad. Oo iyana sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil halkaasay ku soo wareejiyeen.

    9Oo sidaasay ahaatay markii ay qaadeen dabadeed inay gacantii Rabbigu gees ka ahayd magaaladii, oo wuxuu ku riday naxdin weyn; oo dadkii magaaladana wax buu ku dhuftay yar iyo weynba, oo kulligoodna kasoobaxyo ayaa ka soo wada baxay.

    10Sidaas daraaddeed waxay sanduuqii Ilaah u direen xagga Ceqroon. Oo markii sanduuqii Ilaah Ceqroon yimid ayay reer Ceqroon wada qayliyeen, oo yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waxay inoogu keeneen inay ina laayaan innaga iyo dadkeennaba.

    11Sidaas daraaddeed way u cid dirteen oo soo wada urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil inaga fogeeya, oo iska daaya, meeshiisii haddana ha tagee, oo innaga iyo dadkeennaba yuu ina layne; waayo, magaalada waxaa kulligeed ku dhex jiray naxdinta dhimashada, oo halkaasna gacanta Ilaah waa ku cuslayd.

    12Oo dadkii aan dhimanna waxaa lagu dhuftay kasoobaxyo, oo magaalada qayladeediina waxay u baxday xagga samada.

  • 5Oo naagtiina way uuraysatay; markaasay Daa'uud u soo cid dirtay oo u sheegtay, waxayna ku tidhi, Uur baan yeeshay.

  • 68%

    35Oo markuu arkay iyadii ayuu dharkiisii iska jeexjeexay, oo wuxuu yidhi, Hoogay gabadhaydiiyey! Hoos baad ii dhigtay, oo waxaad tahay kuwa i dhiba middood; waayo, Rabbigaan afkayga u furay, oo dibna uma aan noqon karo.

    36Oo waxay ku tidhi, Aabbahayow, Rabbigaad afkaaga u furtay, haddaba igu samee wixii afkaaga ka soo baxay, waayo, Rabbigu waa kaaga aarguday cadaawayaashaadii, kuwaasoo ahaa reer Cammoon.

  • 8Oo teendhadii ayuu uga daba galay ninkii reer binu Israa'iil, oo ninkii reer binu Israa'iil iyo naagtii labadiiba calooshuu ka wareemay. Markaasaa belaayadii laga joojiyey reer binu Israa'iil.

  • 1¶ Oo sanduuqii Rabbiguna wuxuu waddankii reer Falastiin yiil toddoba bilood.

  • Ruud 1:5-6
    2 aayado
    67%

    5Oo haddana Maxloon iyo Kilyoon labadiiba way dhinteen; oo naagtii waxaa ka dhintay labadeedii carruur ahayd iyo ninkeedii.

    6¶ Markaasay kacday iyadoo wadata labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd inay ka noqoto waddankii Moo'aab; waayo, waxay waddankii Moo'aab ku maqashay in Rabbigu dadkiisii soo booqday oo uu cunto siiyey.

  • 9Oo bal eega, haddii uu aado xagga xuduudkiisa iyo ilaa Beytshemesh, de markaas isagaa xumaantan weyn inagu sameeyey; haddii kalese waxaannu ogaanaynaa inaanay gacantiisii ahayn waxa ina laayay, ee uu ahaa wax iskaga keen dhacay.

  • 13haddaba ma waxaad sugaysaan ilaa ay ka koraan? Oo ma sidaas baad isaga daynaysaan inaad niman guursataan? Gabdhahaygiiyow, maya, waayo, taasaan aad uga xumaanayaa idinka aawadiin, waayo, waxaa igu soo baxday gacanta Rabbiga.

  • 19Oo isna wuu laayay dadkii Beytshemesh, maxaa yeelay, waxay dhugteen sanduuqii Rabbiga gudihiisa, oo wuxuu dadkii ka laayay konton kun iyo toddobaatan nin, oo dadkiina way baroorteen, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu laayay dad aad u badan.

  • 23Oo isna markaasuu naagtiisii u tegey, kolkaasay uuraysatay oo waxay dhashay wiil. Markaasuu magiciisii u bixiyey Beriicaah, maxaa yeelay, belaayaa reerkiisii ku dhacday.

  • 13Oo kuwii reer Beytshemeshna waxay dooxada ka goosanayeen sarreenkoodii; oo intay indhahoodii kor u qaadeen ayay arkeen sanduuqii, oo way ku reyreeyeen inay arkaan.

  • 13Oo markii kuwii sanduuqa Rabbiga siday ay lix tallaabo socdeen wuxuu allabari u qalay dibi iyo nef kale oo shilis.

  • 2Markaasay naagtiisii addoonta ahayd ka dhillowday, oo intay isagii ka tagtay ayay aadday gurigii aabbeheed oo ku yiil Beytlaxam Yahuudah, oo halkaasay joogtay intii afar bilood ah.

  • 1 Sam 5:1-2
    2 aayado
    66%

    1¶ Haddaba reer Falastiin way qaateen sanduuqii Ilaah, oo waxay ka keeneen Ebenceser, oo geeyeen Ashdood.

    2Markaasay reer Falastiin sanduuqii Ilaah qaateen, oo intay geliyeen gurigii Daagoon ayay ag qotomiyeen Daagoon.

  • 13¶ Markaasuu Bocas kaxaystay Ruud, oo iyana waxay noqotay naagtiisii; kolkaasuu iyadii u tegey, oo Rabbiguna wuxuu iyadii siiyey uur oo waxay dhashay wiil.

  • 11oo sanduuqii Rabbiga iyo sanduuqii ay ku jireen jiirarkii dahabka ahaa iyo taswiirtii kasoobaxyada waxay saareen gaadhigii.

  • 16Oo markay soddohdeed u timid, Nimco waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tumaad tahay? Markaasay waxay u sheegtay wixii ninku u sameeyey oo dhan.

  • 15Markaasaa Naataan gurigiisii tegey. Markaasaa Rabbigu wax ku riday wiilkii naagta Uuriyaah Daa'uud u dhashay, aad buuna u bukay.

  • 16Markaasaa Nimco wiilkii qaadday oo laabta ku jiifisay, oo waxay u noqotay tu xannaanaysa.

  • 20Oo markuu soo qaaday oo hooyadiis u keenay, tan iyo duhurkii ayuu jilbaha hooyadiis ku fadhiyey, dabadeedna wuu dhintay.

  • 19Oo naagtan ilmaheediina habeenkii buu dhintay, maxaa yeelay, iyadaa ku dul seexatay.