1 Samuu'eel 6:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasay iyana waxay yidhaahdeen, Haddaad diraysaan sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil, isagoo madhan ha dirina; laakiinse si walba qurbaan xadgudub u celiya; oo dabadeedna waad bogsan doontaan, oo waxaad ogaan doontaan sababta gacantiisu idinkaga dhaqaaqi weyday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 23:15 : 15 Oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn waa inaad dhawrtaa. Toddoba maalmood waa inaad cuntaa kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi oo bisha Aabiib ah, maxaa yeelay, bishaas ayaad Masar ka soo baxday; oo midkiinna hortayda yuusan iman isagoo faro madhan.
  • Sharc 16:16 : 16 Oo sannaddiiba saddex jeer raggiinna oo dhammu waa inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meeshuu dooranayo, oo saddexdaas jeer waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iidda Toddobaadyada, iyo Iidda Waababka, oo waa inaanay iyagoo fara madhan Rabbiga hortiisa ka muuqan.
  • 1 Sam 6:9 : 9 Oo bal eega, haddii uu aado xagga xuduudkiisa iyo ilaa Beytshemesh, de markaas isagaa xumaantan weyn inagu sameeyey; haddii kalese waxaannu ogaanaynaa inaanay gacantiisii ahayn waxa ina laayay, ee uu ahaa wax iskaga keen dhacay.
  • Ayuub 10:2 : 2 Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine. Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.
  • Ayuub 34:31-32 : 31 Waayo, ninna miyuu Ilaah ku yidhi, Anigu edbintii waan qaatay, oo mar dambe ninna xumayn maayo, 32 Haddaba waxaanan u jeedin i bar, Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?
  • 1 Sam 5:7 : 7 Oo dadkii reer Ashdood markay arkeen inay saas tahay ayay yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waa inaanu ina dhex oollin; waayo, gacantiisii aad bay inoogu adag tahay, innaga iyo ilaaheenna Daagoonba.
  • 1 Sam 5:9 : 9 Oo sidaasay ahaatay markii ay qaadeen dabadeed inay gacantii Rabbigu gees ka ahayd magaaladii, oo wuxuu ku riday naxdin weyn; oo dadkii magaaladana wax buu ku dhuftay yar iyo weynba, oo kulligoodna kasoobaxyo ayaa ka soo wada baxay.
  • 1 Sam 5:11 : 11 Sidaas daraaddeed way u cid dirteen oo soo wada urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil inaga fogeeya, oo iska daaya, meeshiisii haddana ha tagee, oo innaga iyo dadkeennaba yuu ina layne; waayo, magaalada waxaa kulligeed ku dhex jiray naxdinta dhimashada, oo halkaasna gacanta Ilaah waa ku cuslayd.
  • Bax 34:20 : 20 Oo dameerka curadka ah waa inaad wan yar ku furataa, oo haddaanad furanin, de waa inaad qoorta ka jebisaa. Oo dadkaaga curadyadiisa oo dhan waa inaad furataa. Oo hortayda midna yuusan iman isagoo faro madhan.
  • Laaw 5:6 : 6 oo markaas waa inuu dembigii uu dembaabay aawadiis Rabbiga ugu keenaa qurbaankii xadgudubkiisa, oo waa inuu adhiga ka soo qabto neef dhaddig ah, oo ah nayl ama waxar oo qurbaan dembi ah, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud uga sameeyaa dembigiisii.
  • Laaw 5:15-19 : 15 Haddii qof xadgudbo oo uu si kama' ah ugu dembaabo Rabbiga waxyaalihiisa quduuska ah, markaas waa inuu Rabbiga u keenaa qurbaankii xadgudubkiisii aawadiis, kaasoo ah wan aan iin lahayn oo idaha laga soo bixiyey, oo aad ku qiimaysay lacag intuu sheqel yahay, iyadoo lagu miisaamay sheqelka meesha quduuska ah, oo kaas qurbaan xadgudub ha u bixiyo. 16 Oo alaabtii quduuska ahayd oo uu ku dembaabay waa inuu magdhabaa, oo weliba iyadoo shan meelood loo dhigay meesheed waa inuu ku daraa, oo waa inuu wadaadka u dhiibaa, oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wankii ahaa qurbaanka xadgudubka oo isna waa la cafiyi doonaa. 17 ¶ Oo haddii qof dembaabo oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, in kastoo uusan ogayn, weli eed buu leeyahay, oo waa inuu dembigiisa qaataa. 18 Oo isagu waa inuu idaha ka soo bixiyaa wan aan iin lahayn oo aad adigu qiimaysay, oo waa inuu wadaadka ugu dhiibaa qurbaan xadgudub, oo wadaadkuna waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wixii uu kama' ugu qaldamay isagoo aan ogayn, oo isna waa la cafiyi doonaa. 19 Waa qurbaan xadgudub, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah isagu Rabbiga hortiisa eed buu ku leeyahay.
  • Laaw 6:6 : 6 Oo isagu qurbaanka xadgudubkiisa aawadiis waa inuu Rabbiga ugu keenaa wan aan iin lahayn oo uu idaha ka soo bixiyey ee aad qiimaysay, oo qurbaan xadgudub aawadiis wadaadka ha ugu keeno.
  • Laaw 7:1-7 : 1 ¶ Oo kanuna waa sharciga ku saabsan qurbaanka xadgudubka. Kaasu waa kan ugu wada quduusan. 2 Meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco waa in qurbaanka xadgudubkana lagu gowracaa, oo dhiiggiisana waa inuu ku dul rusheeyaa hareeraha meesha allabariga. 3 Oo isagu waa inuu bixiyaa baruurta taasoo ah badhida, iyo xaydha gudaha ku duuban, 4 iyo labada kelyood iyo xaydha ku dul taal oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, waa inuu kelyaha la qaadaa. 5 Oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, waayo, kaasu waa qurbaankii xadgudubka. 6 Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, oo waa in lagu cunaa meel quduus ah, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan. 7 Oo qurbaanka xadgudubku waa sidii qurbaanka dembiga oo kale. Oo iyagu isku sharci ayay leeyihiin, oo wadaadkii kafaaraggudka ku sameeyaa ha lahaado.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Sam 6:4-21
    18 aayado
    85%

    4Oo markaasay yidhaahdeen, Qurbaanka xadgudubka ee aannu u celin doonaa muxuu noqon doonaa? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Madaxda reer Falastiin inta tiradoodu tahay oo dhammu ha bixiyeen shan kasoobax oo dahab ah, iyo shan jiir oo dahab ah; waayo, idinka iyo madaxdiinnaba isku belaayaa idinku wada dhacday.

    5Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad samaysaan kasoobaxyadiinnii taswiirtooda, iyo jiirarkii dalkiinna kharribay taswiirtood; oo waa inaad ammaantaan Ilaaha reer binu Israa'iil; waayo, waxaa suurtowda inuu gacantiisa idinka qaado, idinka, iyo ilaahyadiinna, iyo dalkiinnaba.

    6Haddaba maxaad qalbiyadiinna ugu adkaynaysaan sidii Masriyiintii iyo Fircoon qalbiyadooda u adkeeyeen oo kale? Oo markii uu cajaa'ibka weyn dhexdooda ku sameeyey, miyaanay dadkii sii dayn inay tagaan oo miyaanay ambabbixin?

    7Haddaba sidaas daraaddeed qaata oo diyaariya gaadhi cusub, iyo laba sac oo irmaan ee aan weligood harqood la saarin, oo sacaha gaadhiga ku xidha, weylahoodana ka soo celiya oo guriga keena;

    8markaas qaada sanduuqa Rabbiga oo saara gaadhiga, oo dahabka aad ugu celinaysaan qurbaankii xadgudubka aawadiisna intaad sanduuq ku riddaan dhinaciisa saara, oo markaas iska dira ha tagee.

    9Oo bal eega, haddii uu aado xagga xuduudkiisa iyo ilaa Beytshemesh, de markaas isagaa xumaantan weyn inagu sameeyey; haddii kalese waxaannu ogaanaynaa inaanay gacantiisii ahayn waxa ina laayay, ee uu ahaa wax iskaga keen dhacay.

    10Oo dadkiina sidii bay yeeleen, oo waxay soo wateen laba sac oo irmaan, oo waxay ku xidheen gaadhigii, oo weylahoodiina waxay ku xereeyeen guriga;

    11oo sanduuqii Rabbiga iyo sanduuqii ay ku jireen jiirarkii dahabka ahaa iyo taswiirtii kasoobaxyada waxay saareen gaadhigii.

    12Sacihiina waxay qaadeen jidkii toosnaa oo Beytshemesh, oo waxay tageen xagga jidkii weynaa iyagoo sii bunaaxinaya intii ay sii socdeen, oo midig iyo bidix toona uma ay leexan, oo madaxdii reer Falastiinna way daba socdeen ilaa soohdintii Beytshemesh.

    13Oo kuwii reer Beytshemeshna waxay dooxada ka goosanayeen sarreenkoodii; oo intay indhahoodii kor u qaadeen ayay arkeen sanduuqii, oo way ku reyreeyeen inay arkaan.

    14Oo gaadhigiina wuxuu soo galay beertii Yashuuca kii reer Beytshemesh, oo wuxuu istaagay meel dhagax weynu ku yiil; oo intay qoryihii gaadhiga jeexjeexeen ayay sacihiina Rabbiga ugu bixiyeen qurbaan la gubo aawadiis.

    15Markaasay kuwii reer Laawi soo dejiyeen sanduuqii Rabbiga, iyo sanduuqii isaga la jirayba ee alaabta dahabka ahu ku jirtay, oo waxay kor saareen dhagaxii weynaa; oo isla maalintaas ayaa dadkii reer Beytshemesh Rabbiga u bixiyeen qurbaanno la gubo iyo allabaryo.

    16Oo shantii madaxda ahayd oo reer Falastiinna markay arkeen ayay isla maalintaas Ceqroon ku noqdeen.

    17¶ Oo kuwanu waa kasoobaxyadii dahabka ahaa ee reer Falastiin Rabbiga ugu celiyeen qurbaan xadgudub aawadiis; Ashdood aawadeed mid baa loo celiyey, Gaasa aawadeedna mid, Ashqeloon aawadeedna mid, Gad aawadeedna mid, Ceqroon aawadeedna mid;

    18oo jiirarkii dahabka ahaana waxay tiro le'ekaayeen magaalooyinkii reer Falastiin oo shantii madaxda ahayd lahaayeen oo dhan, oo waa laga wada bixiyey magaalooyinkii deyrka lahaa iyo tuulooyinkii duurka ku yiilba iyo ilaa xataa dhagaxii weynaa ee ay dul saareen sanduuqii Rabbiga, kaasoo xataa ilaa maantadan la joogo dhex yaal beertii Yashuuca kii reer Beytshemesh.

    19Oo isna wuu laayay dadkii Beytshemesh, maxaa yeelay, waxay dhugteen sanduuqii Rabbiga gudihiisa, oo wuxuu dadkii ka laayay konton kun iyo toddobaatan nin, oo dadkiina way baroorteen, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu laayay dad aad u badan.

    20Markaasaa dadkii Beytshemesh waxay yidhaahdeen, Bal yaa awooda inuu hor istaago Rabbiga ah Ilaahan quduuska ah? Oo bal yuu nooga tegayaa?

    21Oo waxay wargeeysyo u direen dadkii degganaa Qiryad Yecaariim, oo waxayna ku yidhaahdeen, Reer Falastiin haddana way soo celiyeen sanduuqii Rabbiga, haddaba idinku kaalaya oo qaata.

  • 1 Sam 6:1-2
    2 aayado
    84%

    1¶ Oo sanduuqii Rabbiguna wuxuu waddankii reer Falastiin yiil toddoba bilood.

    2Markaas reer Falastiin waxay u yeedheen wadaaddadii iyo kuwii wax sheegi jiray, oo waxay ku yidhaahdeen, Sanduuqa Rabbiga maxaannu ku samaynaa? Bal noo sheega waxaannu ugu dirno meeshiisii.

  • 1 Sam 5:6-12
    7 aayado
    78%

    6¶ Laakiinse gacantii Rabbigu way ku cuslayd reer Ashdood, wuuna baabbi'iyey iyagii, oo wuxuu kasoobaxyo ku soo daayay Ashdood iyo xuduudkeeda oo dhanba.

    7Oo dadkii reer Ashdood markay arkeen inay saas tahay ayay yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waa inaanu ina dhex oollin; waayo, gacantiisii aad bay inoogu adag tahay, innaga iyo ilaaheenna Daagoonba.

    8Sidaas daraaddeed waxay u cid dirteen oo soo urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, War maxaynu ku samaynaa sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil ha lagu soo wareejiyo Gad. Oo iyana sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil halkaasay ku soo wareejiyeen.

    9Oo sidaasay ahaatay markii ay qaadeen dabadeed inay gacantii Rabbigu gees ka ahayd magaaladii, oo wuxuu ku riday naxdin weyn; oo dadkii magaaladana wax buu ku dhuftay yar iyo weynba, oo kulligoodna kasoobaxyo ayaa ka soo wada baxay.

    10Sidaas daraaddeed waxay sanduuqii Ilaah u direen xagga Ceqroon. Oo markii sanduuqii Ilaah Ceqroon yimid ayay reer Ceqroon wada qayliyeen, oo yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waxay inoogu keeneen inay ina laayaan innaga iyo dadkeennaba.

    11Sidaas daraaddeed way u cid dirteen oo soo wada urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil inaga fogeeya, oo iska daaya, meeshiisii haddana ha tagee, oo innaga iyo dadkeennaba yuu ina layne; waayo, magaalada waxaa kulligeed ku dhex jiray naxdinta dhimashada, oo halkaasna gacanta Ilaah waa ku cuslayd.

    12Oo dadkii aan dhimanna waxaa lagu dhuftay kasoobaxyo, oo magaalada qayladeediina waxay u baxday xagga samada.

  • 1 Sam 4:3-4
    2 aayado
    76%

    3Oo markay dadkii xeradii yimaadeen ayay odayaashii reer binu Israa'iil yidhaahdeen, Maanta maxaa Rabbigu inoogu laayay reer Falastiin hortooda? Haddaba sanduuqii axdiga Rabbiga aynu Shiiloh ka soo qaadanno oo dhexdeenna ha yimaado, inuu inaga badbaadiyo gacanta cadaawayaasheenna.

    4Sidaas daraaddeed dadkii waxay u cid direen Shiiloh, oo waxay halkaas ka keeneen sanduuqii axdiga Rabbiga Ciidammada oo ku fadhiya Keruubiimta dushooda, oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas iyana halkaasay la joogeen sanduuqa axdiga Ilaah.

  • 1 Sam 5:1-3
    3 aayado
    73%

    1¶ Haddaba reer Falastiin way qaateen sanduuqii Ilaah, oo waxay ka keeneen Ebenceser, oo geeyeen Ashdood.

    2Markaasay reer Falastiin sanduuqii Ilaah qaateen, oo intay geliyeen gurigii Daagoon ayay ag qotomiyeen Daagoon.

    3Oo maalintii dambe markii kuwii reer Ashdood aroor hore kaceen waxay arkeen Daagoon oo wejiga ugu dhacay sanduuqii Rabbiga hortiisa. Markaasay Daagoon qaadeen oo meeshiisii qotomiyeen.

  • 3oo waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Markaad aragtaan sanduuqii axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah, iyo wadaaddada reer Laawi oo isaga sida waa inaad meeshiinna ka guurtaan, oo daba gashaan isaga.

  • 13Oo markii kuwii sanduuqa Rabbiga siday ay lix tallaabo socdeen wuxuu allabari u qalay dibi iyo nef kale oo shilis.

  • 3Oo weliba aynu sanduuqii Ilaaheenna mar kale soo ceshanno, waayo, isagii waynu iska daynay wakhtigii Saa'uul noolaa.

  • 1 Sam 4:6-8
    3 aayado
    70%

    6Oo reer Falastiinna markay maqleen dhawaaqii qaylada ayay yidhaahdeen, Dhawaaqa qaylada weyn ee xeradii Cibraaniyadii ka baxaya micnihiisu waa maxay? Markaasay garteen inuu sanduuqii Rabbigu xeradii dhex yimid.

    7Oo reer Falastiinna way cabsadeen, oo waxay yidhaahdeen, Ilaah baa xeradii soo galay. Oo haddana waxay yidhaahdeen, Hoog baa inagu dhacay! Waayo, hadda ka hor waxan oo kale lama arag.

    8Hoog baa inagu dhacaye! Bal yaa inaga samatabbixin doona ilaahyadan xoogga weyn gacantooda? Kuwanu waa ilaahyadii Masriyiinta ku laayay cidlada ee ku soo daayay belaayooyin cayn kasta ah.

  • 6Oo markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Naakoon ayaa Cuusaah gacanta ku fidiyey sanduuqii Ilaah, wuuna qabtay; maxaa yeelay, dibidii sidday ayaa turunturootay.

  • 3Markaasaa Samuu'eel wuxuu la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigiinna oo dhan Rabbiga ugu soo noqotaan, de haddaba dhexdiinna ka fogeeya ilaahyada qalaad iyo Cashtarod, oo qalbiyadiinna u diyaariya Rabbiga oo keligiis u adeega; oo isna wuu idinka samatabbixin doonaa gacanta reer Falastiin.

  • 2 Sam 6:9-10
    2 aayado
    69%

    9Oo Daa'uudna Rabbiga wuu ka baqay maalintaas, oo wuxuu isyidhi, Sanduuqa Rabbigu sidee buu iigu imanayaa?

    10Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu diiday inuu wado sanduuqii Rabbiga oo uu geeyo magaaladii Daa'uud; laakiinse Daa'uud sanduuqii buu gees ugu leexshay gurigii Cobeed Edoom kii reer Gad.

  • 17Sanduuqii Rabbigana gudahay soo geliyeen oo meeshiisii bay dhigeen, taasoo ahayd teendhadii Daa'uud u dhisay badhtankeeda; kolkaasaa Daa'uud Rabbiga hortiisa ku bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.

  • 17Oo kii warka keenay waa jawaabay oo yidhi, Reer binu Israa'iil way ka carareen reer Falastiin, oo dad badan baa la laayay, oo labadaadii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas iyana way dhinteen, oo sanduuqii Ilaahna waa la qaatay.

  • 6Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, War nin baa naga hor yimid, oo wuxuu nagu yidhi, Taga, oo boqorkii idin soo diray ku noqda, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad u cid diranaysaa in wax la soo weyddiiyo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon? Haddaba sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa.

  • 1¶ Oo iyana sanduuqii Ilaah gudahay soo geliyeen, oo dhex dhigeen teendhadii Daa'uud u dhisay, oo waxay Ilaah hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.

  • 7Sidaas daraaddeed iska noqo, oo nabad ku tag, yaadan saraakiisha reer Falastiin calool xumayne.

  • 9Oo markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Kiidon ayaa Cuusaa gacanta fidiyey si uu u qabto sanduuqii, waayo, dibidii sidday ayaa turunturootay.

  • 14Haddaba sidaas daraaddeed ayaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen inay soo qaadaan sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 12Oo Daa'uudna maalintaas wuu ka baqay Ilaah, oo wuxuu isyidhi, Sanduuqa Ilaah bal sidee baan magaaladayda u geeysanayaa?