1 Samuu'eel 9:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Samuu'eelna wuu u jawaabay Saa'uul oo ku yidhi, Wax arkuhu waa aniga, meesha sare hortay taga, waayo, idinku maanta anigaad wax ila cunaysaan, oo subaxdiina waan ku dirayaa, oo kulli waxa qalbigaaga ku jira oo dhanna waan kuu sheegi doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 4:29 : 29 Kaalaya oo arka ninkii ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. Miyaanu kani ahayn Masiixa?
  • 1 Kor 14:25 : 25 Waxyaalaha qarsoon ee qalbigiisa waa la muujiyaa, oo taa aawadeed wejigiisuu u dhici doonaa oo Ilaah ayuu caabudi doonaa isagoo odhanaya, Runtii Ilaah waa idin dhex joogaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    12Oo markaasay ugu jawaabeen, Wuu joogaa, oo wuu idinka horreeyaa, haddaba dhaqsada, waayo, isagu maantuu magaalada yimid, maxaa yeelay, dadku maantay allabari ku bixinayaan meesha sare.

    13Oo markaad magaalada gashaan, isla markaasba waad helaysaan isaga intuusan meesha sare tegin inuu wax ku cuno, waayo, dadku wax cuni maayaan ilaa uu yimaado, maxaa yeelay, isagaa allabariga ku duceeya; dabadeedna kuwii loo yeedhay way cunaan. Haddaba sidaas daraaddeed kaca, waayo, hadda waad helaysaan isagii.

    14Markaasay magaaladii u kaceen, oo markay magaaladii soo galeen, bal eeg, waxaa iyagii ka soo hor baxay Samuu'eel oo u socda meeshii sare.

    15¶ Haddaba Rabbigu wax buu Samuu'eel u muujiyey maalin ka horraysay intaan Saa'uul iman, oo wuxuu ku yidhi,

    16Berri haddaa oo kale waxaan kuu soo dirayaa nin ka yimid dalka reer Benyaamiin, haddaba waa inaad isaga subagtaa inuu amiir u ahaado dadkayga reer binu Israa'iil, oo isna wuxuu dadkayga ka badbaadin doonaa gacanta reer Falastiin, waayo, anigu waxaan soo dhugtay dadkayga, maxaa yeelay, oohintoodii baa i soo gaadhay.

    17Oo Samuu'eelna wuxuu arkay Saa'uul, Rabbiguna wuxuu isaga ku yidhi, Bal eeg, waa kaas ninkii aan kuu sheegay! Kan qudhiisa ayaa dadkayga u talin doona.

    18Markaasaa Saa'uul u soo dhowaaday Samuu'eel oo iridda jooga, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg wax arkaha gurigiisu meeshuu yahay.

  • 80%

    20Oo dameerahaaga saddex maalmood hortood kaa lumayna ha ka fikirin innaba, waayo, waa la helay. Bal yaa reer binu Israa'iil dhexdooda laga wada jeclaadaa? Sow ma aha adiga iyo reerka aabbahaa oo dhanba?

    21Markaasaa Saa'uul u jawaabay oo ku yidhi, War sow anigu ma ahi reer Benyaamiin oo u wada yar qabiilooyinka reer binu Israa'iil? Oo weliba jilibkaygu sow ugama sii yara qabiilka reer Benyaamiin jilibyadiisa? Haddaba maxaad sidan iigula hadlaysaa?

    22Markaasaa Samuu'eel wuxuu kexeeyey Saa'uul iyo midiidinkiisii, oo wuxuu keenay qolkii martida, wuxuuna fadhiisiyey kuwii loo yeedhay dhexdooda meeshii ugu wacnayd, oo kuwii loo yeedhayna waxay ahaayeen in soddon qof ku dhow.

    23Markaasaa Samuu'eel wuxuu cuntokariyihii ku yidhi, Qaybtii aan kuu dhiibay ee aan kugu idhi, Adigu ii hay, bal la kaalay.

    24Markaasaa cuntokariyihii wuxuu soo qaaday garabkii iyo wixii ku yiilba, oo wuxuu hor dhigay Saa'uul. Oo Samuu'eelna wuxuu yidhi, Bal eeg wixii laguu kaydiyey, haddaba hortaada dhigo oo cun, waayo, waa laguu hayay ilaa wakhtigii la qawimay, oo anigu waxaan idhi, Dadka waan marti qaaday. Markaasuu Saa'uul maalintaas wax la cunay Samuu'eel.

    25Oo markay ka soo degeen meeshii sare, oo ay magaaladii soo galeen, wuxuu Saa'uul kula sheekaystay guri dushiis.

    26Oo waxay kaceen aroor hore, oo markii waagu soo kaahay, Samuu'eel ayaa Saa'uul gurigii dushiisa uga yeedhay, oo ku yidhi, Kac aan ku diree. Markaasaa Saa'uul kacay, oo isaga iyo Samuu'eelba dibadday u baxeen.

    27Oo markay ka sii dhaadhacayeen magaalada darafkeeda, Samuu'eel ayaa Saa'uul ku yidhi, Midiidinka u sheeg inuu inaga sii hor maro, (markaasuu isna ka hor maray,) laakiinse adigu istaag haatan, aan erayga Ilaah ku maqashiiyee.

  • 16Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Bal sug, oo anna waxaan kuu sheegayaa wixii Rabbigu xalay igu yidhi. Markaasuu yidhi, Bal ii sheeg.

  • 1 Sam 9:6-10
    5 aayado
    75%

    6Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal eeg, magaaladan waxaa jooga nin Ilaah, oo isna waxaa weeyaan nin aad loo ciseeyo, oo wax alla wixii uu yidhaahdaaba run bay noqdaan, haddaba bal ina keen aynu u tagnee; mindhaa wax waa inooga sheegi karaa jidka aan mari doonno.

    7Markaasaa Saa'uul wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, War haddaynu u tagno maxaan u geeynaa ninka? Waayo, kibistii weelasheenna waa ka dhammaatay, oo ma hayno hadiyad aan u geeyno ninka Ilaah. Bal maxaynu haysannaa?

    8Markaasaa midiidinkii mar kale u jawaabay Saa'uul, oo ku yidhi, Bal eeg, gacanta waxaan ku hayaa rubuc sheqel lacag ah, haddaba kaasaan ninka Ilaah siinayaa inuu jidkeenna inoo sheego aawadeed.

    9(Waagii hore reer binu Israa'iil dhexdooda markii nin Ilaah wax weyddiisanayo, sidan buu odhan jiray, Ina keena aan wax arkaha u tagnee, waayo, haatan kan la yidhaahdo, Nebi, waagii hore waxaa la odhan jiray, Wax arke.)

    10Markaasaa Saa'uul wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, Wax wanaagsan baad tidhi, haddaba ina keen aan tagnee. Sidaas daraaddeed waxay galeen magaaladii ninka Ilaah joogay.

  • 1¶ Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Rabbigu wuxuu ii soo diray inaan kuu subko inaad boqor u ahaatid dadkiisa reer binu Israa'iil; haddaba bal maqal codka erayada Rabbiga.

  • 1 Sam 16:1-3
    3 aayado
    74%

    1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, War ilaa goormaad Saa'uul u ooyaysaa, adigoo og inaan u diiday inuu reer binu Israa'iil boqor u ahaado? Haddaba geeskaaga saliid ka buuxso oo tag, waxaan kuu dirayaa Yesay oo ah reer Beytlaxam; waayo, boqor baan wiilashiisa ka dhex doortay.

    2Oo Samuu'eelna wuxuu yidhi, Sidee baan u tegi karaa? Waayo, haddii Saa'uul taas maqlo wuu i dili doonaa. Oo Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Waxaad kaxaysataa qaalin lo' ah, oo waxaad tidhaahdaa, Waxaan u imid inaan Rabbiga allabari u bixiyo.

    3Oo Yesay allabariga ugu yeedh, waanan ku tusi doonaa waxaad samayn doonto; oo waxaad ii subagtaa kii aan kuu magacaabo.

  • 74%

    14Isna wuxuu ku yidhi, Muxuu u eg yahay? Markaasay tidhi, Waxaa soo baxaya nin oday ah oo huwis huwan. Kolkaasaa Saa'uul wuxuu ogaaday inuu kaasu Samuu'eel yahay, wejiguuna dhulka saaray, wuuna u sujuuday.

    15Markaasaa Samuu'eel Saa'uul ku yidhi, War maxaad ii soo dhibtay oo ii soo kicisay? Markaasaa Saa'uul wuxuu ugu jawaabay, Anigu aad baan u dhibbanahay; waayo, reer Falastiin baa ila dagaallama, oo Ilaahna waa iga tegey, oo marna iima jawaabo, oo nebiyo iyo riyooyin midna igulama hadlo, sidaas daraaddeed ayaan kuugu yeedhay, inaad i ogeysiisid waxaan sameeyo.

    16Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, War adoo og in Rabbigu kaa tegey oo uu col kuu noqday, maxaad wax ii weyddiinaysaa?

  • 1 Sam 10:8-9
    2 aayado
    74%

    8Oo waxaad ku dhaadhacdaa, oo iga hor martaa xagga Gilgaal; oo bal eeg, anna waan kuu iman doonaa, inaan bixiyo qurbaanno la gubo, iyo inaan bixiyo qurbaanno nabaadiino. Toddoba maalmood waa inaad i sugtaa, ilaa aan kuu imaado oo aan ku tuso waxaad samayn doonto.

    9¶ Oo waxaa dhacday markuu dhabarka u jeediyey Samuu'eel, inuu Ilaah siiyey qalbi kale, oo calaamooyinkaasi oo dhammuna maalintaasay wada ahaadeen.

  • 73%

    19Oo weliba Rabbigu wuxuu adiga iyo reer binu Israa'iilba u gacangelin doonaa reer Falastiin. Berrito adiga iyo wiilashaaduba anigaad ila joogi doontaan. Oo Rabbiguna wuxuu ciidanka reer binu Israa'iil ku ridi doonaa gacanta reer Falastiin.

    20Markaasaa Saa'uul haddiiba kulligiis dhulka ku dhacay, oo aad buu u cabsaday erayadii Samuu'eel aawadood, oo itaalna kuma jirin, waayo, waxba ma uu cunin maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhanba.

  • 22Haddaba waan ku baryayaaye, bal adna codkayga maqal anoo addoontaada ah, oo in yar oo kibis ah aan hortaada dhigo, oo adna cun si markaad tagtid aad xoog u yeelatid.

  • 18Oo Samuu'eelna wuu u sheegay wax kasta, oo waxba kama uu qarin innaba. Markaasuu yidhi, Isagu waa Rabbiga, ee ha sameeyo wixii la wanaagsan isaga.

  • 22Markaasaa isagiina Raamaah tegey, oo wuxuu yimid ceelka weyn oo ku yaal Sekuu, dabadeedna dadkii buu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Samuu'eel iyo Daa'uud xaggee bay joogaan? Oo waxaa lagu yidhi, Waxay joogaan Naayood oo Raamaah ku taal.

  • 72%

    9Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Halkan iigu keena qurbaanka la gubo, iyo qurbaannada nabaadiinadaba. Markaasuu bixiyey qurbaankii la gubayay.

    10Oo markuu dhammeeyey bixintii uu bixinayay allabariga la gubo, waxaa yimid Samuu'eel; markaasaa Saa'uul u baxay inuu ka hor tago oo soo salaamo.

    11Markaasaa Samuu'eel wuxuu ku yidhi, War maxaad samaysay? Oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa yeelay, waxaan arkay in dadkii iga kala firdhay, iyo inaad adiguna ku iman weyday maalmihii aan ku ballannay, iyo in reer Falastiinna dhammaantood isku soo urursadeen Mikmaash agteeda;

  • 72%

    12Markaasaa Samuu'eel aroor hore kacay, oo wuxuu damcay inuu Saa'uul ka hor tago; oo waxaa Samuu'eel loo sheegay oo lagu yidhi, Saa'uul baa yimid Karmel, oo bal eeg, halkaas tiir xusuus ah ayuu ka taagtay, oo intuu wareegay ayuu gudbay, oo Gilgaal ku dhaadhacay.

    13Oo Samuu'eelna Saa'uul buu u yimid; markaasaa Saa'uul ku yidhi isagii, Rabbigu ha ku barakeeyo; anigu amarkii Rabbiga waan oofiyey.

    14Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Haddaba waa maxay micneheedu cidan idaha ee aan dhegahayga ku maqlayaa, iyo cida dibida ee aan maqlayaa?

  • 3oo anigu waan tegayaa, oo beerta aad ku jirto dhexdeeda ayaan aabbahay ag istaagayaa, oo xaggaagaan aabbahay kala hadlayaa, oo hadday wax jiraanna waan kuu soo sheegayaa.

  • 72%

    11Dabadeedna naagtii waxay tidhi, Haddaba yaan kuu soo kiciyaa? Wuxuu isna ku yidhi, Samuu'eel ii soo kici.

    12Oo naagtii markay Samuu'eel aragtay ayay cod weyn ku qaylisay, oo Saa'uul la hadashay oo tidhi, War maxaad ii khiyaanaysay? Waayo, Saa'uul baad tahay.

  • 1¶ Samuu'eel wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Bal eega, anigu waan maqlay codkiinnii iyo wixii aad igu tidhaahdeen oo dhan, oo waxaan idiin yeelay boqor idiin taliya.

  • 71%

    12Markaasaa Saa'uul ku yidhi, Bal hadda maqal, ina Axiituubow. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Sayidkaygiiyow, waa i kan.

    13Kolkaasaa Saa'uul ku yidhi, Maxaad iigu heshiiseen, adiga iyo ina Yesay, oo maxaad u siisay kibista iyo seefta, oo Ilaahna wax ugu weyddiisay si uu iigu kaco inuu i gaado sida maanta oo kale?

  • 9Sidaas daraaddeed Ceelii wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Tag oo iska jiifso, oo waxay ahaan doontaa, hadduu kuu yeedho inaad ku tidhaahdid, Rabbiyow ila hadal, waayo anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye. Sidaas aawadeed Samuu'eel waa tegey oo meeshiisuu jiifsaday.

  • 71%

    19Saa'uulna waa loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Daa'uud wuxuu joogaa Naayood oo Raamaah ku taal.

    20Markaasaa Saa'uul rag u soo diray inay Daa'uud soo qabtaan; oo iyana markay arkeen guutadii nebiyada ahayd oo wax sheegaya, iyo Samuu'eel oo dhex taagan oo madax u ah ayaa ruuxii Rabbigu ku soo degay raggii Saa'uul soo diray, oo iyana wax bay sii sheegeen.