1

¶ Annagoo ah Bawlos iyo Silwanos iyo Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa dadka Tesaloniika kiniisaddooda oo ku jirta Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix. Nimco ha idinla jirto iyo nabadu.

2

¶ Had iyo goorba Ilaah baannu idiinku mahadnaqnaa kulligiin, annagoo baryadayada idinku xusuusanayna.

3

Waxaannu joogsila'aan Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiis ku xusuusannaa shuqulka rumaysadkiinna iyo hawsha jacaylkiinna iyo dulqaadashada rajadiinna ee ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.

4

Annagu waannu og nahay, walaalaha Ilaah jecel yahayow, in Ilaah idin doortay,

5

waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin.

6

Oo waxaad noqoteen kuwo ku dayda annaga iyo Rabbigaba, idinkoo ereyga ku helay dhib badan iyo farxadda Ruuxa Quduuska ah.

7

Sidaas daraaddeed masaal baad u noqoteen kuwa rumaystay oo Makedoniya iyo Akhaya jooga oo dhan.

8

Waayo, ereygii Rabbigaa idinka dhawaaqay, mana aha Makedoniya iyo Akhaya dhexdooda oo keliya, laakiinse rumaysadkiinna xagga Ilaah wuxuu gaadhay meel kasta; oo sidaas daraaddeed uma aannu baahnin inaannu wax nidhaahno.

9

Waayo, iyaguba waxay ka warramaan wax nagu saabsan oo ah sidaannu idiinku soo galnay, iyo sidaad sanamyadii uga jeesateen oo Ilaah ugu soo jeesateen, inaad u adeegtaan Ilaaha nool oo runta ah,

10

oo aad samada ka sugtaan Wiilkiisa uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey oo ah Ciisaha inaga samatabbixinaya cadhada imanaysa.