2 Taariikhdii 11:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

La hadal Rexabcaam ina Sulaymaan oo reer Yahuudah boqor u ah, iyo reer binu Israa'iilka dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin deggan oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 49:28 : 28 ¶ Kuwan oo dhammu waa laba iyo tobankii qabiil oo reer binu Israa'iil; tanuna waa wixii aabbahood kula hadlay oo ugu duceeyey; mid walbana sidii ducadiisu ahayd buu ugu duceeyey.
  • Bax 24:4 : 4 Markaasaa Muuse wuxuu qoray ereyadii Rabbiga oo dhan, kolkaasuu aroor hore kacay, oo buurta hoosteedii wuxuu ka dhisay meel allabari iyo laba iyo toban tiir, sidii laba iyo tobankii qolo oo reer binu Israa'iil ay ahaayeen.
  • 2 Boq 17:34 : 34 Oo ilaa maantadan waxay sameeyaan sidii caadooyinkoodii hore ay ahaayeen, oo Rabbiga kama cabsadaan, mana ay sameeyaan qaynuunnadoodii, iyo xukummadoodii, iyo sharcigii iyo amarkii uu Rabbigu amray reer Yacquub, kii uu Israa'iil u bixiyey,
  • Fil 3:5 : 5 Aniga waxaa lay guday maalintii siddeedaad, oo waxaan ahay jinsiga reer binu Israa'iil, oo waxaan ka ahay qabiilka Benyaamiin, oo waxaan ahay Cibraani ka mid ah Cibraaniyada; oo xagga sharcigana waxaan ahay Farrisi;
  • Muj 7:4-8 : 4 Oo waxaan maqlay intoodii la shaabadeeyey tiradoodii, waxayna ahaayeen boqol iyo afar iyo afartan kun oo intaasaa laga shaabadeeyey qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan. 5 Qabiilka reer Yahuudah waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Ruubeenna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Gaadna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; 6 Qabiilka reer Aasheerna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Naftaalina waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Manasehna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; 7 Qabiilka reer Simecoonna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Laawina waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Isaakaarna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; 8 Qabiilka reer Sebulunna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Yuusufna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Benyaamiinna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 92%

    20Oo markii dadkii Israa'iil maqleen in Yaaraabcaam soo noqday ayay u cid direen oo shirkii ugu yeedheen, oo waxay ka dhigteen boqor u taliya dadkii Israa'iil oo dhan; oo reerkii Daa'uudna nin qudha ma raacin, qabiilkii reer Yahuudah mooyaane.

    21¶ Oo Rexabcaamna markuu Yeruusaalem tegey wuxuu reer Yahuudah oo dhan iyo qabiilkii reer Benyaamiin ka soo shiriyey boqol iyo siddeetan kun oo rag la doortay oo dagaalyahan ahaa, si ay dadkii Israa'iil ula diriraan oo ay boqortooyadii mar kale ugu soo celiyaan Rexabcaam ina Sulaymaan.

    22Laakiinse Shemacyaah oo nin Ilaah ahaa waxaa u yimid eraygii Ilaah oo leh,

    23La hadal Rexabcaam ina Sulaymaan oo reer Yahuudah boqorka u ah, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo dadka intiisa kale oo dhanba, oo waxaad ku tidhaahdaa,

    24Rabbigu wuxuu leeyahay, Waa inaydnaan kor u bixin oo aydnaan walaalihiin dadka Israa'iilna la diririn. Nin waluba gurigiisii ha ku noqdo, waayo, waxanu aniguu iga yimid. Sidaas aawadeed way maqleen Eraygii Rabbiga, oo intay noqdeen ayay iska tageen sidii erayga Rabbigu ahaa.

  • 85%

    1¶ Oo Rexabcaam markuu Yeruusaalem tegey wuxuu reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin ka soo shiriyey boqol iyo siddeetan kun oo rag la doortay oo dagaalyahan ahaa si ay dadkii Israa'iil ula diriraan oo ay boqortooyadii mar kale ugu soo celiyaan Rexabcaam.

    2Laakiinse Shemacyaah oo nin Ilaah ahaa waxaa u yimid eraygii Ilaah oo leh,

  • 83%

    1¶ Markaasaa Rexabcaam wuxuu tegey Shekem, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen Shekem inay isaga ku soo boqraan.

    2Oo markii Yaaraabcaam ina Nebaad taas maqlay ayuu ka soo noqday dalkii Masar (waayo, wuxuu joogay dalkii Masar oo uu Boqor Sulaymaan kaga cararay).

    3Waa loo cid diray oo loo yeedhay, oo Yaaraabcaam iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna way yimaadeen, markaasay Rexabcaam la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen,

    4War aabbahaa harqood daran buu na saaray, haddaba noo fududee hawshii aabbahaa oo adkayd iyo harqoodkiisii cuslaa oo uu na saaray, annana waannu kuu adeegaynaa.

    5Markaasuu ku yidhi, Saddex maalmood dabadood igu soo noqda. Markaasaa dadkii ka tegey.

    6Markaasaa Boqor Rexabcaam la tashaday odayaashii aabbihiis Sulaymaan intuu noolaa hor joogi jiray, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan dadkan jawaab ugu celiyaa?

  • 1 Boq 12:1-6
    6 aayado
    83%

    1¶ Markaasaa Rexabcaam wuxuu tegey Shekem, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen Shekem inay isaga ku soo boqraan.

    2Oo markii Yaaraabcaam ina Nebaad taas maqlay ayaa Yaaraabcaam iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu u yimaadeen,

    3(waayo, Yaaraabcaam wuxuu weli joogay dalkii Masar oo uu Boqor Sulaymaan kaga cararay, oo Yaaraabcaamna wuxuu iska joogay dalka Masar, laakiinse waa loo cid diray oo loo yeedhay;) markaasay Rexabcaam la hadleen oo waxay ku yidhaahdeen,

    4War aabbahaa harqood daran buu na saaray; haddaba noo fududee hawshii aabbahaa oo adkayd iyo harqoodkiisii cuslaa oo uu na saaray, annana waannu kuu adeegaynaa.

    5Markaasuu ku yidhi, Bal intii saddex maalmood ah iga maqnaada, dabadeedna igu soo noqda. Markaasaa dadkii ka tegey.

    6Markaasaa Boqor Rexabcaam la tashaday odayaashii aabbihiis Sulaymaan intuu noolaa hor joogi jiray, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan dadkan jawaab ugu celiyaa?

  • 81%

    4Rabbigu wuxuu leeyahay, Waa inaydnaan kor u bixin oo aydnaan walaalihiin la diririn. Nin waluba gurigiisii ha ku noqdo, waayo, waxanu aniguu iga yimid. Sidaas aawadeed way maqleen Eraygii Rabbiga, wayna ka noqdeen Yaaraabcaam kii ay ku kaceen.

    5¶ Oo Rexabcaamna wuxuu iska degganaa Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ayuu magaalooyin qalcado leh ka dhisay.

  • 77%

    12Sidaas daraaddeed Yaaraabcaam iyo dadkii oo dhammuba maalintii saddexaad ayay Rexabcaam u yimaadeen siduu boqorku hore ugu amray markuu ku yidhi, Maalinta saddexaad igu soo noqda.

    13Markaasaa Boqor Rexabcaam ka tegey taladii raggii odayaasha ahaa, oo si qallafsan ayuu ugu jawaabay,

  • 77%

    15Sidaas daraaddeed boqorkii dadkii ma uu dhegaysan, waayo, taasu xagga Ilaah bay ka timid, si uu Rabbigu u adkeeyo eraygiisii uu Yaaraabcaam ina Nebaad kula hadlay oo uu u soo dhiibay Axiiyaah kii reer Shiiloh.

    16Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, nin kastow, teendhadaadii tag. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil oo dhammu teendhooyinkoodii tageen.

    17Laakiinse Rexabcaam wuxuu boqor u ahaa intii reer binu Israa'iil ahayd ee degganayd magaalooyinka reer Yahuudah.

  • 12Sidaas daraaddeed Yaaraabcaam iyo dadkii oo dhammuba maalintii saddexaad ayay Rexabcaam u yimaadeen siduu boqorku hore ugu amray markuu ku yidhi, Maalinta saddexaad igu soo noqda.

  • 4Markaasaa Abiiyaah wuxuu kor fuulay Buur Semaarayim oo ku taal dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo wuxuu yidhi, Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil dhammaantiin i maqla.

  • 76%

    26Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu qalbiga iska yidhi, Haddaba boqortooyadu waxay u noqon doontaa reerkii Daa'uud;

    27oo haddii dadkanu Yeruusaalem tagaan inay Rabbiga allabaryo ugu bixiyaan, de markaas qalbigoodu wuxuu u noqon doonaa sayidkoodii, kaasoo ah Rexabcaam ee boqor u ah reer Yahuudah, oo markaasay i dili doonaan, waxayna u noqon doonaan Rexabcaam ee ah boqorka reer Yahuudah.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad u dhaadhacdaa guriga boqorka dalka Yahuudah, oo halkaas eraygan kaga hadal,

  • 76%

    15Sidaas daraaddeed boqorkii dadkii ma uu dhegaysan; waayo, taasu waxay ahayd wax Rabbiga xaggiisa ka yimid, si uu u adkeeyo eraygiisii Rabbigu kula hadlay Yaaraabcaam ina Nebaad oo uu ugu soo dhiibay Axiiyaah kii reer Shiiloh.

    16Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, teendhooyinkiinnii taga. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil tageen teendhooyinkoodii.

    17Laakiinse Rexabcaam wuxuu boqor u ahaa intii reer binu Israa'iil ahayd ee degganayd magaalooyinka reer Yahuudah.

  • 2Oo Sulaymaan baa la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan oo ahaa kuwii kun kun u talin jiray, iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo xaakinnadii, iyo amiir kasta oo dalka reer binu Israa'iil joogay kuwaasoo ahaa madaxdii reeraha.

  • 26Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:

  • 11Oo Sulaymaanna waxaa u yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi,

  • 5Haddaba Nebi Shemacyaah ayaa u yimid Rexabcaam iyo amiirradii dalka Yahuudah oo Yeruusaalem ugu urursanaa Shiishaq daraaddiis, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku waad i dayriseen oo sidaas daraaddeed ayaan gacanta Shiishaq idinkaga tegey.

  • 18Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay:

  • 17Markaasay xoogeeyeen boqortooyadii dalka Yahuudah, oo intii saddex sannadood ah ayay xoogeeyeen Rexabcaam ina Sulaymaan, waayo, saddex sannadood ayay ku socdeen jidkii Daa'uud iyo kii Sulaymaanba.

  • 15Markaasay dadkii Yahuudah qayliyeen oo markay dadkii Yahuudah qayliyeen ayaa Rabbigu wax ku dhuftay Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil oo dhan Abiiyaah iyo dadkii Yahuudah hortooda.

  • 7Haddaba tag, oo Yaaraabcaam waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu dadka oo dhan waan kaa sara mariyey, oo waxaan amiir kaaga dhigay dadkaygii Israa'iil,

  • 8Oo hadda idinku waxaad ku fikiraysaan inaad boqortooyada Rabbiga ka hor joogsataan gacanta ilma Daa'uud, oo weliba idinku waxaad tihiin dad faro badan, oo waxaadna wadataan weylihii dahabka ahaa oo Yaaraabcaam idiinku sameeyey Ilaah ahaan.

  • 31Kolkaasuu Yaaraabcaam ku yidhi, Toban meelood qaado, waayo, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ah wuxuu leeyahay, Boqortooyada waan ka xoogayaa Sulaymaan, oo toban qabiil ayaan ku siinayaa,

  • 11¶ Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla.

  • 1¶ Markii boqortooyadii Rexabcaam ay dhisantay oo uu xoogaystay ayuu ka tegey sharcigii Rabbiga, iyadoo ay reer binu Israa'iil oo dhammuba la jiraan.

  • 29Haddaba Rexabcaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 17Oo haddana Daa'uud wuxuu amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan ku amray inay caawiyaan wiilkiisa Sulaymaan.

  • 14Oo weliba Rabbigu wuxuu sara kicin doonaa boqor u taliya dadkii Israa'iil, oo kaasuna maalintaas wuxuu baabbi'in doonaa reer Yaaraabcaam, laakiinse taasu waa goorma? Waa haddeer.

  • 2Oo Sulaymaanna Xiiraam buu u cid diray oo ku yidhi,