2 Taariikhdii 16:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Axdi baa inoo dhexeeya aniga iyo adiga, oo aabbahay iyo aabbahaana wuu u dhexayn jiray, haddaba bal eeg waxaan kuu soo diray lacag iyo dahab, saas aawadeed tag oo jebi axdiga aad la leedahay boqorka dalka Israa'iil oo Bacshaa ah, ha iga tagee.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 20:9-9 : 9 Markaasaa Abimeleg wuxuu u yeedhay Ibraahim, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxa aad nagu samaysay? Oo maxaan kuugu dembaabay, oo aad aniga iyo boqortooyadaydaba dembi weyn ugu soo jiidday? Waxaad igu samaysay waxyaalo aan waajib ahayn in la sameeyo. 10 Abimelegna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Maxaad aragtay oo aad waxan u samaysay?
  • Bax 32:21 : 21 Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War maxaa dadkanu kugu sameeyey oo aad dembi weyn ugu keentay?
  • Yash 9:19-20 : 19 Laakiinse amiirradii oo dhammu waxay shirkii oo dhan ku yidhaahdeen, Waxaannu iyaga ugu dhaarannay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo haddaba sidaas daraaddeed waa inaynaan taaban iyaga. 20 Oo sidan baan u yeelaynaa, oo naftooda ayaan u daynaynaa waaba intaas oo dhaartii aannu ugu dhaarannay daraaddeed cadho inoogu dhacdaaye.
  • Xaak 2:2 : 2 Idinkuna waa inaydnaan axdi la dhigan dadka dalkan deggan; oo waa inaad jejebisaan meelahooda allabariga. Laakiinse idinku ma aydnaan dhegaysan codkaygii. De haddaba maxaad sidan u yeesheen?
  • 2 Sam 21:2 : 2 Markaasaa boqorkii reer Gibecoon u yeedhay, oo ku yidhi; (haddaba reer Gibecoon ma ay ahayn reer binu Israa'iil, laakiinse waxay ahaayeen dad ka hadhay reer Amor; oo reer binu Israa'iilna way u dhaarteen iyaga; oo Saa'uul baa wuxuu damcay inuu laayo iyaga qiiradii uu u qabay reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah aawadeed;)
  • 2 Taar 18:3 : 3 Markaasaa Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku yidhi, Ma ii raacaysaa Raamod Gilecaad? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, oo annaguna dagaalka waan idinla gelaynaa.
  • 2 Taar 19:2 : 2 Oo waxaa baxay oo isagii ka hor tegey Yeehuu ina Xanaanii oo wax arkihii ahaa, oo wuxuu Boqor Yehooshaafaad ku yidhi, War ma waxaa kuu ekayd inaad caawiso kuwa sharka ah iyo inaad jeclaato kuwo Rabbiga neceb? Waxan daraaddiis waxaa kugu soo degtay cadho Rabbiga hortiisa ka timid.
  • Sab 15:4 : 4 Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
  • Ish 31:1-3 : 1 ¶ Waxaa iska hoogay kuwa Masar caawimaad ugu dhaadhaca, oo fardo ku kalsoonaada, oo gaadhifardoodyo isugu halleeya badidooda aawadeed, oo fardooleyna isugu halleeya xooggooda badan aawadiis, laakiinse aan Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil fiirin, oo aan Rabbigana innaba doondoonin. 2 Laakiinse isaguba waa xigmad badan yahay, oo belaayuu keeni doonaa, oo erayadiisana dib uma soo celin doono, laakiinse wuxuu ku kici doonaa reerka xumaanfalayaasha iyo caawimaadda kuwa xumaanta sameeya. 3 Haddaba bal ogaada in Masriyiintu ay binu-aadmi yihiin, oo ayan Ilaah ahayn, iyo in fardahoodu ay jiidh yihiin, oo ayan ruux ahayn, oo markii Rabbigu gacantiisa soo fidiyo kan wax caawiyaa wuu kufi doonaa, kan la caawiyana wuu dhici doonaa, oo labadooduba way wada halligmi doonaan.
  • Yex 17:18-19 : 18 Maxaa yeelay, isagu dhaartii wuu quudhsaday markuu axdigii jebiyey, oo intuu gacantiisa ku dhaartay ayuu haddana waxyaalahaas oo dhan sameeyey, oo sidaas aawadeed innaba ma uu baxsan doono. 19 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah dhaartaydii uu quudhsaday iyo axdigaygii uu jebiyey ayaan madaxiisa kaga abaalmarin doonaa.
  • Room 1:31-32 : 31 iyo kuwa garaadka la', iyo kuwa axdiga jebiya, iyo kuwa aan kalgacaylka lahayn, iyo kuwa aan naxariista lahayn. 32 Iyagoo garanaya qaynuunka Ilaah in kuwa waxyaalahaas sameeyaa ay dhimasho istaahilaan, ayaanay samayn waxyaalahaas oo keliya ee weliba waxay u bogaan kuwa sameeya.
  • 2 Kor 6:16 : 16 Macbudka Ilaah sidee buu ula mid yahay sanamyada? Waayo, innagu waxaynu nahay macbudka Ilaaha nool, siduu Ilaah yidhi, Iyaga waan dhex joogi doonaa, waanan dhex socon doonaa, Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.
  • 2 Tim 3:3 : 3 iyo kuwo aan kalgacayl lahayn, iyo kuwo aan heshiis doonaynin, iyo kuwo wax xanta, iyo kuwo aan iscelin karin, iyo kuwo ba'an, iyo kuwo aan wanaagga jeclayn,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 95%

    15Oo gurigii Rabbigana wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis quduuska ka dhigay iyo alaabtii uu isaga qudhiisu quduuska ka dhigay, waxayna ahayd lacag iyo dahab iyo weelal.

    16Oo cimrigoodii oo dhanna dagaal baa ka dhexeeyey Aasaa iyo Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.

    17Oo Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa dalka Yahuudah ku kacay, oo wuxuu dhisay Raamaah, inuusan qofna u oggolaan inuu ka baxo ama u galo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

    18Markaasaa Aasaa qaaday kulli lacagtii iyo dahabkii ku hadhay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka oo dhan, oo wuxuu u dhiibay addoommadiisa, oo Boqor Aasaa wuxuu iyagii u diray Benhadad ina Tabrimmoon oo ahaa ina Xesyoon, oo dalka Suuriya boqorka u ahaa oo Dimishaq degganaa, oo wuxuu ku yidhi,

    19Aniga iyo adiga axdi baa inoo dhexeeya, oo aabbahay iyo aabbahaana wuu u dhexayn jiray; haddaba bal eeg, waxaan kuu soo diray hadiyad lacag iyo dahab ah, saas aawadeed tag oo jebi axdiga aad la leedahay boqorka dalka Israa'iil oo Bacshaa ah, ha iga tagee.

    20Markaasaa Benhadad dhegaystay hadalkii Boqor Aasaa, oo saraakiishii ciidammadiisa ayuu u diray magaalooyinkii dalka Israa'iil, oo waxay dagaal ku dhufteen Ciyoon, iyo Daan, iyo Aabeel Beytmacakaah, iyo Kinnered oo dhan, iyo dalkii reer Naftaali oo dhan.

  • 83%

    1¶ Oo boqornimadii Aasaa sannaddeedii lix iyo soddonaad ayaa Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil dalka Yahuudah ku kacay oo wuxuu dhisay Raamaah, inuusan qofna u oggolaan inuu ka baxo ama u galo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

    2Markaasaa Aasaa lacag iyo dahab ka soo bixiyey khasnadihii guriga Ilaah iyo kuwii guriga boqorkaba, oo wuxuu u sii dhiibay Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya oo Dimishaq degganaa, oo wuxuu ku yidhi,

  • 73%

    4Markaasaa Benhadad dhegaystay hadalkii Boqor Aasaa, oo saraakiishii ciidammadiisa ayuu u diray magaalooyinkii dalka Israa'iil, oo waxay dagaal ku dhufteen Ciyoon, iyo Daan, iyo Aabeel Mayim, iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo reer Naftaali oo dhan.

    5Kolkii Bacshaa taas maqlay wuu ka tegey Raamaah dhisiddeedii, oo shuqulkiisiina wuu joojiyey.

    6Markaasaa Boqor Aasaa soo kaxaystay dadkii Yahuudah oo dhan, oo waxay wada qaadeen dhagxantii iyo alwaaxdii Raamaah oo uu Bacshaa ku dhisayay, kolkaasuu ku dhisay Gebac iyo Misfaah.

    7Oo wakhtigaas ayaa Xanaanii oo waxarkihii ahaa u yimid Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Waxaad isku hallaysay boqorka Suuriya, oo iskuma aadan hallayn Rabbiga Ilaahaaga ah, haddaba sidaas daraaddeed ciidanka boqorka Suuriya gacantaada wuu ka baxsaday.

  • 1 Boq 16:1-3
    3 aayado
    70%

    1¶ Markaas waxaa Yeehuu ina Xanaanii u yimid Eraygii Rabbiga oo ka gees ah Bacshaa, oo leh,

    2Ciiddaan kaa sara mariyey, oo waxaan kaa dhigay amiir u taliya dadkayga Israa'iil, oo adna waxaad ku socotay jidkii Yaaraabcaam, oo dadkaygii Israa'iilna waad dembaajisay, oo waxaad ka dhigtay inay dembiyadoodii igaga xanaajiyaan,

    3sidaas daraaddeed bal eeg, Bacshaa iyo reerkiisa oo dhanba waan wada baabbi'inayaa, oo reerkaagana waxaan ka dhigayaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad oo kale.

  • 28Oo isaga Bacshaa wuxuu dilay oo meeshiisii boqor ka noqday sannaddii saddexaad ee Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

  • 34Markaasaa Benhadad wuxuu ku yidhi, Waan kuu celinayaa magaalooyinkii aabbahay aabbahaa ka dhacay, oo waxaad Dimishaq ka samaysataa jidad sidii aabbahay Samaariya uga samaystay oo kale. Axaabna wuxuu ku yidhi, Axdiganaan kugu sii daynayaa. Sidaasuu axdi ula dhigtay, wuuna iska sii daayay.

  • 69%

    32Cimrigood oo dhan dagaal baa ka dhexeeyey Aasaa iyo Bacshaa oo boqor ka ahaa dalka Israa'iil.

    33¶ Oo boqorkii dalka Yahuudah oo Aasaa ahaa sannaddiisii saddexaad ayaa Bacshaa ina Axiiyaah boqor dalka Israa'iil ugu noqday Tirsaah, oo wuxuu boqor ahaa afar iyo labaatan sannadood.

  • 69%

    18Oo gurigii Ilaah wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis quduuska ka dhigay iyo alaabtii uu isaga qudhiisu quduuska ka dhigay, waxayna ahayd lacag iyo dahab iyo weelal.

    19Oo dagaal dambena ma jirin ilaa sannaddii shan iyo soddonaad ee Aasaa boqornimadiisii.

  • 1 Boq 20:5-6
    2 aayado
    69%

    5Oo wargeeyayaashii haddana way soo noqdeen oo waxay yidhaahdeen, Benhadad wuxuu kugu leeyahay, Xaqiiqa waan kuu soo cid diray oo waxaan kugu idhi, Waa inaad ii soo dhiibto lacagtaada, iyo dahabkaaga, iyo naagahaaga, iyo carruurtaadaba,

    6laakiinse berrito hadda oo kale waxaan kuu soo diri doonaa addoommadayda, oo waxay soo baadhi doonaan gurigaaga iyo guryaha addoommadaadaba, oo wax alla wixii kula wanaagsan gacantooday ku dhigi doonaan, wayna kaa soo qaadi doonaan.

  • 2 Boq 16:7-8
    2 aayado
    69%

    7Sidaas daraaddeed Aaxaas wuxuu farriin u diray Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay addoonkaagii iyo wiilkaagiiba, haddaba ii kaalay oo iga badbaadi boqorka Suuriya iyo boqorka dalka Israa'iil kuwaas oo igu kacay.

    8Oo Aaxaas wuxuu qaaday lacagtii iyo dahabkii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorkaba, oo wuxuu hadiyad ahaan ugu diray boqorkii Ashuur.

  • 2oo intuu u soo baxay inuu Aasaa ka hor tago ayuu ku yidhi, Aasaa, iyo dadkii Yahuudah iyo Benyaamiin oo dhammow, i maqla. Rabbigu wuu idinla jiraa intaad isaga la jirtaan, oo haddaad isaga doondoontaanna waad heli doontaan, laakiinse haddaad isaga ka tagtaan, isna wuu idinka tegi doonaa.

  • 68%

    14Markaasaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ayaa boqorkii Ashuur ugu cid diray Laakiish, oo wuxuu yidhi, Xumaan baan sameeyey, haddaba iga noqo, oo anna wixii aad i saarto waan aqbalayaa. Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu boqorkii dalka Yahuudah saaray saddex boqol oo talanti oo lacag ah iyo soddon talanti oo dahab ah.

    15Markaasaa Xisqiyaah wuxuu isagii siiyey kulli lacagtii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorka oo dhanba.

  • 12Oo waxaa isagii u timid qorniin laga keenay Nebi Eliiyaah, oo leh, Rabbiga aabbahaa Daa'uud Ilaahiisa ahu wuxuu leeyahay, Adigu kuma aadan socon jidadkii aabbahaa Yehooshaafaad maray iyo jidadkii Aasaa oo boqorka dalka Yahuudah ahaa uu maray toona,

  • 13Markaasaa Eliishaa wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, War maxaa inaga dhexeeya? Nebiyadii aabbahaa iyo nebiyadii hooyadaa u tag. Oo boqorkii dalka Israa'iilna wuxuu ku yidhi, Maya, waayo, Rabbigu wuxuu saddexdayadan boqor isugu yeedhay inuu gacanta reer Moo'aab na geliyo.

  • 67%

    1¶ Haddaba Yehooshaafaad wuxuu lahaa maal iyo sharaf badan, xidhiidh buuna la yeeshay Axaab.

    2Oo dhawr sannadood dabadood isagu wuxuu Axaab ugu tegey Samaariya. Oo Axaabna isagii iyo dadkiisii la socdayba wuxuu u qalay ido iyo dibi faro badan, oo wuxuuna isagii oggolaysiiyey inuu ula kaco Raamod Gilecaad.

    3Markaasaa Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku yidhi, Ma ii raacaysaa Raamod Gilecaad? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, oo annaguna dagaalka waan idinla gelaynaa.

  • 1 Boq 20:2-3
    2 aayado
    67%

    2Markaasuu magaaladii farriin u diray oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa ku yidhi, Anigoo Benhadad ah, waxaan kugu leeyahay,

    3Lacagtaada iyo dahabkaaga anigaa iska leh, oo naagahaaga, iyo carruurtaada, xataa kuwa ugu fiican anigaa iska leh.

  • 9Sidaas daraaddeed wuxuu ku yidhi kuwii Benhadad warka ka keenay, Boqorka sayidkayga ah u sheega oo waxaad ku tidhaahdaan, Dhammaan wixii aad markii hore ii soo dirsatay anoo addoonkaaga ah, waan yeelayaa, laakiinse waxan yeeli kari maayo. Oo wargeeyayaashiina way ka tageen, oo haddana war kalay u keeneen isagii.

  • 18Markaasaa Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wada qaaday alaabtii quduuska ahayd oo dhan, taasoo ay boqorradii dalka Yahuudah quduus ka dhigeen, iyagoo ahaa awowayaashiis Yehooshaafaad, iyo Yehooraam, iyo Axasyaah, iyo weliba isaga alaabtiisii quduuska ahayd, iyo kulli dahabkii laga helay khasnadihii guriga Rabbiga iyo gurigii boqorkaba, oo wuxuu u diray boqorkii Suuriya oo Xasaa'eel ahaa; oo isna Yeruusaalem wuu ka tegey.

  • 9Waayo, Rabbiga indhihiisu waxay hor iyo dib u fiirinayaan dunida oo dhan inuu isu adkeeyo kuwa qalbigoodu isaga xaggiisa ku qumman yahay. Taas ayaad nacasnimo ku samaysay, oo hadda ka dib dagaallo baad ku jiri doontaa.

  • 11Oo bal eeg Aasaa falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.

  • 22Markaasaa Boqor Aasaa wuxuu dalka Yahuudah oo dhan gaadhsiiyey naado ogeysiis ah, oo ninna lagama reebin; oo waxay wada qaadeen dhagxantii iyo alwaaxdii Raamaah ee uu Bacshaa ku dhisayay, kolkaasaa Boqor Aasaa wuxuu ku dhisay Gebac oo ku taal dalka reer Benyaamiin iyo Misfaah.

  • 5Markaasaa boqorkii Suuriya wuxuu Nacamaan ku yidhi, War orod oo tag, oo anna warqad baan kuugu sii dhiibayaa boqorka dalka Israa'iil. Oo isna wuu tegey, oo wuxuu qaaday toban talanti oo lacag ah, iyo lix kun oo sheqel oo dahab ah, iyo toban iskujoog oo dhar ah.

  • 4Oo wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Dagaal baan Raamod Gilecaad u tegayaaye ma i raacaysaa? Oo Yehooshaafaadna wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, fardahayguna waa fardahaagoo kale.

  • 7Oo intuu tegey ayuu u cid dirtay Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa igu caasiyoobay boqorkii Moo'aab, haddaba ma i raacaysaa aan Moo'aab la dirirnee? Isna wuxuu yidhi, Haah, waan ku raacayaa, waayo, waxaan ahay adigoo kale, dadkayguna waa sida dadkaaga oo kale, fardahayguna waa sida fardahaaga oo kale.

  • 18Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay:

  • 12Oo Rabbiguna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad siduu ugu ballanqaaday; oo Xiiraam iyo Sulaymaanna nabad baa u dhexaysay, oo labadoodu axdi bay dhigteen.

  • 7Haddana waxaa Nebi Yeehuu ina Xanaanii u yimid Eraygii Rabbiga oo ka gees ah Bacshaa iyo reerkiisaba, sababtuna waxay ahayd sharkii uu Rabbiga hortiisa ku sameeyey oo dhan ee uu Rabbiga kaga xanaajiyey shuqulkii gacmihiisa, markuu la mid noqday reer Yaaraabcaam, iyo diliddii uu dilay aawadeed.

  • 65%

    8Oo Aasaana markuu maqlay erayadaas iyo waxsheegiddii Nebi Codeed ayuu sii dhiirranaaday, oo dalka Yahuudah iyo kan Benyaamiin oo dhan iyo magaalooyinkii uu ka qabsaday dalka buuraha leh oo reer Efrayim wuu ka wada fogeeyey karaahiyadii, oo weliba wuxuu cusboonaysiiyey meeshii allabariga ee Rabbiga oo ku hor tiil balbalada Rabbiga.

    9Markaasuu soo wada shiriyey dadkii Yahuudah iyo dadkii Benyaamiin iyo kuwii iyaga la degganaa oo ka yimid reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Simecoonba, waayo, isagay ku soo darmeen iyagoo tiro badan, markay arkeen in Rabbiga Ilaahiisa ahu uu isaga la jiro.

  • 12¶ Markaasaa Abneer wuxuu Daa'uud u soo diray wargeeyayaal magiciisa ku hadlaya, oo leh, War dhulka yaa leh? Oo wuxuu kaloo ku yidhi, Heshiis ila dhigo, anna gacan baan ku siinayaa, inaan kuu soo wada jeediyo reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 26Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay: