2 Taariikhdii 17:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo iyana dalka Yahuudah ayay dadka wax ku bareen iyagoo wata kitaabkii sharciga Rabbiga, oo waxay ku dhex wareegeen magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan, oo dadkiina wax bay bareen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 6:4-9 : 4 ¶ Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa Rabbi keliya. 5 Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan. 6 Oo erayadan aan maanta kugu amrayo ha ku sii jireen qalbigaaga. 7 Oo waa inaad carruurtaada aad u bartaa oo aad kula hadashaa markaad gurigaaga fadhido, iyo markaad jid marto, iyo markaad jiifto, iyo markaad sara joogtaba. 8 Waa inaad iyaga calaamad ka dhigtaa oo gacantaada ku xidhaa, oo iyagu ha kuu ahaadeen qardhaas indhaha dhexdooda kuugu xidhan. 9 Oo waa inaad ku qortaa tiirarka albaabka gurigaaga iyo irdahaagaba.
  • Sharc 31:11-13 : 11 markii reer binu Israa'iil oo dhammu ay u yimaadaan inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meesha uu dooranayo, waa inaad sharcigan ku akhridaan reer binu Israa'iil oo dhan hortooda iyagoo maqlaya. 12 Oo soo wada shiriya dadka oo dhan, ragga, iyo dumarka, iyo dhallaanka, iyo qariibka irdihiinna ku jiraba, inay maqlaan, oo ay bartaan, oo ay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, iyo inay xajiyaan oo wada yeelaan erayada sharcigan oo dhan, 13 iyo in carruurtooda aan hore u aqoonu ay maqlaan, oo ay bartaan inay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, in alla intaad deggan tihiin dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan.
  • Yash 1:7-8 : 7 Xoog uun yeelo, oo aad u dhiirranow inaad dhawrtid oo aad yeeshid si waafaqsan sharcigii addoonkaygii Muuse kugu amray oo dhan. Si aad ugu liibaantid meel kastoo aad tagtidba, sharcigaas ha uga leexan midigta iyo bidixda toona. 8 Kitaabkan sharcigu waa inaanu afkaaga ka tegin, laakiinse waa inaad u fiirsataa habeen iyo maalinba, si aad u dhawrtid wax alla waxa ku qoran oo dhan, waayo, markaasaad jidkaaga ku barwaaqoobi doontaa, waanad liibaani doontaa.
  • 2 Taar 35:3 : 3 Oo kuwii reer Laawi oo dadka Israa'iil oo dhan wax bari jiray ee Rabbiga aawadiis quduus u ahaa wuxuu ku yidhi, Sanduuqa quduuska ah waxaad gelisaan gurigii uu dhisay Sulaymaan oo uu dhalay boqorkii reer binu Israa'iil oo Daa'uud ahaa, hadda ka dib culaab dambe garbihiinna saarnaan mayso, haddaba Rabbiga Ilaahiinna ah iyo dadkiisa reer binu Israa'iil u adeega.
  • Nex 8:7 : 7 Oo weliba waxaa kaloo dadkii sharciga garansiiyey Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Sheereebyaah, iyo Yaamiin, iyo Caquub, iyo Shabbetay, iyo Hoodiyaah, iyo Macaseeyaah, iyo Qeliitaa, iyo Casaryaah, iyo Yoosaabaad, iyo Xaanaan, iyo Felaayaah, iyo kuwii reer Laawi, oo dadkiina meeshoodii ayay istaageen.
  • Ish 8:20 : 20 Sharciga iyo markhaatifurka ka fiirsada, oo eraygan hadal waafaqsan haddaanay ku hadlinna hubaal iyaga waaberi uma jiri doono.
  • Mat 10:23 : 23 Laakiin goortay magaaladan idinku silciyaan, tan kale u carara, waayo, runtii waxaan idinku leeyahay, Magaalooyinka Israa'iil ma wada gaadhi doontaan ilaa Wiilka Aadanahu yimaado.
  • Mat 11:1 : 1 ¶ Goortii Ciise amarkiisa u dhammeeyey laba iyo tobankii xertiisa ahaa, waxaa dhacay inuu meeshaas ka noqday inuu magaalooyinkooda wax ku baro oo ku wacdiyo.
  • Mat 15:2-9 : 2 Xertaadu maxay xeerka waayeellada uga gudbaan? Waayo, ma faro xashaan goortay kibis cunayaan. 3 Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinkuba maxaad amarkii Ilaah uga gudubtaan xeerkiinna aawadiis? 4 Waayo, Ilaah wuxuu amray, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Kan aabbihii ama hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado. 5 Laakiin waxaad leedihiin, Kan aabbihii ama hooyadii ku yidhaahda, Wixii aan idiin tari lahaa, hadiyad baan Ilaah ugu bixiyey, 6 aabbihii ama hooyadii maamuusi maayo. Xeerkiinna ayaad erayga Ilaah ku buriseen. 7 Labawejiilayaalow, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay markuu yidhi, 8 Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay. 9 Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka.
  • Mat 28:19-20 : 19 Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa, 20 oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.
  • Luuk 4:17-19 : 17 Waxaa loo dhiibay kitaabkii Nebi Isayos, oo goortuu kitaabkii furay ayuu helay meeshii lagu qoray, 18 Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga, Waayo, wuxuu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, Wuxuuna ii soo diray inaan kuwa xidhan furriinnimada ogeysiiyo Iyo kuwa indhaha la' soo celinta araggooda Iyo inaan kuwa nabaraysan soo furfuro, 19 Iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga.
  • Yoox 5:39 : 39 Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa.
  • Yoox 5:46 : 46 Waayo, haddaad Muuse rumaysateen, anigana waad i rumaysan lahaydeen, waayo, wax buu iga qoray.
  • Fal 8:40 : 40 Laakiin Filibos waxaa laga helay Asootos, oo magaalooyinkuu dhex marayay oo dhan wuxuu ku wacdiyey injiilka ilaa intuu gaadhay Kaysariya.
  • Fal 13:15 : 15 Markii sharcigii iyo nebiyadii la akhriyey dabadeed kuwii sunagogga u sarreeyey ayaa cid u soo diray iyagoo leh, Walaalayaalow, haddaad dadka u haysaan hadal waana ah, dhaha.
  • Fal 15:21 : 21 Maxaa yeelay, tan iyo qarniyadii hore waxaa Muuse magaalo walba ku leeyahay kuwa dadka ku wacdiya waxa isaga ku saabsan, oo sabti walba sunagogyadaa laga akhriyaa.
  • Fal 28:23 : 23 ¶ Oo intay maalin ka ballanqaadeen, ayay hoygiisii ugu yimaadeen iyagoo tiro badan, oo isna xaalkii aad buu ugu sii caddeeyey oo u marag furay boqortooyada Ilaah, oo wuxuu iyagii ku waaninayay wax Ciise ku saabsan oo ku yaalla sharciga Muuse iyo nebiyadiiba tan iyo aroortii ilaa fiidkii.
  • Room 3:2 : 2 Si walba wuu u badan yahay; marka hore waxaa Yuhuudda lagu ammaaneeyey hadallada Ilaah.
  • 1 But 4:11 : 11 Haddii nin hadlo, ha u hadlo sidii isagoo ku hadlaya ereyga Ilaah; haddii nin adeegona, ha u adeego siduu Ilaah xoogga u siiyo, in wax walbaba Ilaah ku ammaanmo Ciise Masiix, kaasoo weligiis iyo weligiisba leh ammaanta iyo dowladnimadaba. Aamiin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 76%

    7Oo haddana sannaddii saddexaad oo boqortooyadiisa ayuu diray amiirradiisii oo ahaa Benxayl, iyo Cobadyaah, iyo Sekaryaah, iyo Netaneel, iyo Miikaayaah inay magaalooyinka dalka Yahuudah dadka wax ku baraan,

    8oo wuxuu la diray kuwii reer Laawi oo ahaa Shemacyaah, iyo Netanyaah, iyo Sebadyaah, iyo Casaaheel, iyo Shemiiraamood, iyo Yehoonaataan, iyo Adoniiyaah, iyo Toobiyaah, iyo Toob Adooniyaah, oo waxaa kaloo iyaga la jiray wadaaddadii ahaa Eliishaamaac iyo Yehooraam.

  • 10Oo boqortooyooyinkii dalalkii ku wareegsanaa dalka Yahuudah oo dhan waxaa ku dhacday Rabbiga cabsidiisii, oo sidaas daraaddeed iyagu Yehooshaafaad lama ayan diririn.

  • 72%

    27Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu bixiyey amar, oo yidhi, Wadaaddadii aad ka soo kaxayseen midkood halkaas ku celiya, oo halkaas ha tago oo ha dego, dadkana ha baro camalka Ilaaha dalkaas.

    28Haddaba wadaaddadii ay Samaariya ka soo kaxeeyeen midkood ayaa yimid, oo wuxuu degay Beytel, oo wuxuu dadkii baray siday Rabbiga uga cabsan lahaayeen.

  • Nex 8:7-8
    2 aayado
    71%

    7Oo weliba waxaa kaloo dadkii sharciga garansiiyey Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Sheereebyaah, iyo Yaamiin, iyo Caquub, iyo Shabbetay, iyo Hoodiyaah, iyo Macaseeyaah, iyo Qeliitaa, iyo Casaryaah, iyo Yoosaabaad, iyo Xaanaan, iyo Felaayaah, iyo kuwii reer Laawi, oo dadkiina meeshoodii ayay istaageen.

    8Oo kitaabkii sharciga Ilaah si bayaan ah ayaa loo akhriyey, waana la micneeyey si dadku u garto waxa la akhriyey.

  • 70%

    8Oo markay Yeruusaalem ku noqdeen ayaa Yehooshaafaad weliba Yeruusaalemna fadhiisiyey kuwii reer Laawi iyo wadaaddadii iyo madaxdii reeraha dadka Israa'iil inay sameeyaan Rabbiga garsooriddiisa iyo inay kuwii murma u garsooraan.

    9Oo wuxuu iyagii amray oo ku yidhi, Saas yeela idinkoo Rabbiga ka cabsanaya oo aamin ah oo qalbigiinnu qumman yahay.

    10Oo mar alla markii dacwo idiinka timaado walaalihiinna magaalooyinkooda deggan, taasoo u dhexaysa oo ah dhiig iyo dhiig, iyo sharci iyo amar, iyo qaynuun iyo xukummo, de markaas waa inaad u digtaan si aanay Rabbiga ugu dembaabin, oo aan taas aawadeed cadhada Rabbigu ugu soo degin idinka iyo walaalihiinba. Saas yeela oo eed lahaan maysaan.

  • 69%

    4¶ Yehooshaafaad wuxuu degganaan jiray Yeruusaalem, oo haddana wuxuu dhex maray dadkii tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo iyagii wuxuu u soo celiyey Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood.

    5Oo dalkii oo dhan iyo magaalooyinkii deyrka lahaa oo dadka Yahuudah wuxuu magaalo ka magaalo fadhiisiyey xaakinno.

  • 6Markaasay baxeen, oo tuulooyinka ayay dhex mareen, iyagoo injiilka ku wacdiyaya oo meel walbaba kuwa buka ku bogsiinaya.

  • 19oo naqilkaas waa inuu haystaa, oo waxa ku qoran waa inuu cimrigiisa oo dhan akhristaa inuu barto si uu uga cabsado Rabbiga Ilaahiisa ah inuu wada xajiyo oo yeelo erayada sharcigan iyo qaynuunnadan oo dhan,

  • 2Oo iyana waxay ku soo wada wareegeen dalkii Yahuudah, oo magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan waxay ka soo wada urursadeen kuwii reer Laawi iyo madaxdii qolooyinka dadka Israa'iil oo waxay wada yimaadeen Yeruusaalem.

  • 68%

    27Markaasaa dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem oo dhammu iyagoo Yehooshaafaad u horreeyo waxay ku noqdeen Yeruusaalem iyagoo faraxsan, waayo, Rabbigu wuxuu kaga farxiyey libtii ay cadaawayaashoodii ka heleen.

    28Oo Yeruusaalem iyo gurigii Rabbiga ayay soo galeen iyagoo ka dhawaajinaya shareerado, iyo kataarado, iyo turumbooyin.

    29Oo boqortooyooyinkii dalalka oo dhan waxaa ku soo degtay Ilaah cabsidiis markay maqleen in Rabbigu la diriray cadaawayaashii dadkii Israa'iil.

  • 4oo dadkii Yahuudahna wuxuu ku amray inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, iyo inay yeelaan sharciga iyo amarka.

  • 68%

    14¶ Oo markay soo bixiyeen lacagtii guriga Rabbiga la geliyey ayaa wadaadkii Xilqiyaah ahaa helay kitaabkii sharcigii Rabbiga oo Muuse loo sii dhiibay.

    15Markaasaa Xilqiyaah jawaabay oo wuxuu karraanigii Shaafaan ku yidhi, Waxaan gurigii Rabbiga ka dhex helay Kitaabkii Sharciga. Oo Xilqiyaah kitaabkii buu u dhiibay Shaafaan.

    16Markaasaa Shaafaan kitaabkii u geeyey boqorkii, oo weliba boqorkii buu u soo warramay oo ku yidhi, Addoommadaadii way wada samaynayaan wixii loo dhiibay oo dhan.

  • 20Oo waa inaad iyaga bartaa amarrada iyo qaynuunnada, oo waa inaad iyaga tustaa jidkii ay mari lahaayeen, iyo shuqulkii ay qaban lahaayeen.

  • 67%

    8Markaasaa Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi Shaafaan oo karraanigii ahaa, Waxaan guriga Rabbiga ka dhex helay Kitaabkii Sharciga. Oo Xilqiyaah kitaabkii buu u dhiibay Shaafaan, oo isna wuu akhriyey.

    9Markaasaa Shaafaan oo karraanigii ahaa boqorkii u yimid, wuuna u soo warramay oo ku yidhi, Addoommadaadii lacagtii guriga Rabbiga laga dhex helay way soo ururiyeen, oo waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya.

    10Oo Shaafaan oo karraanigii ahaa ayaa boqorkii u sheegay oo ku yidhi, Wadaadkii Xilqiyaah ahaa wuxuu ii dhiibay kitaab. Markaasaa Shaafaan kitaabkii ku akhriyey boqorka hortiisii.

  • 4Oo weliba dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ku amray inay wadaaddada iyo kuwa reer Laawiba siiyaan qaybtoodii, si ay ugu xoogaystaan sharciga Rabbiga.

  • 35¶ Ciise wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayay:

  • 67%

    9Oo waa inaad u tagtaan wadaaddada reer Laawi iyo xaakinka wakhtigaas joogi doono, oo waa inaad xaalkaas haybisaan oo iyana waxay idiin sheegi doonaan xukunkaas garsooriddiisa.

    10Oo waa inaad u samaysaan sida xukunka garsooriddiisu tahay, taasoo ay idiinka sheegi doonaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo waa inaad dhawrtaan oo wada samaysaan waxa ay idin bari doonaan oo dhan.

    11Oo siduu yahay sharciga ay idin bari doonaan, iyo siduu yahay xukunka ay idiin sheegi doonaan waa inaad u samaysaan. Xukunka ay idiin sheegi doonaan waa inaydaan uga leexan xagga midigta ama xagga bidixda toona.

  • 30Oo boqorkii wuxuu u kacay gurigii Rabbiga oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba, oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo guriga Rabbiga laga dhex helay.

  • 19Oo xataa reer Yahuudahna ma ayan dhawrin amarradii Rabbiga Ilaahooda ah, laakiinse waxay ku socdeen qaynuunnadii ay dadkii Israa'iil sameeyeen.

  • 2 Boq 23:1-2
    2 aayado
    67%

    1¶ Markaasaa boqorkii cid diray, oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.

    2Oo boqorkiina wuxuu u kacay gurigii Rabbiga, oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba; oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo gurigii Rabbiga laga dhex helay.

  • 19Oo kuwanu waxay ahaayeen intii boqorka u adeegi jirtay, oo ayan ku jirin kuwii uu boqorku fadhiisiyey magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah ku yiil oo dhan.

  • 4Markaasay dadkii Yahuudah oo dhammu iswada urursadeen inay Rabbiga caawimaad ka weyddiistaan, oo xataa magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan way uga soo baxeen inay Rabbiga doondoonaan.

  • 12Oo weliba dadka Yahuudahna waxaa la jirtay Rabbiga gacantiisii inay isku qalbi ahaadaan oo ay sameeyaan amarkii boqorka iyo kii amiirradiisa oo ahaa Eraygii Rabbiga.

  • 9Oo boqol u taliyayaashiina way yeeleen wixii wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ku amray oo dhan; oo nin waluba wuxuu kaxeeyey raggiisii sabtida geli lahaa iyo kuwii sabtida bixi lahaa, oo waxay u yimaadeen wadaadkii Yehooyaadaac ahaa.

  • 10Waayo, Cesraa wuxuu qalbigiisa u diyaariyey inuu doondoono oo sameeyo Rabbiga sharcigiisa iyo inuu reer binu Israa'iil baro qaynuunno iyo xukummo.

  • 18Oo Shaafaan oo karraanigii ahaa ayaa boqorkii u sheegay oo ku yidhi, Wadaadkii Xilqiyaah ahaa wuxuu ii dhiibay kitaab. Markaasaa Shaafaan kitaabkii ku akhriyey boqorka hortiisii.

  • 19Oo waa inaad iyaga carruurtiinna bartaan, idinkoo ku sheekaysta markaad gurigiinna dhex fadhidaan, iyo markaad jidka martaan, iyo markaad jiiftaan, iyo markaad sara joogtaanba.

  • 3Kolkaasay meeshoodii istaageen oo akhriyeen kitaabkii sharciga Rabbiga Ilaahooda ah intii maalin rubuceed ah; oo haddana rubuc kale ayay wax qirteen, wayna u sujuudeen Rabbiga Ilaahooda ah.

  • 13Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaa loogu dhex sameeyey shuqullo badan, oo Yeruusaalemna waxaa u joogay rag dagaalyahan ah oo xoog badan.

  • 34Oo ilaa maantadan waxay sameeyaan sidii caadooyinkoodii hore ay ahaayeen, oo Rabbiga kama cabsadaan, mana ay sameeyaan qaynuunnadoodii, iyo xukummadoodii, iyo sharcigii iyo amarkii uu Rabbigu amray reer Yacquub, kii uu Israa'iil u bixiyey,

  • 29waxay raaceen walaalahoodii gobtoodii ahaa, oo waxay galeen dhaar habaar leh inay ku soconayaan sharciga Ilaah oo loo soo dhiibay Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah, iyo inay dhawrayaan oo wada yeelayaan amarrada Rabbiga ah Sayidkeenna, iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa,

  • 12Oo soo wada shiriya dadka oo dhan, ragga, iyo dumarka, iyo dhallaanka, iyo qariibka irdihiinna ku jiraba, inay maqlaan, oo ay bartaan, oo ay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, iyo inay xajiyaan oo wada yeelaan erayada sharcigan oo dhan,

  • 4Oo intay magaalooyinka dhex marayeen, waxay u dhiibeen amarradii rasuulladii iyo waayeelladii Yeruusaalem joogay soo amreen, inay dhawraan.

  • 8wayna ku socon jireen qaynuunnadii quruumaha kale, kuwaasoo Rabbigu ka eryay dadka Israa'iil hortooda, iyo kuwii ay boqorradii dadkii Israa'iil samaysteenba.

  • 1¶ Oo dadkii oo dhammu iyagoo ah sidii nin keliya ayay dhammaantood ku soo wada urureen meesha bannaan oo iridda biyaha ka horraysa; oo karraanigii Cesraa ahaa ayay kula hadleen oo u sheegeen inuu keeno kitaabkii sharciga Muuse oo Rabbigu ku amray reer binu Israa'iil.