7¶ Haddaba Axasyaah baabbi'iisii wuxuu ka yimid xag Ilaah, markuu Yooraam u tegey, maxaa yeelay, markuu yimid ayuu Yehooraam kula kacay Yeehuu ina Nimshii kaasoo Rabbigu u subkay inuu baabbi'iyo reerka Axaab.
8Oo kolkii Yeehuu xukunka ku soo dejinayay reerkii Axaab wuxuu helay amiirradii dalka Yahuudah iyo Axasyaah walaalihiis wiilashii ay dhaleen oo Axasyaah u adeegaya, markaasuu iyagii laayay.
9Kolkaasuu doondoonay Axasyaah (oo Samaariya ku dhex dhuumanayay), waana la soo qabtay oo waxaa loo keenay Yeehuu, waana la dilay, oo isagii waa la aasay, waayo, waxay isyidhaahdeen, Isaga waxaa dhalay Yehooshaafaad oo Rabbiga ku doondooni jiray qalbigiisa oo dhan. Oo Axasyaah reerkiisiina ma uu lahayn xoog uu boqortooyada ku sii haysto.