17Markaasaa waxaa isagii ka daba galay wadaadkii Casaryaah oo ay la socdaan siddeetan ah Rabbiga wadaaddadiisa, oo ah rag xoog badan.
18Markaasay Boqor Cusiyaah hor istaageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Cusiyaahow, adigu ma lihid inaad Rabbiga foox u shiddid, laakiinse waxaa leh wadaaddada reer Haaruun oo quduus looga dhigay inay foox shidaan; haddaba meesha quduuska ah ka bax, waayo, waad xadgudubtay, oo tanuna kuuma ahaan doonto sharaf Rabbiga Ilaaha ah xaggiisa kaaga timaada.
19Markaasaa Cusiyaah cadhooday, oo gacantana waxaa ugu jiray idan uu doonayay inuu foox ku shido; oo markuu wadaaddadii u cadhooday ayaa baras wejiga ka soo baxay, isagoo wadaaddadii hor jooga oo guriga Rabbiga ku jira oo girgirihii fooxa dhiniciisa taagan.
20Markaasaa Casaryaah oo ahaa wadaadka sare iyo wadaaddadii oo dhammu isagay fiiriyeen, oo waxay arkeen inuu wejigiisa baras ku leeyahay, markaasay haddiiba halkaas ka saareen, oo isaga qudhiisiina wuu isdedejiyey inuu baxo, maxaa yeelay, Rabbigaa wax ku dhuftay.