2 Taariikhdii 28:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddana wuxuu ku allabaryi jiray oo fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiisaba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 26:30 : 30 Oo anigu meelihiinna sarsare waan dumin doonaa, oo sanamyadiinna qorraxdana waan wada baabbi'in doonaa, oo meydadkiinnana waxaan ku dul xoori doonaa meydka sanamyadiinna; oo naftayduna way idin karhi doontaa.
  • Sharc 12:2-3 : 2 Oo idinku hubaal waa inaad wada baabbi'isaan meelaha ay quruumaha aad hantiyi doontaan ilaahyadooda ugu adeegi jireen oo dhan, meelahaas oo ah kuwa buuraha dhaadheer ku kor yaal, iyo kuwa kuraha ku yaal, iyo kuwa geed kastoo dheer oo doog ah ku hoos yaal. 3 Oo waa inaad meelahooda allabariga dumisaan, oo aad tiirarkoodana wada burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gubtaan, oo sanamyada xardhan oo ilaahyadoodana waa inaad jartaan, oo magacoodana waa inaad meeshaas ka baabbi'isaan.
  • 2 Boq 16:4 : 4 Oo isna wuxuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Boq 16:3-4
    2 aayado
    92%

    3Laakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

    4Oo isna wuxuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba.

  • 83%

    2laakiinse wuxuu ku socday jidadkii boqorrada dalka Israa'iil, oo weliba wuxuu Bacaliim u sameeyey sanamyo la shubay.

    3Oo haddana foox buu ku shiday dooxadii ina Hinnom, oo carruurtiisiina dab buu ku dhex gubay, sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

  • 23Waayo, waxay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiis ka dhisteen meelo sarsare, iyo tiirar, iyo geedo Asheeraah.

  • 25Oo magaaloo kasta oo dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay meelo sarsare in foox loogu shido ilaahyo qalaad, oo wuxuu aad uga xanaajiyey Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashiis.

  • 4Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare.

  • 78%

    10Oo buur kasta oo dheer korkeeda iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba waxay qotonsan jireen tiirar iyo geedihii Asheeraah.

    11Oo meelihii sarsare oo dhan waxay ku shidi jireen foox sidii ay yeeli jireen quruumihii kale oo Rabbigu uu hortooda ka eryay; oo waxay samayn jireen waxyaalo shar ah oo ay Rabbiga kaga xanaajiyeen.

  • 4Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadku weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare.

  • 3Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacalna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey siduu yeelay Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan.

  • 76%

    3Waayo, sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa intuu weli dhallinyaraa ayuu bilaabay inuu doondoono Ilaahii awowgiis Daa'uud, oo sannaddii laba iyo tobnaad ayuu bilaabay inuu reer Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ka nadiifiyo meelihii sarsare, iyo geedihii Asheeraah, iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaaba.

    4Oo meelihii Bacaliim allabariga loogu bixin jiray oo dhanna hortiisay ku dumiyeen, sanamyadii qorraxda ee iyaga ka sarreeyeyna wuu wada jaray, oo geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaana dhammaantood wuu wada burburiyey oo boodh ka dhigay, oo wuxuu ku dul firdhiyey qabuurihii kuwii allabariga u bixin jiray.

    5Oo meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey.

    6Oo sidaasoo kaluu ka wada yeelay magaalooyinkii reer Manaseh iyo reer Efrayim iyo reer Simecoon iyo xataa kuwii reer Naftaali, iyo meelahoodii burbursanaa oo ku wareegsanaa oo dhan.

  • 76%

    3Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacaliimna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan.

    4Oo wuxuu meelo allabari uga dhex dhisay gurigii Rabbiga, kaasoo Rabbigu ka hadlay oo yidhi, Magacaygu wuxuu weligiisba joogi doonaa Yeruusaalem.

    5Oo wuxuu ciidankii samada oo dhanna meelo allabari uga dhisay labadii barxadood oo gurigii Rabbiga.

    6Oo weliba carruurtiisiina dab buu ku dhex mariyey dooxadii ina Xinnom dhexdiisa, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, sixirna wuu ku noqnoqday, oo wuxuu la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey.

  • 2 Boq 21:5-6
    2 aayado
    74%

    5Oo wuxuu ciidanka samada oo dhan meelo allabari uga dhisay labadii barxadood oo gurigii Rabbiga.

    6Oo wiilkiisiina dab buu dhex mariyey, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, wuuna la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey.

  • 5idinkoo geedaha dhexdooda iyo geed kasta oo cagaar ah hoostiisa iskula kacsada, oo carruurta dooxooyinka iyo meelaha dhagaxyada dillaacsan ka hooseeya ku gowraca.

  • 2inta ay carruurtoodu xusuusan yihiin meelahoodii allabariga iyo geedahoodii Asheeraah ee ku yiil geedaha cagaarka ah dhinacooda iyo kuraha dhaadheer dushooda.

  • 74%

    13Oo boqorkii wuxuu kaloo nijaaseeyey meelihii sarsare oo Yeruusaalem horteeda ku yiil, kuwaas oo ku yiil midigta buurta baabba'a, kuwaas oo Sulaymaan oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil uu u dhisay Cashtored oo ahayd karaahiyadii reer Siidoon, iyo Kemoosh oo ahaa karaahiyadii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ahaa karaahiyadii reer Cammoon.

    14Oo wuxuu burburiyey tiirarkii, geedihii Asheeraahna wuu jaray, oo meelahoodiina wuxuu ka buuxiyey dad lafahood.

    15Oo weliba wuxuu kaloo dumiyey meeshii allabariga ee Beytel ku tiil, iyo meeshii sare oo Yaaraabcaam ina Nebaad oo dadkii Israa'iil dembaajiyey uu sameeyey, oo isla meeshii sare wuu gubay oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo geedihii Asheeraahna wuu gubay.

  • 3Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna meelihii sarsare weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen.

  • 13Waxay allabari ku bixiyaan buuraha dhaladooda, oo foox bay ku shidaan kuraha korkooda iyo geedaha alloon iyo libneh iyo eelaah la yidhaahdo hoostooda, maxaa yeelay, waxay leeyihiin hoos wanaagsan, haddaba gabdhihiinnu way dhilloobaan oo aroosadihiinnuna way sinaystaan.

  • 28Waayo, markaan dalka keenay, kaasoo aan gacanta ugu qaaday oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siin doono ayay arkeen kur kasta oo dheer iyo geed kasta oo weyn, oo waxay halkaas ku bixiyeen allabaryadoodii, oo qurbaankoodii iga cadhaysiiyey ayay halkaas ku soo bixiyeen, oo weliba halkaasay caraftoodii udgoonayd ku sameeyeen, oo halkaasay qurbaannadoodii cabniinka ku daadiyeen.

  • 5Oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahiisa ahu isagii ku riday gacantii boqorkii Suuriya, oo intay isagii wax ku dhufteen ayay dadkiisii tirada badnaana maxaabiis ahaan ugu kaxaysteen Dimishaq. Oo haddana isagii waxaa gacanta loo geliyey boqorkii dalka Israa'iil kaasoo wax badan ka laayay.

  • 2 Boq 23:4-6
    3 aayado
    73%

    4Markaasaa boqorkii ku amray wadaadkii sare oo ahaa Xilqiyaah, iyo wadaaddadii lahaa derejada labaad, iyo iridjoogayaashii, inay macbudka Rabbiga ka soo bixiyaan kulli weelashii loo sameeyey Bacal, iyo geedihii Asheeraah, iyo ciidanka samada oo dhan; oo isna wuxuu ku gubay Yeruusaalem dibaddeeda oo ah berrimmadii Qidroon, oo dambaskoodiina Beytel buu u qaaday.

    5Oo wuxuu casilay wadaaddadii sanamyada caabudi jiray oo ay boqorradii dalka Yahuudah u doorteen inay foox ku shidaan meelaha sarsare oo ku yaal magaalooyinka dalka Yahuudah iyo meelaha ku wareegsan Yeruusaalem, iyo weliba kuwii fooxa u shidi jiray Bacal, iyo qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha, iyo ciidanka samada oo dhan.

    6Oo geedihii Asheeraahna gurigii Rabbiga wuu ka soo bixiyey oo wuxuu geeyey Yeruusaalem dibaddeeda ilaa durdurka Qidroon, oo wuxuu ku gubay durdurkii Qidroon agtiisa, oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo budadiina ku daadshay qabuurihii dadka.

  • 2Oo idinku hubaal waa inaad wada baabbi'isaan meelaha ay quruumaha aad hantiyi doontaan ilaahyadooda ugu adeegi jireen oo dhan, meelahaas oo ah kuwa buuraha dhaadheer ku kor yaal, iyo kuwa kuraha ku yaal, iyo kuwa geed kastoo dheer oo doog ah ku hoos yaal.

  • 1 Boq 3:3-4
    2 aayado
    72%

    3Oo Sulaymaanna Rabbiga wuu jeclaa, oo wuxuu ku socday qaynuunnadii aabbihiis Daa'uud; laakiin meelaha sarsare ayuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray.

    4¶ Markaasaa boqorkii Gibecoon tegey inuu ku soo allabaryo; waayo, halkaasaa ahayd meesha sare ee weyn; oo meeshaas allabariga Sulaymaan wuxuu ku bixiyey kun qurbaan oo la gubo.

  • 1 Boq 11:7-8
    2 aayado
    72%

    7Markaasaa Sulaymaan wuxuu meel sare uga dhisay buurtii Yeruusaalem ku hor tiil Kemoosh oo ahaa karaahiyadii reer Moo'aab, iyo Molokh oo ahaa karaahiyadii reer Cammoon.

    8Oo sidaasuu ugu wada sameeyey naagihiisii qalaadaa oo dhan kuwaasoo uunsi u shidi jiray, allabarina u bixin jiray ilaahyadooda.

  • 12War Xisqiyaahaasu sow ma ahaa kii wada baabbi'iyey meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba, oo dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalemna sow kuma uu amrin oo kuma odhan, Idinku waa inaad meel allabari oo keliya horteeda Ilaah ku caabuddaan, oo isla taas korkeedana waa inaad fooxa ku shiddaan?

  • 11Oo weliba wuxuu buuraha dalka Yahuudah ka sameeyey meelo sarsare, oo dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ka dhigay inay sanamyo raacaan, oo dadkii Yahuudahna wuu habaabiyey.

  • 35Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna bay ku shidi jireen meelihii sarsare. Oo isagu wuxuu dhisay iriddii sare oo gurigii Rabbiga.

  • 3maxaa yeelay, isagu wuxuu baabbi'iyey meelihii allabariga ee qalaadaa iyo meelihii sarsare, oo tiirarkiina wuu wada jejebiyey, geedihii Asheeraahna wuu wada jaray,

  • 13oo guryaha Yeruusaalem iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah ee nijaasaysan waxay u ahaan doonaan sida meesha Tofed oo kale, xataa guryahaas oo ah kuwii saqafkooda oo dhan foox loogu shidi jiray ciidammada samada oo dhan, oo qurbaanno cabniin ah loogu bixin jiray ilaahyo kale.

  • 27Markaasuu kaxaystay wiilkiisii curadka ahaa oo meeshiisa boqor ka noqon lahaa, oo derbiga korkiisa ayuu sida allabari la gubo ugu bixiyey. Oo dadka Israa'iilna cadho weyn baa loo qabay, oo iyana way ka tageen isagii, oo waxay ku noqdeen dalkoodii.

  • 4Iyagu way iga tageen, oo intay meeshan nijaaseeyeen, ayay foox ugu shideen ilaahyo kale oo iyaga, iyo awowayaashood, iyo boqorrada dalka Yahuudahba ayan aqoon, oo waxay meeshan ka buuxiyeen dhiigga kuwa aan xaqa qabin.

  • 4Wuxuu dumiyey meelihii sarsare, tiirarkiina wuu jejebiyey, geedihii Asheeraahna wuu jaray; oo wuxuu kaloo burburiyey abeesadii naxaasta ahayd oo Muuse sameeyey, waayo, ilaa wakhtigaas dadkii Israa'iil foox bay u shidi jireen, oo isna wuxuu magaceedii u bixiyey Nexushtaan.

  • 10Oo wuxuu nijaaseeyey Tofed oo ku taal dooxadii reer Xinnom, si uusan ninna wiilkiisa ama gabadhiisa dabkii u dhex marin Moleg.

  • 13Oo wuxuu meeshii allabariga ku dul gubay qurbaankiisii la gubi jiray iyo qurbaankiisii hadhuudhka ahaa, oo qurbaankiisii cabniinka wuu ku dul shubay, oo wuxuu ku saydhsaydhay dhiiggii qurbaannadiisii nabaadiinada.

  • 16¶ Laakiinse markuu xoogaystay ayuu isla weynaaday ilaa uu halligmay, oo wuxuu ku xadgudbay Rabbiga Ilaahiisa ah, waayo, macbudkii Rabbiga ayuu u galay inuu foox ku shido girgirihii fooxa.

  • 23Waayo, isagu wuxuu allabari u bixiyey ilaahyadii Dimishaq oo isaga wax ku dhuftay, oo wuxuu isyidhi, Ilaahyada boqorrada reer Suuriya way caawiyaan iyaga, sidaas daraaddeed allabari ayaan u bixinayaa si ay anigana ii caawiyaan. Laakiinse waxay isaga iyo reer binu Israa'iil oo dhanba u noqdeen wax ay ku dhacaan.