2 Taariikhdii 34:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo meelihii Bacaliim allabariga loogu bixin jiray oo dhanna hortiisay ku dumiyeen, sanamyadii qorraxda ee iyaga ka sarreeyeyna wuu wada jaray, oo geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaana dhammaantood wuu wada burburiyey oo boodh ka dhigay, oo wuxuu ku dul firdhiyey qabuurihii kuwii allabariga u bixin jiray.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 32:20 : 20 Markaasuu weyshii ay samaysteen qaaday, dab buuna ku gubay oo daqiijiyey, oo intuu biyaha ku dul daadiyey ayuu reer binu Israa'iil cabsiiyey.
  • Laaw 26:30 : 30 Oo anigu meelihiinna sarsare waan dumin doonaa, oo sanamyadiinna qorraxdana waan wada baabbi'in doonaa, oo meydadkiinnana waxaan ku dul xoori doonaa meydka sanamyadiinna; oo naftayduna way idin karhi doontaa.
  • 2 Boq 23:4-6 : 4 Markaasaa boqorkii ku amray wadaadkii sare oo ahaa Xilqiyaah, iyo wadaaddadii lahaa derejada labaad, iyo iridjoogayaashii, inay macbudka Rabbiga ka soo bixiyaan kulli weelashii loo sameeyey Bacal, iyo geedihii Asheeraah, iyo ciidanka samada oo dhan; oo isna wuxuu ku gubay Yeruusaalem dibaddeeda oo ah berrimmadii Qidroon, oo dambaskoodiina Beytel buu u qaaday. 5 Oo wuxuu casilay wadaaddadii sanamyada caabudi jiray oo ay boqorradii dalka Yahuudah u doorteen inay foox ku shidaan meelaha sarsare oo ku yaal magaalooyinka dalka Yahuudah iyo meelaha ku wareegsan Yeruusaalem, iyo weliba kuwii fooxa u shidi jiray Bacal, iyo qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha, iyo ciidanka samada oo dhan. 6 Oo geedihii Asheeraahna gurigii Rabbiga wuu ka soo bixiyey oo wuxuu geeyey Yeruusaalem dibaddeeda ilaa durdurka Qidroon, oo wuxuu ku gubay durdurkii Qidroon agtiisa, oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo budadiina ku daadshay qabuurihii dadka.
  • 2 Boq 23:11-12 : 11 Oo wuxuu fogeeyey fardihii boqorradii dalka Yahuudah ay qorraxda ku siiyeen iridda laga soo galo guriga Rabbiga ee u dhow qolkii Naataan Meleg oo bohon ahaa uu degganaa, oo gaadhifardoodkii qorraxdana buu gubay. 12 Oo meelihii allabariga oo ku yiil qowladda sare ee Aaxaas saqafkeeda oo boqorradii dalka Yahuudah ay sameeyeen, iyo meelihii allabariga oo Manaseh ka sameeyey labada barxadood oo guriga Rabbiga ayuu boqorkii wada dumiyey, oo halkaas intuu ka orday ayuu boodhkoodii ku shubay durdurkii Qidroon.
  • 2 Taar 14:5 : 5 Oo haddana magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan wuxuu ka baabbi'iyey meelihii sarsare iyo sanamyadii qorraxda, oo boqortooyaduna isaga hortiisa way ku xasilloonayd.
  • 2 Taar 33:3 : 3 Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacaliimna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan.
  • 2 Taar 34:7 : 7 Oo meelihii allabariga wuu wada dumiyey, geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaana wuu wada budeeyey, oo sanamyadii qorraxda ee dalka Israa'iil oo dhan ku yiilna wuu wada jaray, markaasuu Yeruusaalem ku noqday.
  • Sab 18:42 : 42 Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dabaysha hor kaca, Oo waxaan iyagii dibadda ugu tuuray sidii dhoobada jidadka taal oo kale.
  • Ish 27:9 : 9 Haddaba sidaas daraaddeed xumaanta reer Yacquub tanaa lagu kafaaraggudi doonaa, oo tanuna waa midhihii qaadidda dembigiisa oo dhan, markuu dhagaxyada meesha allabariga oo dhan ka wada dhigo sida dhagaxyada nuuradda ah oo la burburiyo oo kale, si aanay geedaha Asheeraah iyo sanamyada qorraxduna mar dambe u soo kicin.
  • Sharc 7:5 : 5 Laakiinse iyaga waa inaad sidan kula macaamilootaan, meelahooda allabariga waa inaad dumisaan, oo aad tiirarkoodana burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gooysaan, oo aad sanamyadooda xardhanna gubtaan.
  • Sharc 7:25 : 25 Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.
  • Sharc 9:21 : 21 Markaasaan qaaday dembigiinnii ahaa weyshii aad samaysateen, waanan gubay oo ku dul joogjoogsaday oo daqiijiyey, ilaa ay sida boodhka oo kale noqotay, oo boodhkeediina waxaan ku shubay durdurka buurta ka soo dega.
  • 2 Boq 10:26-27 : 26 Oo waxay soo bixiyeen tiirarkii guriga Bacal ku jiray, wayna gubeen. 27 Wayna jebiyeen tiirkii Bacal, oo dumiyeen gurigii Bacal oo ilaa maantadan waxay ka dhigeen meel lagu saxaroodo.
  • Bax 23:24 : 24 Waa inaadan u sujuudin ilaahyadooda, hana u adeegin, shuqulkooda oo kalena ha samayn; laakiinse waa inaad wada afgembidaa, oo aad sanamyadoodana jejebisaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 88%

    5Oo meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey.

    6Oo sidaasoo kaluu ka wada yeelay magaalooyinkii reer Manaseh iyo reer Efrayim iyo reer Simecoon iyo xataa kuwii reer Naftaali, iyo meelahoodii burbursanaa oo ku wareegsanaa oo dhan.

    7Oo meelihii allabariga wuu wada dumiyey, geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaana wuu wada budeeyey, oo sanamyadii qorraxda ee dalka Israa'iil oo dhan ku yiilna wuu wada jaray, markaasuu Yeruusaalem ku noqday.

  • 85%

    12Oo meelihii allabariga oo ku yiil qowladda sare ee Aaxaas saqafkeeda oo boqorradii dalka Yahuudah ay sameeyeen, iyo meelihii allabariga oo Manaseh ka sameeyey labada barxadood oo guriga Rabbiga ayuu boqorkii wada dumiyey, oo halkaas intuu ka orday ayuu boodhkoodii ku shubay durdurkii Qidroon.

    13Oo boqorkii wuxuu kaloo nijaaseeyey meelihii sarsare oo Yeruusaalem horteeda ku yiil, kuwaas oo ku yiil midigta buurta baabba'a, kuwaas oo Sulaymaan oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil uu u dhisay Cashtored oo ahayd karaahiyadii reer Siidoon, iyo Kemoosh oo ahaa karaahiyadii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ahaa karaahiyadii reer Cammoon.

    14Oo wuxuu burburiyey tiirarkii, geedihii Asheeraahna wuu jaray, oo meelahoodiina wuxuu ka buuxiyey dad lafahood.

    15Oo weliba wuxuu kaloo dumiyey meeshii allabariga ee Beytel ku tiil, iyo meeshii sare oo Yaaraabcaam ina Nebaad oo dadkii Israa'iil dembaajiyey uu sameeyey, oo isla meeshii sare wuu gubay oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo geedihii Asheeraahna wuu gubay.

    16Oo Yoosiyaah markuu soo jeestay ayuu arkay qabuurihii buurta ku yiil, oo intuu cid diray oo qabuurihii lafihii ka soo bixiyey ayuu meeshii allabariga ku dul gubay, wuuna nijaaseeyey, sidii uu ahaa erayga Rabbiga oo ninkii Ilaah naadiyey, kaasoo ahaa kii waxyaalahan naadiyey.

  • 3Waayo, sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa intuu weli dhallinyaraa ayuu bilaabay inuu doondoono Ilaahii awowgiis Daa'uud, oo sannaddii laba iyo tobnaad ayuu bilaabay inuu reer Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ka nadiifiyo meelihii sarsare, iyo geedihii Asheeraah, iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaaba.

  • 3maxaa yeelay, isagu wuxuu baabbi'iyey meelihii allabariga ee qalaadaa iyo meelihii sarsare, oo tiirarkiina wuu wada jejebiyey, geedihii Asheeraahna wuu wada jaray,

  • 1¶ Haddaba markii waxyaalahaasu wada dhammaadeen ayaa reer binu Israa'iilkii joogay oo dhammu tegey magaalooyinkii dalka Yahuudah, oo waxay burburiyeen tiirarkii, geedihii Asheeraahna way jareen, oo meelihii sarsare iyo meelihii allabarigaba way ka dundumiyeen kulli dalkii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin iyo reer Efrayim iyo xataa kii reer Manasehba, ilaa ay wada baabbi'iyeen dhammaantood. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu wada noqdeen oo nin kastaaba wuxuu ku laabtay hantidiisii, waxayna galeen magaalooyinkoodii.

  • 4Wuxuu dumiyey meelihii sarsare, tiirarkiina wuu jejebiyey, geedihii Asheeraahna wuu jaray; oo wuxuu kaloo burburiyey abeesadii naxaasta ahayd oo Muuse sameeyey, waayo, ilaa wakhtigaas dadkii Israa'iil foox bay u shidi jireen, oo isna wuxuu magaceedii u bixiyey Nexushtaan.

  • 78%

    15Markaasuu ilaahyadii qalaad iyo sanamkiiba ka bixiyey gurigii Rabbiga, oo meelihii allabariga ee uu ka dhisay buurtii guriga Rabbiga iyo Yeruusaalem gudaheedaba dhammaantood wuu dumiyey, oo magaaladii wuu ka wada tuuray.

    16Markaasuu hagaajiyey meeshii allabariga ee Rabbiga, oo wuxuu ku dul bixiyey qurbaanno nabaadiino iyo qurbaanno mahadnaqid ah, oo wuxuu dadkii Yahuudah ku amray inay u adeegaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 2 Boq 23:4-6
    3 aayado
    78%

    4Markaasaa boqorkii ku amray wadaadkii sare oo ahaa Xilqiyaah, iyo wadaaddadii lahaa derejada labaad, iyo iridjoogayaashii, inay macbudka Rabbiga ka soo bixiyaan kulli weelashii loo sameeyey Bacal, iyo geedihii Asheeraah, iyo ciidanka samada oo dhan; oo isna wuxuu ku gubay Yeruusaalem dibaddeeda oo ah berrimmadii Qidroon, oo dambaskoodiina Beytel buu u qaaday.

    5Oo wuxuu casilay wadaaddadii sanamyada caabudi jiray oo ay boqorradii dalka Yahuudah u doorteen inay foox ku shidaan meelaha sarsare oo ku yaal magaalooyinka dalka Yahuudah iyo meelaha ku wareegsan Yeruusaalem, iyo weliba kuwii fooxa u shidi jiray Bacal, iyo qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha, iyo ciidanka samada oo dhan.

    6Oo geedihii Asheeraahna gurigii Rabbiga wuu ka soo bixiyey oo wuxuu geeyey Yeruusaalem dibaddeeda ilaa durdurka Qidroon, oo wuxuu ku gubay durdurkii Qidroon agtiisa, oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo budadiina ku daadshay qabuurihii dadka.

  • 5Laakiinse iyaga waa inaad sidan kula macaamilootaan, meelahooda allabariga waa inaad dumisaan, oo aad tiirarkoodana burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gooysaan, oo aad sanamyadooda xardhanna gubtaan.

  • 13laakiinse waa inaad dumisaan meelahooda allabariga, oo burburisaan tiirarkooda, oo gooysaan geedahooda Asheeraah,

  • 76%

    26Oo waxay soo bixiyeen tiirarkii guriga Bacal ku jiray, wayna gubeen.

    27Wayna jebiyeen tiirkii Bacal, oo dumiyeen gurigii Bacal oo ilaa maantadan waxay ka dhigeen meel lagu saxaroodo.

  • 17Dabadeedna dadkii oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisiiba way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda.

  • 76%

    2laakiinse wuxuu ku socday jidadkii boqorrada dalka Israa'iil, oo weliba wuxuu Bacaliim u sameeyey sanamyo la shubay.

    3Oo haddana foox buu ku shiday dooxadii ina Hinnom, oo carruurtiisiina dab buu ku dhex gubay, sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

    4Oo haddana wuxuu ku allabaryi jiray oo fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiisaba.

  • 3Oo waa inaad meelahooda allabariga dumisaan, oo aad tiirarkoodana wada burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gubtaan, oo sanamyada xardhan oo ilaahyadoodana waa inaad jartaan, oo magacoodana waa inaad meeshaas ka baabbi'isaan.

  • 18Dabadeedna dadkii waddanka oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisii oo dhanna way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda. Oo wadaadkii wuxuu doortay kuwa gurigii Rabbiga u taliya.

  • 3Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacalna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey siduu yeelay Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan.

  • 75%

    3Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacaliimna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan.

    4Oo wuxuu meelo allabari uga dhex dhisay gurigii Rabbiga, kaasoo Rabbigu ka hadlay oo yidhi, Magacaygu wuxuu weligiisba joogi doonaa Yeruusaalem.

    5Oo wuxuu ciidankii samada oo dhanna meelo allabari uga dhisay labadii barxadood oo gurigii Rabbiga.

  • 24Markaasaa Aaxaas wuxuu soo wada urursaday weelashii guriga Ilaah oo wuu wada burburiyey weelashii guriga Ilaah, oo albaabbadii guriga Rabbigana wuu wada xidhay, oo isna wuxuu meelo allabari ka samaystay gees kasta oo Yeruusaalem.

  • 5Oo haddana magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan wuxuu ka baabbi'iyey meelihii sarsare iyo sanamyadii qorraxda, oo boqortooyaduna isaga hortiisa way ku xasilloonayd.

  • 4Meelihiinna allabariguna cidla bay wada noqon doonaan, oo sanamyadiinna qorraxdana waa la wada burburin doonaa, oo raggiinna la laayayna sanamyadiinna waan ku soo hor tuuri doonaa.

  • 6Oo qalbigiisuna wuxuu u sara kacay inuu qaado jidadka Rabbiga, oo weliba wuxuu dalka Yahuudah ka baabbi'iyey meelihii sarsare iyo geedihii Asheeraah.

  • 30Markaasaa dadkii magaaladu waxay Yoo'aash ku yidhaahdeen, Soo bixi wiilkaaga aan dilnee, waayo, wuxuu dumiyey meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray, oo geedihii Asheeraah oo ku ag yiilna salkuu ka gooyay.

  • 9Haddaba sidaas daraaddeed xumaanta reer Yacquub tanaa lagu kafaaraggudi doonaa, oo tanuna waa midhihii qaadidda dembigiisa oo dhan, markuu dhagaxyada meesha allabariga oo dhan ka wada dhigo sida dhagaxyada nuuradda ah oo la burburiyo oo kale, si aanay geedaha Asheeraah iyo sanamyada qorraxduna mar dambe u soo kicin.

  • 2Qalbigoodu waa kala qaybsan yahay, oo haatan waxaa lagu heli doonaa gardarro. Meelahooda allabariga ayuu wax ku dhufan doonaa, oo tiirarkoodana wuu wada kharribi doonaa.

  • 7Waayo, Catalyaah oo ahayd tu shar ah wiilasheedii ayaa gurigii Ilaah burburiyeen, oo weliba alaabtii guriga Rabbiga oo quduuska laga dhigay oo dhan waxay wada siiyeen Bacaliim.

  • 4Oo isna wuxuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba.

  • 30Oo anigu meelihiinna sarsare waan dumin doonaa, oo sanamyadiinna qorraxdana waan wada baabbi'in doonaa, oo meydadkiinnana waxaan ku dul xoori doonaa meydka sanamyadiinna; oo naftayduna way idin karhi doontaa.

  • 4Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare.

  • 16Oo weliba Macakaah oo ahayd Boqor Aasaa hooyadiis boqoradnimadii wuu ka dejiyey, maxaa yeelay, waxay sanam karaahiya ah u samaysay geed Asheeraah, oo Aasaa sanamkeedii wuu jebiyey oo wuxuu ka dhigay boodh, wuxuuna ku gubay durdurka Qidroon agtiisa.

  • 4Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadku weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare.

  • 25¶ Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu ku yidhi isagii, Kaxayso dibiga aabbahaa, kaasoo ah dibiga labaad oo toddoba jirka ah, oo waxaad dumisaa meeshaa allabariga loogu bixiyo Bacal oo aabbahaa haysto, oo geedaha Asheeraah ku ag yaalna jar;

  • 14Markaasay kaceen oo waxay fogeeyeen meelihii allabariga oo Yeruusaalem dhex yiil iyo girgirayaashii fooxa lagu shidi jiray oo dhan, oo dhammaantood waxay ku dhex tuureen durdurkii Qidroon.

  • 6Haddaba shuqulkiisii la qoray oo dhan Waxay ku wada dumiyaan gudmo iyo dubbayaal.

  • 13Macakaah oo hooyadiis ahaydna boqoradnimadii wuu ka dejiyey, maxaa yeelay, waxay sanam karaahiya ah u samaysay geed Asheeraah, oo Aasaa sanamkeedii wuu jebiyey, wuxuuna ku gubay durdurka Qidroon agtiisa.

  • 7Oo sanamkii xardhanaa ee uu sameeyey ayuu dhex qotomiyey gurigii Ilaah ee uu Ilaah ka hadlay oo Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaanba ku yidhi, Gurigan iyo Yeruusaalem dhexdeeda oo aan ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaan magacayga weligiisba ku dayn doonaa.

  • 28Oo dadkii magaaladu markay aroor hore soo tooseen ayay arkeen in meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray ay dunsan tahay iyo in geedihii Asheeraah oo agteeda ku yiil ay salka ka go'an yihiin, iyo in dibigii labaad lagu dul bixiyey meeshii allabariga oo loo dhisay.