2 Taariikhdii 35:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo neefafka Kormaridda gowraca, oo quduus iska dhiga, oo walaalihiinna u diyaariya, si aad u samaysaan si waafaqsan Eraygii Rabbiga oo Muuse loo soo dhiibay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 29:5 : 5 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Reer Laawiyow, i maqla, oo haddeer isdaahiriya, oo waxaad kaloo daahirisaan guriga Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo nijaastana ka bixiya meesha quduuska ah.
  • 2 Taar 29:15 : 15 Oo waxay soo wada ururiyeen walaalahood, oo intay isdaahiriyeen ayay guriga Rabbiga u galeen inay nadiifiyaan si waafaqsan amarkii boqorka ee ahaa erayadii Rabbiga.
  • 2 Taar 29:34 : 34 Laakiinse wadaaddadu aad bay u yaraayeen oo ma ay wada qali karin qurbaannadii la gubayay oo dhan, sidaas daraaddeed waxaa iyagii caawiyey walaalahoodii reer Laawi ilaa uu shuqulkii dhammaaday oo ay wadaaddadiina isdaahiriyeen, waayo, reer Laawi way ka qalbi toosnaayeen wadaaddada inay isdaahiriyaan.
  • 2 Taar 30:3 : 3 Maxaa yeelay, iyagu wakhtigaas ma ay samayn karin, waayo, wadaaddadii tiro hawsha ku filanu isma ay daahirin, oo dadkiina Yeruusaalem kuma ay soo wada ururin.
  • 2 Taar 30:15-19 : 15 Markaasay neefafkii Iiddii Kormaridda qaleen bishii labaad maalinteedii afar iyo tobnaad, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina way yaxyaxeen, oo intay isdaahiriyeen ayay qurbaanno la gubo keeneen gurigii Rabbiga. 16 Markaasay meeshoodii istaageen sidii loogu amray sharcigii Muuse oo ahaa ninkii Ilaah, oo wadaaddadu waxay saydhsaydhi jireen dhiiggii ay ka guddoomeen gacantii reer Laawi. 17 Oo waxaa jiray kuwo badan oo shirka ka mid ahaa oo aan isdaahirin, sidaas daraaddeed reer Laawi shuqulkoodu wuxuu ahaa inay neefafka Kormaridda u gowracaan mid alla midkii aan nadiif ahayn, si ay iyaga Rabbiga ugu daahiriyaan. 18 Maxaa yeelay, dad badan, xataa kuwa badan oo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Isaakaar iyo reer Sebulun ayan isnadiifin oo weliba waxay wax uga cuneen neefafka Kormaridda si ka duwan sidii qornayd. Waayo, Xisqiyaah ayaa iyaga u duceeyey oo yidhi, Rabbiga wanaagsanu ha cafiyo ku alla kii 19 qalbigiisa u diyaariya inuu doondoono Ilaaha ah Rabbiga oo ah Ilaahii awowayaashiis in kastoo uusan isu nadiifin sidii ay ahayd isdaahirintii meesha quduuska ah.
  • Cesr 6:20-21 : 20 Waayo, wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi way iswada daahirsheen dhammaantood; oo giddigood daahir bay ahaayeen, markaasay neefkii Kormaridda u bireeyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday oo dhan, iyo wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo naftoodiiba. 21 Oo waxaa cunay reer binu Israa'iil oo maxaabiisnimada ka soo noqday, iyo in alla intii naftooda gooni uga soocday nijaastii dadkii dalka degganaa inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,
  • Ayuub 1:5 : 5 Oo maalmihii ay diyaafaddii hayn jireen markay dhammaadaan ayaa Ayuub carruurtiisii u cid diri jiray oo daahirin jiray, oo intuu aroor hore kaco ayuu intay ahaayeen oo dhan u bixin jiray qurbaanno la gubo, waayo, Ayuub wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo wiilashaydu ay dembaabeen, oo ay qalbigooda Ilaah wax xun kaga sheegeen. Oo Ayuubna sidaasuu yeeli jiray had iyo goorba.
  • Sab 51:7 : 7 Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa, I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.
  • Yoel 2:16 : 16 Dadka soo ururiya, oo ururka quduus ka dhiga, oo odayaasha soo shiriya, oo carruurta soo ururiya, iyo xataa kuwa naasaha nuugaya. Aroosku qolkiisa ha ka soo baxo, oo aroosadduna ilxidhkeeda ha ka soo baxdo.
  • Cib 9:13-14 : 13 Waayo, haddii orgiyo iyo dibiyo dhiiggooda, iyo qaalin dambaskeeda lagu rusheeyo kuwa nijaasoobay, ay quduus ka dhigaan in jidhka la nadiifiyo, 14 intee ka badan ayuu dhiigga Masiix, kan Ruuxa weligiis ah isugu bixiyey Ilaah isagoo aan eed lahayn, niyadiinna ka nadiifin kara shuqullada dhintay si aad ugu adeegtaan Ilaaha nool?
  • Bil 35:2 : 2 Markaasaa Yacquub ku yidhi dadkii gurigiisa iyo intii isaga la jirtay oo dhan, Iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo isdaahirsha, oo dharkiinnana beddesha,
  • Bax 12:6 : 6 oo waa inaad gooni u xidhaan ilaa bisha maalinteeda afar iyo tobnaad; oo ururka shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inay makhribkii qalaan.
  • Bax 12:21-22 : 21 ¶ Markaasaa Muuse wuxuu u wada yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, La baxa wanan oo qoys, qoys u qaata, oo qala wanka Kormaridda. 22 Waxaad qaadataan xidhmo geed husob ah, oo waxaad dartaan dhiigga ku jira xeedhada, oo albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ku taabsiiya dhiiga ku jira xeedhada; oo midkiinna ilaa waagu ka beryo yuusan albaabka gurigiisa dibadda uga bixin.
  • Bax 19:10 : 10 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal orod oo dadka u tag, oo maanta iyo berri quduus ka dhig iyaga, oo dharkooda ha dhaqeen,
  • Bax 19:15 : 15 Oo wuxuu dadkii ku yidhi, Maalinta saddexaad diyaar noqda oo naagna ha isugu dhowaanina.
  • Tir 19:11-20 : 11 Oo kii qof meyd ah taabta intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa. 12 Oo kaasu waa inuu maalinta saddexaad isku daahiriyaa, oo maalinta toddobaad isagu daahir buu ahaan doonaa; laakiinse haddaanu maalinta saddexaad isdaahirin, markaas maalinta toddobaad daahir ma uu ahaan doono. 13 Oo ku alla kii qof dhintay meydkiis taabta oo aan isdaahirin, kaasu wuxuu nijaaseeyaa Rabbiga taambuuggiisa, oo qofkaasu wuu ka go'i doonaa reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, isaga laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya, oo isagu nijaas buu ahaan doonaa, oo nijaasnimadiisa ayaa weli saaran. 14 Oo tanu waa sharciga markii nin teendho ku dhex dhinto. Mid kasta oo teendhada soo gala, iyo mid kasta oo teendhada ku jirayba, intii toddoba maalmood ah ayay nijaas ahaan doonaan. 15 Oo weel kasta oo furan oo aan lahayn dabool ku xidhan waa nijaas. 16 Oo ku alla kii berrin bannaan ku soo taabta qof seef lagu dilay, ama meyd, ama laf dad, ama qabri, intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa. 17 Oo nijaasta aawadeed waa in loo qaadaa dambaska qurbaankii dembiga oo la gubay, oo biyo socda waa in weel lagula shubaa, 18 oo markaas waa in qof daahir ahu geed husob ah soo qaadaa, oo uu biyaha daraa, oo kolkaas ha ku rusheeyo teendhada, iyo weelasha oo dhan, iyo dadkii halkaas joogay, iyo kii taabtay lafta, ama qofka la dilay, ama meydka, ama qabriga. 19 Oo qofka daahirka ahu waa inuu maalinta saddexaad iyo maalinta toddobaad ku rusheeyaa kii nijaas ah, oo maalinta toddobaad waa inuu isaga daahiriyaa, markaas dharkiisana ha maydho, jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas fiidkii daahir buu ahaan doonaa. 20 Laakiinse qofka nijaasta ah, oo aan isdaahirin, qofkaasu shirka dhexdiisa waa in laga gooyaa, maxaa yeelay, wuxuu nijaaseeyey Rabbiga meeshiisii quduuska ahayd, oo waa nijaas oo laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 21¶ Markaasaa Muuse wuxuu u wada yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, La baxa wanan oo qoys, qoys u qaata, oo qala wanka Kormaridda.

  • 79%

    16Sidaasaa hawshii Rabbiga loo diyaariyey isku maalintaas in Iidda Kormaridda la dhawro iyo in qurbaannada la gubo lagu bixiyo meeshii allabariga ee Rabbiga, sidii uu ahaa amarkii Boqor Yoosiyaah.

    17Reer binu Israa'iil oo markaas joogayna wakhtigaasay dhawrayeen Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahaynba intii toddoba maalmood ah.

    18Oo Iiddaas Kormaridda mid la mid ah dalka Israa'iil laguma iidin tan iyo wakhtigii Nebi Samuu'eel, oo boqorradii reer binu Israa'iilna midkoodna ma uu iidin Iiddii Kormaridda siday u iideen Yoosiyaah, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli dadka Yahuudah iyo dadka Israa'iil ee joogay oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba.

    19Oo Iiddaas Kormaridda waxaa la iiday sannaddii siddeed iyo tobnaad oo boqornimadii Yoosiyaah.

  • 1¶ Oo Yoosiyaah Yeruusaalem ayuu Rabbiga ugu dhawray Iiddii Kormaridda, oo neefafkii Kormariddana waxaa la gowracay bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad.

  • 76%

    9Oo weliba Kaananyaah iyo walaalihiis oo ahaa Shemacyaah iyo Netaneel, iyo Xashabyaah iyo Yecii'eel iyo Yoosaabaad oo ahaa madaxdii reer Laawi waxay reer Laawi qurbaannadii Kormaridda u siiyeen shan kun oo neef oo yaryar, iyo shan boqol oo dibi.

    10Sidaasaa hawshii loo hagaajiyey, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina waxay kala istaageen meelahoodii siday kooxahoodii kala ahaayeen, taasoo waafaqsan boqorka amarkiisii.

    11Markaasay gowraceen neefafkii Kormaridda, oo wadaaddadiina way saydhsaydheen dhiiggii ay gacantooda ka guddoomeen, oo kuwii reer Laawina harag bay ka bixiyeen.

    12Oo iyana meel bay dhigeen qurbaannadii la gubayay inay sidii qaybihii reerihii dadku ay kala ahaayeen Rabbiga wax ugu bixiyaan si waafaqsan waxa ku qoran kitaabkii Muuse. Oo dibidiina sidaasoo kalay u galeen.

    13Oo sidii qaynuunku ahaa ayay neefafkii Kormaridda dab ugu dubeen, oo qurbaannadii quduuska ahaana waxay ku kariyeen dheryo iyo digsiyo iyo weelal kale oo waaweyn, oo intay qaadeen ayay haddiiba u geeyeen dadkii oo dhan.

    14Oo dabadeedna wax bay u diyaariyeen nafsaddoodii iyo wadaaddadii, maxaa yeelay, wadaaddadii reer Haaruun waxay ilaa habeenkii bixinayeen qurbaannada la gubo iyo baruurtaba, sidaas daraaddeed kuwii reer Laawi wax bay u diyaariyeen nafsaddoodii iyo wadaaddadii reer Haaruunba.

  • 76%

    15Markaasay neefafkii Iiddii Kormaridda qaleen bishii labaad maalinteedii afar iyo tobnaad, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina way yaxyaxeen, oo intay isdaahiriyeen ayay qurbaanno la gubo keeneen gurigii Rabbiga.

    16Markaasay meeshoodii istaageen sidii loogu amray sharcigii Muuse oo ahaa ninkii Ilaah, oo wadaaddadu waxay saydhsaydhi jireen dhiiggii ay ka guddoomeen gacantii reer Laawi.

    17Oo waxaa jiray kuwo badan oo shirka ka mid ahaa oo aan isdaahirin, sidaas daraaddeed reer Laawi shuqulkoodu wuxuu ahaa inay neefafka Kormaridda u gowracaan mid alla midkii aan nadiif ahayn, si ay iyaga Rabbiga ugu daahiriyaan.

  • 20Waayo, wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi way iswada daahirsheen dhammaantood; oo giddigood daahir bay ahaayeen, markaasay neefkii Kormaridda u bireeyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday oo dhan, iyo wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo naftoodiiba.

  • Tir 9:2-6
    5 aayado
    75%

    2Weliba reer binu Israa'iil ha dhawreen Iidda Kormaridda xilligeedii la amray.

    3Bishan maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidkii tahay waa inaad dhawrtaan xilligeedii la amray. Waxaad u dhawrtaan sida qaynuunnadeedii iyo amarradeedii oo dhammu ay yihiin.

    4Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil oo wuxuu u sheegay inay Iidda Kormaridda dhawraan.

    5Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay Iiddii Kormaridda ku dhawreen cidladii Siinay; oo sidii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.

    6Oo waxaa jiray niman ku nijaasoobay nin dhintay meydkiis oo aanay sidaas aawadeed karin inay maalintaas Iiddii Kormaridda dhawraan, oo maalintaasay yimaadeen Muuse iyo Haaruun hortooda.

  • 7¶ Markaasaa Yoosiyaah wuxuu dadkii intii joogtay oo dhan adhigii ka siiyey baraar iyo waxarro si ay qurbaannada Kormaridda u bixiyaan, oo tiradooduna waxay isku ahayd soddon kun, iyo saddex kun oo dibi, intaasu waxay ahaayeen intii boqorku maalkiisa ka baxshay.

  • 5Oo waxaad isu taagtaan meesha quduuska ah sida qaybaha reerihii walaalihiin oo ah dadka dalka ay kala yihiin, oo reerihii qaar reer Laawi ahi ha isu qaybiyeen.

  • 6oo waa inaad gooni u xidhaan ilaa bisha maalinteeda afar iyo tobnaad; oo ururka shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inay makhribkii qalaan.

  • 2Oo Iidda Kormaridda waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u bixisaan neef aad ka qaaddaan idaha iyo lo'da, uguna bixiya meesha uu Rabbiga u dooranayo inuu magiciisa dhigo.

  • 9¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 27waxaad ku odhan doontaan, Waa allabarigii Rabbiga Kormariddiisii, kii kor maray guryihii reer binu Israa'iil markay Masar joogeen, oo samatabbixiyey reerahayagii, Masriyiintiise laayay. Markaasaa dadku madaxa u foororiyey oo u sujuuday.

  • 11Oo sidan waa inaad u cuntaan, idinkoo guntan, oo kabihiinnu cagaha idiinku jiraan, ushiinnuna gacanta idiinku jirto; oo waa inaad degdeg u cuntaan; waayo, waa Rabbiga Kormariddiisa.

  • 21¶ Markaasaa boqorkii dadkii oo dhan amray oo ku yidhi, Rabbiga Ilaahiinna ah u dhawra Iidda Kormaridda, siday ugu qoran tahay kitaabkan axdiga.

  • Luuk 22:7-8
    2 aayado
    72%

    7¶ Waxaa timid maalintii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, tan la leeyahay in neefka Kormaridda la gowraco.

    8Markaasaa Ciise wuxuu diray Butros iyo Yooxanaa isagoo ku leh, Taga oo Kormaridda inoo soo diyaargareeya aan cunnee.

  • 23Laakiinse sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Boqor Yoosiyaah ayaa Iiddaas Kormaridda Rabbiga loogu dhawray Yeruusaalem.

  • 21Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaad waa inaad Iiddii Kormaridda iiddaan, taasoo ah iid toddoba maalmood ah, waana in la cunaa kibis aan khamiir lahayn.

  • 1¶ Markaasaa Muuse isu soo ururiyey shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Kuwanu waa erayadii Rabbigu idinku amray inaad yeeshaan.

  • Sharc 16:5-6
    2 aayado
    71%

    5Idiinma bannaana inaad allabariga Iidda Kormaridda ku bixisaan irdihiinna gudahooda oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo,

    6laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo waa inaad allabariga Kormaridda ku bixisaan markay fiidka tahay, oo qorraxdu dhacdo, oo ah xilligii aad Masar ka soo baxdeen.

  • 29Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi, Inuu maanta barako idinku soo dejiyo aawadeed, Rabbiga quduus isaga dhiga oo nin waluba ha ka gees noqdo wiilkiisa iyo walaalkiisba.

  • 6Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray inaad samaysaan, oo waxaa idiin muuqan doona Rabbiga ammaantiisa.

  • 3Shirka reer binu Israa'iil oo dhan la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Maalinta tobnaad oo bishan waa in nin waluba wan qaataa sida reeraha aabbayaashood yihiin, qoys waluba wan ha qaato;

  • 12Intaad diyaarisaan sida tiradu tahay mid kasta u sameeya.

  • 12Waa inayan waxba ka reebin ilaa subaxda, oo ayan lafahana mid ka jebin. Waa inay u dhawraan sida qaynuunka Iidda Kormaridda yahay oo dhan.

  • 24¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 26¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 6Oo isla bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn oo Rabbiga loo qabto, oo intii toddoba maalmood ah waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan.

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 12oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin madaxdii qolooyinka reer Laawi, haddaba idinka iyo walaalihiinba isdaahiriya si aad sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ugu soo qaaddaan meeshii aan u hagaajiyey.

  • 25¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 6Reer Laawi ka dhex sooc reer binu Israa'iil oo iyaga daahiri.

  • 16¶ Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaadna waa wakhtiga Kormaridda Rabbiga.