33de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho.
34Oo hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadaawayaashooda oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladan aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,
35de markaas samada ka maqal tukashadooda iyo baryootankooda, dacwaddoodana u yeel.
36Haddii ay kugu dembaabaan, (waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, ) oo aad u cadhootid oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan dal kale, ama ha dhowaado, ama ha dheeraadee,
37oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii ay maxaabiista ku yihiin, oo ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay,
38oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka ay maxaabiista ku yihiin oo maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,
39de markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel, oo cafi dadkaaga kugu dembaabay.
40Haddaba Ilaahayow waan ku baryayaaye indhahaagu ha furmeen oo dhegahaaguna ha maqleen baryootanka meeshan lagu baryootamo.