8Markaasaa Sulaymaan Ilaah ku yidhi, Aabbahay Daa'uud si weyn baad ugu naxariisatay, anigana boqor baad igaga dhigtay meeshiisii.
9Haddaba Rabbiyow Ilaahow, ballankaagii aad aabbahay Daa'uud u ballanqaadday ha dhismo, waayo, waxaad boqor iiga dhigtay dad tiradiisu tahay sida ciidda dhulka.
10Haddaba waxaad i siisaa xigmad iyo aqoon si aan dadkan hortooda ugu baxo oo ugu soo galo, waayo, dadkaagan tirada badan bal yaa xukumi kara?
11Markaasaa Ilaah wuxuu Sulaymaan ku yidhi, Waxyaalaha qalbigaaga ku jiray aawadood oo ah adigoo aan i weyddiisan maal, iyo hodan, amase sharaf, amase kuwa adiga ku neceb noloshooda, ama aadan i weyddiisan cimri dheer, laakiinse aad i weyddiisatay xigmad iyo aqoon aad ku xukuntid dadkayga aan boqorka kaaga dhigay,
12ayaa xigmad iyo aqoonba lagu siiyey, oo anna waxaan ku siinayaa maal, iyo hodan, iyo sharaf ayan lahaan jirin boqorradii kaa horreeyey oo dhammu, oo ayan kuwa kaa dambeeya oo dhammuna taasoo kale lahaan doonin.