2 Korintos 11:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin waxaan samaynayo, waan sii samayn doonaa, inaan ka gooyo waxay kuwa doonaya inay wax ku faanaan ku faani lahaayeen, in waxay ku faanaan loo garto inay sidayada oo kale yihiin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 9:12 : 12 Qaar kale hadday waxaas jid idiinku leeyihiin, miyaannan annagu si ka badan idiinku lahayn? Hase ahaatee, waxan noo jidka ah kuma aannu isticmaalin, laakiin wax walba waannu u dulqaadannaa inaannan sina u joojin injiilka Masiix.
  • 2 Kor 1:17 : 17 Haddaba markaan waxaas doonayay miyaan rogrogay? Ama waxaan goosto miyaan u goostaa sida uu ninka jidhka raacaa u goosto, inay xaggayga noqoto, Haah, haah, iyo Maya, maya?
  • 2 Kor 5:12 : 12 Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin.
  • 2 Kor 10:17 : 17 ¶ Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.
  • 2 Kor 11:9 : 9 Markaan idinla joogay oo aan wax u baahnaa, ninna culays kuma aan hayn, waayo, walaalihii markay Makedoniya ka yimaadeen waxay ii dhammaystireen waxaan u baahnaa, oo si kastana waan isu celiyey si aanan idiin culaysin, waanan isa sii celin doonaa.
  • 2 Kor 11:18 : 18 Siday kuwa badanu jidhka ugu faanaan, ayaan anna ugu faani doonaa.
  • Gal 1:7 : 7 oo aan ahayn mid kale, laakiin waxaa jira kuwo idin dhibaya, oo doonaya inay injiilka Masiixa qalloociyaan.
  • Gal 6:13-14 : 13 Xataa kuwa gudanu sharciga ma xajiyaan, laakiin waxay u doonayaan in laydin gudo inay jidhkiinna ku faanaan. 14 Laakiinse yaanay noqon inaan wax kale ku faano iskutallaabta Rabbigeenna Ciise Masiix mooyaane, tan dunidu iigu musmaarantay, anna aan dunida ugu musmaarmay.
  • Fil 1:15-30 : 15 Runtii waxaa jira qaar Masiixa ku naadiya xaasidnimo iyo dirir, qaarna waxay ku naadiyaan niyo wanaagsan. 16 Qaarko waxay ku naadiyaan jacayl, iyagoo og in la ii doortay injiilka daaficiddiisa, 17 laakiinse kuwa kale waxay Masiixa u naadiyaan si ay dadka u kala qaybqaybiyaan, iyagoo aan daacad ahayn oo ku fikiraya inay dhib igu kiciyaan anigoo xidhan. 18 Haddaba waa sidee? Hadday iska yeelyeel tahay iyo hadday dhab tahayba, Masiixa si kastaba waa loo naadiyaa, oo anigu taas waan ku farxay oo weliba waan ku farxi doonaa. 19 Waayo, waxaan ogahay in taasu badbaado ay iigu noqonayso xagga ducadiinna iyo caawimaadda Ruuxa Ciise Masiix, 20 sida aan aad iyo aad u filanayo oo u rajaynayo, inaanan waxba ku ceeboobin, laakiinse siday weligeed ahaan jirtay in haddeerna dhiirranaan oo dhan Masiixa lagu ammaano jidhkayga, hadday tahay nolol iyo hadday tahay dhimashoba. 21 ¶ Waayo, aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa'iido. 22 Laakiinse inaan jidhka ku sii noolaado, hadday taasu tahay midhaha hawshayda, waxaan doorto garan maayo. 23 Laakiinse anigu labada dhexdoodaan ku dhibtoonayaa, oo waxaan jeclahay inaan tago oo Masiixa la joogo, waayo, taasu aad bay iigu roon tahay, 24 laakiinse inaan jidhka ku sii jiro aad baa loogu sii baahan yahay idinka aawadiin. 25 Waan aaminsanahay oo waan ogahay inaan sii joogi doono, oo aan kulligiin idinla sii joogi doono horumarkiinna iyo farxadda rumaysadkiinna aawadood, 26 in faankiinnu Ciise Masiix ku bato xaggayga, joogistayda aan mar kale idinla joogo aawadeed. 27 ¶ Laakiinse dabiicaddiinnu ha ahaato mid istaahisha injiilka Masiixa, in haddii aan imaado oo aan idin arko, ama haddii aan maqnaadoba, aan wax xaaladdiinna ku saabsan maqlo inaad isku ruux keliya ku taagan tihiin idinkoo isku naf ku dadaalaya iimaanka injiilka, 28 oo idinku innaba ha ka cabsanina cadaawayaashiinna, taas oo iyaga u ah calaamada halaagga, laakiinse waxay idiin tahay calaamada badbaadadiinna, taasuna waxay ka timaadaa xagga Ilaah. 29 Maxaa yeelay, waxaa laydinku siiyey Masiixa aawadiis, mana aha inaad isaga rumaysataan oo keliya, laakiinse inaad isaga daraaddiisna u xanuunsataan, 30 idinkoo ku dadaalaya isku dadaalkii aad igu aragteen oo haatanna aad igu maqashaan.
  • 1 Tim 5:14 : 14 Haddaba waxaan doonayaa inay carmallada dhallintayaru guursadaan, oo carruur dhalaan, oo gurigooda u taliyaan, oo ayan cadowga isu jebin inuu caayo.
  • Ayuub 23:13 : 13 Laakiinse wax qudha ayuu goostay, bal yaa ka leexin kara? Oo wixii naftiisu doonaysaba wuu sameeyaa.
  • 1 Kor 5:6 : 6 Faankiinnu ma wanaagsana. Miyeydnaan garanaynin in in yar oo khamiir ah ay cajiinka oo dhan khamiiriso?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 77%

    16¶ Haddana waxaan leeyahay, Qofna yaanu doqon ii malayn, laakiin haddaad ii malaysaan, weliba sida doqon ii qaata inaan aniguna in yar faano.

    17Waxaan ku hadlayo ugu hadli maayo sida Rabbigu doonayo, laakiin si doqonnimo ah iyo si geesinimadan faanka ah ayaan ugu hadlayaa.

    18Siday kuwa badanu jidhka ugu faanaan, ayaan anna ugu faani doonaa.

  • 2 Kor 12:5-6
    2 aayado
    76%

    5Kaasoo kale xaggiisa waan ku faani doonaa, laakiin xaggayga kuma faani doono, itaaldarradayda mooyaane.

    6Waayo, haddaan dooni lahaa inaan faano, doqon ma ahaan doono, waayo, runtaan ku hadli doonaa; laakiin waan iska celiyaa inaanu qofna ii malayn mid ka weyn wuxuu igu arko ama iga maqlo.

  • 76%

    9Markaan idinla joogay oo aan wax u baahnaa, ninna culays kuma aan hayn, waayo, walaalihii markay Makedoniya ka yimaadeen waxay ii dhammaystireen waxaan u baahnaa, oo si kastana waan isu celiyey si aanan idiin culaysin, waanan isa sii celin doonaa.

    10Sida Masiixa runtiisu ay iigu jirto, faankan laygama joojin doono xagga dalalka Akhaya.

    11Waayo? Ma waxay tahay inaanan idin jeclayn? Ilaah baa garan.

  • 12Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin.

  • 5Waxaan u malaynayaa inaanan sina uga liidan rasuulladaas ugu waaweyn.

  • 2 Kor 10:8-9
    2 aayado
    74%

    8Waayo, in kastoo aan si badan ugu faanayo amarkayaga uu Rabbigu noo siiyey inaannu idinku dhisno ee aanu noo siin inaannu idinku duminno, weliba layma ceebayn doono.

    9Tan waxaan u idhi inaanan u ekaan sidii anigoo warqadahayga idinku cabsiinaya.

  • 74%

    17Haddaba xagga Ciise Masiix waxaan leeyahay wax aan ku faano, waana wax ku saabsan Ilaah.

    18Waayo, kuma dhici doono inaan waxba ka hadlo wixii Masiixii iga dhex shaqeeyey mooyaane, dadka aan Yuhuudda ahayn addeeciddooda aawadeed, oo uu igaga dhex shaqeeyey hadal iyo camal,

  • 15Laakiin waxyaalahaas midkoodna kuma aan isticmaalin. Haddana waxyaalahan u qori maayo in sidaas la ii yeelo, waayo, waxaa ii roon inaan dhinto intii nin uun faankayga ka dhigi lahaa wax aan wax ka jirin.

  • 13¶ Kuwaas oo kale waa rasuullo been ah iyo shaqeeyayaal khaa'inno ah iyagoo isu ekaysiinaya rasuullada Masiix.

  • 73%

    29Kumaa itaaldaran oo anna aanan itaal darnayn? Kumaa la xumeeyey oo aanan ka guban?

    30Hadday tahay inaan faano waxaan ku faanayaa waxyaalaha ku saabsan itaaldarradayda.

  • 20Sidaasaan u hawaystay inaan injiilka ku wacdiyo meel aan Masiixa awil lagu magacaabin, si aanan ugu dul dhisin aasaaska nin kale dhigay.

  • 11Haddaba ha ahaato aniga ama iyaga, sidaasaannu u wacdinnaa oo idinna u rumaysateen.

  • Gal 6:12-14
    3 aayado
    73%

    12Kuwa doonaya inay dadka istusaan inay wanaagsan yihiin xagga jidhka waxay keliyahoo idinku qasbaan in laydin gudo, inaan iskutallaabta Masiixa aawadeed loo silcin iyaga.

    13Xataa kuwa gudanu sharciga ma xajiyaan, laakiin waxay u doonayaan in laydin gudo inay jidhkiinna ku faanaan.

    14Laakiinse yaanay noqon inaan wax kale ku faano iskutallaabta Rabbigeenna Ciise Masiix mooyaane, tan dunidu iigu musmaarantay, anna aan dunida ugu musmaarmay.

  • Gal 5:11-12
    2 aayado
    73%

    11Laakiin, walaalayaalow, haddii aan anigu weli gudniinta wax ku wacdiyo, maxaa weli la ii silciyaa? Haddaba xumaan-u-qaadashada iskutallaabtu waa dhammaatay.

    12Waxaan jeclaan lahaa in kuwa idin wareeriyaa ay isgooyaan.

  • 73%

    21Waan ka xishoonayaa inaan idhaahdo, Waannu tabardaran nahay. Laakiin weliba wax kasta oo uu qof geesi ku yahay, aniguna geesi baan ku ahay (sida doqon ayaan u hadlayaa).

    22Iyagu ma Cibraaniyo baa? Anna waan ahay. Ma reer binu Israa'iil baa? Anna waan ahay. Ma dhashii Ibraahim baa? Anna waan ahay.

  • Fil 1:16-18
    3 aayado
    73%

    16Qaarko waxay ku naadiyaan jacayl, iyagoo og in la ii doortay injiilka daaficiddiisa,

    17laakiinse kuwa kale waxay Masiixa u naadiyaan si ay dadka u kala qaybqaybiyaan, iyagoo aan daacad ahayn oo ku fikiraya inay dhib igu kiciyaan anigoo xidhan.

    18Haddaba waa sidee? Hadday iska yeelyeel tahay iyo hadday dhab tahayba, Masiixa si kastaba waa loo naadiyaa, oo anigu taas waan ku farxay oo weliba waan ku farxi doonaa.

  • 16Hase ahaatee, anigu idinma aan culaysin, laakiin khaa'in baan noqday oo sir baan idinku qabtay.

  • 11¶ Doqon baan noqday; idinkaase igu qasbay. Waxay ahayd inaad i ammaantaan, waayo, sinaba ugama aan liidan rasuulladii ugu wada waaweynaa, in kastoo aanan waxba ahayn.

  • 20Waxaannu iska jiraynaa inaan qofna nagu masabidin deeqsinimadan aannu ka adeegno,

  • 3Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin.

  • 16si aannu injiilka ugu wacdinno meelaha idinka shisheeya oo aanan ku faanin waxa laga diyaariyey qof kale soohdintiisa.

  • 10Waxay keliyahoo doonayeen inaannu masaakiinta xusuusanno, taas oo aan ku dadaalayay inaan sameeyo.

  • 23Wax kasta waxaan u sameeyaa injiilka aawadiis, si aan u noqdo mid injiilka la qaybsada iyaga.

  • 6Dadka xaggiisana ammaan kama aannu doondoonin, ama xaggiinna ha noqoto, ama xagga dad kale, in kastoo aan culaab idinku noqon kari lahayn, annagoo ah rasuulladii Masiixa.

  • 72%

    32Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah,

    33sidaan aniguba dadka oo dhan uga farxiyo wax kastaba, anigoo aan doonaynin waxa ii roon, laakiin waxa kuwa badan u roon, si ay u badbaadaan.

  • 13¶ Laakiin waxaan la hadlayaa kuwiinnan oo ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn. Haddaba anigoo ah rasuulkii dadka aan Yuhuudda ahayn, hawshayda waan derejeeyaa,

  • 10Sababtan aawadeed ayaan waxyaalahan u qoray intaan maqnaa, si aanan markaan joogo si adag idiinkula macaamiloon sida amarkii Rabbigu ii siiyey inaan idinku dhiso oo aanan idinku dumin.

  • 11Kaasoo kale ha ogaado in sidaannu xagga hadalka warqadaha ku nahay markaannu maqan nahay, aannu xagga falimaha ku nahay markaannu joogno.

  • 2 Kor 9:3-4
    2 aayado
    71%

    3Laakiin waxaan u dirayaa walaalaha si aan faanka aannu idinku faaninnay micnela'aan loogaga dhigin xaalkan, inaad diyaar u ahaataan sidaan idhi,

    4waaba intaasoo aannu faankan ku ceebownaaye, annagoo keliyana ma aha, laakiin idinkuna waad ku ceeboobaysaan, haddii kuwo reer Makedoniya ahi ay i soo raacaan oo ay idin arkaan idinkoo aan diyaar ahayn.

  • 13Maxaa idinka dhiman oo aad uga liidataan kiniisadaha kale, anigoo aan idin culaysin mooyaane? Xumaantan aawadeed iga raalli ahaada.

  • 13Isu faanin mayno si qiyaastayada dhaafsiisan, laakiin sida ay tahay qiyaasta Ilaah noo qaybiyey inay qiyaas ahaato, si aannu idiin soo gaadhno.

  • 10Ma waxaan haatan is-oggolaysiinayaa dadka mise Ilaah? Mise waxaan doondoonayaa inaan dadka ka farxiyo? Haddaan weli dadka ka sii farxinayo, ma aanan ahaadeen addoonkii Masiixa.

  • 19¶ Haatan waxaad u malaynaysaan inaannu iska kiin daafacayno. Ilaah hortiisa waxaannu u hadlaynaa sida kuwo Masiix, oo gacaliyayaalow, wax kastaba waxaannu u samaynaa si aad u dhisantaan.

  • 12Haddaba in kastoo aan idiin soo qoray, uma aan qorin kan wax xumeeyey aawadiis, ama kan la xumeeyey aawadiis, laakiin in dadaalka aad noo qabtaan laydinka muujiyo Ilaah hortiis.