2 Korintos 2:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Laakiin mid uuni hadduu qof calool xumeeyey, aniga ima uu calool xumayn, laakiin dhammaantiin buu si ahaan idiin calool xumeeyey; dooni maayo inaan idin culaysiyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 5:12-13 : 12 Waayo, maxaa iigu jira inaan xukumo kuwa dibadda ah? Idinku miyeydnaan xukumin kuwa gudaha ku jira? 13 Kuwa dibadda ah Ilaah baa xukuma. Idinkuse kan sharka leh dhexdiinna ka saara.
  • Gal 4:12 : 12 ¶ Waxaan idinka baryayaa, walaalayaalow, inaad noqotaan sida aan ahay, waayo, anba waxaan ahay sida aad tihiin. Waxba iguma aydnaan xumayn.
  • Gal 5:10 : 10 Xagga Rabbiga waan idin hubaa inaydnaan wax kale ka fikirayn, laakiin kii idin dhibaa, xukunkiisuu qaadan doonaa mid kastuu yahayba.
  • Maah 17:25 : 25 Wiilkii nacas ahu waa u murug aabbihiis, Waana u qadhaadh tii dashay.
  • 1 Kor 5:1-5 : 1 ¶ Meel walba waxaa laga maqlay in dhexdiinna ay sino ku jirto, sinada caynkaas ahna xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ma qabaan, taasoo ah inuu midkiin naagtii aabbihii haysto. 2 Weliba waad kibirsan tihiin, kamana aydnaan caloolxumaan, si kii waxaas sameeyey dhexdiinna looga saaro. 3 Waayo, runtii, in kastoo jidhkaygu idinka maqan yahay, ruuxaygu waa idinla joogaa, oo sidii aniga oo jooga ayaan kii waxaas sameeyey ku xukumay 4 magaca Rabbigeenna Ciise. Markaad idinka iyo ruuxayguba isugu timaadaan xoogga Rabbigeenna Ciise, 5 waa inaad kaasoo kale Shayddaanka u dhiibtaan in jidhku baabba'o, ruuxuse badbaado maalinta Rabbiga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Kor 2:1-4
    4 aayado
    82%

    1¶ Laakiin waxaan aniga qudhaydu goostay inaanan haddana caloolxumo idiinla imanin.

    2Waayo, haddaan idin calool xumeeyo, waa kee kan iga farxinayaa kii aan calool xumeeyey maahee?

    3Waxakan ayaan u qoray inaanan markaan imaado ka calool xumaan kuwa aan ku farxi lahaa, anigoo idinku aaminsan dhammaantiin inay farxaddaydu tahay farxadda kulligiin.

    4Waayo, dhib badan iyo silica qalbiga ayaan idinku soo qoray anigoo aad u ilmaynaya, oo ma aha inaad calool xumaataan, laakiin inaad garataan jacaylka aad u sii badan ee aan idiin qabo.

  • 2 Kor 2:6-7
    2 aayado
    81%

    6Taqsiirtan kuwa badani ay saareen way ku filan tahay kaasoo kale.

    7Laakiinse waa inaad isaga cafidaan oo u gargaartaan inaanay sina caloolxumo aad u badani liqin kaasoo kale.

  • 2 Kor 7:7-9
    3 aayado
    77%

    7mana aha imaatinkiisa oo keliya, laakiin wuxuu nagu dhiirrigeliyey dhiirrigeliskii aad isaga dhiirrigeliseen. Wuxuu noo sii sheegay xiisaha iyo caloolxumaanta iyo dadaalka aad ii qabtaan, si aan weliba aad ugu sii farxay.

    8Waayo, in kastoo aan warqaddaydii idinku calool xumeeyey, kama qoomameeyo, in kastoo aan markii hore ka qoomameeyey, waayo, waxaan gartay warqaddaas inay idin calool xumaysay, saacadna ha ahaatee.

    9Haddana waan ku farxayaa, mana aha inaad si kale u calool xumaateen, laakiin inaad u calool xumaateen toobadkeenidda, waayo, waad u calool xumaateen sida Ilaah doonayay, inaanad waxba xaggayaga ku khasaarin.

  • 76%

    11Bal ogaada, waxakan aad ka calool xumaateen sida Ilaah doonayay wuxuu dhexdiinna ka soo saaray dadaal, iyo iscaddayn, iyo cadho, iyo cabsi, iyo xiiso, iyo qiiro, iyo ciqaabid waaweyn. Wax walba waad isku caddayseen inaad xaalka ku eedla'dihiin.

    12Haddaba in kastoo aan idiin soo qoray, uma aan qorin kan wax xumeeyey aawadiis, ama kan la xumeeyey aawadiis, laakiin in dadaalka aad noo qabtaan laydinka muujiyo Ilaah hortiis.

    13Sidaa aawadeed waa lana dhiirrigeliyey. Dhiirrigeliskii aad na dhiirrigeliseenna farxad ka sii badan ayaannu ku faraxnay, farxadda Tiitos aawadeed, waayo, dhammaantiin ruuxiisaad nasiseen.

  • Fil 2:26-28
    3 aayado
    75%

    26maxaa yeelay, isagu wuu idiin xiisooday kulligiin, oo aad buu u tiiraanyooday, waayo, idinku waad maqasheen inuu bukay,

    27oo xaqiiqa isagu wuu bukay oo dhimashuu ku dhowaaday, laakiinse Ilaah baa u naxariistay isaga, mana aha isaga oo keliya, laakiinse anigana wuu ii naxariistay, inaanan lahaan caloolxumo caloolxumo dul saaran.

    28Sidaas daraaddeed anigoo aad u dadaalaya ayaan isagii soo diray, inaad faraxdaan markii aad mar kale aragtaan, oo ay anigana caloolxumadu iga yaraato.

  • 13Maxaa idinka dhiman oo aad uga liidataan kiniisadaha kale, anigoo aan idin culaysin mooyaane? Xumaantan aawadeed iga raalli ahaada.

  • 2in caloolxumo weyn iyo xanuun aan joogsanaynin ay ku jiraan qalbigayga.

  • 13Waayo, tan u odhan maayo in kuwa kale la daayo oo idinka laydin dhibo,

  • 10Xagga Rabbiga waan idin hubaa inaydnaan wax kale ka fikirayn, laakiin kii idin dhibaa, xukunkiisuu qaadan doonaa mid kastuu yahayba.

  • 2 Kor 7:2-4
    3 aayado
    71%

    2¶ Qalbiyadiinna noo fura. Ninna ma aannu xumayn, ninna ma aannu hallayn, ninna wixiisa ma aannu damcin.

    3U odhan maayo inaan idin xukumo, waayo, markii hore ayaan idhi, Qalbiyadayada ayaad ku jirtaan inaynu wada dhimanno oo aynu wada noolaanno.

    4Iimaan weyn ayaan idinku qabaa, oo aad baan idiinku faanaa. Dhiirranaan baa iga buuxda, oo mar kastoo aan dhibaataysan nahayna farxad ayaa aad iiga badata.

  • Flm 1:18-20
    3 aayado
    71%

    18Oo hadduu ku xumeeyey ama wax kaa qabo, aniga igu xisaab.

    19Anigoo Bawlos ah waxaan gacantayda ku qorayaa, Anigaa bixin doona. Kugu odhan maayo, Wax baan kugu leeyahay xataa naftaadaba ha noqotee.

    20Haah, walaalkayow, xagga Rabbiga farxad aan kaa helo, qalbigaygana xagga Masiixa ku qabowji.

  • 2Weliba waad kibirsan tihiin, kamana aydnaan caloolxumaan, si kii waxaas sameeyey dhexdiinna looga saaro.

  • 18oo weliba sidaas oo kale idinkuna waad farxaysaan oo waad ila rayraysaan.

  • 71%

    16Hase ahaatee, anigu idinma aan culaysin, laakiin khaa'in baan noqday oo sir baan idinku qabtay.

    17Miyaan faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay kuwii aan idiin soo diray midkoodna?

  • 1¶ Haddaba haddii ay Masiixa ku jiraan dhiirrigelin iyo qalbiqabowjis jacayl ah iyo haddii ay ku jirto walaalnimo xagga Ruuxa iyo haddii ay ku jiraan jixinjix iyo naxariis,

  • 2 Kor 2:9-10
    2 aayado
    70%

    9Waayo, taa aawadeed ayaan u qoray inaan idin imtixaamo inaad wax walba ku dhega nugushihiin iyo in kale.

    10Kii aad wax ka cafidaan, aniguna waan ka cafiyaa: waxaan anigu ka cafiyeyna, haddaan wax ka cafiyey, waxaan uga cafiyey aawadiin Masiix hortiisa,

  • 32Maxaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed.

  • Flm 1:7-8
    2 aayado
    69%

    7Waayo, jacaylkaaga waxaan ku haystay farxad iyo dhiirranaan badan, maxaa yeelay, qalbiga quduusiinta adaa qabowjiyey, walaalkayow.

    8¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,

  • 2 Kor 1:4-6
    3 aayado
    69%

    4kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwa dhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gargaaray.

    5Waayo, sida xanuunsigii Masiixu uu noogu badan yahay, sidaas oo kalena gargaarkayagu xagga Masiix wuu noogu badan yahay.

    6Haddii lana dhibo waa gargaarkiinna iyo badbaadintiinna aawadood; haddii lana gargaarona waa gargaarkiinna aawadiis kaasoo yeesha dulqaadashada aannu ku dulqaadanno isku xanuunsiga aannu annaguna ku xanuunsanno.

  • 13Waxaan jeclaan lahaa inaan sii hayo inuu aawadaa iigu adeego inta aan injiilka u xabbisanahay.

  • 10Sababtan aawadeed ayaan waxyaalahan u qoray intaan maqnaa, si aanan markaan joogo si adag idiinkula macaamiloon sida amarkii Rabbigu ii siiyey inaan idinku dhiso oo aanan idinku dumin.

  • 20Idinku waad u dulqaadataan nin hadduu idin addoonsado, hadduu wixiinna cuno, hadduu wax idinka qaato, hadduu isa sarraysiiyo, hadduu wejiga idinka dharbaaxo.

  • 9Markaan idinla joogay oo aan wax u baahnaa, ninna culays kuma aan hayn, waayo, walaalihii markay Makedoniya ka yimaadeen waxay ii dhammaystireen waxaan u baahnaa, oo si kastana waan isu celiyey si aanan idiin culaysin, waanan isa sii celin doonaa.

  • 16Qaarko waxay ku naadiyaan jacayl, iyagoo og in la ii doortay injiilka daaficiddiisa,

  • 15Haddaba meeday farxaddiinnii? Waayo, waxaan idiinku markhaati furayaa inaad ii bixin lahaydeen indhihiinna oo aad i siin lahaydeen, hadday suurtowbi lahayd.

  • 20Waayo, ma aan hayo nin isaga la mid ah oo xaaladdiinna si dhab ah uga welwelaya.

  • 29Kumaa itaaldaran oo anna aanan itaal darnayn? Kumaa la xumeeyey oo aanan ka guban?

  • 24¶ Haatan waxaan ku farxaa xanuunsigayga aan idiin xanuunsado, oo waxaan dhammaystiraa dhibaatooyinka Masiixa oo jidhkayga ku dhiman jidhkiisa aawadiis kaasoo ah kiniisadda.

  • 2Markii horaan idhi, haddana waan leeyahay; sidaan idinku idhi markii labaad oo aan idinla joogay, ayaan haatanna anoo idinka maqan ku leeyahay kuwii hadda ka hor dembaabay iyo inta kale oo dhanba in haddaan mar kale imaado, aanan u tudhayn iyaga,

  • 12Qaar kale hadday waxaas jid idiinku leeyihiin, miyaannan annagu si ka badan idiinku lahayn? Hase ahaatee, waxan noo jidka ah kuma aannu isticmaalin, laakiin wax walba waannu u dulqaadannaa inaannan sina u joojin injiilka Masiix.

  • 12¶ Waxaan idinka baryayaa, walaalayaalow, inaad noqotaan sida aan ahay, waayo, anba waxaan ahay sida aad tihiin. Waxba iguma aydnaan xumayn.