2 Korintos 8:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaannu iyaga la dirnay walaalkeen kan aannu marar badan caddaynay inuu waxyaalo badan ku dadaalo, haddeerna weliba wuu ka sii dadaal badan yahay hubaasha weyn ee uu xaggiinna ku qabo aawadeed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fil 2:20-22 : 20 Waayo, ma aan hayo nin isaga la mid ah oo xaaladdiinna si dhab ah uga welwelaya. 21 Waayo, iyagu waxay kulligood doonayaan waxyaalahooda, mana aha waxyaalaha Ciise Masiix. 22 Laakiinse idinku waad taqaaniin xaqiiqadiisa in sida ilmo aabbihiis ugu adeego uu isagu iigula adeegay xagga injiilka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    16¶ Laakiin Ilaah baa mahad leh kan qalbiga Tiitos geliyey dadaalka aan idiin qabno oo kale.

    17Waayo, wuu aqbalay baryadayadii, laakiin isaga qudhiisu aad buu u doonayaa inuu idiin yimaado, maxaa yeelay, wuu idiin xiisoonayaa.

    18Waxaannu isaga la dirnay walaalka ammaantiisa xagga injiilku kiniisadaha oo dhan wada gaadhay.

    19Sidaas oo keliyana ma aha, laakiin isagu waa kii ay kiniisaduhu ka dhigeen inuu nala socdaalo hadiyaddan aawadeed tan aannu uga adeegno Rabbiga ammaantiisa aawadeed iyo in la arko diyaarnimadayada.

    20Waxaannu iska jiraynaa inaan qofna nagu masabidin deeqsinimadan aannu ka adeegno,

    21waayo, waxaannu ka tashannaa waxyaalaha wanaagsan, mana aha Rabbiga hortiisa oo keliya, laakiin dadka hortiisana.

  • 79%

    23Tiitos waxaa weeyaan wehelkayga iyo ila-shaqeeyahayga xaggiinna; walaaleheenna waa kuwa kiniisaduhu idiin soo direen, waana yihiin ammaanta Masiix.

    24Sidaa daraaddeed kiniisadaha hortooda iyaga caddaan ugu tusa jacaylkiinna iyo faanka aannu idiin qabno.

  • 75%

    13Sidaa aawadeed waa lana dhiirrigeliyey. Dhiirrigeliskii aad na dhiirrigeliseenna farxad ka sii badan ayaannu ku faraxnay, farxadda Tiitos aawadeed, waayo, dhammaantiin ruuxiisaad nasiseen.

    14Waayo, haddii aan xaggiisa wax uun idinku faaniyey, ma aan ceeboobin, laakiin wax walba run ahaan ayaannu idinkula hadalnay, sidaas oo kale ayaa faankayagii aan Tiitos u sheegay run u noqday.

    15Jacaylkiisuna wuu ku sii badan yahay xaggiinna, maxaa yeelay, wuxuu xusuustaa dhammaantiin addeeciddiinna iyo sidaad idinkoo cabsanaya oo gariiraya u dhowayseen.

    16Waan ku faraxsanahay inaan wax walba kalsooni weyn idiinku qabo.

  • 21Waxaan aaminsanahay addeeciddaada, oo sidaas daraaddeed ayaan warqaddan kuugu soo qorayaa, anigoo garanaya inaad samaynaysid wax ka sii badan waxaan leeyahay.

  • 18Tiitos waan waaniyey, walaalkeenna waan la diray isagii. Tiitos miyuu faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay? Miyaannan isku ruux ku socon? Miyaannan isku tallaabooyin ku socon?

  • 1 Tes 3:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Sidaas daraaddeed markii aannu is-hayn kari waynay, way nala wanaagsanayd inaannu keliyahaantayo Ateenay ku hadhno;

    2oo waxaannu idiin soo dirnay walaalkayo Timoteyos, oo ah midiidinka Ilaah xagga injiilka Masiixa, inuu idin xoogeeyo oo idin dhiirrigeliyo xagga rumaysadkiinna,

  • 4Xaggiinnana Rabbiga waannu aaminsan nahay inaad samaysaan oo aad samayn doontaan wixii aannu idinku amarno.

  • 2 Kor 9:3-4
    2 aayado
    74%

    3Laakiin waxaan u dirayaa walaalaha si aan faanka aannu idinku faaninnay micnela'aan loogaga dhigin xaalkan, inaad diyaar u ahaataan sidaan idhi,

    4waaba intaasoo aannu faankan ku ceebownaaye, annagoo keliyana ma aha, laakiin idinkuna waad ku ceeboobaysaan, haddii kuwo reer Makedoniya ahi ay i soo raacaan oo ay idin arkaan idinkoo aan diyaar ahayn.

  • Flm 1:7-8
    2 aayado
    74%

    7Waayo, jacaylkaaga waxaan ku haystay farxad iyo dhiirranaan badan, maxaa yeelay, qalbiga quduusiinta adaa qabowjiyey, walaalkayow.

    8¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,

  • 2 Kor 8:4-8
    5 aayado
    74%

    4iyagoo aad nooga baryaya inaannu ka guddoonno hadiyadda qaybta ku leh adeegidda xagga quduusiinta,

    5oo mana aha sidaan rajaynay, laakiin hortii way isa siiyeen Rabbiga iyo annagaba sidii Ilaah doonayay.

    6Sidaas daraaddeed Tiitos waannu ka barinnay, in siduu hortii u bilaabay, sidaas oo kale uu idiinku dhammeeyo nimcadatan.

    7Laakiin sidaad wax kasta badnaan uga haysaan xagga rumaysadka, iyo hadalka, iyo aqoonta, iyo dadaalka oo dhan, iyo jacaylka aad noo qabtaan, waa inaad nimcadanna badnaan uga haysaan.

    8¶ U hadli maayo amar ahaan, laakiin inaan dadaalka kuwa kale ku caddeeyo lillaahinimada jacaylkiinna.

  • 74%

    12¶ Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.

    13Wax kale idiin soo qori mayno waxaad akhridaan oo aad garanaysaan mooyaane, oo waanan rajaynayaa inaad sii garan doontaan ilaa dhammaadka.

  • Fil 2:22-23
    2 aayado
    73%

    22Laakiinse idinku waad taqaaniin xaqiiqadiisa in sida ilmo aabbihiis ugu adeego uu isagu iigula adeegay xagga injiilka.

    23Sidaas daraaddeed waxaan rajaynayaa inaan haddiiba isaga idiin soo diro markii aan arko sida ay xaaladdaydu u socoto.

  • 15¶ Hubaalkaas daraaddiis ayaan doonayay inaan horta idiin imaado inaad barako labaad haysataan;

  • 22Waxaan isaga idiinku soo diray isla sababtan inaad xaaladdayada ogaataan iyo inuu qalbigiinna dhiirrigeliyo.

  • 4Hubaalkan oo kale ayaannu Masiix ku leennahay xaggii Ilaah;

  • 28Sidaas daraaddeed anigoo aad u dadaalaya ayaan isagii soo diray, inaad faraxdaan markii aad mar kale aragtaan, oo ay anigana caloolxumadu iga yaraato.

  • Kol 4:7-9
    3 aayado
    72%

    7¶ Axwaalkayga oo dhan waxaa idiin sheegi doona walaalkeen Tukhikos oo ah gacaliye iyo midiidin aamin ah oo addoon ila ah xagga Rabbiga.

    8Isagaan idiinku soo diray sababtan daraaddeed, inaad ogaataan axwaalkayaga iyo inuu qalbiyadiinna dhiirrigeliyo,

    9oo weliba waxaan isaga la soo diray walaalkeen Oneesimos, kaas oo ah mid aamin ah iyo gacaliye, oo idinka mid ah. Iyagu waxay idiinka warrami doonaan waxa meeshan ka dhacay oo dhan.

  • 4Iimaan weyn ayaan idinku qabaa, oo aad baan idiinku faanaa. Dhiirranaan baa iga buuxda, oo mar kastoo aan dhibaataysan nahayna farxad ayaa aad iiga badata.

  • 1 Tes 3:5-7
    3 aayado
    72%

    5Sababtaas daraaddeed markii aan is-hayn kari waayay, waxaan idiinku soo cid diray inaan rumaysadkiinna ogaado, waaba intaasoo kii wax jirrabi jiray idin jirrabay oo hawshayadii wax aan waxtar lahayn noqotaye.

    6Laakiinse haatan markii Timoteyos nooga kiin yimid, wuxuu noo keenay warka wanaagsan oo ku saabsan rumaysadkiinna iyo jacaylkiinna, iyo inaad kol kasta si wanaagsan noo xusuusataan idinkoo xiiso u qaba inaad na aragtaan sida aannu annaguba xiiso ugu qabno inaannu idin aragno;

    7sababtaas daraaddeed, walaalayaalow, dhibkayagii iyo qaxarkayagii oo dhan waxaannu kaga qalbi qabownay xaggiinna, rumaysadkiinna aawadiis;

  • 14Oo weliba walaalaha xagga Rabbiga badidood, iyagoo xidhnaantayda ku kalsoon, ayay aad iyo aad ugu dhiirran yihiin inay ereyga Ilaah cabsila'aan ku hadlaan.

  • 7mana aha imaatinkiisa oo keliya, laakiin wuxuu nagu dhiirrigeliyey dhiirrigeliskii aad isaga dhiirrigeliseen. Wuxuu noo sii sheegay xiisaha iyo caloolxumaanta iyo dadaalka aad ii qabtaan, si aan weliba aad ugu sii farxay.

  • 5waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin.

  • 16laakiinse aadan mar dambe u haysan addoon sidiis, illowse si mid addoon ka wanaagsan oo ah walaal aan khusuusan anigu jeclahay, laakiinse adigu aad iga sii jeceshahay, xagga jidhka iyo xagga Rabbigaba.

  • 4laakiinse siduu Ilaah noogu bogay inuu nagu ammaaneeyo injiilka, sidaasaannu u hadalnaa, mana aha inaannu dadka ka farxinno, laakiinse inaannu ka farxinno Ilaaha qalbigayaga imtixaama.

  • 9Waayo, taa aawadeed ayaan u qoray inaan idin imtixaamo inaad wax walba ku dhega nugushihiin iyo in kale.

  • 2Laakiinse annagoo awil aad ugu xanuunsannay oo lanagu ceebeeyey Filiboy, sidaad og tihiin, waxaannu ku dhiirranaannay Ilaaheenna inaannu injiilka Ilaah idiin sheegno annagoo dhib badan ku jirna.

  • 6Iyagu jacaylkaagay kiniisadda horteeda kaga markhaati fureen. Wanaag baad samayn lahayd haddii aad iyaga u ambabbixisid sida Ilaah istaahilo;

  • 25¶ Laakiinse waxaan lagamamaarmaan ku tiriyey inaan idiin soo diro Ebafroditos oo ah walaalkay iyo mid ila shaqeeya oo aan isku askar nahay, oo ah kii aad soo dirteen iyo midiidinkiinna xagga baahidayda,